site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waa maxay fadliga maalinta cashuura.waana goorma maalintas.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): Waa maxay fadliga maalinta cashuura.waana goorma maalintas.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ma

Saturday, March 03, 2001 - 04:13 am
Assalamu aleykum.
walaal waxan rabaa inan ogaado fatliga malintan iyo goortay ku aadan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Saturday, March 03, 2001 - 07:30 am
Asalamu Calaykum.
Walaal waxaan rajeynayaa inay kaaga filan tahay walaashey Deeqa allaha ka ajarsiiya ee, oraalkeedan.

Hadalka qeybtiisa dambana waxa uu quseeyaa sanadii hore, waxaan ula jeedaa meesha ay walaasheen ku leedahay bisha Muxaran waa 7. Marka adiga la soco bisha Muxaram waa bisha soo socoto ee muslina.

Deeqo
Unrecorded Date
--------------------------------------------------------------------------------
Imaamu Muslim wuxuu kitaabkiisa saxiixa ah ku wariyay in Nebigu (S.C.W) uu yiri"Soonka Aashuuraa Eebe wuxuu ku dhaafaa denbiga sanadkii hore"

Saxaabiga ibnu cabaas Alle ha ka raali noqdee wuxuu wariyay"Markii Nebiga (S.C.W) uu soo galay Madiina wuxuu arkay dadkii yuhuuda oo soomaya maalinta Aashuuraa. Wuxuu Nebigu weydiiyay 'Maxaad u soomantihiin?' waxay ku jawaabeen 'Waa maalin fadli badan, waa maalintaa Eebe ka badbaaiyay reer Banii-Israaiil cadowgooda, Nebu Muusana wuu soomi jiray maanta oo kal' Nebigu (S.C.W) wuxuu ku jawaabay anaga ayaa idinkiga xaqnima badan inaan ku dayano Nebi Muuse Alle ha u naxariistee. Wuxuu bilaabay Nebigu (S.C.W) inuu soomo maalinta Aashuuraa wuxuuna muslimiinta kale ku booriyay inay soomaan" Waxaa weriyay Al-Bukhaari 1865.

Axaadiista saxiixa waxay tilmaameysaa inay waajib ahaan jirtay in la soomo maalinta Aashuura ka hor inta aan la waajib yeelin soonka bisha Ramadaan.

Waxaa fadli badan in la soomo 9 iyo 10 ama 10 iyo 11 bisha Muharam si loo khillaafo yuhuuda iyo nasaarada. Muslim wuxuu wariyay "Markii Nebiga (S.C.W) uu bilaabay inuu soomo 10ka muharam, asxaabtiisa ayaa waxay ku tiri 'waa maalin ay u dabaal-degaan Yuhuuda iyo Ansaarta'. Nebiga (S.C.W) wuxuu ku jawaabay 'Hadii aan noolaado sanadka soo socda waxaan soomi doonaa 9 iyo 10' Laakiin Nebiga (S.C.W) wuu dhintay inta uusan gaarin" Muslim 1916.

Walaalayaal waxaan nafteyda iyo tiinaba ku waaninaayaa inaan ku dayano nebigeena (S.C.W) oo aan soono 9ka iyo 10ka bishan muharam. Hadii aad soonto waxaa Eebe uu kuu dhaafi doonaa dembigii aad sameysay sanadkii hore.

Bisha muxaram waa 7 maanta 9ka iyo 10ka waa labada maalmood oo ay sunnadu tahay in la soomo waxayna ku aadanthay Jimcaha iyo Sebtiga.

Wasalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ma

Saturday, March 03, 2001 - 08:24 am
Walaalahey Deeqa iyo Huska, jazaakumulaaah qeyran.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.