site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ma culumobaa kuwa isku daya in ay diinta waxyeeleeyaan

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ma culumobaa kuwa isku daya in ay diinta waxyeeleeyaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khayr qabe

Unrecorded Date
niman jooga magaalada Muqdisho ayaa waxay qabteen muxaadaro lagu magacaabo (xuquuqul mar ah).
waxay kala yihiin nin lagu magacaabo Ibraahim dasuuqi iyo Qudubi oo isku dayay in ay ku jees jeesaan diinta islaamka iyo nabigeena suuban nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato.
Waxaa ugu horeeyey ninka la yiraahdo dasuuqi oo
ka hadlay in gabadhadha lagu guursan karo sagaal jir, wuxuuna beeniyay xadiiskii nabiga uu ku guursaday caasha umul muuminiin sagaalka sano wuxuuna yiri nabiga waa iga dooq fiican yahay sbabtoo ah sagaal jir buu ku guursaday laakinse aniga isuma quuro.
sidoo kale wuxuu yiri in aan loo baahneyn marqaatiga ninka iyo labada dumar hadii nin kale la waayo oo wuxuu yiri waxaa wax lagu kala dhiganaya maanta kunbiyuutar ee looma baahna marqaatidaas.
waxa kaloo uu yiri ninkaas in ay gabadha muslimada ah ay noqon karto imaamka muuminiinta ama dheh khaliifka umaada islaamka ah.
wuxuu isku dayay cajal kale in uu wax ku saxao laakiin muwqifkiisii buu ku sii adkweystay.
marka ma la dhihihi karaa ninka diinta ku tumanaya sidiisa oo kale si uu u qanciyo reergalbeedka iyo xuxuuqda dumarka uu u soodhiciyo sheekh waxaan jeclaan lahaa qofkii doonaya in uu dhageysto wuxuu ninkaa ku hadlay in uu ka sii dhacyo bohol aad u dheer
waxaa rediyay ninkaa iyokuwa kale ee ay isku afkaarta yihiin culumo soomaaliyeed oo qiiro badan
ooay ka mid yihiin .
Sheekh Axmed Daahir Aweeys oo degan ingiriiska
Sheekh Cabdulqaadir gacameey oo degan Bari soomaaliya .
Sheekh Cabdulaahi Xaashi oo dagan Muqdisho soomaaliya
sheekh shibile oo degan wadanka holand.
waxaan rajeynayaa in aan soo gelin doono muxaadarooyinka oo dhan Internetka hadii ilaah idmo.
asalaamu caleykum wa raxma tulaahi wa barakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ku: shar badne !!!!!!!!


Waxaa hubaal ah inaad tahay shar badne, ummadana kala dila, dadkana loo soo diray, si aad ugu dhex abuurtid muran iyo dood.

Cid umbaa ku adeegsanaysa, ee wax yahow xayawaanka ah ummadda waxa kala dhex bax.

culummadana afkaaga uraya haku taagin.

dagaalkii xarakooyinka ayaad dib u abuuraysa miyaa ????

sheekhyada aad sheegtay dhammaan waa itixaad !!!!!


looma baahna hadalkaaga !!!!!

meelahaan aad baa looga hadlay, bal booqo meelaha sare (sida. eedeyn, aflagaaddada .... iwm)kuwaasaan ku daalnay shar badane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULLAHI

Unrecorded Date
TO: KHEYR QABE

Hore ayaan arinkaas u maqley,

aniga waxey ila tahay in nimankaa saxsan yihiin oo ay sidaas diinta u fahmeen.

Mida kale dadka diinta wax u geysanayo waa adiga oo kale oo uu wax uu cilmi u laheyn, dadka ku eedeynayo.

culimada wey is qilaafi jireen, hadana wey is qilaafayaan.

Ma qasab baa in nabiga wax ala wixii uu jeclaa la jeclaado? Nabigu bani'aadam anaga nala mid ah ayuu ahaa oo dooq leh, Shiiqan kalena dooq kale ayuu leeyahay.
nabiga waxaan oga dayaneynaa waxii cibaado illahey loogu dhawaanayo. EE sagaal jir la guursado sunno ma ahin, ee waa dooqiisa.

nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Caalykum.
Waxaan umalaynayaa arintan wax badan ayaa laga hadlay meela badana waxlooga qoray,anigu marna kama qayb qaadan,waayo ma jecli wixii ummada kala dilaya in la wadwado,qofkii khaldama ma aha in la ceebeeyo,ee waa in loo naseexeeyo ,hadii sidaa la sameeyo wax waliba way dhamaanayaan oo khilaaf badani k majirayo,hadiise la wadwado waxaa imanaya wixii hore wax ka wayn iyo isu calool xumaasho.
Waxaa kale oo iyana lagama maarmaan ah inaan cidna xaqdaro loogu hiilin,ama lagu difaacin ,oo inta aad shiikhaaga difaac isleedahay aadan adigu dambi gelin.
TO Cabdulaahi..Walaal waa run oo culimadu way si khilaafi jireen,hadana waxyaalaha furuucda ah waa la isku khilaafaa,laakiin laykula ma dagaalamo,marka waxaan ku oran lahaa qof difaaciis yaanu danbi ku gelin,ee markaad qof u jawaabayso,si degan oo Alle ka cabsi ku jiro wax u qor,taasi waa naseexo aan kuu soo jeedinayo.
To Walaalaha kale.
Walaalayaal arintan meelo badan baa looga dooday ee inaga joojiya oo mawaadiic kale inoo fura.
Walaalkiin Abdalla(Denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuu-cabaas

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
TO:Somalinet walaalyaal runtii aad ayaad u kala shaandhayn jirteen laakiinmaanta wax idinku dhcay magaranayo runtiii waxaan jeclaan lahayn dadka dadka kale fikradooda ku caayaya inaad gooysaan taasi waxay qayb ka qaadanaysaa in qofku doodiisa sii wato cay xun ayaa meesha ku taala dadka uga nasteexeeya.


Walaal khayr qabe sida A/lla sheegay meelo badan ayaa looga hadlay marka adiga waxaan ku dhihi lahaa hadaad soo gelinkarto culimada aad sheegtay soo geli cinwaankana na sii.

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

N.S.S

Unrecorded Date
Ku: "Anonymous" ama Nabad-doon !!!!!!!!!I GOT YOU!!

War Nabad-doonoow Illaah ka baq, dadkana ha caayin! Dad baad Itixaad ku sheegeysaa iyo xarako adigana? ISLAAX? miyaadan aheyn? Haddana magacaadi NABAD-DOON inta ka tagtey ayaad "Anonymous" labaxday, Waa yaab! Alle kacabso ninyahoow ninka aad af-ure ku cayneyso ma adaa afkiisa uriyey maxaad u dambaabeysaa? Hadaladaada iyo afkaarahaada horeybaanu u aragney dadkuna waa ogyihiin ee Rabbigaa ka baq oo sidaa isu dhaam.

Horeyna "Nasra" ayaad ula baxdey!

N.S.S

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
TO: CABDALA
Saxib wax dagaal ma ah ma yaal, ee waxaan radineynaa sheydaankaan la magac baxey qeyrqabe.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaqdoon

Unrecorded Date
Salaamu Aleykum !!
Ku: N.S.S, Abu-Cabbas,Abdalla, Abdulaahi, Kheyr-badne, Nabad-doon, iyo Inta kale ee Wadaadda isku sheegtaay

Salaanta Islaamka kadib, wacyiga maanta dunidda jira waa in aad la socotaan oo aad Waaqiciyiin noqotaa, Internetka- Hawl ayaa idiin taal, ma garanaysaan hawsha ini sugeysa? page:kan halka ugu horeysa waxaa ku qoron ururka NSYL(NEW Somali Youth Leage), Ujeedooyinkiisa waa la yaqaanaa oo waa wax u qabadka umadda,, Hadii aan Anaggu Ururo Islaamiyiin ah aanu nahay maxaan u jirnaa? aaway shaqadeenii? Yaan wax aan loo baahneyn wakhtiga lagu lumin, Umadda Maxaad u Heysaa? Maxaad u soo Wadaa? Maxaad u soo Qabatey?

SHeekh baa sideyn yidhi, iyo mayee sidaas bay ahayd xal ma aha.. so you wadaad'ies Where is Your agend?

by the way why always is so boring in your conversation pages, no laugh.. no joke... hmmmmmm
Asaaca bi saaca yaa Caisha....

here we go.. bari baan gabar Caashaqay.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KATARABIILK

Unrecorded Date
holatay ee maxaa meesha uun idin dhigay,,garan waa waa xaajadaad maldaheysaane,,nimanyahoow ma afkeenii baanu nabigii salawaatulaah wa salam ula tagnay ,,,,waar KHEYR QABOOW ina soo gaarsii cajalkaan raggan nabigeenii suubanaa looga maara la'yahay,,,waar ma nabigii bey yidhaaheen iga dooq roonaa ee iyo ma geeyo gabadfhuu calfaday ,waar wuxu iney run yihiin iyo in kale bal internetka soo galli in ilaahay kheyr ku siiyo,, meesha laga helayana halkani inoogu dhaaf,,ama emailkaaga meesha inoogu dhaaf oo inagaa kula soo xiriireyna ,,,bal wuxu inaan ogaano ,,bala ka dhacday!! waar ninku balakhabuhu ma shiiq baa,,hoog iyo ba'ina aheyne,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGAYSAAWI

Unrecorded Date
asalaamu calaykum
walaalayaal arinta nimankaasi ku kaceen ma aha runtii wax quseeya FURUUCDA diinta ,laakiin waa wax taabanaya USUUSHA DINTA ,waxaa kuu cadayn kara SHEEKH MAXAMED MACALIN waxa uu ku xukmiyay kufri ( sheekh maxamed macalina ma itixaad baa ) sidoo kale CALI DHEERE oo ah gudoomiyayaha maxkamadaha xamar waxa uu sheegay inuu lug iyo gacan is dhaafa jari doone ninka QUDUBI la yidhaa waayo wuxuu ku xukumay MUFSID .
NIMANKAN WAXAA RADIYAY ILAA IN KA BADAN 30sheekh,MARKAA YAAN LA FUDUDAYSAN ARINKA ,waxaad na khaladkooda garan kartaa marka aad dhagaysato cajiladaha ay duubeen.
MANA AHA ARINTANI WAX KHUSEEYA XARAKAAD OO WAA WAX KHUSEEYA USUUUSHII DIINTA .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

USAAMA75

Unrecorded Date
TO. KHEYR QABE . ASALAAMU CALEYKUM WALAAL AAD IYO AAD AYAAD UGU MAHADSAN TAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD UGU NASTEEXAYSAY KUWA RAACSAN RAGAA IYAGA AH WAXAANA AYAAN DARO AH QOF HADDII UU QALDAMO IN LAGU RAACO QALADKIISA LOONA OLOLEEYO WAA HUBAAL RAGAAS IN AY LAYIMAADEEN BIDCO TII UGU WEYNEYD MANA AHA AWAL SAHMI OO AY SOO TUURAAN EE SAHMIYO BADAN AYAY SOO TUUREEN WAXA AY U MALEEYEEN IN SIDII HORE LOOGA GAABSAN DOONO CALAAMADA EHLU BIDACA WAXAA LAGU YAQAANAA IN AY KU DHACAAN EHLU SUNAHA RAGAANA WAXA AY RAACSAN YIHIIN TURAABI OO CAQLAANI AH MARKAASAY DIINTII ALLE CAQLI KALA HORTAGEEN ASALAAMU CALEYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.