site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SHUKAANSIGA AMA XO-XODASHADA SOOMAALIDA SIDEE BAA ISLAAMKU U ARKAA MASE WAA FAQSANTAHAY SIDII DIINTU RAALIGA KA HAYD.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): SHUKAANSIGA AMA XO-XODASHADA SOOMAALIDA SIDEE BAA ISLAAMKU U ARKAA MASE WAA FAQSANTAHAY SIDII DIINTU RAALIGA KA HAYD.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A-C

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Akhyaareey waad salaamantihiin salaan kadib walaalayaal waxaan doonayaa inaan kala faa,iidaysano mana balan qaadi karo inaan mawduucaan sii wado laakiin waxaan rabaa dadka caqliga u saaxiibka ah inaan afkaartooda akhristo.

Runtii shukaansiga soomaalidu maaha wax meel taagan mana aha wax loo ktaab dayo ee qofba siday ugu gashuu u wadaa taasi waa aragtidayda.

waqti ayaa jiray dhalintu isugu imaan jireen goobaha ciyaaraa sida saarka jaandheerta iyo meelaha gololiyuhu ka dhacayo kadibna gabadha iyo wiilku isu jiibin jireen halkaasna isku raaci jireen waqti yar gudihiis

Waxaa jiray waqti gabdhaha laka dhici jiray oo fardo lagula tagi jiray,waxaa kaloo jiray in gabdhaha lala guurayn jiray iyaga oo waalidkood lagala baxsanaayo,waxaa kaloo jirtay oo kamid ahaa dhaqan soomaalida in gabadha la soo dooni jiray waalidkeedna loo imaan jirtay iyada oo aan waxba lala sheekaysan kadibna aabuhu bixin jiray yaradna lagu kala qaadan jiray
sida uu yiri abwaankii
beri hore waxaa jiray inan baarax geeliyo faraskii baxdoowda yarad looga bixiyaa buntukhana loogudaraa.

Waxaa kaloo ka mid ahayd dhaqanka soomaalida in wiilka iyo gabadha isla sheekaystaa wax saaxiibo lagu sheegana noqdaan iyo xiriirbaan ku jiraa kadibna mudo markii lawada socdo ayaa waalidka loo imaan jiray ama loo gooyn jiray,iyo kuwo kale oo badan.

Hadaba waxyaabaha dhaca waxaa kamida in meel cidla ah la sila doonto si loo sheekaysto in mararka qaarkood la istaataabto in baararka lawada aado in qoobka laga ciyaaro in la sidheho waan ku jeclahay xabiibi iyo wax lamida in hadalo jilicsan la iskula hadlo in aabihii gabadha loo gacan dhaafo oo isagoon ka warqabin xiriir lala samaysto

Doonidu waxay tahay inaana laysla fahansanayn,weliba hada waxaa bilaamay markii aan qurbaha nimi shukaansiga teleefonka iyo Netka
Hadaba intaas oo dhan kee ugu saxsan laguna danbaabayn????


Waa su,aal ka fiirsi u baahan bal walaal kudarso aragtidaada iyo waxaad ka qabtid, saldhiguna ha ahaado diinta ma wafaqsantahay ee yaanuu noqon guur sidee ku helaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IGALLIWAA

Unrecorded Date
ANIGU WAXAANAN FAHMIN SAARKA JAANDHEERTA GALOOLIYUHU KA DHACAYO,,MA MEEL ADIGA KUU GAAR AH MISE SOOMAALI OO DHAN BAA TIQIIN WAXAAD AAD TIRISAY MISE TUULADII ADD KA TIMMI BAA LAGA YAQAAN OO DADKA SOOMAALI LA YIRAAHO AAD DUSHA KA SARTAY,,,,,GAW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date
Ammin Wanaagsan Gidiin

A-C bal su'aal yar, waxaad soo caraboowday dhamaan heerarka uu soo maray shukaansigu iyo tadawurkiisii, bal adigu dhankee raacsan tahay :-)

Waxaa marag ma doonto ah in bulsho walba oo caalamka saarani ku jirto isbedel dhan walba ah kaasoo ku salaysan hadba xilliga lagu jiro iyo moowqifka bulshadaas, hase yeeshee mujtamaceenu uusan marnaba kaga duwaneyn bulshooyinka kale.

Aragtida ah in sheekeysiga gayaankeenu uu marxaladu kala duwan soo maray waa mid dhab ah, hadayse su'aashu tahay keebaa ugu wanaagsan waxaan shaki ku jirin, in jiil waliba tiisu la quman tahay, ileyn horaa loo yiri "nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira".

Waxaa aniga shakhsi ahaan ila foolxun shukaansiga laga soo dheegtay bulshooyinka aan martida u nahay sanooyinkaan danbe, kaasoo si u gacan bidixaynaya dhaqankeena Soomaaliyeed, balse aanu dhowro halka uu ku dhamaado dheegsigu.


NABAD iyo CAANO

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony-Z

Unrecorded Date
shukaansiga waxaa aniga ila fiican midka gabadha laga doono aabahed oo ama yarad halaga bixiyo ama yaan laga bixine aabaheed la waydiisto

waxaan aad u nexbahay nimanka iyo naagaha israaca oo baararka kawada tumanaya amaba hadalada jilicsan isugula hadlaya
cuz then sheydaanbaa kadhax shaqeeynkara

amaana allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raxma

Unrecorded Date
salamu alaykum y'all
I just wanted to say that I agreee with Anony-z...in this day and age and especially since we are MUSLIMS its important for us to realize what it right and what it wrong... And this free intermingling of the sexes is totally wrong.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
Walaal anigu waxaan aminsanahay inuu yahay shukansigu waax labada qofood ey isku bartaan siyeey isku fahmaan markey isgursanayaan aahna markaas ineysan imaaneyney meshaas hadalo aan lobahneeyn shukaansi dartiis na umaadu mabadateen waa wax kudid´san nollosha umada, lakin dadka qaarkood waxey semeyaan lama yiraah waa shukaasi sida hadalada qaarkood oo uu kudhoho wiilku gabada amaba eey gabadu ku tiraah wiilka waxaa laga yabaa iney kiciyaan shahwadiisa islamaarkaas waxaasna waa waxa kamabnuuc ah diinta islaamka, balse haduu yahay skukaansi caadi ah waa caadi ,diintuna maqabto iney gusrato gabadu qafeysan aqoon ama ey isbaraan siduu yahay dhabeecadiisa.
hadaan wax qaldayna waa laisixi karaa sida iyo nabadey
walaashin Amina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali yare

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi.

salaan kadib waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo mawduucaan dabcan intii karaankey ah.
waxaan filayaa shukaansiga diintu qabto ama ay raali katahay iyo midka soomaalidu isticmaasho inuu kala duwan yahay, sababtoo ah diintu maqabto inaad iskala sheekaysato gabar uusan waligeed kuu ogolaan maxaa yeelay culumada islaamka qaar kood waxay usoo daliilsadaan aayad kujirta suuratul baqara oo faraysa in guryaha aan dhabarka laga soo galine laga soo galo irdahooda iridka gabadhuna waa waligeeda marka gabar waligeed la'aanteen lama shukaansa karo.
waxaa laga yaabaa in dad badan ay yiraahdaan sidee ama suurta gal maahan laakiin diintu sidaas ayay qabtaa.

intaas ayaan kusoo gaban gabaynayaa.
wixii aan qaldayna ilaah hayga cafiyo wixii aan saxayna ilaah ayaan ajar waydiisanayaa.

Asalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.