site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SALAFIYA AL JADIIDA Maxey Tahay?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): SALAFIYA AL JADIIDA Maxey Tahay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IbnuKhalif

Wednesday, March 07, 2001 - 01:38 am
Waxann halkan ku soo qorayaa maqaal aan ka soo guuriyey Ibnukhalif oo u Jawaabaya SALAFI, waa mowduuc aan dul maray markii dambena aan la dhacay sida quman oo taxliil cilmiga ah oo u soo qoray Ibnukhalif, Sit Back, relax, read and enjoy.


Salafi

Marka horeba waxaad boggaan u furtay inaad isu taqaan ama dooneysaba inaad meesha caan ka noqoto, eeg hadalkaa ku furtay boggaan... Taas waxaa kaxun irjaaga aad halkaa ka faafineyso... Waxaa u hadashaa sida nin cilmiga baxar ku ah camal , hadal laga soo tarjumay kitaab murji uu leeyaha iyo af-soomaali jacbur ah ayaa meesha noo keentay, wallaahi kullu caqli saliim ah wuu kaa diidayaa... Kullamaa aan aqriyo waxaa qorto sida A-yaasha iyo B-yaasha aad gidaarka noogu malaastay, kullamaa aan kugu qoslo walaakinnahuu dixkun kal bukaa... Ummaddii muslimka iyo juhdigoodii inaad soo qabatay oo aad isugu kuustay sida cajiinta oo kale ayaa waxaa tiri B ayaa la dhahaa anagana A ayaa nala dhahaa...

Waxaa yaab leh markaa tiraahdo anagu jihaadka waan aaminsan nahay iyo sida aad u inkirsan tahay guusha ay dadka muslimka gaareen hadaa eegto hadalkaaga intey miino isku xir-xiraan iwm...

Waxaan shaki ku jirin in muslimiinta guulo farabadan ka gaareen cadawgooda, Afgaanistaan maanta waa meesha keliya nin usuuli uu ku nabad geli karo, hadii loo fiiriyo sacuudiga ay salafiyatu-jadiida leeyihiin amiirul-mu'miniin ayaa jooga (waa boqorka) waa meesha culimada muslimka amaanka ku heli la'yihiin, oo fatwoyiinka qaarkii sanka laga gelinaayo sida in lakaalmeysto quwad gaaleed agains muslims in Iraq sheekhii diidana ama kahadla in la ciqaabaayo..

Walaalayaal quwaddii kahor tagtay Rushkii afgaanistaan iyo shiishaan ma NATO bey aheyd mise shicibka muslimka oo shicaartoodu ahayd allaku-akbar? salafina wuxuu leeyahay war nagadhaaf kuwaasi waa B.

Aan u imaado fikriga irjaaga ee aad faafineyso...Fikrigaa waxaa aad u nashriya ninka ay yiraahdaan Xalabi (waa ninka uu salafi hadalka nooga soo guuriyo) oo isku arka inuu yahay kibaarul-culamaa fii jordan...Kutub uu daabacay iyo qaarkale uu asagu leeyahah, waxaa diiday in la daabaco lajnatu-daa'ima wal iftaa, lajnadu waxay sheegtay kutubta sida taxdiir min fitnatu-takfiir(cali x. xalabi) iyo sayxatu-nadiir(cali x. xalabi) iney dadka ugu yeerayaan mad'habta irjaaga ah sida in camalku aheyn shardi uu imaanku ku ansaxaayo (sida salaada, soonka, xajka, zakada, shareecada iwm.. iney yihiin arkaan u baahan in la ictiqaado lana qiro waajibnimadii, hadduu doono qofku yuun la'imaan gudashadooda ama ku xukunka kitaabka)...

Lajnadu waxey intaa ku dartay in xalabi mad'habtaa u nisbeeyay ahlu-suna, kuna been abuurtay culima badan sida:
Ibnu-taymiya
ibnu-kathiir
sheekh maxamed ibraahiim

Lajnadu waxey soo saartay in kutubtaa aan lagu daabici karin sacuudiga lana nashrin karin, sababtoo ah waxaa kabuuxa baadil iyo taxriif... Waxaa saxiixay hadalkaa cudwiyaasha lajnada sida:

1. Cabdalla bin Cabduraxmaan
2. Bakar bin Cabdalla Abuu-Zeyd
3. Cabdulcaziiz bin Cabdalla Aala-sheekh
4. Saalax bin Fowzaan

Fatwadaa lambarkeedu waa 21517, taariikhda 14/6/1421 Hijri.

Haddii aan isku dayo inaan si kooban ugu iftiimiyo halkaa mad'habta saxa ah ee ahlu-sunaha...Sufyaanu-thowri wuxuu yiri (haddii qofku acmaasha uga tago juxdi, wuxuu gaaloobay tii ibliis ookale, hadduu qiro fardinimada acmaasha, laakiin la imaan waayo, wuxuu gaaloobay tii culimadii yahuuda oo kale)...

Sheekh Maxamed Ibraahiim (waa sheekha lagu haysto xalabi) wuxuu yiri (kufriga ugu weyn waa in la dejiyo qawaaniin la lacnaday, booskii wixii jibrii(cs) kusoo dejiyay qalbigii maxamed(scw)).. ka eeg kitibkii taxkiimul-qawaaniin 8-18...Ibnu-taymiya wuxuu yiri (haddii qeyb diinta kamida loo nisbeeyo ilaahey qeybta kalena loo nisbeeyo qeerkii, Wajabal-qitaalu)...Meelkale wuxuu ku yiri (haddii aad aragtaan anigoo lajira tataarka(waa qolodii bilowday qawaaniinta wadciga) kitaabkuna(quraanka) madaxa ii saaran yahay, idila)...Ilaahay(sw) wuxuu yiri (Yaquuluuna aamannaa billaahi wabi-rrasuuli wa-atacnaa, thumma yatawallaa faruuqun minhum min bacdi daalika wamaa ulaa'ika bi-mu'miniin)... Aayadaa waxey nafyineysaa iimaanka qofkii camalka katago hadduu doono qowl hala yirmaado.

Walaalayaal aan isweydiino ????????

Xadiiskii saxiixa ahaa safwaan(rc) wuxuu yiri (Koox yahuuda ayaa u timid nebiga(scw), waxey weydiiyeen sagaal aayadood, kadib markuu ugu jawaabey ayey ku dheheen...waxaan shaahid kanahay inaad nebi tahay, markaasuu nebiga(scw) yiri maxaa diidayo inaad iraacdaan...markasey dheheen qoomkeenii baa nadilayo haddii aan ku raacno)...

Yahuudaa xukunkeedu muxuu noqonayaa haddii kufriga lagu sifeeyo ictiqaad keliya? Ibliis xukunkiisu muxuu noqonayaa, ileen wuxuu diiday amarkii ilaahey oo ahaa inuu u sujuudo aadam, laakiin wax uu beeniyay majirin...Abii taalib oo qirsanaa nebinimada maxamed(scw) xukunkii muxuu noqonayaa?

Raggaa salafiyatu-jadiida fikrigaa iney qaataan waxkale kuma qasbin, keliya waxey doonayaan iney difaacaan qawaaniintii yuunaanka iyo ruumaanka, waxey doonayaa iney yiraahdaan haddii laga tago taxkiimu-shariica waa kufri-camali diina looga biximaayo??????????????????????????????????????


Walaalayaal caqiidada ahlu-sunaha waa waadix ka-wuduuxa-shamsi fii raabicati-nnahaar uma baahna inaad ka aqrisataan kutub ceebeysan oo idin kugu yeereysa inaad noqotaan baatiniyiin.

Assalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 07, 2001 - 09:18 am
ibnukhalif

war ibnukhalif miyaad khafiiftay

waa sidee adigii unbaa isxayay siinaya'e?

sowkay somalidu ku maah maahi jirtay nin isfaan shay waa ri isnuugtay , walaal waxa kaa muuqata inaad nin yar oo dag dagaya tahay marka waxan kugula talin lahaa inanu fudayd ku qaadin ,

waaka adigii unbaa isfadeexeeyay waxana laga yabaa inay sababtu tahay culumada aad bilaa cilmiga iska masabidanayso waayo xadiis sidaa sheegaya ayaa jira in alle uu fadeexaynaya qofkii qof walal kiis ah masabita , gurigiisa dhexdiisaba haku jiro e


xataa quraankay ku jirtaa oo alle wuxu yiri

" alle wuxu difaacaa kuwa rumeeyay "


walalow yayna caadifad xizbi ku qaadin oo haku diinseegin arimahana sidagan uga baaraan dag, xataa somalidu waxay ku maah maahdaa , rag iska dhici iyo rabbi ka cabsi meel mawada galaan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 08, 2001 - 12:08 am
Anonymous

Nin wax akhrin yaqaan ma tahid, haddaa akhrisid hadalka ugu horreyay waxaad arki kartaa inuusan Ibnukhalif boggaan asaga wax ku soo qorin ee uu ku qoray hadalkaan bog hore oo nin la yiraah SALAFI uu furay,

Nin kale ayaa soo guuriyey hadalkaas oo ku dhajiyey boggaan magaciisana ku qoray.

Marka inaad ku aflagaaddotid qoraaga oo tiraahdid waad isfaanineysaa waa ceeb kaa muuqata ood nin kale ku eedeyneysid. Been iyo iftiraa ayey kugu tahay waxaad ka sheegtay Ibnu Khalif, maxaa yeelay waxey u badan tahay inuusan wali ogeyn in warkiisa lagu dhajiyey safxaddaan.

Marka, waxaad ku wanineysid Ibnu Khalif, adiga ka faaideyso, aad baad ugu baahan tahay.

farta ceebta ah ood ku fiiqeyso Ibnu Khaliif, seddexda farood oo ka soo haray, adiga ayey kugu soo jeedaan, ee ceebtaada la walwal, kana yaxyax.
Markaas warso nin warmoog ah inaad ku iftirootay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.