site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Islaamku wuxuu ka qabo gudniinka gabdhaha..

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Islaamku wuxuu ka qabo gudniinka gabdhaha..
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Marka laga hadlaayo gudniinka gabdhaha culumadu waxay u kala baxeen sedex madhabood:

1) Culumada qaarkood waxay yiraahdeen waa waajib in la gudo gabdhaha (waxaa culumadaas ka mid ah Imaam Ash-shaafici)
2) Culumada qaarkood waxay yiraahdeen waa wanaagsantahay waana mashruuc in la gudo gabdhaha (waxaa sidaa qaba Imaam Abuu Xaniifah, Imaam Maalik, Imaam Axmed ibnu Xanbal & qaar kale).
3) Madhabta sedexaad waxay qabtaa inaysan haboonayn in gabdhaha la gudo.

Hadaba sedexdaa madhabood kee ayaa xoog badan? Waxaa xoog badan madhabta labaad oo dheheysa way wanaagsantahay waana mashruuc in gabdhaha la gudo. Waxaa madhabtaa xoojinaaya axaadiista soo socota:
1) Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri “Haday kulmaan labada gudniin (waa gudniinka ninka & gudniinka naagta - micnaha ay isu galmoodaan) waxaa waajibay qubeys”. Xadiiskani wuxuu tusaayaa inay mashruuc tahay in dumarka la gudi karo.

2) Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri isaga oo la hadlaaya haweeney gabdhaha gudi jirtay oo la oran jiray Ummu Cadhiyah “Midida taabsii uun oo ha wada gooyn, sidaa ayaa u wanaagsan haweenayda ninkeedana sidaas ayuu jecelyahay” waxaa wariyay Abuu Daa’uud isnaadkkisuna waa wanaagsanyahay. Hadaba xadiisku wuxuu tusayaa inay mashruuc tahay oo ay banaantahay in dumarka la gudo. Waxaa madhabtaan rajaxay culumo badan oo ay ka midyihiin: Ibnu Quddaamaha Al-maqdisi kitaabkiisa Al-muqni, Sheekha Islaamka Ibnu Taymiyah kitaabkiisa Majmuucu Al-fataawaa, Ibnu Qayyim kitaabkiisa Tuxfatu Al-mawduud, Sheekh Albaani kitaabkiisa Tamaamu Al-minnah, Waxaa sidaa fatwooday Hay’atu Kibaari Al-culamaa’i NO: 539.

Baraarujin: Waxaa dhacda in badan in dadka qaarkood ay ku xeel fogaadeen gudnninka gabdhaha bal wadamada qaarkood (sida Soomaaliya) waxaa jirta in la wada gooyo (xubinta) iyo waxa hareereheeda ah taasoo keento inay meeshu isku dhegto waa waxa loo yaqaan GUDNIINKA FIRCOONIGA. Gudniinkaasi wuxuu keenaa dhibaatooyin fara badan sida: caadada oo soo bixi wayda waqtiyada qaarna loo baahdo qaliin, waxaa soo food-saara gabadha dhibaatooyin farabadan markay guursato, xiliga foosha oo ay la kulmaan cadaab aad u farabadan oo aan loo baahneyn. Hadaba walaalayaal gudniinka fircooniga ma aha gudniin waafaqsan shareecda Islaamka bal waa DAD QALASHO Islaamku uu la dagaalamay xadiiska labaad ee kor ku xusanna wuxuu Nebigu (S.C.W) si cad u sheegay inaysan banaaneyn in gabdhaha la qashaa ee uun loo baahanyahay in midada wax yar la taabsiiyo. Walaalayaal WAA IN GABDHAHA LAGA DAAYAA CURYAAMINTA LAGU HAAYO IYADOO LA ADEEGSANAAYO MAGA ISLAAMKA. ISLAAMKU BERI AYUU KA YAHAY GUDNIINKA FIRCOONIGA AH.

Waa walaashiin Deeqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A-cabaas

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal deeqo Jazaakallahu khayr,aad ayaadna u mahadsantahay sida wanaagsan oo aad u qaadaa dhigtay.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan in arinkaan lagawada xaajoodo oo qofkii qaba in gabdhaha gudniinkii fircooniga ahaa lagu gudo uu daliilkiisa layimaado,dhinucuu ku wanaagsanyahayna ka qeexo uyo burhaantiisa,qofkii qaba inaan laba taaban oo sidoodaa loodaayo inuu qeexo.

Muxuu yahay farqoiga u dhexeeyaa sadexdaas arin,sidee uga bixi karnaa caadada xun,waa maxay dhibaatooyinka ugu weyn oo uu leeyahay?manficiisa iyo dhibkiisa yaa weyn?waalidka qaarbaa weli ku qanacsan inay gabadha curyaamiyaan una arka sharaf waa maxay waxa kadanbeeyaa% meeqa ayaa fahantay dadkeena sida wanaagsan oo diinta waa faqsan?Xataa dadka fahmay suno kale ayay layimaadeen sidaan maqlay oo harqaankii un bay ka daayeen sidee loo arkaa iyadana?.

Su,aalahaas iyo kuwo kabadan ayaa maskaxdaada ku soo dhcaya marka waxaan u arkaa in laga wadahadlo inay daruuri tahay.

Mid iga yaabisayna waan arkoo markaan nimi dhulalkan gaalada gabdheheeni waxay ka dhigteen inay barnaamijyada tv yada aykaga doodaan arinkaan oo mar hadii gabar soomaaliyeed lawaraysanaayo waxaa laga waraysan gudniinka mawax wanaagsanbaa in gadheheenu iyada oo meelkasta laga dawanayo inay ka waramaan meelkasta?.

Waxaan u arkaa bal waa in aan dhexdeena is waraysano.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAL

Unrecorded Date
Salamu caleykum; Maxay culimadii arintan ay uga aamuseen,dad badan oo dadkii hore ah ayaa wali uhaysta in ay diinteenu sheegayso in latalo hablaheen. Mise wax yaa bahaas oo kale waa laga xishoodaa oolagama hadlo. umada u faa ideeya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luula

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum warxmatulaah, ikhwaanii bil islaam.
Walaahi ilaa iyo saaka ayaan raadinayay meel sidaan sharaf leh ee an lagu cayaarayn oo qodobkan muhiimka ah loga wada hadlayo. I hope u 'll soon join me again.

Walaal Deeqa aad baad ugu mahadsan tahay sida faahfaahsan ee aad noogu soo bandhigtay qaybta iyo raýiga islamku ka qabo gudniinka (noocihiisoo idil).
Runtii cilmi saasa uma lihi dinntayda qaaliga ah(ilaahay ha ii soo hadeyo, aamiin), laakiin carabiga iyo quraankaba waan aqaan. Waana ogahay in quraanku barii ka yahay falka soomaalidu gaysatay welina gaysato.
Waxay ila tahay in somaali badani siiba dumarku waqtiyadan danbe si fiican diintooda u raadiyaan isuguna dayaan inay bartaan. Cilmigaa nookordhay waxaan u adegsan karnaa inaanu dadkeena weli aqoondaridu amaba the spel of the jaahili culture and the tabooness of the subject ay haysato aanu ku baraarujina kana dhigno waxaanu ka wada hadli karo, rag iyo dumarba.

Culimadu culture iyo diin walbaba awood fiican bay ku leeyihiin, kuwaasoo dadka badidiis ay dhagaystaan una dhego nugulyihiin, marka waxaan culimada soomaaliyeed ka codsanayaan inay arruntan priority ay siiyaan, dadkana ka dhaadhiciyaan inay agbdhahooda danbi wayn oo aakhiro la weydiin doona u gaysanayaan. Siiba marka gudniinka fircooniga ah aanu ka hadleyno, kaasoo aan weli dadkeena ka dhamaan oo hooyooyinku waxay gabdhahooda u geeyaan meelo aan maamul caafimaad lahayn oo infection deseasisku ay iska yaalyalaan(HIV,HEBATITIB, etc), si loogu gudo. In this matter where are the fathers of these poore girls?!
Raga soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ineysan is oran tani waa arrin dumareed ee ay ka fekeraan gabdhahooda iyo dhibaatooyinka ay qaarkood xaasaskooda kala kulmeen.

Soomaali ahaan waxaanu u baahanahay aqoon diineed iyo mid caafimaadba si aanu arrintan meel ugu soo hubsano(siiba dakeenan qurbaha ku nooaal) and we have a long way to go toooo! So pls u all don't be quickly discoureged and keep up the good deeds.

About the publicity of the young somalian girls lately, i think it is a quite an improvement at least a begining af a long road of discussions, education and forgivness, specially among the somali ppl. And that is what we really need, unfortunetly it didn't happen to begin with betweeen us(due to the tabooness of the subject and the great resistance from the culture it self). We may need a little help to start from our external and new envirorment. I live in Holland and this subject is a great issue in the Dutch politics and parlement and they want to presicuet the parents who gud their daughters in or outside the Netherlands. In that case we might do more effort(and quickly too)to slove this among us first!

I must say that some of the stories are made to look like more dramtically than it really appears/is.

Walaalayaal yaanan hadalka idinku sii badine bal maanta aan intaa ku ekeeyo. Waxaan sugaaba waa jawaabtiina iyo fikradihiina sharafta leh, and pls keep writting and communicating wiht each other.

Caf iyo masaamax, walaashiin, Luula.
Wasalaamu claykum waraxmatullaah.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.