site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma banaantahay in qof dumar oo ajnabi kaa ah gacanta lagu salaamo??

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Ma banaantahay in qof dumar oo ajnabi kaa ah gacanta lagu salaamo??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Dad badan ayaa waxay caadeysteen in gacanta la isku salaamo iyadoo lakala yahay rag & dumar ajnabi kala ah. Walaalayaal ma banaano gacan qaadka noocaas oo kale ah. Xadiis uu wariyay Bukhaari Caa'isha (RA) waxay leedahay "Maya Allaah ayaan ku dhaartaye ma taaban gacanta nebiga gacan dumareed hada ka hor ". Sidoo kale Umaymatu bintu Daqiiqah waxay warisay inay Nebiga(S.C.W)u timid oo ay damacday inay gacan qaado laakiin Nebigu (S.C.W) wuxuu ku yiri "Anigu ma gacan qaado dumarka". Qofkii gacan qaadaa haweenay ajnabi ka ah waxaa loo yaboohay cadaab aad u adag Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri "In midkiin madaxa looga mudo mudac ka sameysan bir ayaa uga wanaagsan inuu taabto haweenay aan u banaaneyn (uu gayo)".

Sheekh Albaani isagoo sharxaya xadiiska wuxuu yiri "Xadiisku wuxuu tilmaamay cadaab adag inuu la kulmaayo qofkii taabta haweenay aan u banaaneyn wuxuu kaloo daliil u yahay inay xaraam tahay in la gacan qaado haweenay ajnabi kaa ah. Waa arin dad badan lagu imtixaanay waqtiga maanta aan joogno iyadoo qaarkood ay wadaadnimo sheeganaayaan"

Walaalayaal yaan la fududaysan arintaas sababtoo ah waa xaaraan waana inaan ku dayanaa Nebigeena (S.C.W).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Altawakal

Unrecorded Date
Waxaa mahad dhamaanteed iska leh illaahay naga dhigay islaamka nana hadeeyay hidaayada islaamka saxiixa ah, mahad dabadeed waxaa mahad leh walaashay islaamka ah ee soo qortay mowduuca muhiimada wayn leh ee natusinaaya wanaaga islaamka
marka waxaan ilaahay ka baryayaa in naga dhigo kuwii ku waano qaato waxa ay noo sheegtay walaasheen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
jazaa akalaahu kheyrak

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.