site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ka safrid xaaskaaga aad uga safreesid dhul kale oo ka fog

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Ka safrid xaaskaaga aad uga safreesid dhul kale oo ka fog
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raage

Friday, March 09, 2001 - 07:02 pm
Asalaamu caleymkum

Walaal waxaan deganaa dal kamid ah yurub waxaana ku noolaa mudo badan waana ku guursadey, ilmana wey iigu dhashteen.
mudo wax yar laga joogo ayaan waxaan u soo dhoofay USA si aan uga shaqeysto oo xaaskeyga iyo ilmaheyga waxaan uga soo tegay yurub.
hadaba walaalayaal maxay diinta ka oranaysaa arintaan aan sameeyey ee aan xaaskeyga iyo ilmaheyga aan uga soo tegay dhul fog inkastoo xaaskeyga ay ii ogoleyd in aan soo aado USA

wasalaamu caleykum waraxmatulaahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, April 03, 2001 - 06:28 am
waa aarinta aandamacsanhay ee yaa nooga jawaaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, April 06, 2001 - 08:30 am
Assalaamu Calaykum, walaal Raage.

Walaal ma banaana in aad kaga timaado ilmahaaga iyo caruurtaada waddan shisheeye. Waayo sida ay tibaaxday shareecadu amaanadaadii ayaad dayacday, waayo naagtaada iyo caruurteeda adiga ayaa masu'uul ka aha, waana lagu weydiinayaa maalinta qiyaame. Weliba waxaa intaa kuu dheer haddii caruurta aad dhashay iyo haweentaada xaq ayey kugu leeyihiin, meesha aad kaga timina waa waddan aan islaam ahayn. Wax kasta oo ay la yimaadaan adiga ayaa ka mas'uul ah. Midda kale, caruurtaada in aad koriso, diinta ku barbaariso, dhibta ay qabaan ogaato, oo aad siiso xaqii aabanimo waxay kugu tahay farad. Xagga haweenta haddaan u baydho, walaal markasta oo aad quraanka akhriyayso, waxaa soo noqnoqda aayado badan oo ku amraya in aad la macruuf ula dhaqanto, u naxariisato, cibaadada iyo diinta Alle kula dadaasho. Haddii aad xaqeeda gudiweydo waa lagu weydiinayaa maalinta Qiyaame marka Alle hortii marka aad taagan tahay. Midda kale, haddii ayan raali ka ahayn soo bixiddaadii waxay ahayd in aad maqasho, waayo waa xaqeeda in ay ninkeeda hesho markasta oo ay u baahan tahay. Intii aad kasoo maqnayd way kugu leedahay. Hadday damacdo in ay iska kaa furto xaq bay u leedahay. Waxaa kale oo xusid mudan, in aadan ka safri karin caruurtaada haddii ayan jirin duruuf adag oo kugu kaliftay(marka ay joogaan waddankoodii), ama aad cilmi doon tahay(diinta). Walaal sidee ayaad u nooshahay, miyaadan jir danqadaa kugu ool. Caruurtaada wax ka muhiimsan miyaad garanaysaa? Miyaadan ogayn in deeq Eebe ku siiyey in ay yihiin? Ma lacag dhamaanaysa, ayaad ka dooratay. Walaal Raage, haddii arinkan aad sheegtay dhab yahay, waxaan ku odhanayaa in aad ku noqoto caruurtii iyo haweentii aad ka timi. Kulana dadaal in meel muslim joogo in aad gayso oo diinta barto. Weligaana, ku dadaal in xaas kaaga iyo caruurtaada aad ula dhaqanto sida diintu ku fartay. Walaal caruur baan leeyahay weligayna habeen kama dhixin. Waxaan isku dayey in aan waddanka ka kaxeeyo haddii, laakiin iima suurogelin. Waxaase hubaal ah haddii Alle idmo in aan kaxayn doono.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.