site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KU DHAMAAN DADKA SIFAADKA ALLE(SW) TA'WIILIYA AMA TAF'WIIDIYA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Mar. 13, 2001): KU DHAMAAN DADKA SIFAADKA ALLE(SW) TA'WIILIYA AMA TAF'WIIDIYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Sunday, March 11, 2001 - 12:44 am
bismilaah walxamdu lilaah wabacdu

awalan mowduuca sifaadku waa mowduuc ay ku lumeen firaq badan kagana
leexdeen jidka salafka, marka waa mowduuc khatartiisu aad u wayn tahay
ninkaan qur,aanka iyo sunnada iyo fahamka salafka ulanoqon, fikrado ”ahlul
kalamna ” ka hor mariya sadexdaa marjic, ”wa raximallaahu ibnu
qayyim xiina qaal
(al cilmu qaalallaahu qaala rasuuluhuu ¤¤¤¤¤¤¤¤ qaala saxaabatu leysa
bittamwiihii
mal cilmu nasbaka lilkhilaafi safaahatan ¤¤¤¤¤¤¤¤ beyna rasuuli wa beyna
ra’ayi faqiihii ¤¤¤¤¤¤¤¤
kallaa walaa jaxdu sifaati wanafyuhaaa ¤¤¤¤¤¤¤ xadaram mina tashbiihi wa
tamthiilii)

arinkan sifaadkana salafku waxay ku bineeyeen qawaacid ta’asiilsan sidan
hada kahorba kasoo hadalay waxana asal u ah labo qaacido,
(1) sifaadka alle(sw) oo siday kitaabka iyo sunnada ugu soo arooreen looqiro
(2) iyo inaan alle lagu shabihin wuxu abuuray
oo ah diidmo iyo sugid, alle (sw) oo laga nazaho in
makhluuqaadkiisa lagu shaboho iyo in loosugu sifaadka uu isku sifeeyay siduu
alleba yidhi

(alle wax lamid ah majiro, waxna wuu maqlaa waxna waa arkaa)suratu shuuraa(11)
haday dadku aayadan sifiican u fahmi lahayeen khilaafka xaga sifaadku wuu
soo afjarmi lahaa, waana qaacido kaamil ah oo baabka sifaadka
aayada qaybta hore oo ah( alle wax lamid ah majiro) waxay
radinaysaa qolyaha alle makhluuq ku shabaha sida(al-mushabbaha wa al-mujassamah ) qaybta dambana oo ah(alle waxna waa maqlaa waxna waa arkaa) waxay radis u tahay qolyaha sifaadka alle
diida oo macne ayna tusinayn markaa kula carara sida (mucadhalada)
marka waa labo qolo oo did isku ah (mucadhalada >&< mushabahada) mushabahadu siday isu lahayd ka carar qolyaha sifaadka
alle diidaya baa waxay xadka ka saareen sugida sifaadka alle,markasay alle makhluuqiisa ku shabeheen.
mucadaladuna siday isu lahayd ka carar qolyaha alle wax ku shabahay bay iyana xadkii ka
bexeen,markasay sifaadkii alle ka dhigeen waxay ta'wiiliyaan iyo waxay tafwiidiyaan,qolyo iyagu in kirayba in alle sifo loosheegona wayba jiraan oo waa kuwa xadka ka gudbay.waxanad ogataa qolyahan dambe inay yihiin mushabaha ,oo siday ku yihiin ?, waxay niyada galiyeen in sifaadka alle uu ku sheegtay kitaab ama sunnada ay keenayso tashbiih , marka tashbiih buu niyada galiyay markasay macno ayna lahayn kula carareen,
salafkuna waxay odhanjireen (mushabahaduna waxay caabudaan sanab , mucadhaladuna waxay caabudaan waxan jirin)
marka salafku waa wasad labada qolo dhexdooda, oo ah sifaadka alle
oo lasugo iyo inaan makhluuq lagu shabihin , sifaadka uu alle ku sheegtay
kitaabka iyo sunaduna ma keenayaan tashbiih hadii looqiro siday ku
yimaadeen, sidaa darteed wuxu yidhi nuceym binu xamaad al-khuzaacii(qofkii
ku shabaha alle makhluuqaadkiisa wuu gaaloobay , qofkii diida wuxu alle ku
sifeeyay naftiisana wuu gaaloobay, tashbiihna makeenayso wuxu alle ku
sifeeyay naftiisa, rasuulkiisuna uu ku sifeeyay)

wayaa subxanallaah waxa wax lalayaabo ah inuu mid xaamilu raayatal khalaf ah
soo boodo oo uu yidhaa daahirka nusuustu waxay keenaysaa tashbiih hadaan
sugno marka waa inaan ta’wiilino ama aan tafwiidino, waxad moodaa qolyahan
wax ta’wiiliya ama wax tafwiidiya markay hadlayaan inay alle uga aqoon badan
yihiin sifaadka uqalma , waxabad moodaa inay leeyihiin ” allow sifaadkan aad
isku sifaysay kuuma qalmaan oo waxay keenaysaa nuqsaan iwm marka anagaa
ta’wiilinayna oo jeebkayga kala soo baxayna micne adiga kuu qalma ,
arinkanina waa dacnin risaalada allaah ama ha isdareemeen qolyahan
ta’wiilinaya sifaadka alle ama yayna isdareemine

waxa jira arin lagama marmaan ah inaan ku baraarugno, dadka qaar baa waxay u
qaateen marka salafku ay leeyihiin mara sifaadka alle( bilaa tafsiir) inay
ula jeedaan macnaha sifaadka alle in ”latafwiidiyo” oo layidhaa allaa
garanaya macnaha ”dixk” iyo ”samc”iwm, waana arin ay
iska cadahay inuu dalaal yahay waayo waa hadal tusinaya inuu alle umadiisa
kula hadlay, hadalayna fahmayn micnihiisa .allena (sw) wuxu ina faray inaan
micnaha quraanka ku tadaburro si’aan ufahano, wuxu yidhi alle(sw)(mayayna ku
tadaburayn qur’aanka )

marka salafku waxay u qiraan alle sifo kasta uu isku sifeeyay, rasuulkiisuna
(scw) uu ku sifeeyay , iyadoo layska ilaalinayo arimahan soo socda
(1) ATTAXRIIF waana naska oo macnihiisa laga leexiyo, wuxuna u qayb samaa
labo(A) lafdiga naska oo lalexiyo sida ”istawaa” oo ”istowlaa” loogadiyo,
laambay ku siyaadiyeen sida yuhuudu ay ugu siyaadisay nuunta markii lafaray
inay yidhaahdan(xidhah) baa waxay dheheen (xiNdhah)
(B)in lataxriifiyo macnaha naska sida qolya ku fasira raxmada alle
”iraadatul incaam”iyo macnaha ”cadhada” ”iraadatul intiqaam”

(2) ATTAC’DHIIL waana inaad diido macnah sifaadka alle ay tusinayaan adigoon
ku fasirin macne kale siday samayso (al mufawiddah)

(3)ATTAM’THIIL waana in layidhaa sifaadka alle waxay lamid yihiin kuwa
makhluuqa waana tashbiih.

(4) ATTAK’YIIF waana inaad tilmaanto qaabka ay u egyihiin sifaadka alle

hadaba akhristow waxad ogataa in salafkii ay tafwiidin jireen qaabka
sifaadka ama keyfiyada sifaadka, e ayna tafwiidin jirin macnaha sifaadka
waanatan cadaymaheedu.

sufyaan waxa laga warinayaa, wuxu yidhi (waxan lajoogay rabiicah binu abaa
c/raxmaan , marka ninba su’aal waydiiyay oo wuxu yidhi –markasu akhriyay
aayada suratu dhahaa(5)- markasu yidhi, (siduu alle ugu istiwooday?) markasu
yidhi (istawuhu waa waxan laga jaahil ahayn , qaabka uu ugu istiwoodayna waa
waxaynan garanayn, alle xagisayna risaaladu katimid , rasuulkana(scw)
korkiisa waxa ah inuu gaadhsiiyo , inagana waxa inasaaran inaan rumayno)
firi mukhtasirul culuwi(s 132) waana athar saxiix ah sidu sheegay albaani.

waxa laga warinayaa yaxyaa binu yaxyaa attamiimii iyo jacfar binu c/laahi
iyo koox kale inay dheheen, ninbaa u yimid imaamu maalik ,markasu yidhi
,abuu c/raxmaanow –markasu akhriyay aayada dhaaha(5) - markasu yidhi, (siduu
alle ugu istiwooday?) markasu yidhi raawiga atharkan , ma arkin imaamu
maalik oo cadhooday siduu uga cadhooday hadalkaa , dhididbaana shax kasoo
yidhi, dadkiina waysugeen , markasu xanaaqii kadagay , oo uu yidhi (
keyfiyada istawuhu waa waxaynaan garanayn , istawuhuna waa wax layaqaan ,
inaan rumaynaana waajibay inagu tahay , in la’iswaydiyaana waabidco-yacnii
keyfiyada- waxana ka baqayaa inaad lunto, amarbuuna kubixiyay oo waa
lasaaray )
wuxu yidhi imaamu thahabi isagoo tacliiqinaya hadalkaa imaamu maalik (waa
arin ka sugan imaamu maalik mid isaga lamid ahna waa inoosoo hormaray oo
laga warinayo Rabiicah sheekha imaamu maalik waana hadalka ahlu sunnada
dhamaan ,( in keyfiyada istawaha aynaan garanayn ,bal jaahilbaan ka nahay ,
istawahuna waa wax layaqaano siduu kusheegay kitaabkiisa alle , iyo inuu
yahay istiwaa isaga u qalma , kumana xeel dheraanayno mana sii dhex galayno
waxa kalazimaya diidmo iyo sugid toona bal waan ka amusaynaa, waana ka
istagaynaa siday salafku uga istageen, waxana oganaynaa in haduu lahan lahaa
ta’wiil ,inay inooga hormari lahayeen saxaabadu iyo taabiciyiintu ....)firi
mukhtasirul culuwi(s 141-132)

wuxu yidhi sheekh albaani(rxm) oo tacliiqinaya hadalka imaamu
maalik(al-istiwaa’u qeyr majhuu) waa wax layaqaan sidaa darteed waxan
arkaynaa in ahlul cilmigu markay soo guurinayaan jumladan oo imaamu maalig
kasoo xiganayaan waxay odhanayaan (al istiwaa’u macluum) siduu qurdhubi
kasoo xiganayo imaamu maalik oo inoo imandoonta kitaabka dhamadkiisa . sidaa
darteed macnaha (al-istiwaa’) luuqad ahaan waa wax layaqaan ,taas oo
lafasiri karayo, laguna turjumi karayo luuqado kale , wuxuuna kamid yahay
ta’wiilka ay garanayaan (arraasikhuuna filcilmi) amaa qaabka uu alle ugu
istiwooday ,wuxu kamid yahay ta’wiilka uuna garanayn alle mooye cidkale
,sida daatada alle (sw) iyo dhamaan sifaadkiisaba )firi isla kitaabka kore(s
141)

wuxu yidhi bukhaarii (rxm) dhamaadka kitaabkiisa saxiixa ah markuu fasirayay
aayada uu alle ku leeyahay (wuxu ahaa carshiga alle biyo dushiis) iyo aayada
uu alle ku leeyahay(alle waa rabbiga carshiga wayn) wuxu yidhi bukhari
mujaahid (rxm) wuxu yidhi ”istawaa” calaa calal carshi) fiiri mukhtasirul
culuwi (s 101)
wuxu yidhi shekheena salafiga ah abuu c/raxmaan albaani(rxm) waxay radis
utahay qorayaasha casrigeenan ee dadka mood siinaya in salafkii ayna ka
hadlin aayaadka sifaadka , oo ayna fasirin marnaba, oo ay ku gaabsadeen
akhriskeeda iyagoon ku tadaburayn fahmayna, waana arin uu cadeeyay baadil
nimadeeeda sheekhul islaam(rxm) kutubtiisa dhexdeeda. waa sax oo mayna
fasirin tafsiir uu lajiro tashbiihin iyo takyiifin bal way nahyiyeen arinkaa
nahyi kan ugu daran sidaad ku arki doonto kitaabkan dhexdiisa oo imaamu
maalik laga warinayo iyo kowo kaleba, wuxu wariyay imaamu laalakaa’ii
kitaabkiisa ASSUNNAH(1/91/2) can bishir binu cumar athaqafi oo (dhintay..
207)( waxan maqlay in ka badan hal oo mufasiriinta ka mid ah oo odhanaya
aayada ku jirta dhahaa(5) ”calal carshi irtafaca” yacnii carshiguu ka
sareeyaa)firi alculuwi (s 101-102)


wuxu yidhi waliid binu muslim waxan waydiiyay owzaacii iyo maalik binu anas
iyo sufyaanu thowrii iyo leyth binu sacad , axaadiistan ka hadlaysa aragtida
alle iwm waxay ku jawaabeen (mar , keyfiyo la’aan)
meelkalena isla atharkan laftiisa wuxu ku wariyay waliid (umara siday ku
timid tafsiir la’aan)
marka halkana waxay ku cadaynaysa in salafku marna ka cabiraan (bilaa keyf)
marna (bilaa tafsiir)marna(bilaa macnaa) dhamaana waxay ulajeedaan inaynaan
fasirin macnaha keyfiyada sifaadka,wayna inoo iman doontaa iyadoy sicad
usheegayaan


wuxu yidhi axmad binu nasar (rxm) waxan maqlay sufyaan binu cuyeynah anoo
jooga gurigiisa cishaha kadib oo aan ku cel celinayo su’aasha , markasuu igu
yihi idhaaf aan nafis qaate’e , markasan ku idhi abu maxamadow waxan rabaa
inaan ku waydiiyo wax, markasu yidhi waxba haywaydiin , markasan idhibuu
yidhi laabudda inaan ku waydiiyo hadaana adiga ku waydiin yaakaloon waydiin?
markasu yidhi soodaa iwaydii , markasan idhi kawaran xadiiska cubeydah uu
kawarinayo cabdullaahi canninabiyi(scw)(alle cazza wajalla wuxu ku xambaari
samawaadka hal far dhulalkana halfar)
iyo xadiiska sheegaya (quluubta binu aadmigu waxay ku jirtaa labo farood ee
allaha raxmaanka ah dhexdooda )
iyo xadiiska sheegaya inuu alle layaabo oo uu ku qoslo qofkii ku xusa
aduunka cidhifkiisa kale .markasuu sufyaan wuxu yidhi (axadiistaasi waa
sidday ku timid, waan qiraynaa waxana ku warinaynaa keyfiyo la’aan)firi
kitaabka daara qudhni ee layidhaa assifaat(s 42)

dara qudhni wuxu yidhi , waxaanoo waramay maxamed binu makhlad xadathanaa
alcabaas binu maxamed addowrii wuxu yidhi waxan maqlay abaa cubeyd alqaasim
binu salaam oo intuu sheegay baabka uu ku warinayo xadiiska aragtida alle
maalinta qiyaamo iyo kursiga iyo mowdica qadamaynka iyo qosolka rabi uu ku
qoslo adoomadiisa quusanaya una taqarubaya cidaan alle ahayn iyo xaguu rabi
joogay intuusan abuurin iyo inayna jahanamo buuxsamayn ilaa alle uu saaro
cidhibtiisa oo aymarkaa odhanayso QaD QaD iyo axaadiis kuwaa lamid ah,
markasu yidhi. axadiistan waa saxiix asxaabu xadiith iyo fuqahaduna waxay ku
xambaareen qaarba qarka kale , agtanadana waxay ka yihiin xaq shakina kuma
jiro, lakiin hadii layidhaa (qabkuu keyfa) u sarayaa alle cidhibtiisa iyo
siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN MANA AANAN MAQAL
QOF FASIRAYA*) firi kitaabka dara qudhni ASSIFAAT(s 40)

akhriste walaal u fiirso hadalka kore ee abaa cubeyd alqaasim binu salaam
wuxu yidhi (LAKIIN HADII LAYIDHAA (qabkuu keyfa) u saarayaa alle
cidhibtiisa iyo siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN
MANA AANAN MAQAL QOF FASIRAYA)

wuxu sicad kuugu fasirayaa in culumadu markay leeyihiin (bilaatafsiir )iyo
waxa lamidka ah ayna ulajeedin macnaha sifada e ay ulajeedaan qaabka sifada
, marka baraarug walaal oo iska jir ahlul bidaca ku dhagaya sida koolada
hadalada mujmalka ah ee culumada

wuxu yidhi sufyaan binu cuyeynah(dhamaan wuxu alle isku sifeeyay
qur’aankiisa dhexdiisa , sida loo akhrinayo ayaa tafsiir u ah Qaabna looma
sheegi karo tusaalena lagama bixin karo)firi assifaat(s 40)

wuxu yidhi wakiic (axadiistaa waxan ku daynaynaa siday ku timid mana
odhanayno” keyfa hathaa , walima jaa’a hathaa)assifaat(s 40)

sulaymaan binu xarbi wuxu yidhi waxan maqlay xamaad binu zeyd oo leh(waxay
ku dul wareegayaan inay yidhaahdaan samada alle majoogo –yacnii aljahmiyah)
wuxu yidhi imaamu thahabi oo tacliiqinaya hadalkaa xamaad binu zeyd
(hadalka salafka iyo a’imada sunnada , bal saxaabada iyo alle iyo rasuulkiisa(scw) waa in alle cazza wajjala uu jiro samada oo uu carshiga ka sareeyo, oo samooyinkiisa ka sareeyo, uuna usoo dago samada soke , xujaday u
haystaana waa nusuus iyo aathaar , maqaalada jahmiyaduna waa in alle tabaraka watacaalaa uu ku dhex jiro meel walba , (tacaalallaahu can
qowlihim) bal alle wuxu ku joogaa meel walboon joogno cilmigiisa, maqaalada kuwa muta’akhiriinta ahna waxa weeye in alle uuna joogin SAMAWAADKA KOR KOODA IYO CARSHIGA KORKIISA , IYO SAMAAWAAADKA IYO DHULKA KORKIISA IYO
CAALAMKA DHEXDIISA IYO DiBaDiiSa, OO UUNA KA DHEX BAXSANAYN KHALQIGA
XIDHIIDHNA LALAHAYN waxayna dheheen in dhamaan sifaadkani ay yihiin sifaad
jismi, allena wuu ka nazahan yahay jismi. waxay ugu jawaabeen ahlu sunnah
wal athar anagu madhex galayno arinkaa , waxan dhahaynaa wixii lanoo sheegay
anagoo raacayna nusuusta ....... hadalkiinana madhahayno , maxaa yeelay
XAYUUBINTAASI waa sifaad waxan JIRIN , allena waa ka hufan yahay CADAMNIMO
bal waa mowjuud oo ka soocan khalqigiisa , kuna sifaysan wuxu isku sifeeyay
, oo ah inuu carshiga ka sareeyo keyfiyo la’aan )firi mukh tasirul culuwi(s
146-147)

hadalkan imaamu thahabi wuxu radis u yahay qolyaha yidhaa ( alle kor majoogo oo hoos majoogo oo madig majiro oo bidix majiro oo gadaal majiro oo horay majiro , aduunkana kuma jiro kama dhex baxsana )
waana baadi ay iska cadahay oo aan wax sharax ah u baahnayn

wuxu yidhi xamaad binu zeyd waxan maqlay ayuub assakhtiyaanii oo intuu ka sheekeeyay muctazilada leh, (qowmkani waxay ku dulwareegayaan inay
yidhaahdaan samada wax jooga maleh)fiiri mukhtasirul culuwi(s 132)

alle waxan kabaryayaa inuu iigu daro mizaankayga xasanaadka waxan asiibay waxan ku gafayna ii dambi dhaafo

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 01:55 am
salafi

xafidakallaah jazaakallaahu khayr

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.