site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sinaanta Ragga iyo Dumarka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Sinaanta Ragga iyo Dumarka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaan isku deyi doonaa Haddii Ilaahay Idmo in aan halka uga hadlo Sinaanta ragga iyo dumarka marka loo eego Ilaahay agtiisa. Meel kale iyo mar kalana Haddii Ilaahay Idmo waxaan isku deyi doonaa in aan uga hadlo in ragga iyo dumarku ayna ISKU MID ahayn.

ILAAHAY AGTIISA WAXAA IDIINKU MUDAN KIINA UGU ALLA CABSI BADAN. Caddaan iyo madow iyo kuwo mid kale lehba..carab iyo cajami..rag iyo dumar..faqiir iyo qani..caalim iyo caami..buuran ama caato..gaaban ama dheer..Ilaahay Agtiisa waa addoomo waxay is dheer yihiin sida ay ILAAHAY LAABTA UGU HAYAAN OO AY U FULIYAAN AMARKIISA.
Markii Ilahaay ku yiri Malaa'igta waxaan ka yeelayaa dhulka kuwa u kala hara oo facba fac ka dhaxlo qarniba qarniga ka dambeeya. Ayay Malaa'igtoon Ilaahay ku caasiyin wuxuu farana fuliya, hubsiino Ilaahay u weydiiyeen "Ma waxaad ka yeeli ku dhulka fasahaadiya oo dhiig quba?" Ilaahayna wuxuu ugu jawaabay waxaan ogahay wax aydaan ogayn. Waxaa ku jiri doona kuwa fuliya amarka iyo xukunka Ilaahay iyo kuwa qasa, fasahaadiya oo dhiig quba.

Ilaahay Wuxuu ka abuuray dhoobo adag ka dibna Wuxuu Ku Afuufay Ruuxiisa, markaasuu Amray In Malaa'igtu u sujuudo Abuurka cusub. Dabadeedna wuxuu ka sii abuuray wehelkeedii.

Markii uu saaray culays yar ayay qaaday uur. Carruurta Adam waxaan ku niri iyagoo weli duudka aabahood ku jiray "Miyaanan Ahayn Rabigiin?" Waxay yiraahdeen "Haa." Waxaan niri hadaba sidaa ogaada oo qira Anna Markhaati Baan Idiinka Ahay. Yaa ka fiican Markhaatiga Ilaahay!

Dadow waxaan idinka abuurnay dhoobo oo aan ka abuurnay wehelkeedii ka dibna aan ka yeelnay rag iyo dumar badan. Dadow Waxaan Idinka Abuurnay lab iyo dhedig Waxaanna Idinka Yeelanay umado iyo qabaa'il si aad isu garataan, waxaase Ilaahay Agtiisa idiinku MUDAN KIINA UGU ALLA CABSI BADAN. Qofkii Alla ka Cabsadana Wadduu u Furaa. Hoyiga Alla ka cabsiguna waa QALBIGA. Hooy Ilaahay ka baqa oo ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn!

Wax kale uma Abuurin Dadka iyo Jiniga in Ay I Caabudaan Mooyee. Ma lumiyo wanaag uu falo lab iyo dhadig toona mid walbana wuxuu kasbado xumaan iyo samaan ayuu leeyahay.

Ilaahay Baa wax walba Leh. Isagaa Bixiya ama Qaada. Isagaa Ciddii Uu Doono Siiya wiilal, Kii Uu Doonana gabdho, ama Isugu dara wiilal iyo gabdho, Isagaan Ka Dhiga ma dhalays qofkii uu doono. Qaar baad ka didi markii gabar u dhalato kuwana waxa ay naceen bay Ilaahay u yeelaan. Waxba uma dhaxeeyaan rag iyo dumar, carab iyo cajami Ilaahay Agtiisa Alla Cabsi (TAQWA) mooyee. Qof walba wuxuu kasbaduu leeyahay.

Ku Alla rumay rag iyo dumar way is leeyihiin oo isu hoggaansamaan midba midka kale. Kuwa Ilaahay beeneeyay (mushrik) ama runta qariya (kafir) ama carabkiisa iyo laabtiisu is dhaafsan yihiin (munaafaq) iyana way is leeyihiin rag iyo dumar.

Qofka tuugga ah gacanta ka gooya laba iyo dheddig kuu yahay ba!
Kan dhilaysta lab iyo dhidig karbaasha guur ka hor. Haddii la guursadayna dhagax ku dila lab iyo dhedig. Qof walba lab iyo dhedig wuxuu kasbaduu leeyahay. Kofna dambiguu galay qof kale ha u saarina.

Ilaahay wuxuu tusaale kuwa Alle rumeeyay Ugu soo qaatay Haweenaydii Fircoon oo tiri Ilaahay Agtaada iiga dhis aqal igana badbaadi Fircoon iyo wuxuu samaynayo.

Iyo Maryan gabadhii Cimraan ee is-wanaajisay ee aan RUUXAYAGA Ku Afuufnay ee rumaysay hadalka Rabigeeda iyo Kutubtiisa.

Ilaahay wuxuu tusaale kuwa Alle wadadiisa ka leexday Ugu soo qaatay Haweenaydii Nebi Nuux iyo tii Nebi Luudh Calayhim wa calaa Nebiyunaa Salaam oo u dhaxay labo addoon oo ka tirsan addoomada Ilaahay ee wan wanaagsan ka dibna khaa'imay.

ILAAHAY AGTIISA WAXAA IDIINKU MUDAN KIINA UGU ALLA CABSI BADAN.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwaan

Unrecorded Date
Bismilah wa bacd,

Ninyahow mar alla marka aad isku daydo inaad wax ka hadasho mar walba meel ha uga harina, waxay dantaadu tahay qiro. Aayadihii Quraanka oo dhan intaa soo qaadatay, baad misna aynan cadeeyn meeshaad wax u wado, "Rag iyo dumar ma sina" Ilaahayga Raxmaanka ayaana Kitaabkiisa Munazalka ah inoogu sheegay.

Adigase waxaad dhihi rabtaa "Kiina idinku cabsida badan xagga Ilaahay u dhawaanshihiisa ayaa idinku khayr badan" Ilaahay run buu sheegay laakiin taa macnaheedu maha in haddii ay haweenay ka cabsato Ilaahay uu Rabigeen simay dumarka iyo ragga.

Ninyahow Munaafuq baa tahay Ilaahayna si xun ha kuu dilo, aduunka iyo akhirana hakugu cadaabo.

Walaalahayga kale ee u malaya ninkani inuu wax khayr ah soo wada, oo hadana maalin kasta aad isku daydaan inaad ninkan qiyaanadiisa uu wado ay wax dhab ah tahay, walaalayaal ka fiirsada oo si fiican ugu dhuura gala meeshuu wax u wado. Bal maad aragtaan Mowduuc kasta uu furo, maxay ku dhacday in marka kasta la daba dhigto oo wuxuu ka hadlayo ay u noqdaan Muslim inuu ku dhaleeceeyo, war dadyahow goormaad wax garan doontaan. Ilaahay baan idinku dhaarshaye bal ku noqda wax kasta oo uu qoray, haddii ay noqon waayan intooda badani inuu islaamka uu meel uga dhaco aniga ayaa qaldan oo aragti yar.

Ilaahay ka cabsada oo ninkan najiska ah iska ilaaliya haku kaydsaminee.

wasalamu alaikum warahmatalaahi wabarakaatu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Marwaan walaal danbigaaga iyo kii waalidkaaba Ilaahay Ha Dhaafo Igana Raali Noqo har iyo habayn. Haddii aad dhibsatay qoraalkayga waxaan ku leeyahay NABAD ILAAHAY HA KU YEELO.

Waxaad moodaa colaad iyo nacayb aad u qabto Walaalkiin in aadan qumaati wax u akhriyi karin.
Bal dib u akhri qoraalkayga waxaan sheegay in aan isku dayi doono in aan sharxo labo eray SINAAN iyo ISKU MID. Waxaana iri Ilaahay Agtiisa Addoomadiisu Way U Siman Yihiin taas oo macnaheedu yahay SINAAN.

Waxaan kaloon iri meel kale iyo mar kale ayaa ku sharxi doonaa ISKU MID in ayna ahayn ragga iyo dumarku.

Ilaahay Ha KU NABAD yeelo Marwaanow.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idman

Unrecorded Date
salaamu calaykum
To: walaalkiin ma aan arko inaad wax qalad ah qortay illaa run mooyaane ilaahayna ha kaa abaal mariyo, qoraalkasta oo aad qortay aad buu aniga ii la qiima badanyahay.
To: marwaan waan ka xumahay inaadan arkin aayadaha quraanka ee meesha ku qoren ee aad aragtid kaliya xuruufta "sinaan" taasoo nimanka kibirka badan aysan arki karin inaan nahay adoomo ilaahay uu wada abuuray, ilaahay isku si ula xisaabtami doono. waxaan ku dhihi lahaa dadka xaqooda ha ka qaadan si aad isla wayni u dareentid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Unrecorded Date
Walaalkiin!

Horta anigu MARWAAN ayaan ku raacsanahay ninyahoow WALAALKIIN layiraa, ma aan fahmin micnaha ullajeedada hadalkaada.

Hadalkaada waa hadal qoto dheer, micno dahsoona gadaal ku wata oo qof si dhab ah u kuurgala mooyee qof kale aad siri kartid. run baa fiicanee ninyahoow kuuma boggin sheeko ayaad qori ood qurxin, ood sharsharxi oo diinta iyo haweenka iyo sheeko maluggan na isugu keen qaseeysaa!!

Markii qoraalkaada la fiirsho waa nin macquul ah ayaa la is dhihi, markii si qoto dheer hoos loo sii lafugurana sheeko kale ayaa ka dhadhameysa meesha, markaa ninyahoow FAR ayaa kugu godan, markaa sheekooyinka mullugan inta kasoo baxdid illeen caruur maanu nihinee runtaada iyo mowqifkaada cadeeyso.

Soomaali badan oo aad hadalka u qaldi kartaa waay jiraan balse aniga "Daacad" ima qaldi kartid.

Mideeda kale Illaah swt wuxuu sheegay qof ama dowlad ama qaaruun ama Europe oo dhan ma badali karto, taasna agoow.

PS: Dadkaa aan ninkaan aqoonoow bal akhriya qoraalo hore oo uu soo dhigey meesha sida: yahuud baan ahey, Jamaacada, awoowe yaa ahay, wadaadkii safrey, waad furantahay, macallinka iyo kuwa tiro badan oo aanan hadda xasuusan. Intaba waxuu si xun uga hadlayey dadka diinta islaamka u dadaalaya (wadaadada islaama & gabdhaha muxajabaadka ahba) iwm.


Daacad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam

Unrecorded Date
Qofba si buu wax uu arkaa. Dad baa waxaay rabaan sidii iyaga wax loo baray ama habkii iga wax loo fahmsiyey in la raco!!! Yaab.

Walaalkiin weli ma annu arag been uu sheega ama diin uu ugafey. Dadka maryaha huwan, ama kuwa surwalka gaban ama kiitab gaab fal qalad uu sameeyey oo la sheego ama la tilmaamo in ay fool xuntahay MA QALAD BAA??? DINTA WAA CAMAL IYO NIYO.
QOF KASTA OO CAMAL XUN SAMEEYA AMA HA AHAADO WADAAD ISKU-SHEEG SURWAAL GABAN AMA XIJAAB SHOW LO XIRTAY, EVERYTHING THAT SMACKS OF HYPOCRISY WILL BE TALKED ABOUT.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed-Nuur

Unrecorded Date
To Samsam!

Haddii xumo oo dhan halkan lasoo dhigo oo dadka islaamka sumacadooda wax loo dhimo ayadoo la "generalizing" gidood ineey ka siman yihiin xumaan la muujinaya, haddii aay adigu taas kula fiican tahay ANIGA MAYA!

You talking "Hypocrisy" here, and Infact hypocrisy is a person with two faces. Munaafaq.

Qofku haddii uu qalad sameeyo, Illaahiisa ayaa daalacanaya oo u jeeda ee NOT WALAALKIIN.

Qof aan qalad sameyn malahan, balse in la facsharo oo banaanka ceebtiisa la soo dhigo, oo xumaan dad aan suubin loo suubiyo, lana iska dhigo qof muslim ah ayadoo la isticmaalayo muslinimo & magaca Alle iyo diintiisa taas ayaan u aqaan HYPOCRISY. Labo wajiile, barbar gaal barbar muslim.

Waxaa jira dad badan oo hadda markii aay yimaadeen THE WEST (qarbiga) ayeey diintoodiba u maleeyeen wax dambeeysa ooy markaas tashwiig iyo mugdi iyo waxxun kasheeg ula yimaadeen diintooda.

ALLOOW NA BADBAADI!
Axmed-Nuur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Horta Axmed-Nuur oo walaal ma moodayn in DIINTA ISLAAMKU tahay dhar la xirto iyo gar lala baxo. Runtii aad baan uga xumahay in aanan aqoon badan u lahayn in DIINTUBA tahay dhar la xirto.

Haddii aan u gafay MUUQAALKA IYO YUNAFOOMKA dad gooni ah waan ka xumahay ee RAALI AHOW.

Munaafaq..Ilaahay baa daalacanaya waxa qof walba qalbigiisa ku jira oo xukun adag iyo go'aan ka gaaraya kuwii guulaysta oo Ilaahay Raali ka noqdo Rabigeen Ha Inaga Yeelo.

Haddiise qof been sheegaya, wax isdaba marinaya, khiyaamo ku socda uu ku badbaadayo DHARKA uu xiran yahay iyo MUUQAALKIISA Ilaahay Ha Inoo Naxariisto.

Axmed-Nuurow ma ogtahay in magaalada New York ee dalka Maraykan ay joogaan dad ow kasta oo Soomaaliyeed ka gar dhaadheer iyo sarwaalo anqawga ka koreeya xirtaan Ilaahayna Naclad Adduun iyo Cadaab aakhiro u balan qaaday.

Anigu runtii JAMAACO iyo FIRQO iyo MUCASKAR toona kama tirsani sidaa darteed bay ii siman yihiin kuwa magaca Islaamku dulmiga ku galaya iyo kuwa REER HEBEL baan nahay shafka u garaacaya.

DIINTA Ilaahay Ilaahay baa leh ee cidna ugama baahna in ay difaacdo. INAGA ayaa u baahan in aan ku badbaadno DIINTA ILAAHAY.

Haddii aan Axmad-Nuur aan u gafay DIINTA ISLAAMKA Ilaahay baan CAFI weydiisan haddiise adiga iyo walaalkeen MARWAAN aad leedihiin XUJO cad baan kugu haysanaa waxaan idin dhihi walaalo jira ii sheega oo i saxa.

Haddiise aad walaalow leedahay DHAR iyo MUUQAAL baad wax ka sheegtay waxaan ku dhihi ILAAHAY HA KU NABAD YEELO.

Qoraalkaygu ma wuxuu ka xun yahay NINKA yiri ma qabo XAASKAYGA oo waan ka DHILAYSTAA? Mise kan gabar 16 jir ah intuu uureeyay ka tagay?

Haddii walaalow lagu badbaadayo DHAR la xirto iyo GAR lala baxo YUHUUDDAA ku badbaadi lahayd!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.salaan kadib Walaalkiin mawduuca inaad dhamaysitirto ayuu ku fiicanyahay laakiin ciladahaaga ayay kamidtahay inaad moduuc furitid kadibna dood furto laakiin dood meesha kama furna mawduuc ayaad waday ee dhamaysir.

Hadaan su,aal kuwaydiiyo waxaan baaritaan kusameeyay Somali Online doodo kasocon jiray sanadkii hore ee walaalkiinoow ARE YOU IDAAJAA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.