site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ISLAM AND BANKS

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ISLAM AND BANKS
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G4

Unrecorded Date
Waxaan dhawaan maqlay in diinta islamku ogalayn in banks ka ku yaala wadamada gaalada laga shaqaynkarin. markaas walaalayaal cidii aritaas wax wara oo saxa ka haysa ha ii soo jawaabeen waayo waxaan ka shaqeeyaa bank horana uma maqal inaan laga shayn karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A-cabaas

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
G4 walaal waad mahadsantahay su,aasha aad soo gudbisay waqtiga oo igu yar waxaan rajayn in qofkale oo iga cilmi badan inuu kuu faahfaahiyo.

Walaal sidaad ogtahay diinteena waxaa xaaraamku ah waxa loo yaqaan ribada() walaal allaah wuxuu ubalan qaaday inuu qofkaas qaata ribada ama bixiya inuu la dagaalamayo allaah wuxuu yiri(hadaad ribada kategi weydaan waxaad ogaataan xarbi minlaah) walaal nebigu wuxuu kuyiri xadiith saxiix ah ( allaah ha lacnado qofii ribada cuna ama cunsiiya ama markhaanti kanoqda ama kaatib unoqda).

Hadaba walaal bankiyadu waxay ku dhisanyihiin waa ribo min bilw ilaa dhmaad marka waxaad xisaabinayso waxaad dadka ku qorayso waxaad dayn bixinayso dhinac kasta ribo ayaad ku shaqayn marka sidaa li ajligeed ayay shaqadaasi xaaraam ku noqotay.

waxaa jira bakiyo aan ribo ahayn sida AL-bank islaami marka isga shaqo u raadso.

Wxaan kaloo kugula talin lahaa hadaad joogto magaalo ahlul cilmi leh inaad raadsato lana fariisatid waxna waydiisid.

walaalkayoow ogow ribo gurigaaga ayay gubaysaa, waxaan maqlay nin kashaqaynaayay banki kuyaala Canada in maalin ay isqabteen isaga iyo xaaskiisi oo ay katagtay kadibna uu isdilay wax walba wuu haystay shaqo marka aduun ahaan laga fiirsho qiimo leh lacagleh,laakiin dagaalkii allaah ayaa kusoobaxay ilaa inuu isdilo.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G4

Unrecorded Date
A-cabaas

aslaamu calaykum
walaal aad baad umahdsantahay arintan waxaan maqlay 9/21/99. waan ogaa inay ribadu xaraan tahay balse marna maan is oran ka shaqayntiisa ayaa wax dhimaysa. waxaan joogaa mpls,MN waxaan sameeyo maaqaano waayo halmar majoojin karo shaqadii laakiin waxaan ku dadaalayaa sidii aan shaqo kale ku hili lahaa. waad mahadsantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

G4 walaal haddii aad joogto meel ka mid ah dalalka reer galbeedka waxaad ku sugan tahay sida dadkiis qabo "Caro Ilaahay" waayo waa dhul gaalo.

Meel kale oo SomaliNet ah ayaa waxaa lagu xaarintimeeyay in lagu shaqeeyo TAXI ama makhaayadaha. Waxaa la xaaraantimeeyay in laga shaqeeyo kaalinta shiidaalka.

Marka qiyaas loo qaato "Dhulka Gaalada" xitaa hawada aan ku neefsano waa xaaraan.

G4 haddii aad ka tagto shaqada aad hadda hayso oo aad shaqo ka hesho shirkad guryaha dhista oo aad xamaali noqoto mushaarka ay ku siinayso waa mid ka yimid hanti RIBO lagu helay.

Haddii aad cayr ama shabta qaadato waa lacag xaaraan ah oo RIBO soo martay iska daa in ay tahay canshuur khasab looga gooyay dad xoogsato ah sidaada oo kale.

Haddii aad shirkad dayuuradeed ama Travel Agent u shaqayso waxaad ku sugan tahay sida dadka qaarkiis qabo "halaag" waayo waxaad ka shaqaysaa "fisqi" iyo tumasho lacagta aad qaadatana waa xaaraan waayo "RIBO" ayay soo martay.

Dhaqaalaha dalka aad joogto ee Maraykanka ayaa ku dhisan "RIBO" oo sina ugama baxsan kartid lacagta soo martay BANK "RIBO" bixiya.

Walaal waxaan ku leeyahay adiga iyo dadka kale ee ka xoogsada dhul waaq in aad Ilaahay ka baqdaan oo aad muruqiina maashaan.

1- Ha ka shaqayn meel aad adigu khamro shubayso.
2- Ha ka shaqayn meel dad qaaqaawan joogaan.
3- Ha ka shaqayn meel naftaada halis gelin karta
4- Ha ka shaqayn meel aad adigu Ribo gadayso
5- Ha ka shaqayn meel DIINTA Ilaahay wax lagu yeelayo
6- Ha ka shaqayn meel aadan CIBAADAADA ku gudan karin

Wixii Intaa dhaafsiisan muraqaaga iyo maankaaga maal Ilaahay har iyo habayn u mahad celi.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G4

Unrecorded Date
TO walaalkiin

waad mahadsantahy lakiin waxaa hadalkaaga ka fahmey in meeshii laga shaqeeyab aan ribo lag maqnaanaynin, taasi waa runtaa. markay culimadii islaamku isku tageen maxay ku xaliyeen arimahan,ee aan ahayn dhulka gaalada halaga tago?. waayo hada meel aan aadnaba magaranayne meesha aanu joogno miyaanaan ka shaqaysan karin oo allena ugu mahadniqikarin waxaan haysano. anigu waan ku wareeray arintan waxaan sameeyana magaranayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

G4 walaal way kuu banaan tahay in aad deganaato, ku dhaqanto, ku noolaato oo aad ka xoogsato meeshii Ilaahay kugu nabad yeelo isla markaasna aad xusuusnaato mar walbana cabsi iyo rajo Ilaahay aad ku joogto. Ka cabso ciqaab Ilaahay rajee Naxariistiisa.

Sayidnaa Cumar Ibnu Khataab Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee ayaa nagu booriyay "In aan adduunka uga shaqaysano sidii inagoon weligeen dhimanayn, aakhirana ugu shaqaysano sidii inagoo beri dhiman doonna!"

Shaqayso walaal iskana ilaali wax aad hubto in ay khaldan yihiin sida khamro aad shubto iyo club aad ka shaqayso iyo meel ayna DIINTAADU ku nabad galayn wixii intaa dheer Ilaahay ka baq oo dhididkaaga shaqayso.

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.