site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QOF DUMAR AHI MADAX MA NOQON KARTAA?????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QOF DUMAR AHI MADAX MA NOQON KARTAA?????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Bismillahirraxmaanirraxiim Intaa ka dib
Dad badan baa aaminsan in qof dumar ahi jago
loo dhiibi karo taasina diinta islaamka ayey
khilaafsan tahay daliilo badanna waa loo hayaa
inkastoo ay culimo qaarkood ay iftoodeen in
laga dhigi karo hadaba culimadaas ma badna
sheekhna waa khaldami karaa in qof qaladkiisa laa raaco diintu ma ogola.
Daliilka koowaad:
LAN YUFLIXAA QAWMUN WALLAW AMRAHUM IMRA AH WAA XADDIIS SAXIIX AH
macnaheeduna waa qawm ma liibaano uxukun dhiibtey qof dumar ahi
Daliilka labaad:
GURYIHIINA JOOGO HANA NOQONINA SIDII JAAHILIYADII HORE (AL AL AXZAAB)

HADABA MA WAXAAN RAACNAA ILAAHAY IYO RASUULKIISA IYO SAXAABADA MASE WAXAAN RAACNAA BINI AADAM QALDAMI KARA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
MACALLINKA YAAN RAACEEYNAA WAA SUAAL QALDAN. ILAAHEY IYO RASUULKIISAA RAACEEYNAA SHAKI LAAAN!!
LAAKIIN DAACAD MARKA LOO HADLO NIMANKIINAAN INTAAS KA HADLAAYO NAAG MADAX MA NOQON KARTAA BOOSKA INAA IDIINKU CARIIRINAA KA CABSATEEN MIYAA?!!

JAAHILIYADII HORE MA NOQONEENO LAAKIIN WAX BADANOO ISLAAMKA NOO OGOLYAHAY OO NIMANKA SOOMAALIYEED NOO OGOLEEYNAA JIRA.
DIINTII IYO WIXII KALEBA WAA IDINLA BARANAY CIYAAR CIYAR WAXAA RABTAAN MA NAGU MARSIINEYSAAN.

CULIMADAA SHEEGTAY OO KU QILAAFAYNA QASAB MAAHA INEE QALDAMEEN AYAGABA WAXA LAGA YAABAA DALIILKOODA INEE HEESTAAN.

WASALAAMALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
Saxiib naag madax wey noqon kartaa, ee dadka ha ku cabsiin labo xadiis oo aad si fiican u sharixi karin.
(QOOM MA LIIBAANAAN U XUKUN DHIIBTEY NAAG )

Saxiib marka hore la soco waa maxay
(u xukun dhiibasho)
Ma madaxweynaa
wasiir
macalin
Agaasimo

Hadaba la soco aduunka aan maanta ku noolnahay, hal qof ma taliso, nin ha ahaado ama naag, waxaa taliyo oo sharciyada sameeyo baarlamaan oo ka kooban 300---500 qofood.

Ama madaxweyno qofka ha ahaado ama macalin ama agaasimo waxaa kuli kor ka xukumo sharciga oo u taliyo wadanka.
sidaa awgeed naag wey noqon kartaa wax alla waxii ay rabto madaxwene, baarlamaanka ayey fadhiisan kartaa iyo wixii lamid ah .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUDUJAANA

Unrecorded Date
Ilaah iyo Rasuulkiis aa raacaynaa gaal ferenji ah na daba naagayn mayno. tan kale qofkasta waxaa qasab ku ah inuu barto diinta LAA SHUKRA CALAL WAAJIBI
WASSALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax101

Unrecorded Date
Ppl r u 4 real?

Hell i would be "madax" as u put in if i want to (thatz me ok). Why do u think ladies r headed 4 educations and hitting the books nowadays? Get real coz that aint something to discuss about.

2 thumbs up 4 sistas who working on claiming the corporate ladder.

Later peepz.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedeey

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

TO: Abdulaahi,
Walaalkey Muslinka ahoow, magac Islaam ayaad wadataa wax qof Islaam sheegtana ma aadan qorin. Walaal marka hore waxaan kaaga baryaya Ilaahey inuu kugu hanuuniyo wadada saxaabiga magaca kaaga horeeyay ee ah Cabdulaahi Bin Cabaas, xabra haadihil Ummah.
Marka labaad, waa adiga tusaale u soo qaatay dowlad gaalo iyo wax ay bini'aadam suubiyeen ee ma eegtay Sharciga Alle waxa uu arinkaan ka qabo. Diinta Islaamka Alle ayaa sharci jira ka dhigay, parlement, the house of the representatives ama aqalka cas midna laguma suubin ee waa wax samada ka yimid, kii ugu kheyr iyo darajo fiicnaana ummada ilaahey abuuray ayaa meel mariyay. Ma aha inaad hadalkii rasuulka iyo wax gaal suubiyay isku meel dhigto. Diinta Islaamka waxay sheegaysaa in lagu danbaabo hadii hadalka rasuulka si khaldan loo fariso waxaana kaba daran kan diiba. Walaalkeygiyoow, umada ha ula imaanin wax aanan cadeyn ee daliil ay nas la socoto meesha la imoow.

Ladan: Walaal point adag ayaad meesha la timid laakiin mid ha hilmaamin. Muslimiinta waxay umadaha kale kaga duwan yihiin xumaanta way iska reebaan wanaagana way is amraan. Culumada arinkaan ku khaldamay waa la yaqaan waxay daliishanayaan balse waxaa ka wayn inta ayadood ay ku tunteen. Ilaahey suurarul axzaab waxaa uu ku leeyahay asagoo ka xikaayoonaya haweenka, "Guryihiina ku naqaada, banaankana ha isu ban dhigina sidii jaahiliyadii hore..." Meel kale waxaa uu leeyahay asagoo ka hadlaya xiriirka raga iyo dumarka ajaanibta kala ah, ..."...hadaan wax waydiinaysaa (yacni dumarka) xijaab gadaalkiis ka waydiiya maxaa yeelay sidaas ayaa quluubtiina u wanaagasan" Waa ay badan yihiin ayaadka ku soo arooray axaadiistana walaalkay ayaa qaarkood sheegay. Marka walaal ha ku dagdagin arinkaan cidii xukun u carartana ayada ayaaba dambi ku ordaysa runtii aniga waxaan iska ilaaliyoba awood xukun ah inaan helo maxaa yeelay xukmadaha quraanka uu na barayo waxaa ka mid ah in goom walba ya madaxyo wayntoodii ay lumiyeen. Fircoon, Qaaruun, Abuu jahal, iyo kuwo kaleba inay xaqa ayagoo yaqaan ay diideen sababtoo ah xukunkooda ayey doorbideen tii Allena way ka jeesteen. Laakiin raga u maleyn maayo inay dumar jago u diidan yihiin ee khaladka dhacaya ayey rabaan inay saxaaaaaaaan.

To: Ubaxeey aqoonta ha u baran wax aad xukuntidee ee u baro inay wax ku tarto. Aqoonta khasabka kugu ahna waa diintaada ee iyada ka bilaaw sida ugu dhakhsaha badan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.