site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WALAAL ILA TALI: WAXAAN RABAA INAAN DIITA ISLAAM BARTEE,,TALO ISII.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): WALAAL ILA TALI: WAXAAN RABAA INAAN DIITA ISLAAM BARTEE,,TALO ISII.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WALAAL

Unrecorded Date
ASSALAAMU CALAYKUM.
ILA TALIYA WAXAAN RABAA INAAN DIINTA BARTO SIDEE BAAN KU BARAN KARAA MAXAANSE KABILAABAA,
ILA TALIYA WALAALAYAY KHAYR ALLAAH HA IDINSIIYEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasiin

Unrecorded Date
Salaamu 'Aleykum,

Diintu Qof kasta oo muslim ahi waa ku waajib in uu bartaa. Baahidda aad diinta barashadeedda u qabtaa waxay u qaybsantahay labo nooc.
1- In khasab kugu ah in aad barato, si cibaadaddu ay u noqoto mid saxsan oo sunadda nabi Muxammad(nabadgalyo & Naxariis Korkiisa ha ahaatee) waafaqsan, waana cilmiga ku taxaluqa:
a) CAQIIDADDA..barashadda Alle
b) CIBAADADDA..barashadda gudashada cibaadooyinka
c) MUCAAMILAADKA..barashadda ku dhaqanka diinta
d) QUR'AANKA KARIIMKA AH...Qur'aanku waa diintii oo dhan laakiin u baahan in si kala baxbaxsan aad u baratid.ugu horeyn & ugu danbeynba..

Halka aad wax ka qaadanaysid waa Kitaabka Alle iyo Sunadda Nabigga.

2- Haddii aad Awood u leedahay waxaa kaloo lagaa rabaa in aad diinta u gudbisid dadka kale,, sideed u gudbinaysaa hadaba adigoon aqoon qotodheer u lahayn dabeecaddaha diinta..

INTA AAD QU'AANKA KA TAQAANAAYI WAA INTA AAD DIINTA KA TAQAANID..

walaalkaa Yasin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Altawakal

Unrecorded Date
TO:WALAAL
Salaanta islaamka bacdigeed, waa sida walaalkay ismaaciil kuu sheegay waajibnimada barashada diinta islaamka aniguse waxaan kuugu darayaa in aad iska fiirisid qofka aad wax ka qaadanaysid sida isaga uu ugu dhaqmayo diiinta, waxaad baranaysina waxaad ku dartaa camal ama ku dhaqan ilaahayna ha kuu fududeeya barashada diinta saxiixa ah barashadeedada.
waxaan kuu sheegayaa halxadiis oo ah bishaaro nabiga (slcw)waxuu xadiid ku yiri qofkii doona barashada diinta islaamka ilaahay wuxuu u sahlaa dariiqa janada OW KAMAA QAALA.
ILAAHAYBAANA GARANAAYA XAQIIQADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!
To: Walaal!

Walaal waxaan ku raacsanahay sida walaalaha hore aay sheegeen Jazakumulaah kheyran.

Waxaa la yiraahdaa qofkii Alle kheyr la doono wuxuu waafajiyaa DIINKA oo raadsadaa ama bartaa.

Markaa nin Alle kheyr la doontey ayaad u egtahayee DADAAL.

Tag meelaha masaajidda la xariir culumada (lokalka ah), guriga ku dhageyso cajaladah diiniga waxaa la helaa Alaxamdulilaah ayagoo video iyo cassetesba oo shiikhaad rabtid ah.

Walaal wax dhibadan maahin haduusan qofku dhib ka dhigan!

Kheyr ayaan kuu rajeynayaa

Wa salaamu...
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed,

haddii ILaahay inaad diinta barato kuu qaderay waad baranaysaa adigase waxaa lagaaga baahanyahay dedaal iyo karti dheeraad ah oo aan caajiz lahayn.
Isku day inaad fahanto marka ugu horraysa towxiidka iyo kelmadda ( LAA ILAAHA ILLA LLAAHU, MUXAMMADU RASUULU LLAAHI S.C.W.)
Kedib isku day inaad quraanka iyo axaaddiista fahantid.
Kutubta waxaad ka helaysaa meel walba sida booggaata dukaamada iibiya islaamiga ah, haddii aadh Yurub joogtana iyadaaba ugu wanaagsan.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.