site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Guurkaan ma saxbaa mise khula ayuu u baahan yahay.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Guurkaan ma saxbaa mise khula ayuu u baahan yahay.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaama alaikum warahmatulah wabarakaatu
Waxaan rabaa in aan ogaado in ay gabar muslimada oo isku dayda in ay ilaahey adeecdo in tabarteeda ah in ay ku xirnaan korto nin aan tukan, aan salaad jimco aadin, qaadka cuna aanaan kala jecleyn xaraan iyo xalaal. Hadii aad isweydiineysid maxay u guursatey markii hore, markey guursaneysay asaga waxba ma dhaamin. Katagidna way ku adagtahay oo afar cunug bay uleedahay qurbana waa la joogaa. Teeda kale waxaan rabaa in aan ogaado in ay raaliyo u noqon karto ninkaas iyo in kale. Fadlan wixii cilmi ah ama talo ama personal expreince ii soo gudbiya ina soo duceeya in arintaa ilaahey ii fududeeyo for the sake of my childeren.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu 'Aleukum,

Walaal horta waxaan kuu sheegi lahaa in arinta aad ka hadashay ay tahay arin waaqic ah, kuna badan wadamadan qurbaha ah ee aan ku nool nahay.

Arinka Guurku ISLAAM ka aad buu u weyn yahay, mana aha arin cidwaliba iska dhex dabaalan karo, oo wax ka sheegi karto intuu doonaba wadaad ha ahaadee, waayo waa arin la xiriirta qoys,dhiig, mustaqbal, bulsho iyo nolosha aadamigga oo dhan.

Arimahan oo kale waxaa gala Ragga Wadaadadda waaweyn ee aad ugu dhuun daloola arimaha diinta iyo mujtamica ay ku nool yihiin. Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirta Muslimiinta Soomaaliyeed ee joogta masaajidadda Goobta aad Degentahay arintaadana u soo bandhigtid.

Tolkaaga ama inanka Tolkiisana arinta u sheeg si ay u dhexgalaan oo ileyn gacal lagama maarmee arintaadda meel u saaraan.

Salaamu Aleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu amaar

Unrecorded Date
asalamu alaykum
xaqiiqdu waa sida kor kuqoran oo udhow sawaabka iyo xaqa
ilaahay hanawaafajiyo xaqa
wajazaklahu kheyran sida wanaaga leh ee aad uga jawaabtay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.