site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xaas Labaad oo Qarsan

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Xaas Labaad oo Qarsan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Unrecorded Date
Ku: Culumada diinta ee Soomaaliyeed.

Walaalayaal waxaan idin weydiiyey su'aal aan markii hore u malayn jirey inaan jawaabteeda hayey laakiin hadda shaki iga galay.

Sheekooyin badan oo waxaa Toronto ka dhacay nin intuu maraykanka ama wadamo aado guursada xaas kale. Waxaa jirta in nimanka qaar badani ayan xaaskooda hore waxba u sheegin ilaa ay dibadaha kasoo maqasho. Arintan waxaan u malayn jirey jaahilnimo inay ugu wacantahay maadaama xaaskaada iyo adigu aad hal "family" tihiin. Laakiin maalin dhoweyd ayaa la ii sheegay nin wadaad ah oo kamida qolada masaajidka ku xiran uu sameeyey arinkaa. Markaan ayaan shakiyey oo is iri waxaaba dhici karta in diiniyan xataa la samayn karo.

Su'aashaydu waa culumadoy iga jaahil bixiya arinkan, haday suuro gal tahayna aayad ama xadiith-ka aad daliishanaysaan nala qaybsada.

Maadaama aan jaaniskan helay waxaan kaloo idin weydiin lahaa ma banaantahay in xaaskaada been loo sheego?

Mid kale, Ilaahay SWT waxyaabo badan ayuu xaareentimeeyey hadana waxaa arkaysaa meelo quraanka kamida oo danbiyadu sii kala waaweyn yihiin. Suaashaydu waxay tahay waa ogahay sinadu waa danbiyada ugu waaweyn laakiin labadii qof oo kaligood qol ama gaari meel ku park-garaysan isku helay lagana yaabo inay istaataabtaan ciqaab intee le'eg ayaa sugaysa?

Mahadsanidin.

Mohamed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anti-terror

Unrecorded Date
Anti-terror

Saaxiib waa su'aal fiican. Balse anigu xaga culimada waa la iiga dheereeyaa, laakiin waxaan aad ugu fiicanahay cilmi dhagood.

Hadaan isku dayo in aan kaaga jawaabo su'aashaa.
saaxiib waxaay ila tahay in aadan ubaahnayn "diin ahaan" in aad marka aad guursanayso la socodsiiso xaaskaada.

Haday gadaal ka ogaatana adiga lee waaye, jawaabta adaa lagaa rabaa...

Anti-terror

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Doobka Xaaji

Unrecorded Date
Walaal culumadda laftigooda soow BASHAR maaha? Haa soow maaha, marka ogoloow inoo qaldami karo oo haddii uu dambi la yimaado asagaa ayaa loo haystaa maalinka aakhiro, balse haddii aad ku dayatid adiguna adoo leh shiikhii weeynaa ayaa saa sameeyey adna aakhiro asaga ayaad daba istaagsan tahay ee ogoow.

Waxaay soomaali dhahdaa: Shiikh camalkiisa haraacinee Cilmigiisa raac.!

Mida kale been in aad xaaskaada u sheegto ma fiicna, haddii aad u sheegtana ogoow waa la qorayaa dambigaas (malaa'ig).

Xaas kale iska aroos maahin ee waxaa sharuudo, haddii aad buuxin weydo sharuudahaasi ogoow xaqdarro ayaad iska dhexdabalaneysaa ood kujirtaa!

Mida kale walaal baro in aad ceebta dadka asturto! Maahan in aad sheegto ninka aad ka hadleyso magaalada uu joogo!. Saas ma fiicna walaal.

Doobka Xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Naag Somaliyeed

Unrecorded Date
Xaas labaad wey u banantahay ninka hadu aboodo-financially and emotionally.
Ninka muslimka ah waxaa u banan 4. Laakin wa in u sharuuda racaa.
He has to be able to:
1) support and provide for them- equally.
2) Treats and loves them equally.
In my opinion the key word is "equally".
If a man can not do that (and most can not) he can not marry more than one.
In la iloba maha in "Xaqa" la raaco, markasta.
It is interesting how our men sometimes follow the teaching of the Quran and our Prophet (pbuh) selectively. Yes mulitple marriages are allowed but there are guidelines to be followed.
Mahadsanidiin, and Salaamu Aleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calkaykum.
Salaan kadib walaal waxaan wax yar kaa dhehaayaa arinkaan aad soo bandhigtay waqtiga oo cirri igu ahna xaqiisa masiin karo igana raali ahoow hadaan faah faahin bixinwaayo.

Walaal marka kowaad arinkani oo ah in naag labaad laguursdo wax diidaaya ma jiraan ilaa afarna waa lagaynkaraa siday diinteenu ogoshahay laakiin su,aashu waxay tahay oo ma denbi baa hadaan tii hore loo sheegi taasi iswaydiin maleh oo hadii maslaxadu ku jirto in löoo sheego waa loo sheegi karaa hadii kalena looma sheegi karo qofka dhaya waa waajib in loo sheego ayaa u baahan daliil inuu layimaado.Laakiin waxaa khalad ah in uu qariyo tan kale oo aan markhaanti looyeelin qofna aanu ogayn taasi waa xaaraam laakiin hadii markhaanti iyo weliba ayjoogaan wax dhiba maleh.


Arinka labaad oo ah in lawada joogo hal qol qof ajnabi kaa ha waa xaaraam hadaaneey daruuru keenin waxaana layiraahdaa khulwah mana banaana.

Amaa naag kaa xaaramaysan inaad taabatid iyana waa denbi oo nebigu wuxuu ku masalay qof madaxa mindi laga geliaya oo kale ama in sidaasi dhaanto.

Wixii faahfaahin ah waxaan u daayay culimada iyo dadka waqtiga haya.

walaal arinka bal dib ugu noqo oo bal iswaydii inay denbi tahay hadaan wax allaah ii xalaaleeyay sameeyo iyo in kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Mohamed waa banaantahay in xaas labaad, sedexaad, ama afaraad la guursado iyadoo aan loo sheegin xaaska(xaasaska) hore. Waxaa shardi ah
1)Awood dhaqaale.
2)Awood jinsi.
3)Inuu si cadaalad ku jirto kula dhaqmo xaasaskiisa. Waajib ma aha inuu isku si u jeclaado, waxaana daliil u ah xadiis ku jira Bukhaari micnaha xadiiska wuxuu ahaa in la weydiiyay Nebiga (S.C.W)"yaad u jeceshahay dumarka" markaasuu yiri "Caa'isha" waxaa la weydiiyay "yaad u jeceshahay raga" markaasuu yiri "Aabeheed". Axaadiista kalena waxay tusaysaa inuu Nebiga (S.C.W) ugu jeclaa xaasaskiisa Khadiija intii ay nooleyd.

Ma banaana in nin iyo naag is gaya ay isla keli noqdaan arintaasina waa xaaraan waxaana daliil u ah xadiis saxiix ah Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Qofkiin yuusan la keli noqon haweenay (uu gayo) inuu wehliyo maxramkeeda maahee". Waxaa kaloo xaaraan ah is taabtaan laba qofood oo is gaya dad badan ayaa arintaan fududeysta laakiin waa dembi aad u weyn. Waxaa kaloo banaaneyn inay qof haween ah safarto inuu la socdo maxramkeeda maahee e.g ninkeeda, walaalkeed, aabeheed ......


Waa walaashiin Deeqo
Allaah ha noo iftiimiyo diinta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Ma ahi shiiq laakiin intaa ogahay islaamka waa banaan tahay in naago badan la isla arooso ilaa afar laakiin maalmahaan nimanka waa iska iloobeen shardiyaalkii lagu xiray.

Been inaa xaaskaaga u sheegtid xaaraam waaye siduu nabiga SCW dhahayna qof muumin been ma sheego. Dhibaatada dhan gabdhahaa iska leh, nin qayaamay oo been usheegay ma istaahilo ilmahooda inuu aabo u noqdo.Qof asagiiba la aamini karin oo beenaale ah maa reer dhan masuulkiis qaadi karo?


Shiiqow xaal qaado!!!KIR AA LA IDIN DHAHAY, BEENAALAYAALKA SHIIQYAALKA ISKU SHEEGAAYO


WASALAAM.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
TO:Ladan walaal aad ayaad ugu mahadsantahay qoraalkaagi laakiin waxaan ku leyahay meelo ayaa jirta beentu ku banaantahay taasoo ah dagaalka marka gaalada lagula jiro waa banaantahay inaad cadwgaaga haday ku qabtaan ama aad aragtid wax jaajuus u ah inaad been usheegtid yacni hadii ayku waydiiyaan muslimiintii xagay joogaan inaadan runta ka sheegin ee aad majara habaabisid,

Waxaa kaloo banaan ninku inuu mararka qaarkood xaaskiisa usheego sida dhaqaalihiisa ayaa xun xaalkuna furniin ayuu taaganyahay iyo inuu reerku bur-buro waa dhihi karaa markabka soo socda ayaa waxaa ii saaran alaab la qansax igu yiri faa,iido karaadso iyo wax lamida oo uu reerkiisa ku ceshan karo ilaa intii feraj allaah uga bixinayo,laakiin waaxaaraam iyada oo aan maslaxadaas oo kale ku jirin inaad beensheegtoreerkaaga.
Waxaad arinkaas kahelikartaa kitaab kamida kuwa yar-yar oo layiraahdo Riyaadulsaalixiin.
wsalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
meelaa uhaaday lee fiiri MR ANNON.

Macallinka jihaad iyo maslaxa raadiyow iyo naag maskiin oo la qayaamana intey iska gaaraan.

Naag kale markaa guursatid naagtaada beenaa u sheegi kartaa maahanoo?!!!

OROD IGU MOOD

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.