site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Salafiya Jadiida iyo Saint Paul, mexey wadaagaan?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islam (Current): Salafiya Jadiida iyo Saint Paul, mexey wadaagaan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, March 25, 2001 - 07:25 pm
Sidaad ogtihiin, Nabi Ciise caleyhi Salaam, markuu Allah u soo saaray banuu Israaiil, waxaa makri iyo qayaano ula yimid labo qolo.

1. Qolo waa yahuudda oo aaminsaneyd in Ciise uu yahay beenaale, ku iftirooday Allah, sidaa darteed wexey goosteen iney dilaan, maxaa yeelay, wexey aamineen in haddey dilaan in ay daliil u tahay inuu Ciise yahay beenloow.

2. Qolada labaad wexey aheyd Boqortooyada Romaanka oo isticmaarsan jirtay Falastiin, oo shacbigeedu isugu jireen Yuhuud iyo kancaaniyiin yuhuuddu u taqaannay, (Gentiles) ama carabiga (ummiyiin) oo durriyadooda tahay Falastiiniyiinta maanta.

Marku Nabi Ciise caleyhi Salaam dacwadiisii billabay, ayaa waxaa xaasidey culimadii Yuhuudda oo u arkay in Ciise CS uu ka baxay diintii aabbayaashii sidaa darteed ay isku dayeen iney dilaan, marka wexey ku dacweeyeen xaakimkii joogay Falastiin, Governor ama (Pilate) oo ahaa nin Mushrik ah (Pagan).
Qaraar waxaa lagu gaaray in la dilo wxaaana la adeegsaday nin la oran jirey, (Judas Iskariot) oo ku jirey qayaanada yuhuudda iyo Romanka ay la damacsan yihiin Nabi Ciise.

Waxaa suuqa la soo galiyey in Nabi Ciise uu sheegtay inuu yahay boqorka yuhuudda, si looga xanaajiyo Romaanka, oo askartooda u disho Nabi Ciise.

Askartii Romanka oo uu hoggaaminayo nin Yuhuud ah ayaa wuxuu keenay meeshuu Nabi Ciise la fadhiyey ardaydiisa xawaariyiinta ah. markuu Nabi Ciise dareemay makarka ayuu aayar dhuuntay, isla markiina waxaa soo galay Romaankii iyo (Judas) oo raadinaya Nabi Ciise, laakin markey waayeen, ayaa waxaa la yiri Allah ayaa nacladay kuwii qayaanay Nabi Ciise, oo u ekeysiiyey (Judas) Nabi Ciise si asaga laagu rido godka uu u qoday nabi Ciise CS.

" Wa makaruu, wa makarallah, wallahu khairul maakiriin)"

Markii la dilay ninkan loo ekeysiiyey Nabi Ciise, ayaa yuhuuddii wexey bilaabeen iney jaajuusaan dhamaan wixii raacsanaa nabi Ciise ooy ku diraan Romanka si loo dabar jaro.

Waxaa ugu khatarsanaa yuhuudda nin la oran jirey (Paul) oo muiniin badan sbab u ahaa cadaabtooda iyo dilkooda.

Paul, markuu muddo wadey xamladdiisa uu ku laaynaayey muminiinta raacday nabi Ciise, ayaa waxaa uu daremay in muminiin badan ay dhuunteenooy dageen saxaarada falastiin, qaar kalena ay Allah guryohooda ku caabudi jireen qarsoodi ayagoo ka baqaya Romaanka askartiisa iyo Yuhuudda jaajuusiinta ah.

Paul wuxuu fakaray in dil aan lagu dhameyn karin muminiinta, laakin sida ugu fiican oo loo cirib tiri karo muminiinta raacday nabi Ciise ay tahay in la xarrifo oo la baddalo diinta nafteeda si looga dhigo diin raacsan dowladda Romanka ah oo aheyd dowlad mushrik ah.

Marka, Paul wuxuu soo allifay sheeko cusub, Wuxuu sheegtay inuu towbo keenay, inuu hadda rabo in muminiinta la shaqeeyo sidii diinta lagu fidin lahaa.

Paul wuxuu soo ogaaday in qaar ka haray xawaariyiintii nabi ciise ay ku nool yihiin saxarada, markaasuu u tagay. Markey arkeen Paul oo soo socda, wey baqeen.

Waxaa xukumay xawaariyiinta (Barnabaas), waxaana kaalmeyn jirey (Mark). markuu Paul irridda soo garaacay, Barnabaas wuxuu amray in laga furo irridda.

Paul wuxuu u shegay in uu towbo keenay, oo hadda kadib uusan dili doonin muminiinta, sidaa darteed wuxuu warsday iney aqbalaan oo u ka mid noqdo ayaga. Wuxuuna u sheegay in sababta uu u towbo keenay ay tahay in dariiqa Dimashaq ee Suuriya uu kula kulmay Nabi Ciise, markaasna uu cafiyey, kana dhigey wali la raaco.

(Mark) oo ahaa nin fiiro dheer, waa shakaiyey waana diiday in ninkaas lagu daro jamaacada muminiinta. haseyeeshee, Barnabaas oo ahaa nin qalbi fiican ayaa amray in la aqbalo Paul, oo lagu daro walaalaha muminiinta.

Howshii ugu horreysay oo dacwad aheyd ayaa waxaa loo direy iney aadaan Paul iyo Mark waddanka Giriigga oy fidiyaan diinta nabi ciise, meeshaas waxaa ka bilowday qilaaf weyn oo dhexmaray Paul iyo Mark oo ku saabsan caqidada dadka la barayo.

Paul wuxuu dadka u sheegay in Nabi Ciise uu ka dardaarmay in la adeeco dowladda Romanka ee Qaysar, oo xaqa Allah gooni laga dhigo Xaqa Qaysarna gooni laga dhigo. Wuxuu ku dadaalau in dadka la baro in Qofkii ciise aamina uu janno galaayo hadduu raaco wadaaddada dowladda Romaanka ku tiirsan.

Paul, wuxuu qoray injiil cusub uu yiri waxaa soo dajiyey Allah,

Injiilkaas, wuxuu ahaa mid howlo badan lagu gutay.

1. In dadka ayagoo isu heysta in diinta nabi ciise ay ku jiraan , la galiyo shirkul daacat ay addeecaan Romanka mushrikiitanta ah.

2. In yuhuudda ay aqbalin diin sax ah oon aheyn diintooda oo aan ummiyiinta loo ogolaan in diin xaq ah iney galaan.

3. In xukunka iyo diinta laka saaro.


Maanta, Jamaacad cusub oo ku soo biirtay dadka diinta fidiya oo loo yaqaan SALAFIA JADIIDA oo dadka raacsan ay u badan yihiin dad fahamkooda uu aad basiid iyop sadxi yahay ayaa waxey u howl galeen sidii ay u qaban lahaayeen howshii uu u qumay Paul.

Mataal ahaan, wexey xoog saaraan ooy dadka ugu yeeraan in la adeeco waliyul amriga. Wexey dadka dhacsiiyaan in waliyul amriga daacadiisa ay tahay rukni muhim ah.

Wexey isku dhex daraan wadaaddada, wexeyna ku hadlaan luqadooda, wexeyna u labbistaan sidooda, laakin, howsha ay ku jiraan waa howl qoto dheer oo ah in ay baddalaan fahamka diinta Islaamka ah oo ay ka dhigaan sida diinta kirishtaanka.

hadalkaan, dad badan baa la yaabi doona, laakin, qofkii u fiirsda ilaa iyo hadda wixii soo dhacay, xasuustana xadiithklii Rasuulka SCWS uu yiri
" Waxaa raaci doontaan sunanka kuwii idinka horreeyey, xataa haddey galaan god maasa lugaaley waad ka daba geli doontaan" markey warsadeen saxaabada , " ma yuhuudda iyo kirishtaankaa?" wuxuu suubbanihii ku jawaabay " haddey ayaga aheyn waa qoloma?"

Allah waxaan warsaneynaa inuu nagu sugo diintiisa, iyo Sunnada nabigiisa iyo tan khulafada Raashidiinta ee mahdiyiinta ah gadaashiis. aamiin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.