site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HELP....................PLEASE I NEED AN URGENT FEEDBACK

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: HELP....................PLEASE I NEED AN URGENT FEEDBACK
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FATHA KHALIL

Wednesday, March 28, 2001 - 09:39 pm
CONES:
WALLAAL NINKAYGU MA TUKADO MA SOOMO. DIINTA ISLAMKA WUU KA DHEER YAHEY. MARKUU SAAXIIBADII RAACO WINE AYUU CABAA. MARKAAN WAANIYONA WUU XANAAQAA XATAA INTERNET ISLAMIC EDUCATIONAL SITES AAN U RECOMMEND HE IS NOT INTERSTED.

PROS:
GOOD HUSBAND AND A VERY GOOD FATHER TO OUR 2 KIDS.

PROBLEM:
WALAAL ASBUUC KASTA HADDI URGUMENT YARI DHACO WUXUU LA SOO BOODAA DIINTAYDA IYO RABBIGA IYO AABAHAY OO MOOTAN CAYDOODA. THIS WEEK HE DID IT TWICE. SO I MADE IT CLEAR THAT I WON'T BE INTIMATE WITH HIM IN BED UNTIL WE WE ASK A SLAMIC KNOWLEGEABLE PERSON.

QUESTION:
MIYAAN KA FURANAHEY HADUU NINIKU CONSTANTLY ABUSE GAREEYO DIINTAYDA ( DIINTAADA WAXAA KU SAMEE AND SO FORTH..)

JIZAKALAH

UMALAYN MAAYO IN UU IS BEDELAYO APOLOGY ....APOLOGY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samiir

Friday, March 30, 2001 - 06:49 am
Walaal su'aasha aad nasoo waydiisay aad ayaad ugu mahadsanthay. Runtii dhibaato adag ayaa ku haysata taas oo Ilaahay aan kaaga rajaynayo inuu kaa dulqaado.

Haddii aan u soo noqdo su'aasha, anigu ma odhanayo ninku wuu kaa furmaa iyo kaama furmo toona, hase ahaatee waxaan shaki ku jirin in xaaladdu ay meel xun ku sugantahay oo ay u baahantahay Sheekh arrintaas go'aan kaa siiya.

Waxaan xasuustaa beri su'aal taas lamida lawaydiiyay nin diinta aad u yaqaan (inkastoo diinta lacaaya ku jirin su'aasha) oo uu sheekhu ku jawaabay; waa inay gabadhu u sheegtaa ninka inuu iska dhaafo salaaddana tukado. Haddii ay ka daasho oo isna maqli waayo gabadhana uu ku xumaado way iska furaysaa.

Walaal arrintaadu aad ayay u darantahay sidaad sheegtayna ninkaagu wuxuu ku darsaday intaas isagoo diinta neceb, khamriga cabba, salaadana tukan, iyo waliba isagoo nasabkaaga caaya.

Arrimahaas oo dhan sida cad waa mid uu kas u samaynayo isagoo aan ka cudurdaaranayn.

Waxaan ku odhan lahaa walaal anigoo arrintaa ka rajo go'san aanse ku niyad jabinayn, in la waydiiyo nin diinta iiga aqoon roon oo jawaab cad kaa siiya. Aniguse shaqsiyan waxaan qabaa inaad hadda xaq u leedahay inaad iska furtid haddii arrintaasi dhab tahay.

Wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, March 30, 2001 - 06:10 pm
Walaal haddii ninku uusan salaadda tukan, waxaa haboon illaa xad in ay waaniso oo ay mar walba xusuusiso in cibaadada alle ay waajib ku tahay in uu la yimaado. Haddii ay gabadhu ay ka caal weydo, waxay la socodsiinaysaa dadka cilmiga leh si war qadeeda looga siiyo. Laakiin haddii uu waalidkeeda caayo waxay xaq u leedahay in ay warqaddeeda laga siiyo.

Haddii ninku diinta, nebiga,ilaahay iyo malaa'igta uu caayo wuu gaaloobay waa laga furayaa gabadha , waxaana ka furaya culumada. mana loo ogola in gabadhu ay agjoogto nin xadkaas gaadhay.
Waxa kale oo ay gabadhu xaq u leedahay in ay furiin dalbato haddii uu ka gaabiyo waxa ay xaqa ugu leedahay oo ah mariin iyo masruuf iyo weliba xaqeeda gaarka ah.
wa billaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FATHA KHALIIL

Monday, April 02, 2001 - 07:19 pm
wallaal sameer iyo qoonsade
jizakalah input ka aad diinta iga siiseen. wuu dhageysanayey markaan u sheegay diintu waxay ka tidhi qofka sidaas u dhaqma.
wallaal hooyadey baa caruurta ii haysa waanan shaqeystaa waxan soo hooyana ehelkayaga waxan ka taro oo uu ka raali yahey mooyee intakale isaga ayaa noo maamula oo waan ku kalsoonay. ( inkasta oo aan ku idhaa haddii aad diin leedahey way inoo barakoobi laheyd oo, we did not need to be running so much to make money). markaa mariinka iyo masruufku doesn't apply to us. ilaahey kamaan rajo bixin ee ii soo duceeya in uu alle ii soo hadeeyo oo uu ahaado mid anna xaqa igu sii waaniya. walal fadlan iigu qor halkan sheekh somali ah oo toronto jooga confidentiality na garanaya oo aanu u wada tegi karno to resolve our marital difference and get spiritual counselling.
jisakalaH WASALAMU CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

new

Tuesday, April 03, 2001 - 01:53 am
i can't read somali.
what do you advice on, in English please.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Tuesday, April 03, 2001 - 07:24 am
Assalaamu calaykum Fatha Khalil.
Walaal alle ha kuu hanuuniyo ninkaaga. Beryahan dambe waxaad mooddaa in haweenka Somaaliyeed ay xaqa nooga dhowyihiin,waayo waxaan gabnay kaalintayaddii. Ilaahay wuxuu Quraanka ku caddeeyey in guurku yahay wax ilaahay inoo jideeyey oo loo baahan yahay in sidii la rabay loo raacay anakoo ka qaadanayna tusaale sunnaha iyo kitaabka alle.
Ilaahay kor ahaaye wuxuu kitaabkiisa ku yidhi, " Aayaatka(calaamadaha lagu cibro qaato)Alle waxaa ka mid ah in uu idinka abuuray haween aad ku xasishaan(sakiinah)isuna kiin geliyey jacayl(mawadah) iyo raxmad qalbiyadiina; xaqiiqdii arintani xujo cad bay u tahay dadka cibro qaadanaya(for those who reflect)." Erayga xasilooni ee aayaddu tibaaxday waa eray qoto dheer oo muujinaya in guurku yahay mid lagu dego. eray ahaan carabtu waxay oran jireen sakanatil riixu oo ah dabyshii wey degtay oo marka aan dabayl dhacayn oo dherta laamaheeda wax ruxayaa ayan jirin oo jawigu degan yahay sidoo kale ayaa guurka loo baahan yahay in uu noqdo mid degan oon dhib iyo qalooc lahayn. Markaa xasiloonidu way ka qoto dheertahay in qofku guto baahidiisa, laakiin waa is ku tiirsanaan labada dhinac, isu naxariisasho, kalgacal, is maqal, isku dabacsanaan iyo in la is wheshado. Guurku ma aha sida ay u haystaan dad badan, inuu yahay xiriirka labada qof oo la xalaaleeyey( the marriage institution is beyond obtaining legal-------). Sida runta ah guurku waa ilaalin la dhawrayo xuquuqda caruurta, haweenka iyo ragga. Nebigennii barakaysnaa wuxuu no sheegay in ninku ka mas'uul yahay haweentiisa iyo caruurtiisa, haweentuna ay mas'uulk ka tahay guriga ninkeeda qof kastana mas'uuliyaddiisa la weydiin doono. Rasuukennii (SCW) isaga oo ahmiyadda guurku leeyahay tilmaamaya wuxuu yidhi, " Nin ka muslimka ah marka uu guursado, waxaa u dhamaystirmay kala badh diintiisii, markaa alle ha ka baqo si badhka kale ugu dhamaystirmo." Albaani wuxuu ku yidhi kitaabkiisa saxiixu jaamicu saqiir waa xadiis wanaagsan.
Nebigu(CSW) wuxuu yidhi: "Adduunkan wanaagiisu waa adiga oo hela haween wanaagsan." (muslim)
Haddaba reerka muslimka wanaagsani wuxuu ku dhaqmaa oo ku toosnaadaa diinta ilaahay oo ninku haweentiisa ku taageero xaqa, caruurtiisa iyo hweentiisa baraa quraan, caqiidada iyo cibaadaadka kale, waayo waa wax la su'aali doono marka Alle hortii la taagan yahay. Haddaba, waxaan Alle ka baryayaa in haweenka muslimka, gaar ahaan kuwa soomaaliyeed in Ilaahay raggooda ka dhigo kuwa u roon oo xaqa la garabtaagan.
Laakiin, waxaa nasiib daro in dadku ay fududaystaan kitaabka Alle oo layimaadaan gaalnimo cad sida: In qofku diinta caayo, nebiga, maa'igta, ilaahay, quraanka, sunnaha iyo amuuro fara badan. haddii qofku intaa aan kor ku xusnay qofku la yimaado shareecadu waxay ka qabtaa in xadka laga oofiyo(la dilo), oo aan salaad lagu tukan iyo inaan lagu aasin qabuuraha islaamka. Waxaa kaloo soo raaca ninka iyo naagta reero leh oo gogol dhaaf sameeya, dadka falalka qoomu luudka la yimaadda(labadaba waa la rajminayaa,ka lagu sameeyey haddii si xoog ah loogu qasbay la dili maayo. labada haween ee isu taga la dili maayo laakiin xaakim ka ayaa ku xukumaya sida uu wanaag u arko), qofka diinta ka baxa, ka muslimka la dagaalama kuwa saaxiriinta ah, kuwa curaafiyiinta ah iyo kuwa dila qof muslim ah ula kac iyo kuwa kale oo badan.

Haddaba waxaan ku siinayaa mid ka mid ah culumada soomaaliyeed ee Toronto aan ku ogaa markii iigu dambeysay. MAGICIISA WAXAA LA YIDHAAHDAA BASHIIR SHIIL, WAANA IMAAMKA MASJIDKA KHAALID BIN WALIID. CULUMO KALENA WAA JOOGAAN MASJIDKA. TALEEFOONKA WAXAAD KA HELAYSAA DADKA SOOMAALIYEED EE DEGAN XAGGA GALBEEDKA MAGAALADA.

Haddaba waxay u badan yihiin raggu marka la yidhaahdo wadaad baan u tegaynaa in diidaan waayo waxay isu arkaan in ay iyagu saxsan yihiin. waxaa kale oo haboon in marka labada is qabaa xaalkoodu iku murgo in ay dhex galaan dad labadooda dhinac ka socda oo diinta wax ka yaqaan si aan qofna xaqiisa loo duudsin. In kasta oo dadkeenna ayan wax weyn u arkin qofka diinta caaya, hadana waxaan shaki ku jirin in ay tahay gaalnimo cad oo aan mugdi ku jirin. Qofkii arinkaa la yimaadda saddex casho ayaa diinta in uu ku soo noqdo loogu yeedhayaa, taas oo loo sheegayo in uu Alle u noqdo oo dib shahaadada u qabto afka in uu ka yidhaahdo ama uurka labaduba waa furan yihiin waayo camalku waa niyadda. Haddii muddadu dhamaato oo soo noqon waayo haweenta waa laga furayaa, xadkana waa laga goynayaa qabuuraha gaaladana waa lagu aasayaa(WAXAA KELIYA OO SIDAN SAMAYN KARA KHILAAFADA ISLAAMKA EE MA AHA WADDAMADAN AAN KU NOOLNAHAY). Shuruudaha tawbada waa in uusan dembigaa dib ugu noqon, inuu ka fogaado dadka xun xun ee falalkaas oo kale ku kaca, iyo in uu ka qoomamoodo falkaas mar kasta oo uu soo xusuusto. Gabadh Muslimad ah ma ag joogi karto qof diinta caaya markasta oo diinta la xusuusiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FATHA KHALIIL

Saturday, April 07, 2001 - 10:04 pm
QOONSADE
WAAYEY WALLAAL WACDIGAAGU WAA MID WAX LAGU QAATO.
WALAL WAAN HELAY WADAD INSHALAH HADUU IGA YEELO WAXAN DOONAYAA IN AANU ISU RAACNO SI LOO DAREENSIIYO CONSEQUENCES QOFKA DIINTA ISLAMKA WAX KA SHEEGA LOONA ABAAL MARIYO IYO SIDA UU DENBIGANI U SAAMEYNAYO JIRIDA QOYSKA ISLAMKA. JIZAKAMULAAHU KHEYRAN KAZIIRAN SI FIICAN BAAD NOO TUSAALEYSAY CILMINA NOOGU KORDHISAY.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.