site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Caashuuraa, Maalinkii xaqa uu ka raayey baaddilka!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islam (Current): Caashuuraa, Maalinkii xaqa uu ka raayey baaddilka!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, April 02, 2001 - 04:42 am
Waxaa na soo heysa maalinkii weynaa oo Caashuuraa, maalinkii Allah uu uga hiilliyey Nabi Muse CS iyo inta soo raacdey, Fircown, wasiirradiisii iyo askartiisii.

Macnaha maalinkaas ku jira aad buu u weyn yahay:

Duruusta ku jirta maalinka caashuuraa:

1. Madaxda Kibtirtay oo addonsatay uunka Allah ayaa waxaa la tusay, in Allah uu u hiilliyo addoontiisa ku sabarta una adkeysata dhibaatada ka soo gaarta dulmiga, iyo beenta lagu abuurto saalixiinta.

2. Fircown wuxuu isku dayey inuu shacabka ku diro ahlul xaqa, asagoo oranaya " wuxuu rabaa inuu baddalo habka nolosha aad ku nooshihiin, ama inuu fasaad kaa daahiriyo dhulka"

3. Fircown, wuxuu ku faanay, " anaa ka fiican midkan liita oo carrabeyga ah"

4. Fircown wuxuu ku tilmaamay kuwa xaqa dadka fara " Waa shirdama yar, waanan iska jireynaa"

5. Fircown wuxuu sheegtay in taladiisa ay tahay tan ugu sarreysa MASAR, oo qof ka sarreeya oo kale uusan jirin. Ilaah macneheeda waa zaciimul qowmi, mana sheegan Fircown inuu dadka abuuray.

Wuxuu yiri Fircown" idiin ma ogi zaciim(ilaah) aan aniga aheyn"

" Haddii aad yeelataan Zaciim (ilaah) aan aniga aheyn waxaan kaa dhigi doonaa maxbuus"

6. Fircown wuxuu ku faanay wabiyaasha hoos ordaya iyo jaannaatka, taasoo uu daliil ka dhigtay inuu talo fiican yahay oo dadka laga rabo iney raacaan.

7. Fircown iyo intii soo raacday iyo saxaradiisa kulligood waxaa kulmiyey jeceylka adduunka.

8. saxaradii fircown wexey dalbadeen in lacag la siiyo haddey raayaan.

9. Saxaradii markii laga raayey, wexey aamineen Allah, wexeyna jecleysteen aakhiro, adduunkana kama walwalin,

10. Fircown wuxuu ku adkeystay dulmigiisa, iyo canaadkiisa.

11. Allah wuxuu ku salladay kuu gurigiisa ku soo koriyey.

12. Fircown wuxuu imtixaaney muuse asagoo ku tuhmaya inuusan Allah oqoon, " Waa kuma Rabbiga caalamiinta"? ayuu warsday.

13. Maalinkaas xaqa aad buu daciif u ahaa

14. Baaddilkana aad buu xoog u lahaa.

15. Laakin Allah addoontiisa, maalinkaas waa u hiilliyey, mar walboo dad xaq raacaan oo qowmkoodana beeniyaan, ooy sabraan, Allah waa fakiyaa muminiinta.

16. Waxaa jira dad u muuqda iney daalimiinta la jiraan laakiin waqtiga munaasibka ah soo bannan baxa, sida muminkii qowmka fircown oo qarsan jirey iimaankiisa.

17. Fircown oo kibrey, oo yiri sideen u raacaa labaadan nin oo dadkooda aan gumeysanno, wuxuu ku dambeeyey inuu dhaho "waxaa aaminey key aamintay banuu Israaiil"


Run ahaantii maalin cajiib ah ayuu ahaa, walaalaheen muminiinta maalinkaas waa la imtixaaney, laakin Allah ayaa u hiilliyey.

Ilaa yowmul qiyaame, xaqa dadka raaca waa laga qaadaa asbaabta lagu raayo oo hubka iyo cadadka, waxaana la fiiriyaa iney iimaankooda oo kaliya ku hor istaagaan baaddilka.

Caashuuraa, waxaa rasuulkeenna noo sunneyay inaan soonno si aan Allah ugu mahad naqno sida uu ugu hiilliyey muminiinta.

Allah waxaan warsaneynaa inuu mustdcafiinta muslimiinta ah u hiilliyo, mustakbiriintana dulli ka dhigo.


Sunnada waa in la soomaa, sagaalaadka iyo tobnaadka, waxaa la soo wariyey in bilaha la soomo ay ugu fadli badantahay, Ramadaan, ooy ku xigto Muxarram.

Allaha xasanaadka Caashuuraa na waafajiyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.