site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Raadka ay ku reebeyso acmaal la'aanta iimaanka aqbalkiisa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islam (Current): Raadka ay ku reebeyso acmaal la'aanta iimaanka aqbalkiisa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnu Cumayr

Tuesday, April 03, 2001 - 04:37 am
Walaalayaal

Safxaddaan waxaan u furey markii aan akhristay walaalo isku duraya wax aan bannaaneyn daliil la'aan.

Allah wuxuu na faray " Dadna yaaney dadka kale yasin, waxaa dhici karta iney ka kheyr badan yihiinee...."

Sidaa darteed, waxaan idiin soo bandhigayaa in laga hadlo caqiidada ayadoo walaalo la yahay, qof walbana uu xaq raadis yahay uusan ahayn qof raba inu muranka badiyo, laakin inuu xaq helo qofkii raba hala jiro xaqaas.

Aadaabta xiwaarka muslimiinta waxaa ka mid ah, in malaha la isku wanaajiyo marka hore, haddey qalad qof u muuqatana, in uu si xikmad leh uu ku toosiyo. iyo in tacmiimka la iska dhaafo sida ah in qof dhaho, dadka shaatiga guduudan oo dhan waa waalan yihiin.


Walaalayaal, waxaan isku ognahay akhlaaqda Islaamka ee xiwaarka, is ixtiraam iyo in la isu sabro haddii qalad lakala dareemo.

Allah wuxuu yiri " Yaa ka hadal fiican qof dadka ugu yeeray Allah oo camal fiican la yimid oo yiri waxaan ka mid ahay muslimminta."

"Isku midna ma aha wanaagga iyo xumaanta, ku dhaqaaq tallabada fiican (mar walba) si markaas (aad u aragto) in kan cadaawada idin dhex taallo uu kuula dhaqmo sidii saaxibkaa."

(natiijadaas) ma gaaro illaa kuwa sabra, mana gaaraan illaa mid nasiib weyn leh."

"Haddii (adoo muran ku jira) uu sheydaan ku taraarixiyo, (ood ka siibato xaqa) , markaas, Allah uga magan gal sheidaanka, Asaga ayaa ah kii wax maqlayey oo cilmiga badnaa"


Walaalayaal


Muwduuca aan idiin soo bandhigayo, sida ka muuqata topika kor ku yaal waxaa weeye:

Haddii qof muslim ah laga waayo camal Allah amray, qofkaas, ka tagidda uu ka tagay camalkaas mexey u dhibeysaa iimaankiisa?

Annagoo fiirinneyna nooca camalka uu ka tagayb qofkaas.

1. Markuu ka tagay meeshuu joogo (darul Islaam?)
2. Markuu ka tagay waqtigey aheyd
3. camalkuu ka tagay muxuu ahaa (Arkaanta?)
3. Asbaabta ku qasabtay inuu ka tagay (jahli, caajis, canaad, kubir, hurdo, waalli, duqnimo, doqonnimo, carruurnimo, ikraah (qasab) )
4. Xukmiga sharciga ah ee asbaabtaas ku keentay inuu ka tago sameynta acmaashaas.

Ha la tanaawulo jaanibka islaamka daahirka ah, maxaa yeelay rasuulka SCWS wuxuu yiri aniga waxaa la i faray daahirka, Allahna asagaa wali ka ah saraairta iyo baaddinka.

Waxaan rajeynayaa in mataal fiican ay safxaddan u noqoto walaaleheen ka wada sheegtay usluubta aan fiicneyn ee xiwaarka ka socday safxado kale.


Allah kulligiin kheyr idin siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asraar

Tuesday, April 03, 2001 - 04:41 pm
Jazaka Allah khair walaal, mahadsanid.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.