site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAQIIQADA SAYID QUDUB

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islam (Current): XAQIIQADA SAYID QUDUB
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Friday, April 06, 2001 - 12:26 am
bismillaah walxamdu lilaah wabacdu

:::SAYID QUDUB OO QURAANKA KU SHABAHAY MAKHLUUQ:::::

wuxu yidhi (quraanku waa daahiro kowni ah oo SIDA CIRKA IYO DHULKA OO KALE AH)firi kitaabkiisa layidhaa (dilaalul quraan)(4/2328)wuxu ku shabahay quranka cirka iyo dhulka,cirkiyo dhulkuna waa makhluuq sifaadka allena laguma shabaho mukhluuq .

::::::SAYID QUDUB OO TASRIIXINAYA INUU QURAANKU SAMAYS ALLE YAHAY::::::

wuxu yidhi (sida ruuxdu ay utahay asraarta uu alle lagooni noqday ayaa quraankuna u yahay (sunciga alle)firi dilaal(4/2249) marka sunci waxa layidhaa wuxu alle sameeyay marka way iska cadahay sharax uma baahna.

::::SAYID QUDUB OO (ISTAWAHA ALLE)KU FASIRAYA SAYDARAYN::::

wuxu yidhi(majaal inoogama fura inaan dhex galo macnaha istiwaha waxa weeye oo kaliya tilmaan saydarayn)firi dilaal(1/54)iyo(2/2328
hadaba akhristow saydaro maxa layidha lashaka inay tahay qabsasho hadaba wa (istowlaa)oo dhankale laga keenay e bararug.
wuxu yidhi sheekh c/laahi binu maxamed adduweesh(rxm)(hadalkani waa diidmo istiwaha alle carshigiisa korkiisa ee uqalma waynaanta alle waana caadada ahlul bidaca iyo jahmiyada iyo muctazilada waana arin khilaafsan kitaabka iyo sunnadaba iyo ijmaaca salafka umadan)firi kitaabkisa layidha AL-MOWRIDU ZULAAL FII TANBIIH CALAA AKHDHAA'I DILAAL(SAF 6)

:::::SAYID QUDUB IYO CAQIIDADA XALUULIYADA::::

wuxu yidhi marku fasirayay suratu ikhlaas (xaqiiqo jirta majirto ilaa xaqiida alle mooyee jiritaan jiraana majiro ilaa jiritaanka alle mooyee....)fiiri dilaal(6/4002)culumada salafka ee cas rigeenanina waxay yidhaah deen hadalkani wuxu tusinayaa caqiidada layidhaa wuxdatul wujuud oo odhanaysa waxkas oo indhahaagu ku dhacayaan waa alle wayo shay walba allaa ku dhex jira (alle waa ka nasahan yahay waxay dalimiintu ku sifaynayaan ) ilaa ay qarkood ku gabyeen (wamal kalbu wal khinsiiru ilaa ilaahunaa)wayo waxay aamin sanyihiin in alle xataa eyada ku dhex jiro (nacuudu bilaah)waxa kalu yidhi ibnu carabi asuufii annakirah oo ictiqaad sanaa caqiidadan (alcabdu rabbun warrabu cabdun yaaleytanii manil mukallaf).ninkii ugu horeeyay ee sheega in hadalkan sayid qudub uu tusinayo caqiidadan wuxu ahaa Al-callaamah albaani(rxm)

::::SAYID QUDUB OO DURAYA LABADA SAXAABI MUCAAWIYE IYO CAMR BINU CAAS:::::

wuxu yidhi (mucaawiye iyo camr kagamayna guulaysan cali aqoon ay uga aqoon badan hiyiin xeeladaha nufuusta ....waxay ahaayeen kuwo aan u aabo yeelayn anay adeeg sadaan silax kasta isaguna wuxu ahaa miday kareebayso akhlaaq diisu adeeg sashada wasiilooyinka loolanka, markay adeeg sanayeen mucaawiye iyo saxiibkiis BEEN IYO KHAYAAMO IYO KHADIICO IYO MUNAFAQ NIMO IYO LALUUSH IYO DIMOOYINKA OY IIBSADAAN, cali muuna awoodin inuu isku rido bohoshaas marka layaab malaha inay ka gulaystaan isna fashilmo waana fashilmid ka sharaf badan guul kasta)firi kitaabkiisa layidha (kutub wa shakhsiyat)(s242)

::::SAYID QUDUB OO GALNIMO KU XUGMINAYA BASHARKA:::

wuxu yidhi(zabanku wuxu kusoo noqday siduu ahaa markuu islamku yimid wuxu basharku ku noqday siduu ahaa marku quraanku ku soo dagay rasuulka(scw).. basharkuna waxay u ridooben in adoon ay caabudaan iyo diimaha oyku jowr falaan wayna ka noqotay kalimada (laa ilaaha ilalaah)haba jiraan koox iyaga kamid ah oo ku cel celinaysa laa i'laaha ilalaah iyagoon fahan sanayn macnaheeda...)firi dilaal(2/1057)wuxuna gadaal kusii daraya iny kuwan ku cel celinaya kalimada laa ilaaha ilalaah ay ka daranyiin gaalada
waxana ognahay inuu nabigu(scw)yidhi kama sulayso koox oo umadayda kamid ah inay xaqa kugalaystan dhabayna qofkii khilaafa ama hoojiya ilaa qiyaamu saacah)hadaba seebu kubanaystay inuu ninkani basharka isku wada qaado isagoon kooxdan kasoo reebin ilaa qiyaamu saca ku taag naanaysa xaqa!!!

waxanad ogaataa walal kayga muslimka'ahow in ninkan iyo walaalkiis maxamed qudub ay yihiin mambaca takfiiriyinta, kutubta ay aad u ictimaadaan takfiiriyiintu waxa kamid ah
1)dilaalka
2)mafaahiimun yambaqii antusaxix ee maxamed qudub
3) iyo kutubta ninka layidhaa maxamed saruur binu naayif iyo kutubta (QUDBIYIINTA OO DHAN)iwm

:::::SAYID QUDUB OO UDOODAYA XORIYATUL ICTIQAAD:::
wuxu yidhi(xoriyada ictiqaadku waa xuquuqul insaanka kowaad kasoo usugaya insaniyadiisa. qofka qof insaan ah ka qaadaya xoriyada ictiqaadka wuxu ka qaaday insaaniyadiisa marka horaba,xoriyada caqiidadana waxa lajira xoriyada dacwada iyo inaad amni ka hesho dhibta iyo fitanta)firi dilaal(1/291)

::::SAYID QUDUB OO ISHTIRAAKIYO BANAY NAYA:::

wuxu yidhi(waxa ubanaan dawlada inay ka qaado dadka malqabeenka ah maalkooda dhamaan oy dadka u qaybiso sisman marlabaad)firi kitaabkisa layidha macrakatul islam wara'asu maaliyah(s39-40)

waxa kalo wax laga murugoodo ah in ninkan ay difaacayaan rag kamid ah xizbul itixaad maktabadahoodana ayka saarayaan kutubta umada uga digaysa ninkan afkaartiisa, ayna soo dhigayaan maktabadahooda kutubta difaacaysa afkaarta ninkan.
waxa iswaydiin leh nimanku wayagan radiya dusuuqi iyo qudubi e miyayna ogayn in labadani ay isku manhaj yihiin ninkan sayid? mise arinku waa sayidna xizbi kuma leh somaliya kuwana wayku leeyihiin?hadiikale nimanku waa isku wado e halmowqif ka istaaga sida salafiyiinta

:::SAYID QUDUB OO KA JAAHIL AH HADAFKA UU ALLE USOO DIRAY RUSUSHA::::

wuxu yidhi(fa qadiyatul uluuhiyah lam takun maxalu khilaaf,inamaa qadiyatu rubuubiyah hiya latii kaanat tuwaa jihuhaa risaalaat wahiya latii kaanat tuwaa jihuhaa arrisaalal akhiirah)firi dilaal(4/1846)oo macnaheed yahay (qadiyada uluuhiyada -yacnii towxiidul uluuhiyah-mayna ahayn meesha khilaafku ka taagnaa-wuxu ujeeda khaalafka rususha iyo qoonkii loosoo diray-lakiin qadiyada rubuubiyada -yacni towxiidu rubuubiyah-ayay ahahayd meesha ayku wajahnayeen risaalooyinku,waana meesha ayku wajahnayd risaaladii ugu dambaysay)

hadaba walaal waxan ognahay intowxiidku u qayb samo sadex
(1)TOWXIIDUL ULUUHIYAH
(2)TOWXIIDU RUBUUBIYAH
(3)TOWXIIDUL ASMAA WA SIFAAT
waxad iska jirtaa qaybta ay (QUDBIYIINTU)soo siyaadiyeen oo ay yidhah deen waxa jira qayb afraad oo layidha(TOWXIIDUL XAAKIMIYAH) waana qayb ay xizbiyiintu soo ibtidaaceen siyaasad awgeed, lakiin culumada salafka ee casrigeenan markii laway diiyay oo layidhi qaybtan afraad ka warama ayay yidhaahdeen waa bidco,waxana saas ku jawaabay
albaani(rxm)
ibnu cutheymiin (xfd)iyo qayrkodba.
waayo towxiidul xaakimiyah wuxu kamid yahay towxiidul uluuhiyah marka in gooni loosoo saaro waa waxay ka dambayso siyaasad xizbiyiin, waxana ugu horeeyay wax saa uqaybiya Al-mowduudii iyo sayid qudub(iwm)marka isjir walaal.
hadaba ka kowad waa in alle loogoni yeelo cibaadada
ka labadna waa in alle loo qiro oo loo gooni yeelo waxyaabahu sameeyay ama afcaashiisa
kan sadexaadna waa in alle loo qiro magac yadiisa iyo sifaad kiisa uu ku sheegtay quranka iyo sunada.hadaba waxad ogaataa in ahamiyada rususha looso diray ay ahayd kan kowaad oo ah towxiidul uluuhiyah sidu alle ku sheegay quranka wuxu yidhi alle tacala(dhabtii waxan usoo diray umad kasta rasuul inay alle CAABUDAAN,daaquudkana ka fogaadaan)suratu naxli(36)
waxa kalu yidhi alle tacala(dhabtii waxan u dirnay Nuux qoonkiisa wuxuna yidhi,qoonkaygiyow CAABUDA alle ma lihidin ilaah kale isaga moyee,waxan idiinka baqayaa cadabka malin wayn)al-acraaf(59)waxa kalu yidhi alle tacala((reer caadna waxan u dirnay walaalkood Huud wuxu yidhi qoonkaygiiyow CAABUDA alle malihidin ilaah kale aan ahayn isaga miyaydan alle ka baqayn)Al-acraaf(65)waxa kalu yidhi alle tacala(reer thamuudna waxan u dirnay walaalkood saalix, wuxu yidhi qoonkaygiiyow CAABUDA alle malihidin ilaah kale isaga mooyee....)al-ayah. Al-acraaf(73)waxa kalu yidhi alle tacala(reer madyana waxan u dirnay walaalkood Shucayb wuxu yidhi qoonkaygiiyow CAABUDA alle ilaah kale malihidin aan ahayn isaga...)al-aayah. Al-acraaf(85)

hadaba akhristow waxad halkaa ka ogaatay in dhamaan rusushu hal hadaf ku wada wajah naayeen wana in alle aan cibaadadiisa cidkale lala wadaajin .bal waxan odhan karnaa sayid qudub wuxu jaahilka ahaa macnaha kilimada laa'ilaaha ilalaah
waayo micnahedu waa (ilaah xaq lagu CAABUDA majire alle mooyee) bal waxan odhan karnaa hadafka dhan ee makhluuqa loo'abuuray waxay ahayd in alle kaliya aycaabudaan wuxu alle yidhi(wax kale uma abuurin JIN iyo INSI inay aniga ICAABUDAN mooyee)
amaa towxiidu rubuubiyah uu sayid qudub yidhi isagay ku wajahnayd risaalooyinku, wayba qiri jireen kufaaru qureysh islaamna saas kumay noqon. wuxu yidhi alle tacala(hadaad waydiiso(gaalada)yaa idin abuuray waxay odhanayaan alaah. hada sidee loga leexiyay cibaadada alle)zukhruf(87)waxa kalu yidhi alle tacala(hadaad way diiso yaa abuuray cirarka iyo dhulka waxay odhanayaan waxa abuuray allaha awooda badan ee cilmiga badan)zukhruf(9)waxa kalu yidhi alle tacala(hadii aad waydiiso yaa abuuray cirarka iyo dhulka waxay odhanayaan allaah.....)al-aayah.zumar(38)
waxa kalod eegtaa suuratul muminuun(84-89)iyo suuratu yuunus(31)


wallahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslimun-Muwaxid

Friday, April 06, 2001 - 02:07 am
· Magaciisa: Sayyid Bin Qutb Bin Ibrahim Bin Hassan Bin Shaadili
· Wuxuu ku dhashay tuulo la yiraahdo Mooshaa, 1906, oo ka tirsan gobolka Asyuut, Masar
· Waxaa la daldalay, (idinka Allah Shahaado), arroortii maalin isniin ah, ku beegan 29/8/1966
· Wuxuu noolaa Sayyid konton iyo sagaal sano, toban bilood iyo labaatan maalmood
· Wuxuu lahaa afar walaalo: Nafiiso, Amiina, Muxammad iyo Xamiida
· Nafiisa waa la ciqaabay waana la xiray, sidaasoo kale waxaa la ciqaabay labadeeda wiil oo dawladda Masar ay ciqaabtay, Labada wiil midkood, oo la yiraah Rifcat, waxaa la ciqaabay ilaa ay naftiisii baxday, oo ay kaga baxday xabsiga maamulka masar ee xad dhaafay oo fulinaayey awaamir meel sare ka socota sidii lagu joojin lahaa ururka walaalaha muslimiinta ee Masar oo kumaankun laga xiray, qaar badanna laga dilay.
· Xamiida Qutb oo ah tan ugu yar cidda, waxaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah markey socotay ugaarsigii ikhwaanul muslimiinta 1965, Xamiida waa la ciqaabay wexeyna xirneyd lix sano iyo afar bilood.
· Moxammad Qutb, Allah xafido, wuxuu muddo dheer ku noolaa waddanka Sucuudiga oo uu profossor ka ahaa jaamacadda Ummul Qura ee Maka.

· Sayyid Qutub wuxuu xafiday Quraanka asagoo ahaa toban jir, oo dhiganaya fasalka afraad ee dugsiga hoose.
· Wuxuu qoray kitaabkiisii ugu horreyey oo islaamiga ah 1945 (Al Taswiir Al Fanni fil Quraan)
· Waxaa la xiray 1954, wuxuuna xirnaa seddex bilood, Haddana mar labaad baa la xiray , 1955
· Maxakammad baa la saaray waxaana lagu xukumay toban iyo shan sanadood.
· Waxaa lagu soo daayey cafis caafimaadkiisa oo xumaaday ah dartiis. Markaasa haddana la soo qabtay 1965
· Waxaa lagu xukumay dil 1966
· Waxaa la fuliyey xukunkii dilkiisa aroor isniin ah oo ku aaddan seddex iyo tobankii Jumaadal Uulaa 1386 hijriga, ama 29/8/1966
· Wuxuu ka tagay maktabad kutub ka kooban sagaal iyo toban kitaab oo loogu yaqaanno kitaabkiisa ( Fii dilaalil quraan oo ka koobma lix juzz)

1. Quraanka hoos harsigiisa
2. Cadaalada bulshada ee Islaamka
3. Waxyaalaha u gaarka ah sida uu islaamku wax u arko
4. Islaamka iyo mushkiladaha ilbaxnimada
5. Muuqaalka qiyaamaha ee Quraanka uu sawiray
6. Dagaalka (islaamka) aan kula jirno Yuhuudda
7. Tafsiir aayadaha ka hadlaya ribada
8. Tafsiir Suuratul Shuuraa
9. Sawiraadda Quraanka ee qurxan
10. Kutub iyo shakhsiyaad
11. Dhaliilidda suugaanta (literature), asalkeeda iyo waddadeeda
12. Diraasaad Islaami ah
13. Nabadda adduunka iyo Islaamka
14. Dagaalka ka dhaxeeya Islaamka iyo hantigoosadka ( Capitalism)
15. Taariikhda waxaa ku jirta talo iyo waddo la maro
16. Sidii lagu gaari lahaa bulsho islaam ah
17. Bartilmaameedka waddada ( Macaalimun fil tariiq) ( Kitaabkii lagu dilay dartiis)
18. Diintan
19. Aayaha dambe waxaa leh Islaamaka ( Al mustaqbalu li haadal diin)


Waano ku saabsan sida wax loo dhaliilo (criticism)

Marka hore ii oggolaada inaan idin hor dhigo dhowr hakasho oo loo baahanyahay in la tix galiyo markii caalim, ama dalabatul cilmiga la naqdinayo.

1. Koobaad: Waa in marka hore masalada lagu heysto caalimka ama daaciyada la sugaa si ay u sugnaato ula jeeddada uu caalimkaas watay inaan laga baddalin meeshuu wax ku waday,( ma nin Islaam u hiillinayey buu ahaa mise nin cadow Islaam u uh buu ahaa) Taasna waa amaano.

2. Labaad: Inaan ka soo qaadano waxa lagu dhaliilay caalimka qoraalkiisa oo qura, laguna sugo waxa lagu sheegay. In la dallilsado qoraalladiisa kuwa ugu dambeeyey intuusan dhiman.

3. Seddexaad: Inaan marka hore heysanno fikrad dhamaystiran oo guud oo ku ssabsan manhajka uu qofkaas raacsan yahay iyo waxa uu u socdo inuu xaqiijiyo. Taasoon laga qaadanayo qoraalladiisa asaga oonan marna loo qaban waxa dad kale ay ka qoreen ama ay ku celceliyaan ayagoon hubin wexey leeyihiin. Mataal ahaan Sheikh Cabdul Caziz Bin Baaz markuu banneeyay guurka loo yaqaan ( Zawaaj bi niyatul dalaaq), la mid ma aha markey shiicada bannayso mutcada , maxaa yeelay , Sheikh Bin Baaz, Allah u naxariistee, meeshuu wax u waday waa toosneyd, Sabiilul muminiin, shiicadana meeshey wax u wadaan waa sabiilul daalliin.

4. Afraad: waa inaan isku deynaa inaan taarikhda qofkaas la dhaliilayo inteeda daruuriga ah, in taariikhdiisaas si fiican loo yaqaan, iyo marxaladaha uu soo maray oo u keentey inuu afkaarta qaarkood uu cuskado, markaas uu haddana iska dhaafay afkaartaas markuu galay marxalad kale oo uu arkay waxaan markii hore aan u muqan.

Nabi Ibraahim wuxuu maray maraaxil dhowr ah lagumana dhaliili karo inuu qorraxda iyo bisha caabudi jirey, maxaa yeelay marxaladdiisii ugu dambeysey wuxuu ku dambeeyey towxiid. Sidaasoo kale la ma mooga in uu imaam Shafici, Allaha u naxariisy lahaa laba rayi oo la kala oran jirey (qowlkiisii hore iyo qowlkiisii dambe)

5. Shanaad: Inaan naqaanno duruufta uu ku noolaa si aan si quman u fahamno wuxuu ka wadey hadalkiisa, maxaa yeelay, qofku haddusan fahamsaneyn duruufta hadalka lagu yiri wuxuu kala bixi karaa macne ka duwan kii daaciga uu ula jeeday, maadaama uu daaciga dhintayna, waa in malada lagu fiicneeya, taas waa sunnada nabigeenna SAWS. Waxaa taas u daliil ah in Abu Ayuub Al Ansaari uu arkay niman taabiciin ah oo u fahmay aayadda ( Naftiinna halaag ha kuu tuurina ) in laga wado ha dagaallamina. Markaasuu Abuu Ayuub Al Ansaari wuxuu yiri : aayaddan annaga macshar alansaar ayey ku soo degtay, markii muslimiinta ay dagaalladii ku reysay oo qaarkood is dheheen , war aan u laabanno beeraheenni, iyo xoolaheenni, oo aan iska shaqeysanno, markaas ayaa Allah aayaddan soo dajiyey ayadoo loola jeeday in jihaadlka laga haro ayaa ah tahlukad ah, maxaa yeelay jihaadka waxaa lagu tilmaamay Xayaad ama nolol, ka tagidiidana waxaa lagu tilmaamay tahlukad. Marka in duruufta hadalka lagu yiri la fahmo waa daruuri.

6. Lixaad Inaan qofka la dhaliilsan yahay aan hadalkiisa intii lakala jajabiyo aan markaas la fasirin wuxuu ka waday, laakiin in siduu u yiri naskii oo dhan loo soo bandhigo markaasna qasdigiisii lagu eego qoralladiisa kuwa ugu dambeeyey si aanan hadalka meeshuu u waday aan looga baddalin.


Dhaliilaha loo soo jeediyay Sayid Qutub , Allah u naxariistee.

1. Kitaabkiisa fii Dhilaalul Quraan, inuusan aheyn kitaab tafsiir ah.
2. Inuu ku qaldamay aayadah Sifaadka Allah qaarkood.
3. In la yiri caqiido wax ku saabsan lagama qaato.
4. Nabi muuse calyhi salaam inuu ku tilmaamay qof casabi ah.

Walaalayaal waxaan boggaan aan u furnay inuu Allah kheyr badan na siiyo oon si cilmiyeysan aan u baarno waxa Sayyid ay ka sheegeen khusuumtiisa iyo inaan bal soo akhrinno kutubtiisa si aan amaanada Allah uga soo baxno, maxaa yeelay, hadduu Sayyid quman yahana waa inaan ka faaiideysanna, haddii kalena waa in la waadixiya meeshuu ku qaldan yahay ayadooo lagu miisaamayo miisaan la wada saari karo culimada oo dhan oon kaligiis ku gaar aheyn.

Waxaan kaloon ka dalbanayaa qofkaan akhrinin kutubtiisa inuusan ku eedeeynin wax dad kale ka sheegeen, maxaa yeelay qof macsuum ah inuusan nooleyn waan isku raacsannahay.

Walaalayaal, amaanada cilmiga ah darteed, qofkaan kutubta Sayyed soo akhrinin yuusan rayi dhiiban, si uusan Allah uga caroonin.

Allah wuxuu yiri

" Walaa taqfu maa laysa laka bihi cilm"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, April 06, 2001 - 03:06 am
Assalaamu calaykum, Salafi
Walaal hadda ka hor waxaan ka hadalay Sheekhan shahiiday Alle dartii in aad iska daysaan oo wax aakhiro iyo adduun anfacaya aad ka hadashaan. Su'aashaydu waxay tahay, Salafi maxaa culumada islaamka aad u dabasocotaa? Haddaad aaminsan tahay in aad Sayid Qudbi ka caqiido fiican tahay, maad iskaga hadhid.
Kuwa kale, iyani waxay shaqo ka dhigteen in ay muddo dheer soo celceliyaan taariikh nololeedkii culumada islaamka ee geeeriyootay. Sidaad ogtihiin nebiga(CSW) wuxuu yidhi, iyaakum wa nacyi---. OO ah war baroorta iska ilaaliya. Waxaan hadalkayga ku soo gunaanaday, war qof walbow is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diin

Saturday, April 07, 2001 - 11:08 am
Asalaamu caleeykum

Hadda ka hor ayaa walaal yiri "wuxuu u shaqeeya CIA da iyo Mosaad", markii hore runtii weey igu adkaatay in aan rumeeysto. Laakiin hadda ayaa wax iska keey badalay.

Ilaa iyo hadda wax aqoon diineed oo u noo faaideeyo ma jiraan, aan ka aheeyn werar lagu hayo muslimiin.

Yaa akhi nimanka aad la dagaal santahay naga daa ee wax noo faaidee. Anagu diin baan u oomanahay.

Salaamu caleeykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Saturday, April 07, 2001 - 03:47 pm
(TILKA UMMATUN QAD KHALAD LAHAA MAA KASABAD.........WALAA TUS ALUUNA CAMAA KAANUU YACMALUUNA)
Walaal, salafi, baarakalaahu fiika waan kugu waa faqsanahay waxa aad qortay in ay akhdaa yihiin laakiin carabka ka fududee wadaadka laba arimood dartood.
1-isagoo dhintay gacantana kuhaya wixii uu mutaystay
2-dadka ku tacasuba saydka oo caayi doona culimo kale tusaale ahaan xalay waxay ishaydu ku dhacaysay sida loo galaya Al calaama sh.Rabiic.
hadaba walaal si aynan dacwa salafiya aynan u dhoqon radis iyo cay ka timaada loolanka dhinaca kale waxaa ila haboon in aad mas'alada khaldan ee ka timaada sayd qudbi raximahullaah iyo gayrkiisaba in aad radiso si fiican adoon magaca shiikha bartilmaameed ka dhigan hadii kale waxaa dhici doonta in culimada salafka iyo khalafba la caayo.
Bilaahi towfiiq wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shacraawi

Sunday, April 08, 2001 - 12:13 am
Asalamu caleeykum

Waxaa mahad leh Allahii noo soo saaray nabi Muxamed (csw), isagoo naxariis ahaan u ahaa uumanka.

Waxaan la hadlaaya ama aan xusuusinaaya dhalinta qaadatay mabda´a mucaasirka ah ee Al IKHWAAN AL MUSLIMUUN, kaaso aan aad u aamin sanahay kan ugu fiican qaabka loogu yeeraayo diinta umada muslimka.

Waxaa ka sugnaatay mufakirkii qarnigaan 2000 ee Alla u naxariisto, XASANUL BANNA in uu ku tarbiyeeyni jiray shabaabka in ay ka faaideestaan wakhtiga. Wuxuu yiri "Wakhtiga aan haysano iyo hawsha na sugeeyso, waxaa badan hawsha".

Marka aan ku lumino wakhtigeena si aan masaafad dheer u jarno inta aan nool nahay. Dhag jalaq ha u siin cidii ku af lagaadeeysa. Maxaa yeelay hadafkeena raali ahaan shada Eebe.

Dadka aad la doodeeysaan waa dad JARIIMO ka galay wadankeena, marka yaynu dharka iska wasakheeyn.

Afkaarta aan wadano waa tan kaliya isku keeni karto umada muslimka. Walaalayaal aan ku mashquulno sidii aan nafteena heer sare wax barasho u gaarsiin la heeyn, sidii aan ugu dhax jiri la heeyn shacbigeena wada muslimka ah, oo aan wax u bari la heeyn.

Waxaa shaki ku jirin in uu soo hari doono, kan leh hadaf suuban, oo una kaco. Kuma gaareeyno in aan isdifaacno, ama aan wax ka sheegno qolyaha burburay, si ay anagana noo jiitaan.

Dr. gaal ah ayaa cashar ka jeediyay jaamacad ku taal wadama galbeedka. Wuxuu si cad u yiri " Aydolojiyada nala tartami karto haddii aan nahay westereen ama qatar WEEYN nagu hayso, waa ninkaa XASANUL BANNA".

Waxaa isweeydiin leh ma Ikhwaan kali ayaa diinta u uloleeya?

Waad ogtihiin Xasanul Banna sidii uu u canaantay shabaabkii ku dooday salaada taraawiix, imisaa tukana.

Koox walbana sidii ay ku tarbiyeeyso ama ay tahay ayeey noqon shabaabka ay tarbiyeeyso.
Waxaan u arkaa in aan ka weey nahay dood ku dhisan wax dumis.

Ugu dambeeynata aniga oo aad igu yar wakhtiga aan haysto. Yaan lagu dayan qolyaha is kaga dhax qasmay iyaga iyo kitaabka Qur´aanka, oo ismooday ineey ka xigaan dadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Sunday, April 08, 2001 - 03:08 am
to ; salafi
iyo
difacayaalka SAYID QUDUB

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKAATUHU

Walaalayaal cabsida ilaahay miyaad iloowdayn , SALAFI ilaah qayr
ha siiyo waxaa uu noo tilmaamay halka uu ku qaldamay SAYIDKA oo ah
qalad haddii uu ku dhici lahaa qof kale ISLAAMKA aad ka saari lahaydeen .

kala saara in uu sayidka ahaa nin loo dilay ilaah dartiis

nin faafinaye in loo noqdo diinta ilaahay

iyo qaladaadka uu ka galay diinta islaamka waa wax kala duwan

haddii la idin yiraahdo ilaah dartii uma carootaan ee
waxaad u caroonaysaan LI AJLI SAYID QUDUB ,wax dambi ah ma ahan

...WAAYO .....

Waad keeni wayseen waxa uu sheegay AL SALAFI inay tahay been abuur

markaa waxaa sugan sida uu sheegay SALAFI

aniga shaqsi ahaan ayaa dul istaagay hadalka uu ka soo guuriye SALAFI
SAYIDKA -ilaah ha ka cafiyo UNA NAXARIISTO -ee maxaa keenay tuhmada ah ;
WAA MUUSAAD , IYO WAXAA UU U SHAQEEYAA "C.I.A"

bal wax cad keena inuu SALAFI yahay CAMIILKA Aad ku tilmaanteen

waxaa uu yiri nabiga calayhu salaatu wasalaam ;

" MAN BAHATA MU,MINAN WA MU,MINATAN ADKHALLAHU LAAHU FII RADQATI AL QIBAAL "

oo macnaheedu yahay ;

" qofkii ku been abuurta mu,min iyo mu,minah ilaah ayaa galinaaya
cusaarada ahlu naar ,(radgatu qibal =cusaaratu ahlu nar )

waxaa uu yiri nabiga calayhu salaatu wa salaam ;

" MAN AXBA LILAAHI , WA ABGADA LILAAHI , WA ACDAA LILAAHI ,
WA MANACA LILAAHI FAQAD ISTAKMALA AL IIMAANA "

WAA XADIIS SAXIIX AH

ee ragga difaacaya SAYIDKA qaladaad uu galay ilaah u soo noqda

wa salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Digniin

Sunday, April 08, 2001 - 12:31 pm
Ninkii naftiisa naar iyo Cara Alle kabadbaadiyaan nin raga u aqaan,waxaana u malaynayaa ragaas hore inaan camalkoodii la ini waydiinayn, hadaad difaacdaan iyo hadaad wax kasheegtaana kolba inikama warqabaan oo waxii rabbi u qoraybay la kulmeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, April 09, 2001 - 03:43 am
Waxaa meesshan olole ka wada jamaacad la yiraahdo madkhaliyeiin, ama Jaamiyiin oo dadka isu baray iney yihiin Al Salafiyah. Mana aha, Al Salafiya midda aan naqaan, dadkana waa ku dhexjiraan, waana qaylo badan yihiin.

Jamaacadaan waxaa aasaastay gacmo shaki weyn ku jiro, duruuf iyo waqti shaki badan ayaa la sameeyay, ayadoo loo dhigay ahdaaf dhowra ah. wexeyna wajiga ku tirtirtaan iney yihiin Salafiyiin,

Ninka aasaasay Amaan Jaami waxaa la sheegay inuu dajaiyay habka dacwada ay dadkaan ku socdaan. , ninkaas wuxuu ahaa nin Eritrea u dhashay, oo loo isticmaalay sidii loo kala daadin lahaa juhdiga dhallinyarada diinta u kacaday. Ninkaas wuxuu ku dhintay si cajiib leh, afka ayaa kaansar kaga dhacay. Waxaanan filaaya, kuwaan meesha buhtaanka sayyid ku been abuurtay, in isku caaqibo noqon doonaan haddeyna towbo keenin oo ayan intey been sheegeen in leeg oo cudurdaar ka cudrdaaran malaha xun ay ku xumeeyeen Sayyid.

waxaa wax lala yaaba ah ninkaan boggaan furay inuu sheegtay inuu yaqaan xaqiiqada Sayyid uusan shaki uga jirin wuxuu qoray iney yihiin xaqiiqada uu sayyid sameeyay ama ku dhintay. Taas waa mid asaga qiyaamaha sugeysa, hadduu yaqaan xaqiiqadaas. Wali lama sheegin qof xaqiiqada iimaanka qof kale sheegay oo ahlul sunnah wal Jamaaca, maxaa yeelay ahlul sunna wexey dadka ku oogaan xujo, markii qofka ku adkeysto qaladka ayaa la xukmiyaa. Laakin nimankaan, waa askartii wax soo qabaneysay, iyo maxkamaddii wax xukumeysay, iyo kuwii wax daldalaayay.

Ninkaan boggaan qoray, biyo uma kabban sayyid inuu gaaleysiiyo, maxaa yeelay xaqiiqada uu ka hadlaayo waa inuu Sayyid Gaal ahaa ku hadlay kufrigii weynaa oo abuurka Quraanka ah iyo wax walboo xun. Wax khayr ahna ka ma qorin si uu cadallada u fuliyo,asagoo soo qaadanaya hadalka Rabiic Madkhali oo barnaamaj la soo habeeyay ku socda oon caqligiisa ku socon.

Isla markaas, qof walboo kufri la yimaaddaa, agtooda wa muslim, maxaa yeelay, uma qasdin, ama wexey dhahaan hala fiiriyo sababtuu u sameeyay, iyo kun cudurdaar.

Rabiiciyiinta wey ka xishoodaan iney ka hor imaadaan qaladaadka kuwa mushaarkooda bixiya. Rabiiciyiinta Caqiidadooda wa qasan tahay:

Sheikh Bin Baaz wexey ku khilaafeen caqiidada

1. Taarikul Salaat uma arkaan kafir, maxaa yeelay gacmaha ka dambeeya ayaa khatar galaya. Meeshaas wexey kala mid yihiin ikhwaanka.

2. Nawaaqidul Islaam oo toban ah uu soo qoray Sheikh Bin Baaz , waa ka soo horjeedaan kuwa khatar galinayaa gacmaha ka dambeeya. Meshaas wexy kala midyihiin murjiada.

3. Saalixiinta ka soo horjeedda baadilka wey gaaleysiiyaan, biyo uma kabbadaan. Wexeyna isku dayaan iney u raadiyaan ceebo, howlna ka dhigtaan iney si akhlaaq xumo ku jirto ay caammada usoo bandhigaan umuur u baahan in si cilmi ah looga hadlo, ayadoo dantooda qarsoon tahay in ceebo loo raadiyo culimada gacmaha qarsoon ay rabaan in kutubtooda la xarrimo, ayagoo u baqaya kuraastooda.

Marka wexey isku darsadeen sifaadkii jamaacaadka lunsan intii u xumeyd.

Wexey yihinn Khawaarij marka ay gaaleysiiyaan culimada ooy ku been abuurtaan oo xataa ayan ku wanaajin malada.

Wexey yihiin Murjiah, markii gacmaha quudiya oo qarashkooda bixiya ay difaacayaan ooy ku sheegaan caasi, ceeb walbana ka ilaaliyaan, sidii iney aakhiro qaraabo kiil jirto.

Nimankaan Madkhaliyiinta ah wexey aruursadeen caqiido iyo camal inta barnaamijka loo dajiyey lagu wadi karo oo kaliya.

Waxaana loo sameeyay cadow aan aheyn kuwa nacay diinta, cadowgooda ugu weyn waa Sayyid Qutub oo waa hore dhintay iyo Ittixaad, oo axmaarada iyo ayaga isu kaashtaan. . Maxaa dhacay, nimankii dilay Sayyid ayaa weli ka baqaya fikrigiisa in dhallinta qaadato, sidaa darteed ayaa waxaad ku aragtaan meeshaan dagaal cad oo lagu hayo saalixiinta, iyo taraxum iyo sharafid la sharfaayo faasiqiinta ka dambeysa oo ay kun sabab u raadiyaan sidii ay ugu soo dari lahaayeen Ahlu sunnah wal Jamaaca.

Niamankaan Salafiya Al Jadiida wexey rabaan iney aamusuiyaan xarakaadkoo dhan, weyna ku guuleysteen, gaar ahaa kuwa mucaawanada ka qaata meelaha ay xoogga ku leeyihiin Jaamiyiinta, madkhaliyiinta. Waxaa la yiri af wax cunay xishoo.

Jamaacadaa waxaa la asaasau 1992-3, howlaha laga rabayna waa:

1. Iney khilaaf ka dhex dhaliyaan xarakooyinka Islaamka ah
2. In ay sun ku shubaan meel walba oo xarakooyinka biyo ka cabaan waxaa loo yaqaan (engejinta ceelasha)
3. In ay ceebeeyaan culimada aan dowladaha la jirin.
4. In diinta Islaamka laga dhigo sida tan kirishtaanka oo laga saaro siyaasadda.
5. In daacdda dowladaha laga dhigo cibaado ( rukniga ugu weyn ee caqiidadooda waa daacatul waliyul amri) dowlado Allah dagaal ku ah oo laayey muslimiinta sida tan suuriya, iyo kuwo xalaaleeystay xaaran oo ay u wada badan yihiin.

Madkhaliyiinta waxaa loo dhiibay toosh ay ku ceyrsadaan saalixxinta, kii hadlana ey u dhibaan gacmaha ka dambeeya meelaha ay xoogga ku leeyihiin.

Waa niman askar u ah gacmo qarsoon.

In ay dhallin yarada shaki ka geliyaan iney wax ka qaataan culimada qatarka gelisay nadaamka adduunka loo dajiyey si loo joojiyo fididda dinta islaamka ee xaqa ah.
Maxaa yeelay, maa daama adduunka hadda uu noqday hal tuulo, oo meel qura ah looga taliyo, waxaa daruuri noqotay in Islaamkana loo sameeyo hal qaab oo aan nadaamkaas ka hor imaanin, bal xoojiya .


Waxaa is weydiin leh

1. Wexey sheegtaan iney ka soo horjeedaan in jamaacad la galo oo Muslimaka la qaybiyo, laakiin qofkii u fiirsda qoraalladooda, iyo sidey u habeysan yihiin, awooddooda xataa jamaacadah ma heystaan.


Salafiyada Runta ah waa tan rabta iney Allah kalimaddiisa kor u qaaddo oo markaas Muslimiinta ay gaaraan cizzigii saxaabada ay gaartay.

Salafiya Waa xarako ku dhisan rayiga ah in Diinta ruuxeedii laga fogaadaey oo loo baahanyahay in la soo celiyo, in laguu soo celiyo sidii ummadda inteedii hore ay ku gashay diinta.

laakin madkhaliyiinta labo af bey ku hadlaan.

a. Markey shacabka la hadlayaan axaadiith bey daliilsadaan si ay kuu tusaan hal muwduuc oo ah in la adeeco xukaamta. (qofkii taas qira agtooda waa qof fiican) kii diidana waa khawaarij ka hoos baxday amiirul muminiin.

b. Markaad warsato nimanka ay na farayaan inaan addecno diintooda, wexey dhahaan, wax kastay sameeyaan diinta ka ma bixin, xataa haddey ku xukumaan sharciga ingiriiska, maxaa yeelay taasi wa kabiiro, daacaddoodana waa waajib qofkii ka baxana waa khawaarij. Marka waxaan badannahay inaan addeecno fusaaq jeebka ugu jirta gaalada haddaan malaha ku wanaajinno nimaka u taliya Madkhaliyyinta. Marka Islamka weligiis cizzi ma gaarayo, maxaa yeelay kuwii noogu xumaa baa talada noo haya. Qofkii u dagaallama ilaalintoodana waa qof u dagaallanmay sidii kalimdda Allah hoos loogu dhigi lahaa. Maxaa yeelay wixii waajika la'aantiis aan la gudan karin, waa waajib

Salafiya Jadiida waa jamaacad shaqadeeda tahay baabiinta jamaacadaha, waxaana tageera dowlado dantooda gashay in la rabbayadeeyo xarakaadka si ay nadaamka adduunka oo cusub ula socdaan

Nadaamka Cusub ee adduunka = Salafiya Jadiida

Waxaa qoray addoon Allah oo ka xoroobay addoonnimada kale oo dhan.

Addoon jecel Sunada nabigeenna

Addoon Jecel culimada Islaamka

Addoon neceb wixii Allah ka soo horjeeda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Monday, April 09, 2001 - 09:18 am
Waxaa aan la yaabay in Soomaali ay isugu biyo dhuratay in dad culumo ah oo mootaan ay cunaan hilibkiisa ssharaftiisana ku dhacaan. Sidaa ku cad kitaabka Alle iyo Sunnaha nebiga(scw) barakaysan waxaa la inaga mamnuucay in aan qofka muslimka ah xamano, cayno ama dillo ama aan gaalayno. Haddaba dadkan caddaystay in ay dad kale wax ka sheegaan iyaga oo isu haysta in ay dadka kale ka saxsan yihiin waxaa la gudboon inay is badbaadiyaan oo ogaadaan in wax kasta oo aad ku hadashaan la qorayo, addoomada Alle ee aad gaalaynaysaan ama aad ku xad gudbayaana in maalinta qiyaame la idiin gar qaadi doono. Hana moodina, in wax kasta oo aad ku hadlaysaan aan la idin weydiin doonin.
Waxaa kale oo xusid mudan in aanan aamin sanayn wax la yidhaado SALAFI, SUUFIYADA, SALAFIYA JADIIDA, TABLIIQ ISLAAX, IKHWAAN, MADKHALIYADA IYO WAX KASTA OO JAMAACAAD ISKU SHEEGA, waayo waa tacasub ku dhisan jahli iyo quruur, dhalenteed iyo kala fogayn in ay muslimka kala irdheeyaan, kala qoqobaan iyo in ay kala dhantaalaan midnimada ummadda islaamka. Su'aashu waxay tahay maxaan uga baahannahay jamaacaadka aad la wareegaysaan? Alle wuxuu noo soo dejiyey kitaabka oo nala amray in aan raacno iyo sunnihii nebiga oo diinta noo fasirtay. Labadaa haddaan raacno wax naga lumaya ma jiraan. Hana isku dayina fikrad gaaban oo aad la timaadaan madasha idinka oo aan miisaamin waxay uga gol lahaayeen dadka idinku soo afuufay. Midda kale ninkan Salafi isku sheegay in taas wuxuu ku daba fayshan yahay Sayid Qudub; war Rabigiis buu marti u yahay waxa uu la kulmayna kama war hayside, naftaada xisaab.Hadday noqoto kutub la akhristo waxaa na hor yaala kutubta Axaadiista oo ka kooban SAXAAX, SUNAN, MASAANIID, MACAAJIM, MUSANAFYO, AJZAA' IYO KUWA KALE OO KA KOOBAN AXKAAM, CAQIIDO, AKHLAAQ, SUHDI, DHAQAN(AADAAB) ADKAAR, DUCOOYIN IYO WAX KASTA OO NAGU CAAWINAYA IN AAN ALLE U DHAWAANNO. Waxaa kale oo intaa noo dheer kutubta fiqiga ah ee culumadii hore aan ka dhaxalay. Midda kale haddii aad culumada aad had iyo goor eedaynaysaan aad ka fiican tihiin, noo sheega wax Adduun iyo Aakhiro na anfacaya idinkana aad Alle hortii wax kaga helaysaan. Waxaan u difaacaynaa culumada aad xaqiraysaan, waa in aan idin dareensiino aqoon yariintiinnna iyo caqiidada Ahlu Sunnaha oo sheegaysa in aan muslimka la gaaleyn haddii uu faasiq yahay, xataa haddii uu kabaa'irta la yimaado. Midda kale waxaa idinka qaldan in qofkasta qaldamo, xataa haddii uu yahay mujtahid Immaam. Wax kasoo hadhay kitaabka Alle iyo athaarta laga soo guuriyey nebiga, ijaamaca saxaabada iyo imaamadii salafka wax ka duwan idinka aqbali mayno. MEEL KOOX LOO NASAB SHEEGTO AY DIINTA KAGA TAAL MA HAYNO MANA RAACAYNO. CULUMADA HADDII AY QALDANTO IYAGOO KU DADAALAYA IN AY DIINTA DADKA BARAAN WAXAY HELAYAAN HAL AJAR, HADII AY ASIIBAANNA WAXAY HELAYAAN LABA AJAR, WAXAA SIDAA TIBAAXDAY SUNNAHA NEBIGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nour

Tuesday, April 10, 2001 - 10:49 am
Shihaabu Diin

Assalaamu Calaykum

Akhi anugu qof koox gaar ah ku abtirdada ma ahi, waligayna kama tirsanaan koox.

Anugu hadda waxaan ka shakiyay runtii weerarkaan aad Sayidka ku haysaan.

Waa qalad nin Sheekh Muslim ah in koox aad iska soo horjeedaan darteed loo weeraro. Waxaa qalad ah in Sheek loo difaaco koox darteed.
Waxaad tiri keena Meesha Sayidka lugu been abuurtay.
Sideed ku ogaatay marka aad leedihiin; Sayidku wuxuu deeday in uu tukado khudbadii Jimcaha ahayd asagoo inkiraya jiritaankeeda ayadoon Khalifa lehelin, in aysan been abuurasho ahayn?. Maanta haddi maxkamad lugu soo taago. Sideebaad arrintaas ku caddayn kartaa?. Ma waxaad leedahay Sh. hebel la yiraahdo ayaa Kutubkiisa ku qoray? Aakhiro miyaadan ogayn in maxkamad caddaalad ah ay jirto. Su'aashaas noo sheeg waxaad oga jawaabi lahayd.

Waxyaalo dacaayad, fasiraad iyo ra'yi isugu jira ayaad Sayidka Qaqiidadiisii iyo diintiisii ku Jaa'ifayseen.
Anoo tixraacaya waxyaalihii aad ku eedayseen Sayidka ayaa waxaan dib u akriyay Kutubkiisa (caanka ah) Fii Dilaalil Qur'aan. Meesha hadalku u socdo iyo meesha aad wax u fasiranaysaan, wax is lehba ma ahan. Taas ayaan aad oga shakiyay u jeedadiinna.

Anugu dadk magac kooxeed Sayidka u difaacaya kuma taageersane. Ayanka laftooda male iyo duritaan ayaa ka buuxa.

Aniga waxay ila tahay haddii aad koox koox isu haysataan. Culumad dhimatay nabad galyo ha la siiyo. haddii aad rabtaan adunku wax iska sheega. Lakiin wax aan la hubin, dacaayad, Muslim kala qaybis, qiil loo raadiyo duritaanka dad aad ugu dadaalay diintaan oo dad badan si Iijaabi ah oga faa'iidaystee, in ay dhibaato iyo xad gudub waxaan ka ahayn keenayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Tuesday, April 10, 2001 - 11:48 am
A/calikum.

Waxan ahaa mid kamid ah kuwii ugu horeyey ee sida wayn uga yimid afkaarta shakiga jiro ee uu salafi faafinayo lakin nasib darro waxay ahayd markan ogadaya in ninka isugu yeera salafi uusan diyaar u ahayn inuu fahmo micnaha khilaafkayaga bal ayba tahayba barnamijkisa caadiga inuu aflagaadeyo culimada islamka ama aburana khilaafad uusan mujtamacenu u baahnayn.

Waxan aad ugu mahad celinayaa muslum muwaxad iyo dhamman ikhwada dhinac istaagay shahidka rawaxay waxana marlabaad ku celinayaa in dacwadu aysan ahayn dacaayad iyo been abuur hadalkana la iswaydin doono qiyaamaha.

Waxana nasaaran mas'uuliyad ah inaan faafino dacwada islamka inan wacyi gelino mujtamecena ummiga ka ah islamka waxa na sugaya ladagaalanka inxilalka akhlaq bedelka mujtamecena taas ayaana ka khayr badan aflagadaynta shuhadada iyo ducaada islamka.

Hadii aad run qabtid ood u damqanaysid maad ka hadashid xaydar xaydar iyo cilmaniyinta isku dayaya inay bedelaan diinta si ay u waafajiyaaan mat-habka cilmaniga ee westernka,maad ka hadashid dhibatada dhaqqale iyo aqoon iyo dulmiga ay mujtamacatka islamka ka cabanayaan,waxan filayaa in jihaatka idin abaabula ayan marnaba ku faraxsanayn ka hadlida qadiyadaha muhiimka ee loo baahan yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Tuesday, April 10, 2001 - 06:49 pm
Walaalayaal,hadalkayaga kuma jirto in aan sheekha dan gaar ah u difaacayno horena waxaa u sheegay in aanan cidna ka tirsanayn, oo wax kitaabka iyo Sunnaha nebiga wixii aan raad ku lahayn aan qofka ugu horeeya ee diida noqonayo. Hase yeeshee waxaa is weydiin leh qofkan waxa uu ka rabo sheekha moodatan ee Rabigiisa martida u ah. Midda kale muddo dheer ayuu arintan waday, waxaa uu u danleeyahay ma garanayo. Qofkasta oo muslim ah in sharaftiisa la ilaaliyo in la xanto ama lagu been abuurto qof muslim ah diintu way reebtay, hase yeeshee salafi isma moodo in uu wax dhimay. Kutub sheekhu leeyahay waxaan ka arkay FII DILAALUL QUR'AAN in yar markii aan ka akhriyey ayaa wadaad iga qaatay. kutub kalese ma arag. Sheekhu jihaad lagu dhinto kii ugu fadli badnaa buu helay, taasna waa caddayn in sheekhu khaatimo wanaagsan ku dhintay. Haddii qof khaldamo in xadka laga saaro ma aha. Qof aan khaldamin ma jiro, markaa waxaa nala gudboon in aan culumada iyo dadka muslimiinta khayr u rajayno. Muslim dhintay iyo mid nool in la dulmiyo waa xaaraam, waxa aynu ku hadlaynana waa la qorayaa, waana la ina weydiin doonaa. Aayaadka quraanka, axaadiista Rasuulka(SCW), waxaay caddeeyeen inay ay khatartahay in la xanto, lagu been abuurto, la dulmo in la qiimo tiro, iyo la xaqiro mulimiinta. Dhibta aad u geysato qof muslim ah mid dhintay iyo mid nool lagaa cafin maayo haddii aad si kasta u cibaadaysato, illaa qofkii aad dulmisay ku cafiyo. Markaa waxaa haboon in aan isu sheegno wax khayr aan ka helayno, oo ina anfaca aakhiro iyo adduun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yusuf

Wednesday, April 11, 2001 - 10:09 am
A/calaykum.

Waxan aad ula yaabay ninka baxsaday salafi sahaqana ka dhigtay gaalaynta musliminta,aniga sidii hore ay walalahey u sheegeen qaraabo aan ahayn midda islamka nagama ma dhexeyso lakin waxan aad u aaminsanahay in sayidka iyo dhamman ragii ku halganka ahaa ay yihiin masal mudan in lagu daysto waxana sharaf uga filan inuu hor istaagay xaakim thaalim ah yirina (itaqillahi yaa jamaal fa'innaka satamuut)wuxuna ku shahiday jidkii salafka aad magaca ka halaysay.

Haddii aadan ahayn"jahil"ama aadan wadan dano gaar ah maad reebtid munkar ama na fartid macruuf inta aad ku wareegaysid shubahaatka(fa'mmalathina fii qulubihim zayqun fayatabicuuna maa tashaabaha minhu ibtiqaa'alfitnati wabtiqaa'a ta'wiilah).

waxaa kaaga khayr badan sida uu yiri akh fahad inaad ka hadashid dhibatoyinka bulshadenka inaad na bartid wixii saxanee lagu baray iyo inaad dacwada si xikmad leh u faafisid,iskana daysid muranka iyo rabsho u joogga,mana garanaayo qoladiinu isugu yeera Salaf sababta aad uga heshaan muranka iyo dagaalka.

waxay ahaataba waxan filayaa inay aqoonyari idinkugu wacan tahay mana u malaynayo inaad akhriseen buugagta shahidka ama ikhwanka bal aad noo akhriyaysaan manshuuratka niman aan mustawaa caalim xitaa gaarin iska dhaaf ijtihaade.

yusuf-wahid@usa.net

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/waxid

Wednesday, April 11, 2001 - 10:37 am
Waqul jaa'al xaqu wazahaqal baadhil innal baadhila kaana zahuuqaa.

Ninkii na farayo inaan adheecno xaafidal asad iyo miisheel caflaq,ninka na leh adheec nithamka tuunis iyo kan turkey iyo ninka na farayo inaan isu dhiibno sida ay isu dhiibeen mashyakhada khaliijka,ninka na faraayo nazahida jamal c/nasir iyo malik xasan iyo buurqeebah ninka na farayo la dagalanka saxwada.

Nin allale ninkii aflagaadeya shuhadada islamka waa cadawga saxwada waa camiil sahyuuni ah waa nin ku bedeshay bithamanin bakhsin dolarat macdudah diintisa iyo danaha umadiisa waana nin u baahan in hidaayo loo waydiiyo haadiga.

Sayid qudub wuxuu shahiiday isagoo la dagalamaya shuuciyada ra'sumaliyada aduunka kutubtisa waxay cabsi wayn ku beertay u.s.a iyo u.s.s.r iyo dowladaha wawayn,sayid qutub qalinkisa wuxuu lulay kurasta thaaliminta ilaah umaddena ku ibtileeyay,sayidka wuu awooday inuu noqdo qalin la ijaarto lakin wuu iskala waynaa inuu khiyaamo mabdi'iisa ah (alislaamu huwal xal).

Waxaa wax aad looga xumaado ah inuu manta uu noo yimadi nin aan la garanayn si uu u aflagadeyo shuhadada islamka waxaba ka daran inuu isticmalo magac salafka(xaashaa lilaah)in ninka salafi ah uu saas u hadlo.

Waxan u mahad celinayaa ikhwada kala ah *muslim muwaxad*fahad*anomymous*yusuf*qonsade iyo dhamman inta u damqatay culumada islamka wabilahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH MASHAAKIL

Thursday, April 12, 2001 - 11:57 am
........TO ; ...caabudayaalka sayid qudub ...

ilaah isaga ayaa balan qaaday inuu xifdiyo diintiisa

sayid qudub - cafa laahu canhu - ee wuxuu ku gafay ha TAQDIISINA
oo nabi macsuum ma ahayn , maxaa isku xiray in la sheego qaladkiisa iyo cadawga diinta ?

runtii waxaa uu naga rebay nabiga inaan ku XADGUDBIN sidii
loogu xadgudbay nabi ciise - calayhi salaatu wa salaam -

waxaa muuqata inaydan aqbali karin qaladaadka uu galay sayid qudub

waxa uu galay oo qalad ah miyaa awoodaan inaad difaacdaan ?

jawaabtu waa MAYA , waayo waxaa la idin waydiiye hadda ka hor
la imaada wax cadaynaaya in uu sayidka waxa lagu haysto oo qalad
ah inuu barri ka yahay .

waxaan ku daraayaa codkayga ragga difacaya sayid qudub
inay cadeeyaan qaladaadka lagu haysto inay sugnayn , haddii kale

ha iska aamusaan oo wax uu qabo sayidka inay inkiraan waa qalad

haddii uu ku wayn yahay sayidka waxa ka wayn XAQA oo la raaco

wa salaamu calaykum ......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu muscab

Thursday, April 12, 2001 - 03:02 pm
ASALAMU CALEYKUM
DIFAACAYAASHA SAYIDKA

mudo ayaa laga hadlayey sayidka ilaa hadana ma arkin
qof si cilmi ah u difacaya inxiraafaadka sayidka
lagu heysto, waxaan waayey wax dhaafsiisan wuxuu ahaa shahiid alle dartii u dhintey, shuuciyada ayuu la dirarey, maasuuniyada ayaad u shaqysaan, fatikaanka ayaad u shaqeysaan, iyo inaad sheekh rabiic ceysaan
fadlan si cilmi u difaaca hadii kale umada ka fariista

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoonsade

Friday, April 13, 2001 - 06:32 am
Mid kasta oo xaqa ka awdan ayaa isku dayaya in aan la qaybsano ra'yigooda faasidka ah. Ilaah baan caabudna, haddaadse nagu sheegtay dad caabuda makhluuq, waxaad ka hesho waxba hanaga siin. Satidkana difaac noogama baahna ee waxaa haboon in la ogaado in waxna aynan siin karin, waxna ka dhimi karin, amaan, cay iyo aflagaado, midna aysan jirin. Waxa intaa aan idiin waaninaynaa in aad iska ilaalisaan in ummadda aad dulmiga ka daysaan, xaqiraadda iyo xaqa culumada aad ku haysaanna iska daysaan. Kuna soo noqon maayo halkan waayo dad u soo guntaday in ay qof mayd ah cunaan, oo nasteexo diiday ma la doodi karo. Wa qaala Rasuul(SCW), "Fa in lam tastaxyi fasnac maa shi'ta"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu muscab

Friday, April 13, 2001 - 12:35 pm
TO:QOONSADE:
walaal miyaadan QOONSAN hadalkan
1)wuxu yidhi (quraanku waa daahiro kowni ah oo SIDA CIRKA IYO DHULKA OO KALE AH)firi kitaabkiisa layidhaa (dilaalul quraan)(4/2328)wuxu ku shabahay quranka cirka iyo dhulka,cirkiyo dhulkuna waa makhluuq sifaadka allena laguma shabaho mukhluuq .

2)wuxu yidhi (mucaawiye iyo camr kagamayna guulaysan cali aqoon ay uga aqoon badan hiyiin xeeladaha nufuusta ....waxay ahaayeen kuwo aan u aabo yeelayn anay adeeg sadaan silax kasta isaguna wuxu ahaa miday kareebayso akhlaaq diisu adeeg sashada wasiilooyinka loolanka, markay adeeg sanayeen mucaawiye iyo saxiibkiis BEEN IYO KHAYAAMO IYO KHADIICO IYO MUNAFAQ NIMO IYO LALUUSH IYO DIMOOYINKA OY IIBSADAAN, cali muuna awoodin inuu isku rido bohoshaas marka layaab malaha inay ka gulaystaan isna fashilmo waana fashilmid ka sharaf badan guul kasta)firi kitaabkiisa layidha (kutub wa shakhsiyat)(s242)

walaal miyaadan aqrin labadan saxaabi inuu cirdigooda u dhacay hadii sida uu ku sheegey ay run tahey mucaawiya
oo ahaa kaatibul waxyi
1)qur,aanka aan aqrisano wuxuu noqonayaa mid la qiyaameyey oo lagu kalsoonan karin
2)arintaan waxaa ka faa'daysey nimanka la yiraahdo IBAADIYADA mar laweydiiyey muftiga cumaan C/LLA KHALIILI
AL_IBAADI waxa uu yiri ahlu sunaha ayaan inooga horeeyey
cayda saxaabada sida sayid qudub
3)sh.usaama ibnu c/diif alquusy waxa uu yiri indhaheyga ayaan ku arkey farangabolada IIRAAN oo ku sawiran yahay
sayid qudub, bal isweydii maxay ku doorteen sawirka sayidka,

walaal inta aadan ka bixin bogaan bal inoo sheeg inaad ku waafaqsan tahey waxyaabaha lagu heysto
hadii aadan ku waafaqsaneyna waxaad inoo sheegtaa nusuusta reebaysana inaan qofka muslimka inxiraafaadka uu layimaado la radin
walaalkeen salafi sayidka ma cirdigiisa iyo gurigiisa ayuu ka hadley mise khaladaadka ay culimadu ku heystaan oo aan been abuurka aheyn inuu soo gudbiyey ayuu danbiile ku noqdey,
ugu dambeytii bal aan kawaantoonee si cilmi ah u difaac oo burhaami waxyaabaha lagu heysto
maxaad daliil u heysaan inuu sayid si dhab u shahiidey ALANA marti u yahay.
soow ma ogid inaad JANO uga marqaati kacday sayidka,
walaal hadii aad soo jawaabtid cilmi ha ahaato, waana u baahanahay naseexada hadii ay cilmi tahey laakiin
xamaasad xujo ma noqoto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslimah

Friday, April 13, 2001 - 02:08 pm
TO: INTII WANAAGA JECEL
ASALAMU CALEYKUM
Walaalayaal waxaan idin dardaarmayaa cabsida eebbe
waxaan idin dardaarmayaa inaydaan soo gelin cinwaanada lagu aflagaadeynayo culumada guud ahaan hadaad soo gashaana ha u jawaabina.
kuwa shaqada ka dhigtay iney qodqodaan xumaha culumada waqtigu yuusan idin kadinin!!!!

TO: SALAFIYAH JADIIDAH,ABU-MUSCAB,SH.MASHAAKIL,SALAFI
Mushahar intee ah ayaa la idiin qoray(ilaah ajarkiisa ayaa ka weyn)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 13, 2001 - 02:27 pm
Waxaan u heystey dhalintii diinta wax ka baratey inay dantooda ka raacdeen oo warba ka heyn qoraalada faraha badan ee lagula dagaalamayo islaamka iyo waxii xaqa oo dhan ee lagu qoro bogoga hoos yimaada Islaam ee SomaliNet, Haddaanse ogaadey inaad adinkii isku mashquusheen oo madaxyada isla gasheen.

War sidee laga yeelayaa SU'AALAHA DANBE? MAXAYSE ORAN KUWA WAXBARTEY, MARKEY KUWAAN WAXBARAN KU DOODAAN INAY ARKEEN OO KALIYA KUWII DHUNSHEY EE KU YIRI AAKHARO MA JIRTO IYO WAX LA MID AH?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafiyyah

Saturday, April 14, 2001 - 02:19 am
Assalamu alykum warahmatulai

It´s amazing how some of you defend the ahlu bid'ah and call him a shahid. May Allah have mercy on his soul for his mistakes but the truth of the matter is sayyid qutb has said things which the bro(salafi) have mentioned and they are tru wether u like it or not. So inshallah, defend him with proofs or remine silent.

TO: those of you who think salafi dawah is a new movement, then think again. It is the manhaj of Abul Qasim (muhammad bint Abdulllah) saw , and he has described himself being as the best of the salaf. So do you deny that salafi da'wah is the Haqq? isnt it the following of Allah (swt), his messenger(saw)upon the understanding of the sahaba (rwa)?

Let me define what is salafiyyah? as you call it Jadeedah. I would like to know why u call it JADEEDAH. are you deny that it existed in the time of Muhammad (saw)??? subhanallah.............

THe Salafis are the first to embrace Islaam from the Emigrants (Muhaajiroon) and the Helpers (Ansaar) and those that follow them upon righteousness, Allaah is pleased with them and they are pleased with Him.

This verse shows that the Salaf are the Companions of the Messenger (saw),
The first to embrace Islaam (Saabiqoon) does not refer to a group amongst the companions. It refers to all of them. So the Salaf are the companions and those that followed them upon righteousness as the verse mentions.

The Prophet (saw) clarified this verse and said :

"The best of people is my generation and then to come after them (tabi’een) and them to come after them (tabi-tabi’een) then lies will be widespread."

This Muttawattir hadeeth explained by the Prophet (saw)who the salafus saalih were. This is why the scholars said that the salafus saalih are the companions, the successors and the following successors upon righteousness. In the hadeeth Allaah has witnessed that they are the best of the people.

So this Dawah is Clear:

The Messenger of Allaah (saw) said: "I have left you upon a clear way, its night is like its day, no one flees from it after me except that he is destroyed."


This manhaj of the Salaf is the manhaj of the Saved Sect(al-Firqatun-Naajiyah)

The proof of this is from the saying of the Prophet (saw): "The Jews split into split into seventy-one sects and the Christians split into seventy-two sects and my Nation (Ummah) will split into seventy-three sects, all of it in the fire except one." They said ‘Who are they, O Messenger of Allaah?’ He said: "That which I am upon today and my Companions."

The methodology of the Salaf is the methodology of the Companions, which is the methodology of the Saved-Sect.

In other narration form the hadeeth of splitting: The Messenger (saw)said (after being asked who the saved sect was):

"It is the Jamaa‘ah."

The question that should be asked is, was there a Jamaa‘ah in the time of the messenger of Allaah other than the Jamaa‘ah of the companions?
There was no other Jamaa‘ah in the time of the Prophet (saw)except one Jamaa‘ah and that is the Jamaa‘ah of the Companions. The people of knowledge say that the Saved-Sect are the Salafees.


thayb, If you reject the truth know akhi wa ukhti fillah that the wrath of Allah is upon you, that u chose to follow ur hawa(desires) like the innovators over the devine truth of Allah (swt) and his Messnger(saw).

Indeed the prophet (saw) said Islam begun as something stranger and it will go back as being something strange so Tooba (a tree in jannah) lil Qurabaa (for the strangers). So its already known that people will indeed think the call of our prophet is something knew, like you call it JADEEDAH, cajeeb! but usurly success will be upon those who follow the way of the salaf and aathaar.

O ALLAH MAKE US AMONG THE DAA IFATUL MANSUUREEN

Wa salamu ALykum wr wb,


PS: MUSLIMAH, i would advice you to fear Allah as well for calling brothers who are spreading the correct dawah as such

"SALAFIYAH JADIIDAH,ABU-MUSCAB,SH.MASHAAKIL,SALAFI
Mushahar intee ah ayaa la idiin qoray(ilaah ajarkiisa ayaa ka weyn)"

Is reviving the sunnah of the prophet and calling people to the haqq something strange to you that u mention MONEY.....Itaqullah yaa habibt

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aroosay

Saturday, April 14, 2001 - 02:34 am
to muslimah

xaajiyo adiga haween ayaad ka tahay ee ragga ka dhex bax , ma waxaad tahay ( iskaabulo ) oo ma weyday caruur iyo oday aad ku mashquusho ,

runtii baxarkan ma aha mid aad taxamuli kartid , mise haweenka itixaad iyo xizbiyiinta ayaad ka mid tahay ?

walaashay dhexdhexaad ka noqo oo ha u gafin ragga aad ku tilmaamayso CUMAALAH

ILAAH HA KU SOO HANUUNSHO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, April 14, 2001 - 02:39 am
Muslimah

Walaal, Allah kheyr badan ha ku siiyo,

Walaal, Dadka kibra, Allah waa indho tiraa, " Haddey arkaan aayad walba ma rumeeyaan, haddey arkaan sabiilka qayiga waddo ayey ka dhigtaan, haddey arkaan sabiilka xaqa waddo kama dhigtaan,"

Kuwa kibra waxaa raaca oo adeeca dad faasiqiin ah, saalixiinta kuwa Allah ku kibrey ma raacaan, maxaa yeelay Allah wuxuu yiri " Ha adeecina talada kuwa musrifiinta ah, kuwa dhulka fasaadiya oon islaaxinin" sidii Kuwii Fircown raacay oo ALLAH ka yiri, " markey naga xanaajiyeen, waannu ka aarsannay, markaas ayaan wada qarqinnay, si aan uga dhigno Salaf iyo mataal kuwa kale"

Marka nimankaan Salafkii Saalix ahaa ka ma tirsana, wexey la duuban yihiin Salafkii la qarqiyay, oo kibraaniyaasha la jirey, Allah iyo anbiyadiisa ka soo horjeedsaday. " Wuu duufsaday, (Fircown) dadkiisa, markaasey adeeceen, maxaa yeelay waxey ahaayeen qowm faasiqiin ah"

Saxaradii fircown oo markii hore yiri " ma leenahay ajar haddaan reyno" oo markay burhaanta Allah arkeen yiri, " Waxaan rumeynay Rabbigii Muuse iyo Haaruun"

Walaal beentu xoogaa yar ayey socotaa, waxaa ka dambeysa cadaab.

Nimankan, wax ma akhriyaan aan woxooda aheyn

Haddey akhriyaan, wax ma fahmaan, am calaa qulubin aqfaaluhaa?

Haddey Fahmaan, ka ma noqdaan qaladkooda. ayaga iyo kuwey raaceen isku meel baa laga soo saari doonaan, Rasuulku wuxuu yiri qof walba qofkuu jeclyahay buu aaqiro la joogaa. Haddey Allah jecel yihiin, daalimiin uma hiilliyeen, saalixiinna cadaawo uma qaadeen.

Nimankaan, Salafiya Jadiida ha la soo eego ciribtooda dambe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed geelle al-kismaawi

Saturday, April 14, 2001 - 06:30 am
as-salaamu calaykum

sayidku wuxuu dhacniyey nabiyulahi muuse
ma jiro caalim clumada islaamka ah qadiiman wa xadiithan oo dhacniyey nabi alle

2-sayidku wuxuu nifaaq iyo been ku tilmaamay labada saxaabi ee waaweyn mucawiye iyo camar ibn caas
ma jiro caalim culimada islaamka ah qadiiman wa xadithan asxaabta caaya aan ka ahayn khawaarijta,shiicada iyo zanaadiqada ileen ayagu culimo ayey leeyihiin

3- qofku marka uu khaldamo ajarka leh marku saxana labada ajarka leh ayaa la yiraahdaa mujtahid,mujtahidkuna waa qofka diinta itqaaniyey ktiaabka alle iyo sunada nebiga salalaahu calyhi wa salama iyo ijmaaca ahlul cilmiga sida saxabada,taabiciinta iyo aimada islaamka sida afarta imaam iyo aimada kale waaweyn .
marka uu intaa ka waayo athar ijtihaada oo qiyaasa

marka waxaad iisheegtaan meesha uu sayidku martabadaa ku gaaray ileen waxaynu wada ognahay inuu adiib ahaa luqada carabiga ku takhasusay mise luqada carabiga ayaa lagu noqdaa mujtahid

4-ktubta usuulu sitada waxaa laga helayaa baab ah inaan qof shahiid la orankarin marka dadka leh sayidku waa shahiid xagee ku ogaateen yaa akhbaartaa idin siiyey ileen alle uun baa og marka la yiraahdo fulaan waa shahiid waa wax xaqiiq oo la hubo markaa hadii aad xaqiiqdaa haysaan inoo sheega marka meesha uu janada ka fadhiyo ileen shahiidku waa jano galaaye.

markaa intaas halaga soo jawaabo oo jawaab cad ha la keeno oo yaan laga leexleexanin oo meel kale yaan afka la aadin.

hadaydan haynin jawaabahaas marka joojiya caalim,shahiid iyo mujtahid oo u qira sayidku inuu jaahil ka ahaa diinta iyo usuusheeda iyo faruucdeeda iyo atharta ahlul cilmiga iyo meesha ay ka istaageen.
laakiin hadii aad uqirtaan inuu caalim ahaa iyo mujtahid idinkii difaacayey ayaa waxad ku sifaynaysaan khaariji,raafidi,zandiiqi,ileen sedexdaa qolo uun baa saxaabada caaya.
marka waxaan ku soo gabagabeenayaa
hadii aad jeceshihiin diinta islaamka uqiirooda saxaabada nabigeena ,ninkaa miskiinka ah waxa rabi hortiis ka mudanayo ma ogin ee ilaahay ha u danbi dhaafo afkaaraatkaa uu ka tagey ee diinta usuusheeda babi,inaya ee aad la ordaysaan joojiya waayo asagana danbi baad ukordhinaysaan iyo idnkaba
walaahu aclaa wa aclam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.