site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

IS IT HARAM TO ADOPT A CHILD?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): IS IT HARAM TO ADOPT A CHILD?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SiHaM aka Curious

Unrecorded Date
Asalama Alaykum

This question was wandering around my head for a quite sometime now.

Is it Halal to adopt a child? if yes, Is it halal to give the child your Last name? If yes, Can the child call you father or mother?

I would appreciate it if you would answer my questions!


P.S. Can you adopt a teen?


Later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Hi Siham, i am not an expert on this issues,but would like to give u my 2 cents anyway:)

It is okay to adopt a child. I am not sure about the name change; becasue I think it is required that the child knows where he came from???
I also think there are no legal ramifications if a marriage occurs between an adoptee and family who adopted him!!!! (I find this yukky).
I could be wrong, but this is the way I know things.
Walaalkiin, arrinta bal ka waran??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Nebigeena Suuban Calayhi Salaam wuxuu soo koriyay "adopt" wiil la dhihi jiray "Zaid" oo loogu jiray Zaid Bin Maxamed. Zaid wuxuu guursaday Zainab. Markii ay heshiin waayeen Zaid iyo Zainab oo ay kala tageen ayaa Ilaahay Amray Nebigeena (SCW) in uu guursado Zainab si ay u harto "yukky."

Waa waajib saaran qof kasta oo Muslim ah in uu ciidmiyo AGOONTA ama ehel carruur badan oo cayr ah. Way banaan tahay in aad koriso oo aad barbaariso sida ubadkaaga oo kalena u daryeesho ilmo agoon ah ama cayr ah.

Mase banaana in aad ka bedesho magaca ama aad ka qariso asalkiisu meeshuu ka yimid. Markuu ilmuhu qaan gaar noqdo ajnabi ayuu ka yahay reerka intiisa kale marka ay noqoto dhaqanka guriga dhexdiisa ah oo ma haboona in haddii uu lab yahay uu dumarka oo asturnayn dhex jooga ama haddii ay dhedig tahay iyadoon asturnayn ay ragga dhex timaado.

Guurka carruurta isku meel ku soo karay way banaan tahay.

Haddii aadan u sheegin meesha ay ka soo jeedaan waxaa dhici karta in ay khaldanto "nasabka" oo xidid iyo xigaal isku darsamo.

Waxaan kugu boorinayaa in aad gacan siiso haddii aad awooddo ilmo u baahan oo aad u koriso sida kuwa aad dhashay.

Anigaba Abtigay baa i soo koriyay oo waxaan ahay iyo aqoonta aan leeyahay u sabab ah. Isagana Ilaahay ajarkiisa ha gudo kolay anigu ma gudi karo.

Haddii aad joogto dalalka reer Galbeedka ah waxaad u baahan tahay in aad sharciyayso in aad mas'uul ka tahay ilmahaa taas macnaheedu ma aha in aad magaca ka badesho.

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

Walaal su'aasha waa suu WALAAKIIN uga jawaabay.

In la korsado ilmo dhib kuma jirto xaaraana ma aha balse waa la is amray. Hadii aad u leedahay awood waxaan kugula talinayaa inaad arrinkaas u kacdo. Nabiga ayaa xadiis aan lafdigiisa haynin ku yiri, cidii korisa labo gabdhood, Islaamkana ku barbaariya, makey qaan gaaraana u guuriya janada ayaan sidaa ku wada nahay, farata dhexe iyo mida ku xigta ayuu qor u muujiyay oo saas yiri. Korinta la koriyo ilmo ma kala dhib badna laakiin waxaa meesha ka cad in gabdhaha hayntoodu aysan u sahlanayn sida wiilasha. Hadaad xusuusatid ayaamihii Muslimiinta KOSOVO lagu gumaadayay ayaaba hay'ado muslimiin ah raadinaayeen cidii arrinkaas tabar u haya oo raba ilmo muslimiin ah inay koriyaan. Intaa waxaaba sii dheer dad badan oo Muslmiin ah ayaaba la soo koriyay oo qaarkood ay yihiin nabiyo. Hadaad taqaan qisadii nabi Ismaaciil, wuxuu ku koray gurii boqorkii gataya asaga ayaana maalkii dhaxlay. Zaid sidoo kale nabiga ayaa wiil ka dhigtay ka dibna haweenaydii ee kala tageen ayaa nabiga guursaday si loo baa'biyo caado jaahiligii jirtay. Zaidna waa saxaabigii kaligiis magaciisa lagu magac-dhabay, waad garankartaa fadligiisa iyo wanaaga uu leeyahay. Ha ka caajisin inaad arrinkaas u kacdo hadaad tabar u hayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Walaal Zakariya waad qalin duuftay markii aad qortay Nebi Ismaaciil Calayhi Wa Calaa Nebiyunaa AlSalaam. Nebiga la gatay ka dibna Wasiirka weyn noqday wuxuu ahaa Nebi Yusuf Wiilkii Nebi Yacquub Wiilkii Nebi Is-xaaq Wiilkii Nebi Ibrahim kuligood Calayhim AlSalaam. Nebi Ismaaciilna sidaa og tahay wuxuu la dhashay Nebi Is-xaaq oo wuxuu ahaa Ina Nebi Ibrahim Calayhim AlSalaam.

Nebi Maxamed Calayhi Salaatu Wa Salaam wuxuu ahaa agoon uu aabihii dhintay isagoo weli caloosha ku jira waxaana soo koriyay Awoowgii CabdulMutalib. Markii awoowgiis dhintay waxaa soo koriyay adeerkii Abi Dhaalib oo aah nin xaas ah oo cayr ah. Markii uu Nebigeenu (CSW) guursaday Hooyadeen Khadiija Ilaahay Ha Ka Raali Noqdee wuxuu isna soo barbaariyay ina adeerkii Cali Ibnu Abi Dhaalib. Calina wuxuu ahaa Khaliifkii Afraad ee Islaamka iyo Seeftii Ilaahay. Sidaad ogtahayana
Cali wuxuu guursaday oo Xasan iyo Xuseen u dhashay Fadumo Sahro gabdhii Nebigeena (SCW) dhamaantooda Ilaahay Ha Ka Raali Noqdo.

Nebi Zakariya Calayhi Salaam oo ahaa Nebi Yaxye aabihii ayaa isna soo koriyay Maryan gabadhii Cimraan oo ahayd Nebi Ciise hooyadii dhamaantooda Calayhim Wa Calaa Nebiyunaa AlSalaam.

Qofkii awoodoo u gargaar ilmo dan yar ah iyo agoon ehel kuu ah. Ogow ma taaqaanid kii kuu roonaan doona kuwa aad dhashay iyo kuwa aad soo korisay. Ogowna waa masuuliyad culus oo haddii aad qaado ay tahay in ilmahaasi dareemin in ay ka duwan yihiin kuwa aad dhashay ee ay la nool yihiin. Haddii ay Aabe ama Hooyo ku yiraahdaan jawaabtaadu waa "HEE AABE AMA HEE HOOYO."

Marna ha ku dhihi "Kuma dhalin belo ha ku dhashee maxaad ii aabaysanaysaa!"

Sidaan kor ku sheegay abtigay baa i soo koriyay weligiisna ima dareensiin in aan ka duwanahay kuwa uu dhalay. Xaasha waxaan u ahaa curadkiisa isaga iyo xaaskiisa. Runtiina hadda markii aan damco in aan sheego walaalahay waxaan carruurtiisa ka hor mariyaa kuwa ay aabahay iyo hooyaday dhaleen. Ilaahay Abtigay ugu naxariiso sidii ii soo koriyay anigoo carruur ah.

Ilaahay Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Curious

Unrecorded Date
Asalama Alaykum

I am sorry to tell you this late, but I don't know how to read somali very well. I would appreciate it if you would answer my questions in English or Arabic.


Later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum All!

To: SiHam and "Walaalkiin".

Ya SiHam, adopting in the sense of the West is not allowed in Islam and therefore cannot be lawful. Yes, The Prophet(pbuh) did adopt Zayid. However, people are missing that the Prophet adopted Zayid as people in Quraysh used to do so...Which is NOT and far away from the meaning of "adopting" in the West. Giving them your last name??? This makes me laugh. In Islam, there is no such thing as familizing the baby to the core. This idea is wicked and therefore is not part of good---and we shall agree upon that which is wicked is not part of Islam. As for adopting, it's allowed...as long as the baby is NOT familized and made the baby to think he was born into the family. It is common sense that the baby is of the family...but NOT family/family---he/she is considered to be out-of-the righteous to the person. The adopted's un-adopted brother/sister may marry him tomorow...because they do not share blood nor string! Zayid's wife was later commanded to be married by Muhammad(who was Zayid's father in adoption) Such example is for those who believe!


As for "Walaalkiin", you're putting things together which confuses the heck out of this person. Helping the needy(in adoption) and taking-the-hand(in guidance) are NOT the same, Brother!

The needy Zayid(a slave who was bought out of pitty)...and a Woman of Amran(Mary) whom her family were known to be the rich in Yisrael aren't the same, Brother.

In Children of Israel's culture did it contain that whenever a girl borns to the family, she shall have a guider(NOT helper...but a guider) who guider her into adulthood until her hand is written over to the husband. Local men who are known for their good and vitue...sort of compete for this title of such honor.

It came to pass that this certain time, the Children of Israel were astrayed from their course of religion...which they took for sport and sold to the low-desiring dieties of this world. The Lady of Amran, Elizabeth, Mary's mother...therefore prayed to God upon learning the news that she was carrying. She promised her God to that which was in her whomb to be devoted to the service of her Lord. Her Lord listened and willed. She gave birth to Mary, she talked to God and told him of how she brought forth a female. God took her prayer before...and therefore blessed Mary above all other women in the Worlds. To make sure that she was in GOOD hands, God bidded upon Zachariah to be the guider to Mary. He won the competition and therefore helped purifying Mary in his part of raising her. He was blessed upon this and was given a heir of his own in old age. He was given the wonderfulness of Prophethood, as God chose him to guide. My brother, this was NOT out of need or pity...but sort of culture---this is not adoptation.

A whole different way in Zayid...where he was the needy, the one who needed the help. He was a poor slave soul who needed the home that Muhammad and kadijah offered him. May God's mercy be upon all those holies I named!

May God forgive me for any mistake I made in my discussion. God bless you both!


Blessed BE!

Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

To: Walaalkiin

Ilaahey ha kaa abaal mariyo saxitaankaa aad i saxday. Qoraalka ayaa iga khaladamay waana ogaa in uu Nabi Yusuf yahay nabiga la gatay balse typinga ayaa iiga dhacay. Waaban yaaban markii aan akhriyay oo maba is oran magacyada ayaad isku khaladay. Waa runtaa sida aad u sheegtay ayey tahay in Nabiga agoon uu ahaa lana soo korisaday, sidoo kalena Nabi Zakariya (SCW) ayaa soo koriyay Maryama oo aheyd Nabi Ciise hooyadiis. Aad iyo aad ayaaad ugu mahadsantahay saxitaankaas qiimiga badan. Hadaan la is qaban mar walba biyaha iyo caanaha ayaaba horey la isugu dari lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaa Ha Ahaato

Ahmad walaal waa runtaa oo DIINTA ISLAAMKU ma ogola habka reer galbeedku u qaataan ilmaha.

Zaid wuxuu ahaa ilmo habaabay oo lagu gaday suuqa sidii neef xoolo ah. Nebigeena Suuban (SCW) uma gadan Zaid sida Qurayshtu yeeli jireen ee isla markiiba wuxuu siiyay Magaciisa oo wuu xoreeyay. Markii Zaid aabihii iyo adeerkiis oo doonaya yimaadeena Nebigu (SCW) wuxuu siiyay Zaid xoriyad uu ku kala doorto in uu aabihii raaco iyo in uu isaga la joogo.

Maryan Calayhaa Salaam waxaa soo barbaariyay Nebi Ilaahay oo aqoon iyo cibaado baray. Markii uu taqwadeeda ka yaabay oo ay xusuusiyay in Ilaahay Deeqsi yahayna wuxuu baryay Ilaahay in uu ubad siiyo isagoo duqa xaaskiisuna ma dhalays tahay. Yaxyaana loogu bishaareeyay.

Xaaladda Zaid iyo Maryan isku mid ma aha hase yeeshee Axmadow ilmo baahan, mid agoon ah iyo mid reer ladan oo baadiya jooga ka dhashay uma kala soocna haddii aad gacan siiso oo aad wax barto, barbaariso oo aad wax reerkii dhalay ayna siin karin aad siiso.

To Curious
You can become guardian of (adopt) a child but you can not give your name at the same time you have to treat the child as your. The child has to keep his name and family name and be informed about his/her parents and relatives. The child can not inherit you but you can give gifts and create trust for the child.

Our Prophet Peace and Mercy of Allah Be Upon him was an orphan raised by his grandfather and his uncle. He also raised his cousin Ali. The Prophet bought, free, adopt and gave his name a slave bot named Zaid.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SiHaM aka curious

Unrecorded Date
Asalama Alaykum

I would like to thank you guys for answering my question. I truely appreciate it.

I was just wondering what about the inheritance matter? just a thought!

Later!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.