site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DIINTA YAA LEH?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): DIINTA YAA LEH?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anwar

Unrecorded Date
SALAAM.

Waa us'aal baaxad wayn oo ann lagu soo koobi karin qoraalkaygan yar, laakiinse ubaahan fakir iyo baaritaan xeel dheer. Isla markii waxaa qalbigeena ku soo dhacaysa iany diintu tahay diin Rabaani ah uu Alle sida xa qiiqda ah leeyahay. Laakiin marka lafiiriyo dadka matala waxay u dhaqmaan inay sigaar ah uga xigaan bulsha waynta Islaamka, oo ay kasaari karaan diinta iyagoo uadeegsanaya arimo aan qiimo wayn lahay ama khalad ka dhay qofkaa. Sida in diinta laga saaro ruux garka xiirta, mid qayila, mid zinaystay, mid wax xaday,mid dad dilay iyo danuub kale oo tiro badan. Balse ma ogyihiin dadkaa diinta kasaaraya dadka in dadnbiyadan oo dhan Alle abuuray haduusan danbi jireena uu san Insaanba abuureen, mase ogyihiin inay iyagu khaladaad badan galeen sida dagaalo ay galeen oo ay kulaayeen shacab Muslimiin ah. Hadaba waxaan uga diugayaa dadka matala diinta gaar ahaan kuwa Soomaliuda inay Ilaahay u toobad keenaan, ayna joojiyaan tarbiyo xumada ay kudhaqmayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum ALL!


Walaal, diintaan waa caalami. Waxaa iska leh qof-walba oo raba inuu lahaado.

Qofku wuxuu Muslim ku noqdaa asagoo aamina "ilaah majiro aan Alle ahayn, nabi Muxammadna wuxuu ahaa mid uu asaga soo dirsaday." Wixii intaan ka dambeeya oo ay la`imaan waayaan waa dambiyo---Alle umbaana garanaya(ilayn Asaga umbaa Alle ehe)

Waxaan arkay wadaado ku tilmaamaya dad xubin Islaam ah...inay gaalo yihiin. Inkastoo aan aniga xubno badan oo Islaam ah aanan raacayn, hadana ma dhihi karo qof leh "ilaah majiro aan Alle ahayn," waa gaal. Alle hakuu nimceeyo!


Wasalama calaykum.

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN

Unrecorded Date
A/CALEYKUM.
TO:ANWAR
RUNTII AAD BAAN UGA XUMAHAY INAAD SU'AASHAN
KEENTO ADIGOON KA SOO FIIRSAN.WAAYO DADKA DIINTA U ANAFOODA OO U XUMAADA BAABA ISKA YAR OO SIDII LA RABAY AAN AHAYN.
WARYAA HADII NINKA TOLKAA AH UU WAX XADO WAAD U ANAFOOTA OO WAX TAABAN KARA MA LEH,HADUU WAX DILANA WAAD GARAB GASHAA OO U DHIMATA, HADUU QABIILADAADA WATANA WAA GEESIGII REERKIINA KU JIRAY XATAA HADUUSAN QAYMO LAHAYN.BALSE HADII ILAAHAY IYO RASUULKISA NNKH LA CAYO WAXBA ISKAMA KAA BADALAN,HADII MUSLIMIIN MEEL LAGU GUMAADO MA DIIRTID EE WAA INDHO YAR IYO CHECHNIYAN BAD TIRAAHA.WAA SIDUU NIN U YIRI MARKUU LA YAABAY "WAX WALBA TOL BAY LEEYIHIIN DIINTUSE TOL MA LEH"
MIDA KALE AQOONTADA DIINIGA KOR U YARA QAD WALAL. WAAYO WAXAAD LA YAABAN TAHAY SIDA AY UGA XUMAADAN DADKA EHLU KHAYRKA QOFKA SAAXIBU MACAASIGA,MIYAADAN OGAYN INUU JIRO XADIIS NABIGA NNKH INUU KU YIRI" UMADII NABI MAXAMADEY MA JIRO AXAD ILAAHAY ISKA BADALID BADAN OO KA DOORSOOMID BADAN SIDA UU UGA DOORSOOMO IN ADOONKIISA AMA ADOONTIISU SINAYSATO"
MARKAA HADII ILAAHAYBA SAAS UGA QIIROONAYO MA WAXAAD U DIIDAYSA DADKA MUSLIMIINTA AH EE U QIIROONAYA DIINTA,MASE OGTAHAY IN QOFKU INUU IIMAN LEEYAHAY IYO IN KALE LAGU GARTO SIDA UU MACAASIDA U INKORO OO NABIGA NNKH UU KU TILMAAMAY QOFKA MUNKARKA QALBIGA KA NACA INUU YAHAY KAN UGA DANBEEYA EE IIMANKA UGU YAR KU JIRO,WAXUUNA YIRI IIMAN KAAS KA DANBEEYA MA JIRO.
WAXAAN KU SOO KOOBAYA ANWAROW WAXAAD RABTA INAAD WAXAAGA ISKA DHABAQSATO AAN CIDNA KAA XUMAAN EE LAGUU QOSLO. WAANA GARANAYA CIDA AAD U QABTID INAY DIINTA KAA XIGAAN WAA DADKA XOOGA WAXAAGAS KUGU INKIRAY.WALIBA AYAGA QALBIGOODU WAA CIRIIRYOMA MARKAY KU ARKAAN MARKAAS BAAD IS DHAHDAA WAA MAXAY LIBAAXAN KU FIIRINAYA. WAARNINYAHOW ADIGA IYO INTA KULA MIDA MACAASIDA ISKA DHAAFA HADAAD KA RAJO QABTAAN NOLOL DANBE OO DHEER,HADII KALE ISKA DHABAQSADA KOLEY ANIGU IDINKU SOO DHAWEYN MAAYO IDINKUNA JECLAN MAAYO.
ILAAHOW DIINTA EHELKEEDA NAGA DHIG IYO KUWII U QIIROODA.ANWAR IYO INTA LA MIDA EE NALA YAABANA U SAHAL INAY DIINTA BARTAAN OO KAA CABSADAAN.SI AY ANAGA NOOGA DARAADAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!

Walaal Anwar, su'aasha aad na waydiisay waxay dhalin doontaa khilaafaad iyo dood aad u wayn balse wixii Ilaahey iga garansiiyo ayaan ka oranayaa. Marka hore waxaa ii muqata in jawaabta aadan u baahnayn laakiin uu qasdigaagu yahay inaad cid gaar ah durtid. Muslimiinta waa walaalo wax walba oo aan caqiido aheyna way isku khilaafi karaan taasina walaaltinimad uu Ilaahey ugu nimceeyay ma joojinayso. Yaynaan isku nicin hadaynu mas'alad ninba si u fahmo maxaa yeelay sifaadka Muslimiina ayaa ah inay Kitaabta Alle iyo sunada u laabtaan hadii muran dhex yimaado.

Walaal Labo arrin kala saar, in qofka diinta laga saaro, (gaalnimo, amaba kufri-duuna-kufri ah) iyo in qofka xiriirka laga jarto oo aan la xiriirin laakiin Islaanimadii uu wili haysto.

1. Arrinta hore, waxyaalo badan ayaa diinta looga baxaa kuwaaso qowl iyo ficilba noqon kara. Waxaa maleynayaa inaad badankooda taqaanid laakiin waxaa jira kuwo aysan dadka u maleynaynin in diinta looga boxo laakiin dhab ahaantii murtadnimo keenta. Salaada oo laga tago, shanta tiir ee islaanimad oo mid ka mid ah si kas ah loo inkro ama la diido salaadana ay soo galeyso arrinkaas. Waxaan shariicada Ilaahey aheyn oo loo xukun tago sida democracy, and etc. Jeesjeec lagu jeesjeeco diinta. In wali laga dhigto gaalada ama la isku shabaho. Xaraanta oo la baneysto, sida qofka haduu xalaalaysto wax Alle xaraam ka dhigay amaba qof xalaalastay shay xaraan ahaa lagu raaco, waxaa soo galaya qaadka, tawasulka baadilka ah. iyo in badan oo aan soo koobi karin.

2. Arrinka labaad, qofka haduu macsi u saaxiib yahay oo si walba loogu waano celiyo balse uusan waxba qaadaneyn hadana uu adiga dhib kuugu darayo oo uuba kibir iyo isla-wayni ka qaadayo wacdiga iyo waanada waxaa banaan in la jaro oo la tuso in yahay cadow ilaa uu diinta Alle sida runta u qaadano. Qof Muslin ah ayaa wuxuu caadi ka dhigtay inuu Zino suubiyo, khamri cabo, been sheego, ama wax xado. Waxyaalahaas oo dhan waxay u baahan yihiin qofkaas in loo caqli celiyo lana waaniyo balse hadii dambigaas mid ka wayn galayo waxaa xaq ah in laga aamuso oo la tuso inuu dambi ku jiro. Xiriirkii idin dhexyaalay waa uu dhamaaday ilaa uu Muslim dhab ah noqdo. Maxaa yeelay qof Muslim ah khamri ma cabo ilaa iimaanka ayaa laga saaraya intuu dambigaas ku guda jiro. Waxaana filayaa inaad ogtahay in diinta oo la soo galaa aysan aheyn qasab laakiin ku dhaqankeedu iyo amerkeeda oo la raaco ay qasab kugu tahay. Cidna lagu qasbi maayo islaanimada laakiin baryo ma aha in diinta say tahay loo raaco. Nabiga (scw) asaga oo la caayo ama wax laga sheego ma u xanaaqi jirin laakiin markii diinta meel looga dhoco wuu u qiiroon jiray wajigiisana wuu is badali jiray.

Iga raali ahaada mowduuca ayaa ila tagayee.
Allow inaga dhig kuwa amaradaada u dhaga raariciya oo u fuliya siday yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anwar

Unrecorded Date
Salaam

Waxaan oran lahaa hala adkaysto marka hore oo cid diinta laga xigo malaha, waanu usimanahay qof walba oo isku daya inuu is xijiyo wuu kubaab'ayaa sidii ITIXAADKA kaqabsatay BARI IYO GEDO. Mase ogtahay ninow marka lagahadlo danuubta lagalo inaysan culimada soomalidu kayaraysan shacabka oo ay qayb ka yihiin dhiiga daadanaya. Dhalinyaradu waa ianay barato diinta oo lajoojiyo tacasubka aan raadka lahayn.

Alle hanawada xifdiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAMAAN CULIMA U DIINKA SOOMALIYED INAY II SHEEGAN WIXII XALA OO AAN SAMAN LAHAA

Unrecorded Date
WALAALAYAAL,SALAAMA CALAYKUM,SALAAN KA DIB WAXAN IDIN WAYDIYEY SU,AAL AAN MUDABADAN QARSANAYEY TAASO AH DHIB AMA DULMININO LAYGU SAMEEYAY MARKAA WAXAAN RABAA INAAD DADKA WADAADA AH AMA DIINTA YAQAANA INAY IGA QANCIYAAN.QISADIINA WAA TAAN.

MUDO LAGA JOOGO DHAWAR SANO AYAAN WAXAAN AADAY SOOMALIYA WAXAANA SOO GURSADAY GABAR SOMAALIYEEY,INKASTA OO AANAN LA AQAL GELIN,KHARASH FARABADAN AYAAN BIXIYAAY IILAA DHAWAR KUN OO DOOLAR,KA DIBNA WAAN SOO DHOOFAY BIILKEEDA WAAN U DIRI JIRAY INTA BADAN MAR MAR MAA HANE AY XAALADU ISKA XUMAATO INKASTA OO AY MARKAAS IYADU LA JOOGTAY REERKODA HOYADEED IYO AABEHEED,INTAAS KADIB AYAAN WAXAAN GO AANSADAY INAY DACWAD SOO GASHO SII AAN U SOO DHOOFSADO WAX KASTA WAAN U DIRAY KADIB MARKII AY TIMI MEESHI DACWADA AY KA GELAYSAY AYAAY WAXAY IGU SAMAYSAY DULMI OO WAXAAN ISLA OGAYAN SAMAYSAY IYADO QORATAY DAAD AAD U FARABADAN DONAYSAYNA IANY MAR DANBE U DACWOOTO HABA YARAATE WAX AY IGA SHEEGTAY ARINTAAS MA JIRIN,INTAAS MARKII AY ARINTU MARAYSAY AYAA INIGA DACWAD LAYGU JEERAY SII NALOO OGAADO IN HADALADAYADU IS WAAFAQAAN LOONA XAQIIJIYO INAY XASSKAYGI TAHAY ,SU ALIHI LAYWAYDIYAY IYO KUWEEDI XABAD XABAD U EG BAA LA WAAYEY ANIGIINA ISKA TAG BAA LAYGU YIRI XAS AAD WAR U HAYSO MAAHANE, CAKU CIIL BADANA,WAAN DAREEMAY IN WAX KHARIBAN YIHIIN,WAXAAN GO AAN SADAY INAAN DHULKI IYO SOMALIIYA AAN KU NOQDO XALADO MARKAA AAD U XUMAYAD ABAAR,ROB LA AAN IYO DURUFAHA OO ISKA ADKAA,DHULKII AYAAN KA DEGAY WAXAA II BAXDAY INAAN DANBA LAYGALAHAYAN EE KHARASHKA LAYGA GURANAYEEY,DHEG UMA DHIGIN ILAA NIN JABAY BAAN AHAA OO MEEL UU KA NOQDO AAN JOOGINE,WAXAAN GO AAN SADAY INAAN XASKAYGA GACANTA SOO QABSADO OO AAN ULA SOO DHOOFO SAFAARADAHA AAN JIRANKA NAHAY, MARKI AAN DAMCAY INAAN SOO DHOFNO AYAAY GABADHI WAXAY IGU TIRI WAA INAAN LA TASHADAA WALIDINTAY, WAXAANA UGU JAWAABAY WAAD LA TASHAN KARTAA GO AAN BAANA WAXAA LAGU GAARAY GABADHA KA XAYSAN MAYSID ILAA ADIGA OO WADA SHARCI MAAHANE,LA FUDUDAA SHARCIGU SOOW MAAHA IN WADO DHEER LOO MARO,HALKAAS MARKAY ARINTU MARAYSAY AYAAN CANDHUUFTAYDA DIB U LAQAY WAXAANA GO AANSADAY INAAN DIB UGU SOO NOQDO MEESHAAN MARKII HORE AAN KA IMI,SIDI AYAANA KU SOO NOQDAY.KADIB WAXAA LAY SHEEGAY INAY KU DHACDAY MASIBO INAY GABADHI SUQA GASHAY CARUUR BILAA ABA ANA DHASHAY,MARKII AAN SOO TEGAAYEY MA FURIN ,HADABA WADAADOW AMA DADKA CILMI QURAANKA YAQAANOW WAXAAN RABAA INAAD IGA SOO SHAFIDAAN INAAN DENBI LEEYAHAY MADAABA AANAN FURIN ANAANA NAAGAYSAN LACAG AAD U FARABADAN LAYGA CUNAY,MAXAA XALA OO AAD IGULA TALINAYSAAN,XILIGAKAN XAADIRKA AH WAXAAN LEEYAHAY XAAS IYO CARUUR.WAXAAN IDINKA RAJAYNAYAA INAAD I SOO SHAFIDAAN,WA BILAAHI TOWFFIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,

Walaal marka hore waxaan kugu baraarujin lahaa in aad arinta ahmiyad weyn siisid oo aa ay aad kugula weynaato, sababtoo ah ma aha arin la fududaysto.

Haday Arinto marba gaarto aroos iyo xidid, caruurna meeshu timaado arinto ma aha mid majaal uga banaan yahay KITAAB GAABLAYDA ANAGA OO KALE AH. FADLAN ARINA U BANDHIG CULIMADDA JOOGTA MEESHA AAD DEGEN TAHAY KHAAS AHAAN IMAAMADDA MASAAJIDDA MEESHA AAD DEGENTAHAY.

WAALIDKAA MA OGYAHAY ARINI MASHAY MARAYSO?Hadayna ogeyn miyeyesan wanaagsanayn in arinta loo bandhigo. Hal Cunug ayaa iminka la isku jiid jiidayaa, mustaqbalkase malaga yaabaa in arinto intaa ka weynaato?WAkhti la sugaa ma jirtee FADLAN arinta sida ugu deg dega badan ula socodsii Culimadda. Hana fududeysan.....NASABKU diinta meel aad u weyn ayuu diinta Islaamka kaga yaalaa mana aha shey ciyaar ciyaar ama la fududaysto.

Kheyr baanan kuu rajeynayaa iyo in Ilaahay Xaajadaadda kuu Uruuriyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI SWEDEN

Unrecorded Date
Ku:Anwar.
walaal waxaan aad uga xumahay inaad dood fiican furtay balse aad haddana jameeco muslimiin ah ku weerarto.Marka hore waxaa iga suaal ah itixaad iyo Cabdulaahi Yuusuf ma waxaad u aragtaa in C.Yusuf qumman yahay hadday haa tahay muxuu ku qumman yahay tankale Etheopia iyo alitixaad ma Eteopia ayaa kula saxsan haday haa tahay sabab. arrinkalabaad waxaan kuu sheegayaa in aan wadaadadu diinta is xejin laakiin dadka qaarkiis (sidaada oo kale)xejiyaan, tusaale ahaan


Somalia ka soo dhoofaayay waxaan lahaa gar wayn markaas nin ka yimid Sweden ayaa iyiri maxaad yurub ka doonaysaa. maxaa jira ayaan dhahay markaasuu dhahay meeshaas meeldiinta ku fiican maaha,waa rune adiguba sow ma joogtid baan dhahay, anigu wadaad maahi ayuu yiri,laakiin diinta kuma fiicna baad tiri eema oran wadaadada kuma fiicna ayaan dhahay.Marka walaal haddaad cid khalad ku tumaysid ha ku raacin khaladka laakiin nacaybka iyo aflagaadadu kama midaha astaamaha muslimiinta lagamana ogola islaamka dhexdiisa.Tankale waanada ah inay dhalinyaradu diinta barato khayr alla ha kaa siiyo laakiin suaashu waxaa weeye yey ka baranayaan? culumadii soomaalida denbiilayaal baad ku tilmaantaye.

wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI SWEDEN

Unrecorded Date
Ku:Anwar.
walaal waxaan aad uga xumahay inaad dood fiican furtay balse aad haddana jameeco muslimiin ah ku weerarto.Marka hore waxaa iga suaal ah itixaad iyo Cabdulaahi Yuusuf ma waxaad u aragtaa in C.Yusuf qumman yahay hadday haa tahay muxuu ku qumman yahay tankale Etheopia iyo alitixaad ma Eteopia ayaa kula saxsan haday haa tahay sabab. arrinkalabaad waxaan kuu sheegayaa in aan wadaadadu diinta is xejin laakiin dadka qaarkiis (sidaada oo kale)xejiyaan, tusaale ahaan markaan Somalia ka soo dhoofaayay waxaan lahaa gar wayn markaas nin ka yimid Sweden ayaa iyiri maxaad yurub ka doonaysaa. maxaa jira ayaan dhahay markaasuu dhahay meeshaas meel diinta ku fiican maaha,waa rune adiguba sow ma joogtid baan dhahay, anigu wadaad maahi ayuu yiri,laakiin diinta kuma fiicna baad tiri ee ma oran wadaadada kuma fiicna.Marka walaal haddaad cid khalad ku tuhmaysid ha ku raacin khaladka laakiin nacaybka iyo aflagaadadu kama midaha astaamaha muslimiinta lagamana ogola islaamka dhexdiisa.Tankale waanada ah inay dhalinyaradu diinta barato khayr alla ha kaa siiyo laakiin suaashu waxaa weeye yey ka baranayaan? culumadii soomaalida denbiilayaal baad ku tilmaantaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukhtar

Wednesday, July 05, 2000 - 11:56 am
BISMILLAH
ASSALAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAH


To all my brothers & sisters

( ADIINU NASIIXAH : LILLAAH , LI KITAABIH, LI RUSULIH, LI AÍMATIL MUSLIMIIN WA CAAMATIHIM)

Waxaan u mahad celinayaa alle kadib ninkii ciwaanka bilaabay , waxaan ixtiraam iyo qadarin u hayaa qof kastoo raýigiisa halkan ku soo cabiray
kadib
suáashan waxaan filayaa jawaabteeda koobanni waa ciwaanka hadalkayga maxaa yeelay shay waxa iska leh ciddii nafcisata taas uum baana uu danqayaa shaygaas xumayntiisa ama baabiíntiisuba haddaba , waxay aniga ila tahay diintu hadii ay dhimato ciday ka dhimanaysaa waa CARUURTA uu dhalay Aadam (CS) , iyagaana ah cidda nafcisata diinta . waxaa haddii aad eegto diinta sabata allaah usoo dejiyey waxyaabaha ugu waaweyn inay ilaaliso waxa loo yaqaano (daruuriyaatul khamsa). oo kala ah
1 DIINTA inay dadka u ilaaliso sidaas dareteed ayaa la amray in qofkii diintiisa beddela la dilo oo uusan khayr lahay
2- NAFTA inay dadka u ilaaliso taas darteed ayaa loo xaaraameeyey in naf la dilo kii wax dilana loo dilo ,

3- CAQLIGA waa inay u ilaaliso dadka taas darteed ayaa loo xaaraameeyey mukhadiraadka


4- NASALKA inay dadka u ilaaliso sidaas derteed ayaa loo xarimay sinnada , hadii ninkastaa naagtuu soo gaadho la seexdo ubad lama kalayeesheen sidda xoolaha .


5 SHARAFTA sidaas darteed ayaa loo xarimay xanta iyo is durista qofka lagu duro qabiilkiisa darteed

Haddaba hadii aad eegto arimahan oo culimmada islaamku ku midaysan tahay in ay diintu sababteeda u soo degtay waxaad arkaysaa in nafcigeedu uu dadka u noqonayo

waxaan u arkaa in aan jawaab macquul ah qoray laakiin waxaan idinka raali gelinayaa anigoon ahayn qof cilmi leh inaan ka hadlo arin sidan muhiim u ah laakiin (AL CILMU BAYN TALAAMIID)

WA SALAAMUN CALAYKU

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.