site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hala iska jiro kuwa gaaleysiinaya culummada

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Hala iska jiro kuwa gaaleysiinaya culummada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Unrecorded Date
walaalayaal waxaa waayahaan dambe qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah oo ay u fududdahay iney culummada iyo muslimiinta kaleba gaaleysiiyaan.

waxaa iga su'aal ah:

sidee baa looga hortagi karaa arrinkan ??
maxaase ku kallifay ugu horrayntii arrinkan ??

ma jahli baa ? ma xaasidnimaa ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum ALL!

Walaal, waxaa jira ururo badan oo Islaami ah. Mid walba mid ka kale buu gaal ama wax aan diin haysan ka dhigayaa. Alle wuu inooga digay tafaraaruqaan, laakiin aaway Ummadii maqli lahayd? Alle nuurka ha inatuso.

Dad badan oo Muslim ah baa igu qosla markaan iraahdo "urur kama mid ahi...ee Muslim kaliya baan ahay". Dadka waxay kaa rabaan inaad urur ka mid ahaatid. Marka uu qofku urur isku tilmaamo, wuxuu caawinayaa kala tafaraaruqa diinteena.

Alle ha`isku keeno Ummadeena---oo mid kaliya haka wada dhigo, siday mar ahaayeen! Aamiin!

Wasalama Calaykum!

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaamil

Unrecorded Date
AsSalaamu Caleykum waraxmatullaah

Waxa dadka qasaya waxaa kamida ah: al-Islaax, Al-Itixaad, Al-takfiir iyo kuwo kale oo.

Gidigoodna waxaa ka dhaxeysa colaad hoose oo si baay isu xiqdinayaan.

Waxaa kabadbaadi kara oo kaliya ninkii Alle iyo rasuulkiisa raaca kana dheeraada firqo-firqada.

Dhowr iyo todobaatan ayaanu u baxaynaa, HAL kaliya ayaana janada galeysa.

Rabbi hanaga dhigo kuwa Xaqa raaca iyo firqadaa Nabigu (nnka) tilmaamay ee janadda gali doonta.

Aammiin Allahayoow Aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anwar

Unrecorded Date
Salaam

Run ahaantii waa mawduuc muhiim ah marka laga hadlayo ixtiraamka Culimadu ay kuleedahay shacabka Muslimiinta, waayo waxay matalayaan NABIGA[scw]. XAqiiqdase marka aan usoo dago waxaan kuraacsanahay walaalahayga horay usoo sheegay KAAMIL iyo AHMED, oo tilmaamay halka arinku kaxirantahay. Ugu horayn culimada ayaa ah kuawa arinkan kadanbeeya oo isku diraya shacabkan masaakiinta ah, barayna in lays dilo lays gaalaysiiyo lays caayo iyo tarbiyo xumo ay kadhaxleen hogaamiyayaasha ururada diineed. Iyadooba ay waayadaan danbe soo baxday wax laga laadnaa oo ahaa in lasku qarxiyo masaajid iyadoo latukanayo ayna taasi katimid nacay udhexeeya culimada somaliyeed. Waxa kale oo aan ognahay inay si aan ixtiraam kujirin isu radiyaan iyagoo aflagaadeeya ururadii ay shalay hogaamiyayaasha uahaayeen markii ay kawaayeen maslaxadii ay rabeen, iyadoo ann hayo tusaalayaal nool waxay ay umadda bareen culimadeena qaarkood, iayagoo isku aflagaadeeya MINBARKA korkiisa ayan aqoon tanaasul iyo masaamax, iyadoo maanta somaaliya ay kajito URURO kabadan 10 URUR
aanan lahayn siyaasad cad oo ay shacabkan uga badbaadinayaa dabka ay kudaateen. LAkiin marnaba mabanaana ilays caayo ama laysgaalaysiiyo culimo ahow ama caamo ahow.

ALLE tawfiiqda hana waafajiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salafi

Unrecorded Date
To: Kaamil
Asaalaamu calakum
Salaan kadib waxaad kala saartaa dadkii uu Nabiga sheegay ee uu yiri Ummadayda waxay ukala bixi doonaan 73 hal ayaa janada gali inta kalana waxay gali naarta Allaha naga koriyo dhamaanteen, walaal ma aha Al-islaax iyo Al-itixaaad laakiin waa kuwa ka leexday jidkii Nabiga, Sida Shiicada, Axmadiyada, Murji'ada, Axbaashta, iyo kuwo kale oo badan laakiin dadkan kale waxay isku haystaan waa qaar kamid ah furuucda diinta ee iskuma haystaan Tawxiidka Allah inuu kali yahay inuu Nabi Muxammed Nabii ugu dambeeyay yahay.
Anigana waxaan kamid ah Salafu Saalix (Kuwii suubanaa)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaamil

Unrecorded Date
To Salafi

Waad mahadsan tahay sida wacan ee wax iigu sharaxdey. kheyr Alle hakaa siiyo. Cafi Alle iyo masaabax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
AR IDINKAA!!!

WAXAAN KAMA DAASHAAN MIYAANA, BOQOLMARAA MAWDUUCYAAL KAN KU DHOW FURTEEN WAX ISCEERSANAAYO OO HADBA XARAKO DIFAACAAYAAN MAAHEE WAX KALENA MA IDINKU ARKIN.

TIIS DARYEELAA TU KALE KU DARO NIN TIISII U YAABSANNA BAL XARAKO INTUU GEEYNAA!

ITIXAAD ISLAAX JINIJAAN, FURAHA JANADA MA HAAYAAN.
MARKEEY KUWO WALBA DHAHAAN ANAKA BESAA SAXSAN, MACNEHEEDA ANAKA LEE JANADA GALEENO WAAYE MAAHANOO!

INTAA IDINKA LEE ISKU TAAGAN TIHIIN DIINA WAX MA TAREESAAN, SOOMAALI HADAANAHAYNA IS QILAAFOOW WAA KA SOO DAALNAY.
INTAA SOO HASHIINEESAAN SOO NABAD AHAADA.

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/casiis

Unrecorded Date
BISMILAHI

WALAAL XARAKAADKA ISMAGALEEYSIYO EE KUWA DAdka galeysiyo waa badan yahiin wanaqalad in lagaleysi muslim.

xarakaadkana waa ileski barito wana dadki somali kadhisi laha doowlad islaam ah insha alaah

laakin somALI WAXAAY TIRAHDA DHURWAA NIN DOORKISA
ISAGA DILA,

ee xarakaadka hadaad ku aragteen qalad unasexeya
oo tusa qaladkooda lakiin xarada hakabixinina
xarada islaamka
mida kale yaan qaldamin ninkaan qaldaminoow ilah
nimaad shegatay

aqukum filaah c/casiis denmark

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abubakar

Unrecorded Date
TO DHAMAAN:!
Markaan aqriyey sida aad ka aamin santihiin ururada diiniga lamagac baxey ayaan waxaan jecleystey inaan idinka sheekeeyoarin aniga igu dhacdey runtii waxa la sheegayo waxbaa ka jira
ee ma idiin soo daadiyaa mise?
Muslimiintu waa mid siduu Ilaah iyo Rasuulkiisa
ay sheegeen mana kala qeyb samaan Ilaahna magac aan muslim aheyn nooma doorin.
laba magac kaliya ayaad leedahey mid waa kaa Ilah uu kuu doorey midna waa kii hooyo iyo aabe ay kuula baxeen wixii ka soo haraa oo diin ku saleysan sharcigana aanuu sugin waa mid aad kaga fogaaneysid walalkaa muslimka kula ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abubakar

Unrecorded Date
TO DHAMAAN:! CIID AWNAAGSAN

Anonymous

Unrecorded Date
to.abubakar.
waxaba hanoosoo daadin,adigaaba lahaa muslimiinta kala fogaanaysa hadana waxaad rabtaa in dad wax kasheegto ilaahay kabaq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CARMALE BOSTAN

Unrecorded Date
To. dhamaan
waxaan idin leyahay idinku inta aad dad wax ka sheegaysaan naftiina dib ugu naqda maxaa yeelay hadaad leedihiin xarakaadka ayaa wax haleeyey yaa wax wanaajay runtii ma dhahayo xarakaadku khalad malaha oo waa dad dadkuna waa khaldamaa umana haysto inay yihiin baadil sida qoraalada qaarkood laga fahmayo balse waxa aan u arkaa inay khalad iyo sax labadaba leeyihiin waxaana qabaa in saxooda iagu raaco lagulana sheqeeyo khaladkana aan lagu raacin loogana nasteexeeyo haday diidaana beri laga noqdo maxaa yeelay xaqa ayaa duuduub loo qaataa wixii ka soo haray lagaguma qasbin ogaadana islaamku wuu gargaarsanayaa waana balan qaad xaq ah
hadaba yaynaan inagu xarakaadka ku mashquulin ee aynu wax qabano diintana aynu ushaqayno nafteenan aynu ka bilowno hadii kale aynu shaqo aan la inoo dirin ku mashquulo
waa walaalkiin carmale bostan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.