site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KAALAY AAN ALLE subxaanuhuu watacaalaa´XUSNEE SAACAD.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): KAALAY AAN ALLE subxaanuhuu watacaalaa´XUSNEE SAACAD.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid Cumar

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamaan bahda bogaan,salaantaas sharafta iyo qiimaha badan kadib waxaan illaaheey(s.w) inooga baryaay in uu inaga dhigo kuwii dartiis isu jeclaado maalinta qiyaamahana hoos harsado carshigiisa maalintaas oo aan hoos jirin hooskiisa ma ahee.
waxaa dardaaran nin saalax ah ka mid ahayd waxaad
iloowdeen ceebihiina oo aad raaraacdeen ceebihii dadkiii kale!!!, taas kama wado walaaladeeyooy waxaan iloowney teenii, laakiin waxaa aan arkaa mudo dheer oo aan ka maqnaa netka bogii Islaamka oo aan ku arkey wax aad iiga nixiyo way wanaagsantahay in la isa saxo way wanaagsantahay
in la is rediyo wey wanaagsantahy oo wanaagsantahay diindeenaan aan wax la mid ah jirin, laakiin waa sidee?..
iga raali ahaada .. walaalkeey iyo walaasheydiiyeey waxaa tihiin dad aad u qiimo badan waxaanan idiinku marakacayaa bogaan iyo aaraadiina islaamka waxaa tihiin rajada kaliya ee
mustaqbalkeena ifaayo,kuwo u maqan oo aan filaayo
ineey hurdadii ka kaceen laakiin waa suaale haddii
caano lagu siiyo waad rumaysantahay iney wanaagsan
yihiin sax laakiin cabitaankoodu waxa uu ku xirenyahay hadba koobka lagugu siiyo masalan
koob daxaleystay oo lagugu siiyey caanahii macaanaa ma cabi lahayd? jawaabyu waa may.....
marka waxaan ugu danleeyahay ahow jamaacadaad doontid ahow ruux walbo oo diimeed waxaa waajib kugu ah ilaalin aadaab. waxaan ogsoonahay inaad ilaalisid dadka aad la nooshahay aadaabteey kuu dhigeen haddiiba aadan is ogeeyn, ayaga naf ahaantoota waxay ilaaliyaan aadaab tusaalaha ugu yar waxaa hortaada ah shaashada TVga maku aragtay
ruux idaacadaha ka baxo sheegaayo oo aan libisneen
mahmaa uu dabagaabka qaato xiliga qoraxda jirto
muxuu ilaalinayaa? bal ka waran bilaa caleyk Diintaada Muqadaska oo aad weliba sheegatay in safiir ka tahay? maxaa idinku dhacay aaway
aadaabtii cilmiga is ixtiraamka is jeceeylka
ka cabshasha fadwda diimeed, is redintii is jeceylka ku dhheehneed is qederintii..
raali iga ahaada waa walaalkiin oo idin saxayee aan u soo noqono mowduuceenii ahaa kaalaya aan Alle xusnee saacade. waxaanan u doortay waxay
ahayd wadamada aan ku noolnahay oo ay aad ugu badan tahay qalbi madoowaanta iyo beejkii Islaamka
oo aan ka naxay.
ugu horeeyn walaaladeeydiiyoowwaxaad ogaataan in uu yi rasuulkeeni salalaahu calayhi wasalam biniáadam dhamaantiis waa qaldamaa,waxaase kuwa qaldamo ugu qeyr roon kuwa ka towbadkeeno.
waa xaqiiqo xabiibkeyna(s.c.w.) hadalkiisa oo waxaan marqaarti ka nahay inaan denbi ku jirno saacad walbo marka si aan kuwa denbiga galo ugu qeyr roonaano waa inaan towbadkeenaa hada.
towbada Illaahay (s.W) quraankiisa wax badan ayuu ugu hadlay waxa uu inagu dhiiriyay inaan u towbad keeno waxaana walaahi xaqiiqo ah inaadan heleyn wax alle ka raxmad badan. laa illaaha ila laah!!!
wuuxuuna leeyahay u towbad keena illaahay muuminiintiiyeey dhamaantiin waxaad mudantihiin inaad liibaantiine!!!.. ma la soo koobi karo aayaadka quraanka ee majaalkaan waqtiga gaaban dartiis maxaase ka rabtaa soow Alle magacyadiisa kama mid ahan in uu denbi dhaafe yahay.
amaa axaathiista rasuulka (s.c.w.)waan wada naqaanaa xathiiskii dheeraa ninkii 100ka nin diley
sidoo kale in uu Alle(s.w) soo dego habeenkii saqdii dhexe oo uu yiraah yaa wax i weydiisto oo aan siiyaa ya denbi dhaaf i weydiisto oo aan u denbi dhaafaa....).

waase nalagu kor aqriyaa maalin iyo habeen ayaadka
iyo axaathiista rasuulka balse waxaan raba inaan maanta wax ka dhaho sidii aan u her geli lahayn,
inaad illaahay aad u soo noqotit waa kugu waajib allana waa dhaafaa denbiya oo idil intii ayan naftu kaa gaari dhuunta ama qoraxdu ka soo bixin dhanka kale.waana ku farxaa rabigaa towbadaada sidii nin safarku ah saxaraha oo uu ka dhumay daabadii ay waxa u saarnaayeen kadibna gees hoos jiiftay yacni isu diyaariyay in uu dhinto mar ale iyo markii uu indhaha kala qaadaynaarkay ayada oo kor joogto farxad dartiis u yiri illaaheeyow waxaa tahay adoonkeeygii ane waxaan ahay rabigaa wuu ka farxad badan yahay Rabi (S:W) sida uu inoo sheegay Runloowgii (s.c.w.) bal qiimee meeshaat taagantahay iyo haddii aad towbadkeeto si uu rabi kuugu farxaayo!!!.
waxa uu rasuulkeenii(s.c.w) towbad keeni jiray 70 ama 100 mar.sidoo kale qiimee meeshaat taagantahay iyo meeshii uu taagnaa xabiibkeenii(s.c.w.)oo denbigiisii hore iyo kiisii danbaba la dhaafay muxuuse denbaabaa maba ku hadli jirin waxaan waxyi ahayne!laa Illaaha ila laah!!!
walaalkeeygii aan jeclaayoow ama walaasheydiiyeey waxaad ogaataan dunidaan in mar uun lagaa wadaayo goortii doonto ha noqotee,waxaa magacaaaga ugu danbeeyo inta nafta kugu jirto maalinkaad geeriyootana waxaa kacay qiyaamahaagii
xisaabta qabriga ma moogtahay nolosha barsaqa!! maxaaku ogaysiiyey waxa ka sii danbeeyo!! iska sii saco hor istaaga rabi ma moogid mana in kirsanid.
beri waa xisaab maantana waa camal ha iloowin naftaada ha isku deyn cadawgaagii weynaa sheydaan
ee hada Towbadkeen waa iga waanee aan towbadkeeno
naftaada la xisaabtan oo baro waxaan tusaalooyin badan idiinku soo gudbin lahaa waqtigaa igu yar laakiin ninka yiri Xisaabiya naftiina inta aan la idin xisaabin waa ninkii fuulay mimbarkii shariika aha ee rasuulunaa Muxamed(s.c.w.) oo markaas ahaa amiirul muuminiin yiri furfurasho kadib dadow ninkaan aad arkeysaan waxaa la dhihi jiray cumeyr
waxa uu ariga u raaci jirey adeeradiid waxayna siin jireen xalwad yar ilaa uu ka soo gaarey taariikhdiisii meesha uu hada joogo ee ah amiirul muuminiin Cumar ibnul khidaab kadib waxa uu ka degey mimbarkii waxaase ka dabo kacaey saxaabadii
rasuulka midka mid ahaa oo weydiiyey sababta ku kaliftay wuxuuna ugu jawaabay naftaydaa waxay iigu sheekeksay inaan ahay amiir muuminiin.laa Illaaha
ila laah!!!.bal adigu soo kuuma sheekeeyso naftaada maxeyse kuugu sheekeeysaa?
walaal aan towbad keeno?aan towbad keeno 100mar
wax ka badan. illaahay ha ina waafajiyee aan towbad keeno.


taas waxay ahayd fariin walaalkiin
idiinka timid haddii aan wax sax ah ku hadley waxay ka sugnaatay Illaah IYO
rasuulkiisa wixiise qalad ah waa nafteyda
iyo sheydaan waana socotaa..
walaakiin saciid cumar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

Yaa akhi saciid baaraka allaahu fik wakatharalaahu amthaalak walaalilaahay khayr ha kaa siiyo waanadada wanaagsan miisaanka xasanaadkana hakuugu daro ilaahay kuwii uu hadhsiiyey hadhkiisa maalinta aanu jirin hooskiisa mooye hooskale ha inaga dhigo aamiin

wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

ukhtak
Yaasmiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adoon Alle

Unrecorded Date
walaal waxaan idin waydiinayaa,salaada markii aad ku jirto oo alle swt hortaagan tahay,oo uu waswaas ku soo galo salaada makuu jirtaa waqtiyo aadan tukanin gaar ahaan salaada subax ama aadan waqtiga loogu talo galay aadan tukan

hadii lacag lagugu leeyahay oo aadan garanayn meesha laga helo maxaa kula gudboon in aad ku dhaqaaqdo?

hadii aad lacag xado ama qayaano sameeyso maxaa kula gudboon?

hadaadan waalidkaa aadan xiriirin ma danbi waynbaa
oo dan wax tarin?

hadii aad macasi samayso adigoo og in ay danbi wayn ay tahay?

walaalayaal rajo malee yahay qof intaa oo ficil ah sameeyey?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.