site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

CILMAANIYADA SOOMALIDA IYO KHATARTEEDA SII KORDHAYSA!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): CILMAANIYADA SOOMALIDA IYO KHATARTEEDA SII KORDHAYSA!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU-CALAYKUM.

Dhamaantin waan idin salaamay akhyaarey waana booqashadaydi labad,waxaana jeclahay maanta inaan mowduucan ka hadlo.


Ugu horayn sida aan la soconaba CILMAANIYADU waxay aaminsan tahay in manhajka xayaatada insaanka laga dheereeyo waxii DIIN ku shaqo leh,oo iinsaanka waxa uu ku socdo iyo DASTUURKIISABA laga dhigo mid AAN KHAALIQA DADKA ABUURAY UUSAN CADNA KU LAHAYN. waxay ka soo unkantay yurub oo cadaadiskii kaniisaduhu ku hayeen ay go'aansadeen inay markii danbe waxii diin sheegtaba la fogeeyo lana kala saaro DIINTA & SIYAASADA.
Waxayse waayadii danbe u soo faaftay xaga CAALAMKA ISLAAMKA,iyadoo aan ognahay in MUSLIMIINTU HAYSTAAN DIIN SAAFI AH OO AAN CIDNA DULMIN XAQNA AH,inay wax dulmiso daaye ayadu xaqa u soo celisa qofka la dulmiyo.

Meelahii ugu horeeyay ee ay caalamka islaamka ka soo gashay waxaa ka mid ahaa DALKA TURKIGA oo ay maantana aad ugu xoog badan tahay waxaana calanka u siday ninkii DAAQIGA AHAA EE MUSTAFA ATATUK.kadibna waxay ku faaftay wadamo badan oo muslimiin ah.meesha oo igu yar hadaanan ka baqayna akhbaar badan baan ka qori lahaa.

Hadaba hadaan u soo noqdo su'aashi mowduucayga CILMAANIYADA SOOMALIDU SEE TAHAY?MA KHATARBA?MASE KA DUWAN TAHAY CILMANIYADA KALE EE CALAMKA ISLAMKA KA JIRTA??
Run ahaanti Cilmaaniyada soomalidu dhowr waji bay leedahay,qaarkod way ka qatarsan yahiin cilmaaniyada caalamka islaamka ee kale ka jirta waana sharaxi doona.
Hadaan kala qaado wajiyadeede badan,wajiga koowad waa wajiga CILMAANIYADA JAHLIGA KU DHISAN, taas waxaan uga jeeda waa cilmaaniyad oo waxay aaminsan tahay in DIINTA IYO SIYAASADU AYSAN IS GALI KARIN sababta ay u aaminsan tahayna waa jahli ay diinta islaamka ka qabto iyo sidoo kale aqoonteeda maadiga oo yar,Iyo iyadoo waliba aan manhajka cilmaaniga si fiican u aqoon.si aadna aan loogu kalsoonayn wadamada qarbiga ee asalka u ah cilmaaniyada.cilmaaniyada noocan ah waxaa qaba ASKARTA QABQABLAYASHA QAARKOD IYO QAYBO KA MIDA ODAYASHA DHAQANKA EE SOOMALIDA.

Qaybta labaad waa CILMAANIYADA BAXDIGA AH. midan iyadaa waa mida khatarta ah,waxayna aad u uga khatarsan tahay cilmaaniyada caalamka islaamka wayo tan soomalida waxaa lagu tarbiyeeya gurina u ah galbeedka meesha tan caalamka kale wadamadooda laga soo dhex saaro.waxay si weyn uga cabtay ilaha westerenka,waxayna xiriir iyo calaaqo dheeri ah la leedahay dawladaha reer galbeedka. waxay aad u barata sifada dirirta diinta maadama umada soomaliyed diinta aad ugu adag tahay ayadoo doonaysa ugu yaraan in diintu ku ekaato masaajida iyo meelaha lagu cibaadysto,waxay kaloo leedahay dacaayado iyo iclaan lagu liido diinta iyo ehelkeeda dadkana loo tuso wax aan shaqo ku lahayn maamulka xayaatada iinsanka.iyo wax adadag oo wax khariba.
Hadaba qaybtan labaad EE CILMAANIYADA soomalida yaa calanka u sida,seese khatar u tahay??
Qaybtan waxa calanka u sida NIMAN SOOMALI AH OO QURBAHA MUDO DHEER KU NOOLA QAARKOODNA AY MUSTASHAARIN U YAHIIN DOWLADAHA REER GALBEEDKA.kuwooda ugu dhaqdhaqaaq roon ama ugu caansana waxay wax ka dhigaan jaamacadaha maraykanka,waxaa loo diyaariyay ama loo habeeyay in xataa intii dowladii soomaliya jirtay xukunka la saaro balse meel loo marsiiyo ayaa la waayay,ilaa la go'aansaday in dowlada la tuuro,markii dowladii la ridayna talaa faraha ka baxday oo ilaa hada meel la marsiiyo ayaa la la'yahay.waxaa jiray qaar ka mida oo MUQDISHO la geyay markii howlgalkii maraykanku socday balse waxba waa hirgali waayen.
CILMAANIYIINTAASI waxay umada soomaliyed xataa hada ku hayaan dhib badan ayadoon laba gaarin waqti ay dowlad u qabtaan. tusaale ahaan waxaa shir ka dhacay magaalo ka mida magaalooyinka soomalidu ugu badan yahiin dalka maraykanka waa magaalada MINIAPOLIS shirkaso looga hadlaayay SOMALI CULTURE AND ISLAMIC VALUE.oo ay codsadeen qaybo badan oo dawlada ka mida iyo ururada shacabku in ay wax ka ogadan dhaqanka iyo diinta soomalida, waxaa yimid meeshaas governmentiga policeka, loo shaqeeyayaasha iyo waaxaha waxbarashada sida high schoolka,collegeka iyo universitiga,iyo dad kale oo faro badan, waxaa marka dadkii meesha ka hadlay ka mid ahaa nin lagu tilmaamay professor taariikhda ah,waxuuna ka wareegay hadalo SOOMAALIDII AAD UGA XANAAJIYAY,balse dadka xaalkiisa la socda aan waxba ka dhimin.
Waxaa hadaladiisi ka mid ahaa,TAARIIKH AHAAN SOOMALIDU WALIGEED WAXAY AHAYD DAD DADKA TUUGSADA OO INAY UMAD KU HOOS NOOL YAHIIN MOOYE AAN DHINAC ISKU TAAGI KARIN,WAANA WAX NINKA SOOMALIGA U SAMAYSAN YAHAY.WAXAADNA KU GARANAYSA OO DALIIL KUU AH DOWLADII DHAMAYD EE SOOMALIYA WAXAY KU TAAGNAYD BARYO ADUUNKA KALE AH.
Waxuu kaloo gaaladi u tusay diinta silaamka mid is hayshaysata oo kooxo badan ku lagdamaan.waxuu carabka ku dhuftay waxyaabo dadkii muslimiinta ahaa ee xataa aan soomalida ahayn ay liqi waayen.
Waxaa kaloo jira qaybo ragaas ka mida oo hada ka hor shir TORONTO ku qabtay,kaaso ay ka muuqatay waxay ay qarsanayaan waxaana qaarkood laga helay sirtii shirka iyo cida ka danbaysay,waxaa kaloo lagu arkaa meelo ka mida yurub sida SWEDEN.waxaa kaloo aad looga dareemi karaa dhibka ay soomalida ku hayaan wadanka gudihiisa waayo waxa jira mashiino badan oo ay wereejinayan iyaga iyo xulufadoodu.
HADABA WAXAAN KU SOO GABAOGABAYNAYA CILMAANIYADA SOOMALIDU WAXAY KHATAR WEYN KU HAYSAA JIRITAANKA UMADAAN SOOMALIDA EE MASAAKINTA WAXAYNA SABAB U AHAYD BURBURKII DOWLADII MILATARIGA AHAYD,HADANA WAXA SOCDA ICLAAN IYO BUUNBUUNIN KU SAABSAN IN AQOONYAHANIINTA LA ARUURIYO OO SOOMALIYA SIDA LOO DHAAMO,TAASO AAN AHAYN AQOONYAHAMIINTA SAAFIDA EE AH KUWAAS AAN SOO SHEEGNAY. MAADAMA LA FILAYO WAQTIGII LOOGU TALO GALAY IN LA JOOGO,IYADOO LAGA FAA'IIDAYSANAYO INKAAR QABAYAASHA CILMAANIYADA JAHLIGA KU DHISAN AH EE ASKARTA AH MEEL AY U SOCDAANA AAN AQOON.
Hadaba walaalkayga wax dareemayow maxay kula tahay waayadan & waqtigaan qaraar ee aan marayno.ma inaad MAWDUUCYADA AAN KOR KU SOO ARKAY SOO DHIGTAA MISE WAX KALAA KUU MUUQDA.
WAXAA JIRTA SHEEKO SOOMALI AANAN ANIGU NAS KU ARAG OO AH DIIN TAWAKUL BADAN OO YIRI "SOW MEESHI LA IIGU TASHADAY ILAAHAY MA JOOGIN"
FADLAN WALALAYAL MOWADIC WAX TAR LEH SOO QORA,HADII KALE HADA KA HOR IS QABQABSIGA IYO DOODA AAN MACNAHA LAHAYN BA DAD BADAN NETKA UGA TEGAY EE HA KU QASBINA WALAALIHIIN XATAA INAY MARMAR IDIN SOO BOOQAN WAAYAN.
WA BILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

MISKIIN, Jazaakalaahu Kheyra!

Waxaan u maleynayaa in mowduucaas uu yahay mid ah current issue una baahan falanqeyn iyo in loo yeesho fiiro gaar ah. Cilmaaninimada waxa ay ka mid tahay waxyaalaha Soomaalida laga dhaadhiciyay oo marnaba aad is leedahay ma waysan garaneyn meeshay ka bilaabatay iyo cida saaxiibka u ah. In Cilmaani la noqdo wax nagu cusub ma ah saa badankeen (soomaalida) ayaaba aaminsan inaynaan horumar gaareyn hadii aan diin dabada ka wadno. Waxaa la yaab leh nin oranaya Islaam ayaan isku xukumaynaa hadana afkiisa ka qiraya in SIYAASADA & DIINTA la kala saaro. War Nabigeenii muxuu ahaa? Sidee buu u dhaqmi jiray. Khulafadii ka dambeysay suubanaha maxay aaminsanaayeen? Diinta iyo siyaasada waa hal, ma kala hari karaan mana la kala reebi karo. Wadaadku waa inuu masaajidka tujiyaa, Qur'aanka dadka baraa, xaga siyaasadana cadkiisa goosan karaa wiliba iyo inuu aduunka oo dhan war u hayo waxa ka socda uuna diyaar u yahay any challenge.

Miskiin saaxiib run ayaad ka sheegtay sheekadaas waxayna ka dhacday Minneapolis. Cidii ka naxaysa ha ka naxdo cidii ka xumaaneysana ayada ayey jirtaa. Ninkaas wuxuu wax ka dhigaa MACALESTER COLLEGE in St. Paul, waxaana la yiraahdaa hebel ka.....Samatar. Ceeb waxaa ugu filnayd diinta uu sheeganayo oona uu ku dhashay inuu been ka sheegay gabar Muslimad ah oo African American ahna (Ilaahey ha nu naxariisto, miisaankeedana ha u saaro) inay radisay dadka hortiis. Bal muxuu faa'iiday markuu diintiisa iyo dhaqankiisa caayay ayadoo ay dad badan u joogaan inay waxaa tahay ogaadan. Siduu walaale horay u sheegay KAAS iyo XULAFADIISA ayaa wadankii u darbay inay u noqdaan professors and educators. Maxaad ka og tahay arrimahaas. Cilmaaninimadu waxay ka mid tahay wixii ka soo baxay markii Muslmiinta QIZWATUL FIKRIGA lagu bilaabay. Wax walba oo dhaca. Islaamka ayaa mustaqbalka leh ee bishaarayso akhristow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Asalaama calaykum warahmatulaahi wabarakaatu.

Maskiin walaal aad baan u xiiseeyaa Mowduucyada aad soo qortid...laakiin badanaaba Carabiga baad nagu dishaa,ee carabiga naga tartiibi umada oo dhan ma taqaane, maxay tahay cilmaaniyadu?.

Jasakalahu khayra wasalama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaama calaykum warahmatulaahi wabarakaatu.
TO: MISKIIN, Jazaakalaahu Kheyra!

Waxaaban u maleeyey in aad maskaxdayda akhrisay markaan mowduuca ku qoran boga sare ee arinta dusuuqi iyo saaxiibkii khusaysa ka hadlayey ee aan lahaa ummadda cadowgeeda farta ha loogu fiiqo!!!

TO; Balqiis
Cilmaaniyaddu waa figrada uu walaalkeen dhiirka ka siibay ee uu soo bandhigay, Qur'aanka Kariimka ahna ku soo aroortay marar badan.

Waa figradda qabta in XUKUNKA ALLE LA BURATAN SIIN KARO XUKUNKA BANII'AADAMKA!! hadaan si kale u idhaahdo waa figrad qabta in dunidan uu san ILAAHAY waxa arin ah ku lahayn ee dadku iskood u fikiraan oo arimahoodda ka tashadaan, aintaasi waxay doontaba ha ahaatee (Dhaqaale, Siyaasad, Waxbarasho, Xukun, Cadaalad, Nabadgalyo, ..IWM).

Waxaan aad u xiisaynayaa in Arinta Cilmaaniyadda iyo Taariikhdeedda aad loo lafo guro, oo aan waxba loogaga tagin, waayo Cilmaaniyaddu wadamadda kale ee muslimiinta way ka oo dhamaanaysaa oo warkeedda bulsho weynta aad buu uga warqabaa sida TURKIYA, MASAR, PAKISTAN...

laakiin soomaaliya sida ay walaalaheen tilmaameenba iminka ayey ku soo butaacaysaa oo ilaa iyo intii xornimadda la qaatay ma aysan helin Chance/fursad ay bulshadda ku halgaaado.

aad baan u jeclaan lahaa hadii aan foroumkan ku haysan lahayn AL-CILMAANIYA EXPERT!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.