site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su'aal diini ah

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Su'aal diini ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
Marka hore waxaan idinka codsanayaa inaad iiga jawaabtaan su'aashaan hadaad cilmi u leedihiin wixii daliil ah oo ku saabsana aad ii muujisaan, waa su'aal aan la fakary oo la yaabay, waxaan jeclahay gabar waxaan ku heshiinay inaan is guursano jecel wayn ayaan u qabaa laakiin markii meherkeena soo dhowaaday ayey i tiri hadaad balan ilagashid ayaan agal galeynaa, balanku waa kaligeed inaan arooso oo gabar kale aanla aroosin mustaqbalka, diintu maxay ka qabtaa balanqaadkaas ma dambi baa hadii aaanka boxo hodhoow balnakaas hadaad haysid jawaad fikrad ku salaysan thanks laakiin cilmi raadis ayaan ahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Saaxiib taasi waa ay iska cadahay haddii aad adigu rabtid oo aad ku qanacsan tahya in aadan la guursan gabadhaas waxaan ku oran lahaa guurso
laakiin hadii aad rabtid in aad guursato la guursan maxaa yeelay balantaas aad qaaday haddii aad burisid waa qatar
marka waxaad samaysaa "sidee xeedho lagu xagtaa ilkana u nabadgalaan , sidee ayaad gabadhaas u guursataa shuruudaasna aad uga booda.
Anigu kolayba ra'yi ahaan waxaa qabaa in aan guursan gabadh sharuudaas igu xidhay
marka fikradaa aan qabaa waxa oo ay noqon kartaa mid xun ama mid fiican ,sababtoo ah arigtida waa lagu kala gadisnaan karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum dhamaantiin!

TO: Cilmi!

Walaal, ninka Muslimka ah afar buu Ilah u baneeyay. Ma`aha wax waajib ah...laakiinse waa wax kuu banaan. Hadaba labo, hadii aad og tahay inaad gabadhaan la guursanaysid--hadaba u sheeg oo dheh, "aan dhulkaas kala marno". Hadiise aad og tahay inaadan la guursanayn, guurso.

Hadii aad og tahay inaad la guursanaysid, u sheeg inaadan la guursanayn ilaa aad ayada furto ma`ahane. Hadhow hadii aad rabtid inaad mid kale guursatid...waad furaysaa.

Waxaanse aniga kugula talin lahayn...inaadan balan ka qaadin ah inaad weligaa la guursanayn. Sababtoo ah, taas waxay kaa dhigaysaa mid iska xarima wixii Alle u xalaaleeyay!

Khayr iyo wanaag baan Alle kaaga baryayaa...iyo inuu jid fiican kuu furo!


Wasalama Calaykum!

Ahmad! *>.<*

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.