site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

FARGALKA & TOOBKA AROOSKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): FARGALKA & TOOBKA AROOSKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabadh muslimada

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

waa s´aal aan waydiinayo culimada islaamka.
diinta islaamku maxayka qabtaa toobka cad ee loo xidho gabadha marka laguursanyo (taashka)iyo fargalka ay xidhaan labada caruusba.
qofkii ka jawaabayaa waa inuu haystaa daliil cad.

wajasaakumullaahu khayraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Unrecorded Date
Walaal waxaa waajib nagu ah raacida kitaabka Qur'aanka & sunnada Nebiga (S.C.W). Xirashada toobka cad iyo isu gelinta faraantiga waa ku dayasho dhaqan gaalo. Nebigu(S.C.W) wuxuu xadiis saxiix ah ku yiri "Ruux walba wuxuu ka mid-yahay kooxduu isku ekeysiiyo", Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Waxaad raacaysaan dadkii idinka horeeyay jidkooda taako taako, xitaa haday galeen abeeso-lugaleey (habar jini) godkeeda waad kadaba galeysaan" asxaabtaa waxay yiraahdeen "waa kuwee rasuulka Alloow" markaasuu yiri waa "Yuhuud & Nasaaro". Hadaba waxaa shaki ku jirin in xirashada toobka cad iyo isu gelinta faraantiga ay yihiin labo caado oo ay bilaabeen kuna dhaqmaan gaalada. Waa xaaraan ku dayashada iyo isku ekeysiinta gaalada. Walaal haday wanaagsantahay xirashada toobka cad Caa'isha & gabdhaha kale ee sxaabiyaadka ah ayaa gashan lahaa. Isu gelinta faraatiga haday wanaagsantahay Nebiga (S.C.W) ayaa xaasaskiisa u gelin lahaa, asxaabta ayaa xaasaskooda u gelin lahaa.Walaalayaal intaan raaci laheyn gaalo qurun ah oo dhunsan aan raacno Nebigeena (S.C.W) & diinteena Islaamka.

Islaamka wuxuu jideeyay aadaab looga baahanyahay labada qofood oo is guursanaayo. Hadaad u baahantahay inaad wax ka ogaato waxaad aqrisaa "Adabu Zafaaf" oo micneheedu yahay "Aadaabta guurka" oo uu alifay Sh. Muxamed Naasirudiin Al-albaani (Alle ha u naxariisto).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

furqan

Unrecorded Date
ASSSALAAMU CALEYKUM

TO GABADH MUSLIMAD AH...
waad ku mahadsantahay in add su asshan soo weydiisay ,, maxaa yeelay gabdhaheennii muslimiinta ahaa iyo waliba soomalida ahaa wey dhaqan guureen mid diin iyo mid dhaqanba,, maantana the white dress wuxuu nooqday "fashion".

TO DEEQA allaha kaa abaal mariyo sida WANAAGSAN ee aad uga ja waabtay su'aasha

wasalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdinasir

Unrecorded Date
Aniga waxaan ku raac sanahay walaal
deeqa oo runtii maskaxdeeda ay ku salaysan tahay
sida lagu yaqaanay gabdhaha muslimiinta ah,
Rabi walaal hakaa abaal mariyo.
toobka cad ama taajka waa dhaqan galo
waana qaab ay is ticmaalan markay kaniisadaha
isku aroosayaan lakiin waxaad moodaa wali inaan lafahmin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
WAA OGAHAY GAALADA IN LAGU DEEYSTO INEE XAARAAN TAHAY, LAAKIIN WAA INAA SAMEESANO DHAR CARUUS OO CASRI AH SABABTOO AH MA LIHIN SAASAANA KU QASBEEYSO QAAR BADAN INEE ISTICMAALAAN DHARKA REER GALBEEDKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TIMA-FARAS

Unrecorded Date
Ladan wax kugu khasbaya ma jiro, dharka laga hadlayo waa dharka ay gaaladu diin ahaan u gashtaan sida dharka cadcad ay isticmaalaan
marka ay is aroosayaan ayna kaniisada joogaan . lakiin gqabadha muslimada ah waxaa loo ogolyahay aroos diinta islaamka ku salaysan.
hana ka fiirsato gabadha mulslimada ah
arooskeeda.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.