site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALA U BAAHAN YAAD TAHAY????????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ALA U BAAHAN YAAD TAHAY????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Unrecorded Date
asalamu aleikum.
Waxaan aad uga shakiyay mowduucyo dhowrw oo aad qortay.meeshana waad ku cusub tahay oo dadkii la yaqaanay ma tihid.
waxay kuligood abaarayen hal ulajeedo.
midka mida waxaad tiri "maxaad igula talin lahaydeen" waxaad mooda in lagu yiri lacago la aruuriyo iyo ururo u xilsaaran baa jiree bal soo baar.waxaad hadalkaagi ku bilowday.walaalayaal waxaan in mudo ahba ku fakarayay inaan aasaaso urur islaami ah oo caawiya islaamka meel kasta oo ay joogaanba. waa cajiib gabar aasaasaysa urur islaamka oo dhan caawiya.oo habeen iyo maalinba u howshoota oo u safarta ilayn urur aasaaskiisu dheeldheel maahe.
maqaalkaga kalena fiiri"jihaadki maxaa lagu ilaaway" waxad tiri walaalayal maxad ka qabtan inaan samaysano koonto lacagta loogu aruuriyo mujaahidiinta.farta iyo meesha bukta is og. ma jihaadka waxa lagu ilaawabay baad ka hadlaysay mise sidii mujaahidiinta lacagta loogu aruurin lahaa.mase adigaa arurinaya. waayaabe waxaa sii shaki lahaa marki gabar degen la yiraahdo hadal kaaga soo dhacay.oo ay tiri anagu waxbaan uruurina.waa meeshad u socotaye hadalkii baad la soo dhaqsatay. walaal wadankee degen tahay? yaadse lacagta u uruurisa?maskiinti degen kuma garane waxay tiri walaal waxaan degenahay sweden muslimiinta oo dhan baana lacagta u uruuriya.adigoo degdegsan ala u baahaney baad hadana soo gashay ileyn meesha maalmahan shaqaad ka haysaye.waxaad tiri walaal waxaan rabaa inaad ii sheegto siyaabaha aad lacagta u uruurisan iyo sida aad ugu dirtaan?malaha degen way kuu soo wadaaye sug.
maqaalkaga kale ee usaama bin laden.si fiican ugamada aad waramine waxaad keentay su'aal aad ku baaraysid soomalidan caadifada iyo war la boodka qabta waxaadna tiri.miyaad ku raacsan tahay gaalada arinkan maadse u malayn inuu xaq ku taagan yahay?
soo duuduub oo magacu waa dumar hadana waa macaan yahay oo waa ala u baahan.shaqooyin badana halkan wuu ka wadaa.ayaantaanse afkii nalala baray ee ala u baahaney/baahanow/YAAD TAHAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alle ubaahan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

walaalkayoow/walaashayeey

Horta aad bay ufiicantahay in umada islaamku ay isbaraarujiso markay khaldamaan.
laakiin qofna layskama tuhmo adoon daliil cad haysan oo Alle s,w,ayaaba inafaraya inaynu daniga aad uuga fogaano, inta aad sharka igu tuhmayso saw kamay fiicnaateen inaad khayr igutuhunto oo aadan magacayga bayj dhan uuga dhigto cinwaan.
saan horay usheegayna waxaan ahay gabadh walaashiina oo hadii aan beensheegayo hadaydaan idinku i arkayn Alle s,w, ayaa i arka qofkaan ahay iyo inaan beenalay ahyba.Hadii aan idhi ururbaan rabaa inaan aasaasona maaha inaan ku leeyahay hogaamiyaan noqon ootaas Alle s,w,ayaaba iga fududeeyey,laakiin muhiimadaydu waxay tahay in lahelo meel loogu ururuuriyo lacag walaalaheena Alle dartii udagaalamaya.

Mawduucyada aad igu haysataana waa waxjiraŽe maxaad uuga xanaaqi hadii laga hadlo jihaadka Alle & usaama.

walaashay DEGGANA khayrbay iisheegtaye ma waxaa larŽakay qofleh Allaanka cabsadaa hadana diidan in jihaad laga hadlo walaaloow jihaad lŽaani wata maanta dulinimada inoogu wacan.

Adoo xanaaqsan waligaa raŽyi lama dhiibtee bal intaad fadhiisatid shaydaanka iskanaar,dadka Illaahayna meel khalada lagama eegee Alle utoobadkeen anigu waanku saamaxay hadalkaagana ku joojin maayo inaan jihaadka kahadlo ogoowna in jihaadku uuna ahayn kaliya in qori laqaato xasuusana in dumarkii saxaabadu ay ka qayb qaadanjireen jihaadka.

Aayada Alle ee aad soo qaadatayna (waqarna vii buyuutukum)waa sax hadana Alle imuu odhan iska fadhi oo daawo sida umadu ubalan balayso.

Allaayasaamxak akhii villaah.

waa walaashaa Alle ubaahan
wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Unrecorded Date
ku: ala ubaahan

waxaad mooddaa in lagugu haysto arrin culus, adiguna aadan is beri yeeli karin ?

tan kale su'aasha ayaa waxa ay tahay" maxaad u xiiseyneysaa arrimaha jihaadka iyo usaama?

dhibka innaga soomaali ahaan nahaysta ayaa innagu filan, mase kuma kumaba uusan soo gaarin adigu , oo taa macnaheedu waxay tahay ianynu ku weydiino mar kale " Ala u baahan yaad tahay"?????

warkii oo kooban waxaa haboon inaad arrimahan sare ku xusan ee aysan dadku jecleyn faraha kala baxdid? waayo cidna kuma taqaan adiga ?
you can be any body ??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO: ANON
WALAAL YAATAHAY MAXAAD KALA JEEDAA?
MA' QABIILKAA BAAD KALA JEEDAA
MIDA XIGTA ADUGU MA WAXAAD DOOD KA QABTAA IN ISLAAMKA LA CAAWIYO MISE?
MAXUU YAHAY MALAHAAGU?
JAHAADKUSE WAA WAX JIRA MUDANA IN LA IS XASUUSIYO HAD IYO JEER
WAXAA LA YAABLEH QOF IS LAAMNIMO SHEEGANAYA MISANE IN JAHAAD LA SOO HADAL QAADO KA DHIMANAYA,
MIDA XIGTA AAYADA AAD SOO QAADATAY WAY JIRTAA
WAYNA JIRTAA INAY DUMARKA JIHAADKA KA QAYB QAATAAN
OO DAGAALO BADAN OO DUMARKA AY KA QAYB QAATEEN AYAA JIRA ISLA MARKAANA AAGA DUMARKA GUUL WAYN AY KA SOO HOOYEEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum!

Ku:- anonymous


War qofyahoow dadka sharka kala dhex bax.

Islaambaad isku sheegaysaa hadana dad islaam ah ayaa kaa baxsan laŽ.

- Imisa jeer ayaad qoraal noocan oo kale ah soo dhigtay?

- Imisa jeer ayeey isku dayday in aay kaa qanciso su'aalahaaga, iskuna dayday si fudud oo la fahmi karo?

- Maxuu yahay micnahaagu?

- Masaan baad dhihi: "Islaam baan ahay"?

Qofyahoow islaamku saan ma ogola.

Walaasheen Alle Ubaahan kheyr Allaha siiyo waa walaasheen muslimad ah saana makaa qabato in aad ula dhaqantid. Ee Illaah ka Baq ee DAA dadka!.

Mida kale meesha oo ah JUNGLE-NET waa JIQ keyn ah, ama waa library (bibliyoteeg) cidii doonto imaan karto ama ku jirto wax ka celin kara iyo wax is hortaagi kara ma jiro, saas la adligeed diinta in la qariyo waa dambi, wax xasaasi ah oo n looga hadli karin halkan ma jirto.

Wax walba from A to Z waa in la bandhigaa, waa in XAQQA suu yahay loo sheegaa markaa Gaalka doolka ah ee yimaada halkan muxuu qaadi? Waxaa laga yaabaa in Allaah ku sababo inuu ku hidaayo meeshan. Markaa anonymous-oow wax Ceeb ah iyo wax Mamnuuca ah ma jiraan.

Mida kale haddii aad Islaamnimo u nisbo sheeganayso DAA dadka islaamka ah?

Waxaan oo kalena mar dambe hasoo dhigin meesha!.


Alloow Na Hanuuni!

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayid

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi.

Ku.anony. waliba nasteexo.

walaal ugu horeyntii waxaan ilaah kaaga baryayaa inuu kuu danbi dhaafo xaqana kutuso. Aamiin

Haddii aan wax yaabaha aad kahadashay qaarkood aan kaaga nasteexeeyo mabanaana walaalkaa/walaashaa muslimad ah inaad xaqirtid maxaa yeelay Nabiga(SCW) ayaa wuxuu xadiis kuleeyahay(xasbim ri'im mina shar anyax qira akhaahu muslim) aw kamaa qaala(scw) dad waxaa usharbadan qof walaalkiis muslim ah xaqiraya.

tankale oo jihaadka kusaabsan Allaah(swt) wuxuu qur'aanka kariimkaa kuleeyahay( wa aciduu lahum mastadactum min quwatin wami ribaadil khayli) ilaah ayaa nafarayaa inaan udiyaar garoowno jihaadka qofkii uu dhibaayana asaga ayay utaalaa, waxaana waliba kuwaaninayaa inuu ilaahay kabaqo kana xishoodo.

dabcan hadii aan wax aad dhibsanaysid ku iri ama aan kuu gafay iska kay cafi.

Asalaamu calaykum.
Ilaah xaqa hana waa fajiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allale.

Unrecorded Date
ku.ka qaybqaatayaasha oodhan.
asalaama calaykum.
waxaan isku dayayaa in aan xaliyo arintan.
arinta halakala saaro ma tan walaalsha lagu tuhmay arimaha uu ninku ka sharqamiyay taasi waa gaf iyo dagdag uu ku dagdagay cirdiga qof muslin ah asagoo helikaray wadooyin badan oo udareensiiyo walaashiis fikirka uu qabay, kama shakisani in uu taas ku gafay, waxaana dhihi lahaa cafis ha kadalbo ayana ha cafiso"wa'antacfuu khayrun litaqwaa".
arinta kale oo meesha kujirta waxay tahay arimaha jihaadka iyo wax yaalaha laxariira waa looga hadli karaa netka laakiin si munaabsab ah ma'ahan in lamagacaabo meelaha iyo dadka hawshaas wada waxaan u'arkaa in ay tahay TOP SECRET!.
diyaar baan u'ahay wixii caqli celin ah.
asalaama calykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Unrecorded Date
dooda ha la xiro ,ula jeedadu waxay ahayd su'aal iyo baraarujin, ma ahayn in la isku caayo meesha.
ha laga taxadaro in muslimiinta axwaashooda la raacraaco qofkii khayr doona qof la jooga wax ha waydiino

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatu laahi;
walaalayaal waxaa fiican in la is xasuusiyo in
meesha aan isku dhaafsano wanaag is farid & wax isku sheegid si aan u noqono dad macruuf isfara
munkar iska reeba , si ilaahay noogu gargaaro
nin walbow waxaad joogtaa aduunkaan waqti kooban
ama aan dhaho laba taariikh oo ah taariikhda aad dhalatay&taariikhda dhimanayso ,ee ka faa,iidayso
waqtigaaga oo calaa aqila wanaag qor haddii aadan
wax cashar ah aadan bixineyn.
ilaahay xaqa na waa fajiyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.