site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAA ISLAAMAAH!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): WAA ISLAAMAAH!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
waad salaman tihiin dhammaantiin

WAA ISLAAMAAH oo macnahedu yahay Yaa islaam ah!!waxay ahayd qiso dheer oo dhexmartay Islaamka iyo gaalada ayadoo ka bilaabatay mar gabar islam ahi uu maagay nin gaal ahaa aydoo suuq ka adeeganaysa kadibna uu garaacay waxay maalintaa ku dhawaaqday WAA ISLAAMAAH (yaa islaama)kadibna waxaa u soo gurmaday ciidamadii islaamka waxaana dhacay dagaal wayn oo islaamka iyo gaalada dhex maray looguna magacdaray WAA ISLAAMAAH.

haddaba waxaan jeclaan lahaa hadduu jiro qof qisadaa taariikhiga ah haya inu noo soo gudbiyo si aanu uga faa'iidaysano.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
ku Qadhafaa


walaal qisada aad soo magacaawdey waa markii iigu horeysey ee aan maqley. runtiina aad ayan u xiiseeyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULEEQA SAGAARO

Unrecorded Date
ASALAMACALAYKUM
QADHAFAA MAAD XOOGAA NOOGA SHEEGTID ADIGA HAADAD XASUUSATO, WAXAY U EG TAHAY ILAA WAQTIGAN INUUSAN QOFNA NOO SII SHARI KARINE M
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
TO: SULEEQA IYO MOHAMED SACIID

Walaalayaal waad salaaman tihin, waxan waliku daba jiraa badigoobkeedii marka inta aan ka xasusto iyo dhamaystirkeediiba haddaan helo si fiican ayaan u soo gudbin doonaa inshaa allaahu, hadaad heshaana hawrarsan soo gudbiya hadda.

MAHADSANIDIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
SCWW:

Waxaan u malaynayaa Qisadan in ay tahan qisadii falestine yuhuuda looga buriyay. Waxaana wakhtigaa amiir ahaa Sayidinaa Omar. Laakiin Ma hubaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
WAD SALAAMAN TIHIIN DHAMMAANTIIN

WAA ISLAAMAAH oo macnaheedu yahay Yaa islaameey!!! wxay ahayd dhawaaq ay haweeneey islaam ihi ku dhawaaqday kadib markii uu nin gaal ahaa maagay taasina waxaa ka dhalatay qisada la yiraaahdo WAA ISLAAMAAH! wxayna u dhacday sidan.

Bartamaha magaalada qurduba suuq ku yaalay ayaa waxaa ka adeeganayey haweeneey islam ahayd markaa waxaa suuqii ku maagay nin gaal ahaa oo taabtay dhabankeeda dib ayeey inta uga sikatay ayey tiri war naga lexo haddii kale waxan kuugu yeeri Muctasim Bilaah (Muctasimkuna wuxuu ahaa hogaamiyihii ciidamadii islaamka ee fadhigoodui ahaa magalada Basra xilliyadii fadumiyada) ninkii gaalka ahaa wuxuu haweeneeydii islaamka ahayd ugu jawaabay adiga iyo Muctasimba wan idin faraxumaynayaa.
Markaas ayey ayadoo ooyaysa tiri YAA ISLAAM AH!!!(WAA ISLAAMAAH!!) isla markaana ayadoo ogayd in ciidan islam ihi ka jiro dhanka Basra ayey ku dartay Muctasimoow!!!, nin islaam ahaa oo goobtaa joogay ayaa si deg-deg ah u gaarsiiyey Muctasim iyo ciidankii islamka ahaa, halkaas ayuuna ka soo duulay asagoo leh lana hadlaya haweeneeydii u dhawaaqday LABAYK.
Sida ay taariikhdu qortana dagaal aad u kharaar ayaa dhexmaray Muslimiinta iyo gaalada waxaana halkaa digaandigta looga dhigay gaaladi, sida la yiraahdo waxay dagaaladaa socdeen 300 oo sano waxana filayaa inay tahay xilliyadii ay bilaabatay dagaaladii lagu magacaabi jiray SALIIBIYIINTA.

**** ***** ******
Haddaba xaalada manta lagu jiro iyo sida ay yihiin Dawladaha iyo Shucuubta islamka ah malaga yaaba haddii ay maanta haweeneey tiraaahdo Yaa islaameey!! in ciddi u jawaabi lahayd??? ayadoo cududa islaamka maanta ay 100% ka badan tahay cududii islaamka ee baryihii hore maxayse tahay sababtu???.

Xadiith laga wariyey Rasuulkeenii MUXAMED AHAA "c.s.w" ayaa macnihiisu wuxuu ahaa ISLAMKU WUXUU KU BILOWDAY SI LAYAABA OO UU DADKU KU CUSBAA WUXUUNA KU NOQONAYAA SIDUU KU BILOWDAY).

Islaamka manta wuxuu ku noolyahay la yaabkiisii 2aad wax lala yabo ayuu ku yahay ehelkiisa(muslimiinta) macnaheeduna waxaa weeye in badan oo xaqiiqooyinka islaamka ayey shucuubta islaamku ka jaahil yihiin, sidaa awgeeed aya aynu ku soconaa arimihii rasuulku ka hadlay "c.s.w" dhawr iyo toban qarni ka hor oo uu yiri rasuulku (WAXAA LAGA YAABAA IN AY UMMADUHU ISUGU KIIN YEERTAAN SIDA LA ISUGU YEERO CUNNADA OO LOO QAYBSADO markaas ayey asxaabtii R:C yiraahdeen ma yaraantayadaa maalintaa rasuulkii alloow Marka ayuu rasuulku yiri c.s.w MAYEE MAALINTAA AAD AYAAD U BADAN TIHIIN LAAKIINSE WAXAAD TIHIIN XUNBO "SIDA XUNBADA BADDA").

Maanta oo lagu qadaro shucuubta islaamka in ka badan 800 oo malyan ayaa waxay yihiin siduu ku sheegay rasuulkeenii MUXAMED aha nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee, oo ay maanta isugu kaaya habar wacdeen ummadihii oodhan oo ay hadba cad noo goosanyaan .... u cunayaan xaqeena, u cunayaan khayraadkeena.

u fiirso hay'adda qaramada midoobay iyo golaha ay ku magacowdeen (golaha amniga) sida ay u xukminayaa dadkii islaamka aha oo dhex jooga waaba ayagoon jooginba.... maxayse taa ku dhacday??!.

- waxay ku dhacday joogista aynu joogno maanta dhulka dushiisa ayaa ah mid daciif ah.

- waxay ku dhacday ayadoo xaqiiqada islaamka manta ay in badan shucuubta islamka ka jaahil yihiin.

- waxay ku dhacday ayadoo quluubta shucuubta muslimiintu uu islamku ku yahay daciif oo uusan sidii qul-qul danab oo kale u dhexroorin jirkooda.

Sidaa ayey ku dhecday oo 800 oo malyan iyo in ka badan oo islaam ah aysan waxba ku towranayn qof kastoo ka midana markii lagu soo hadal qaado ISLAAM waxa maskaxdiisa ku soodhacaysa waa Wacdiyo Axaadiise naga daa "Subxaana llaah" waaba aydoo islaamkii iyo shu'uuntiisiiba ay ku soo koommatay oo uu isu badalay wacdi afka uun laga yirahdo dadkuna ay taa u qaataan.

-war sow tuu islaamku wanaag dadka ugu yeeri jiray maahayn.
-sow tuu islaamku akhlaaqda wanagsan, is xusuusin aakhiro qowl iyo ficil is wata oo rabbi loogu dhawaado intaba lahaa maahayn oo islaamku intaa dadka ma fari jirin.
-sow islaamku noloshoo dhan ma ahayn.
-shucuubta islaamka ahi sow ummaduu rabbi ku amaanay ma ahayn inay yihiin ummadaha oo dhan kuwii ugu khayr ka badnaa oo wanaaga is faraysa,xumaanta iska leexinaysa oo eebe rumaysay bal ila akhri aayadan.

( KUNTUM KHAYRA UMMATIN UKHRIJAT LILNASI TA'MURUUNA BIL-MACRUUFI WA TANHOWNA CANIL MUNKARI WA TU'MINUUNA BILLAAH) al-cimran 110.

Markii la wayey waxaas oo dhan oo aan wanaag la is farayn, xumaanta la iska lexinayn aaminaadii eebana ay quluubtayadii daciif ku noqotay oo uu iimankii muslimiintu yaraaday cadadkoodiina batay tiro mooyee tayo aysan lahayn ayeynu noqonay XUNBO oo aan cidna la iska dhicinayn walaalkayaga la dulminayana ayaan u gar-gaari karin.

WAA ISLAAMAAH!!!!!!!!!!

waa inoo asbuuca danbe
wa salaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi basid

Unrecorded Date
walaaladayda mawduucan soobandhigay waxaan leehay waad mahadsantihiin aad iyaad ayaana ugu farxay mawduucaan waxaana halkan kafahmay ahmiyada aad siinaysaan islaamka iyo taariikh diisa marka walaalayaal waa in aynu soo ducaynaa in alle uu noo keeno amiir MUCTASIM oo kaleenta ah oo aanu gadaa shiisa kadagaalo

abdi baasid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharaf

Unrecorded Date
A alaykum!
Qadhafaa aad ayaad ugu mhadsantahay qisadan aad no oo bandhigtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
waan idin salamaay dhamaan;

Qadhafaa aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay soo gudbinta qisada, mid aan horey u maqlay ma aysan aheen waan ka faa'idaystay.

waxaan filayaa inaad inoo soo gudbin doonto qisooyin kale oo la mid ah taasi ama ka gadisan.

nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raxmo

Unrecorded Date
asalaamu calaykum
waxaan halkaan ka salaamayaa qadhafaa.

Qadhafaa walaal aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad noogu faa'iidaysay waayo walaal waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad qisooyinka islaamka aad oga sheekayso ayagoo tafa tiran walaal ilaahy hakaa ajar siiyo waxaan walibo kaa codsayaa walaal in aad qisooyinka noosoo badisid maadaama aan aad u jeclahay in aan ka faa'iidaysto
waad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamar

Unrecorded Date
Asalam calykum asxaabta sharafta leh ee meeshan iska akhrisataay.waxaa kale oo aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa wiilka muslimka ah ee la yiraahdo qadhafaa walaal waxaan kuu rageynayaa in ilaahay dambigaaga iyo dambiga waalidkaaba dhaafo waayo waxaa tahay qof ilaahay siiyay cilmi jecelna in uu u faa,iideeyo umada kale ee muslimka ah walaal waxaan rajaynayaa in aad halkaa ka sii wadi doonto u faa,iidaynta walaalaha soomaaliyeed ee muslimka ah qadhafaa waad mahadsantahy mar labaad waana ku sugaynaaye ogow hana hilmaamin
mahadsanid Mr qadhafaa
waad mahadsantihiin asxaabta kalaay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADHAFAA

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMMAANTIIN

Kuwa eebe iyo rasuul rumeeyey oo la yimid acmasha (ficilada) wan-wanaagsan oo ku sifoobay ummadii eebe amaanay ee uu ku sheegay inay yihin kuwii ugu khayrka badnaa, noloshooda oo dhanna ka dhigay macnaha islaamka iyo xaqiiqadiisa oo dhan kuwaa weeye kuwa miciimka la bidayo, kuwaa weeye kuwa ka dhabaynaya wuxuu rabbi faray oo ku dhaqankii diinta ah is ixtiraamkii leh, is xaq dhawr leh oo isu dhimran dhexdooda kuwaa weeye kuwa arlada ka khaliif noqonaya, kuwaa weeye kuwa arlada nabad iyo amni ku camimaya markaana rabbi ugu badalayo cabsidii ay qabeen Nabad iyo Amni.
bal la akhri aayada.

( WACADALLAAHU LLADIINA AAMANUU MINKUM WACAMILU SAALIXAATI LATYASTAKHLIFANAHUM FIL ARDI KAMAA ISTAKHLAFALLADIINA MIN QABLIHIM WALAYUMAKINANA LAHUM DIINAHUM ALLADII IRTADAA LAHUM, WALAYUBADILANAHUM MIN BACDI KHOWFIHIM AMNAN YACBUDUUNANII LAA YUSHRIKUUNA BII SHAY'AN).

"Al-nur 55"

Qabsashada iyo haysashada maamulka arlada muslinka iyo galku waa laba qaybood oo kala duwan aragti ahaan nidaamka ay kala wataan, waa laba qaybood oo kala wata laba nidaam iyo laba aragti oo kala duwan bal u firso nidaamka ay mu'miniintu wataan waa mid ku salaysan Manhaj rabbaani ah markaana arladoo dhan cadli ku camimaya manhajkii illaahiyo tarbiyada wanaagsan la imanaya rabbina khayr iyo barakaat u furayo oo samada iyo arladaba kaga imaanaya.
bal ila akhri aayadan

(ALLADIINA IN MAKKANNAAHUM FIL ARDI AQAAMU SALATA WA AATU ZAKAATA WA'MURUU BIL MACRUUFI WANAAHUU CANIL MUNKARI WALLILLAAHI CAAQIBATUL UMUUR)
"Al-xaj 41"

Kuwa la yimid iimaanka wanaagsan oo ku sifoobay sifooyinka wan-wanaagsan kuwaa weeye kuwa rabbi awooda u siinayuo inay arlada manhajka eebe gaarsiiyaan.
Kuwa eebe iyo rasuul rumeeyey oo rabbi ka cabsaday kuwaa weeye kuwa eebe samaawaadka iyo arlada uga furayo khayraad bal ila akhri aayad.

(WALOOW ANNA AHLIL QURAA AAMANUU WATAQOW LAFATAXNAA CALAYHIM BARAKAATIN MINA SAMAA'I WAL ARDI).
"ACRAAF 96"

Kaafirka xaaladiisa way ka nooc duwan tahay midda muslinka waxaana taa inoo cadaynaya aayadan.

(FALAMAA NASUU MAA DUKKIRUU BIHI FATAXNAA CALAYHIM ABWAABA KULLA SHAY'IN XATAA IDAA FARIXUU BIMAA UUTUU AKHADNAAHUM BAGTATAN FA IDAAHUM MUBLISUUN).

"Amcaam 44"

kaafirka dhur-darsaday oo shaqiga ah ayaa loo furay illin walba, arladii ayey qabsadeen oo maanta wad aragtaaa inay gacanta ku hayaan awoodii siyaasada caalamka, awoodi ciidanka,tii cilmiga tii tiknooloojiyada bal eeg dhan walbaba markaad fiiriso gaalkii ayaa gacanta ku haya oo mafaatiixdii oo dhan haya
maxaase ka danbeeya?.
maxayse tahay farqiga u dhexeeya labadaa maamul gaalka iyo mu'minka?.
jawaabta oo saxa waxaynu ka helaynaa marka aynu u fiirsano waxa ay inoo kala tilmaameen labada aayadood bal u fiirso .

- marka laga helo oo ay mu'miniintu la yimaadaan nidaamkii eebe soo dajiyey ayagoo raacaya dariiqii eebe faray markaa (LAFATAXNAA CALAYHIM BARAKAATIN MINA SAMAA'I WAL ARDI).
sidaa ayey helayaan.

waxaaba loo furayaa barakaat iyo khayr kaga yimada dhanka samada iyo arlada.

Balse nidaamka gaalka way ka nooc duwan tahay oo wax barakaada ma leh waxaana u danbeeya hoog iyo ba' ayagoon is ogayn ...... u fiirso aayad.
(FATAXNAA CALAYHIM ABWAABA KULLA SHAY'IN) laakiinse wax khayr iyo barako ah ma leh.

Haddaba dulmiga ay ku hayaan maanta muslimiinta iyo dhawaaqyada badan ee ka soo yeeraya shucuubta islaamka ee la xasuuqayo iyo kuwa la isu adeegsanayo ayaa u ah tusaale cad iyo xaqiiq marag ma doonto ah xaqdiga iyo cadawtinimada ay noo qabaan.
Waxaase iswaydiin mudan .
1- sidee shucuubta islaamku isaga qaadi karan dulliga ay maanta ku jiraan? si loo helo cudud midaysan oo loogu gar-gaaro dhawaaqyada afarta baynajaho ka soo yeeraya ee leh.
WAA ISLAAAMAAAAAH ! ! ! ! ... YAAA ISLAAAMEEEY!!!!.

2- Goormaase la gaarayaa?.


intaas ayaan ku soo khatimay wabillaahi towfiiq.

F.G: Waxaan mahad u celinayaa dhammaan walaalahay Sharaf, Suleeqa,raxmo,qamar,abdi baasid.

waxaan kaloo idin oranyaa meshan (waa qaybta islaaamke) yaad ku halaynaysaan? meeye raggii wadaadii?.... meesha yaan la isku sii dayn.

WAAD MAHADSANID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aamina

Unrecorded Date
Assalaama Caleikum, walaalayaal dhamaantiin, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay, wada xiriirka
wanaagsan ee idin dhexmaraya oo ah arrin aad iyo
aad u muhiimsan, sababtoo ah waxaan aamin sanahy
in ugu badnaan umaddeena ay san u baranin in la is
talo weydiisto ama la is fikrado dhaafto, iyadoo
marwalba la ixtiraamaayo qofwalba fikradiisa, waxaana rajeinayaa in hadda iyo wixii ka dambeeya
idin la soo xiriiri doono; waxaana leeyahay walaalkey Qadhafaa, in aan keligaa lagugu dayn
doonin, aniga waxaan ahay gabadh aan ka mid ahayn
wadaada aad u qaylo dhaamisay, laakiin waxaan isku
dayi doonaa inaan qeybteyda ka dhiibto boggan.
Su'aasha aad walaal Qadhaafa inoo soo jeedisay ee
ah: sidee shucuubta islaamka isaga qaadi karaan dulliga ay maanta ku jiraan? waxaan kuugu jawaabaya sidey aniga ila tahay: walaal sidaad adigaba wax uga taabatay dhibaatada ugu weyn ee
muslimiinta haysata waxay tahay JAAHILNIMADA naga
haysata cilmiga diineed iyo cilmiga sayniskaba,
sababtoo ah cilmi, nabiga ulama jeedin oo keliya
cilmiga diineed oo keliya, "oo markuu lahaa cilmi
u aada xataa Shiinaha" ma uusan ula jeedin cilmi
diineed ka doonta Shiinaha, laakiin cilmiga guud
ahaan, muslimiintana marka taariikhda aan dib ugu
noqono waxay ahaayeen diinta kasokow dad sayniska
qeybahiisa faraha badan aad ugu fiican; waa run in
gumaysiga gaalo isku dayey in uu dadwenaha adduunka ka indha tiro qeybta lexaad ee aqoonyahanada muslimiinta ka qaateen horu marka
adduunkan, laakiin haddana weli magac kale uma
helin "ALGEBRA" oo ah magacii ay muslimiinta siiyeen qeybtaas xisaabta ka mid ah,sidoo kale:
al-kimiy = chimica; al-kuhl =alcool, iyo kuwa kale
oo fara badan; marka walaalayaal aniga waxaa marka hore ay ila tahay inaan dib u soo ceshanno
kalsoonida aan u hayno diinteena iyo midda aan u
hayno nafsadeena, sababtoo haddii anaga aan marka
hore ixtraam isu hayn kama sugayno gaalo cadow noo
ah inay na ixtiraamto oo ilaaliso danteena,marka
wadada na sugeysa ma sahlana mana aha mid dhow,
tuu Illaahay noo qadiray goonideed, marka inaan isku dayno sidii aan halkan aan maanta taaganahay
aan uga wanaagsanaan lahayn, oo qof walba gooni
isu xilsaaro,oo ay ugu horeyso JIHAADKA nafsiga ah, waxaan sidaa u leeyahay culama badan oon waddankeenii ku soo arkay, ma ahayn kuwa xooga saara adaabta qofnimo, diintana wixii iyaga markaas la wanaagsan ayey ka hadli jireen, sida
xijaabka dumarka,iyo in dumarka aysan gurigooda
meel u dhaafin iwm, diintana kama hadlin arrimaha
dumarka oo keliya, qofka bani aadamka ah haddii uu aadaab iyo xishood leeyahay waxyaaba fara badan
oo foolxun kuma dhaceen, marka aan dib ugu noqono cilmiga iyo aadaabta ay diinteenu na barayso, ileyn wax walbaa ku koobanee.
Arrintan iyada ah waa arinta ugu dhibaato weyn ee maanta nahaysata, dagaalka weyn ee maanta nalagu
hayana waa mid maskaxeed iyo mid qofnimadeena wax
u dhimaya, waxaa tusaale noogu filan dhibaatada
maanta haysata waddankayaga, oo soomaali baa qori
isu haysata, cidda ka dambeysase far ma ku fiiqi
karnaa??????
Waad mahadsantihiin, walaashiin Aamina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
salaamu calaykum,dhamaan bahda bogaan.
waxaan aad ugu farxay mudo dheer oo aan ku lumiyay internetka si aan u helo bog ilaahay lagu xuso sida bogaan oo kale ah waxaana ilaahay ka rajeeynayaa ineey ahaato meel ay raxmada Ilaahey
iyo degenaashahiisaba ku soo degaan, xubnihiisana
ay noqdaan kuwo dar illaahey ku kulmo,abaalkoodana noqdo kuwo hoos harsado carshiga illaahay maalinta qiyaamaha waxaana sidoo kale Illaahay inooga baryayaa
in aan helno janadiisa fardowsa ee sareeysay.
kadib waxaan aad ugu helay qisadii mudneed in dahab lagu qoro ee WAA ISLAAMAA!!!waa Muctasimaa!!! waqtiga oo igu yar beri haddii uu ilaahey idmo waxaan idiin soo gudbindoonaa
qisooyin waana jeelay taladii walaalkeen YAAN BOGAAN KU HALEEYNAA?

walaalkiin Saciid Cumar Elmi
oo idin leh libaan aduunyo
iyo mi aaqiro. wasalaamu caleeykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
walaalaha bogaan waxaan idin leeyahay salaamu caleykum salaantaas kadib WAA ISLAAMAA!!!?
dhawaaqaas waxa uu i xasuusiyay cabashada joogtada ah ee umadeenii meel walbo oo ay joogtay WAA QABIIL HEBELOOW!!!..WAA JILIB HEBELOOW!!!..WAA SOOMAALIYEEY!!!! IWM ee aad ka marqaatitihiin ee aad ka maqli jirteen kulan walbo iyo meel walbo oo ay isugu imaadaan umadeeynii laakiin maaxaa ka danbeeyay waxaa ka danbeeyay wixii ka danbeeyay!!!
dhawaaqii wuxuu isku bedeley jaa naga qabta qabiil? yaa naga qabta!!!iwm.
waxaan leenahay haddii aad ku faanteen qabiil aabaheen waa Islaam mana lihin aabo aan Islaam ahayn.
maxay tareeysaa cabasho aan ficil ka danbeeynin?
waa inaanu iska dhaafnaa cabashada iyo calaacalka
ee aan shaqeeynaa shaqo joogto ah,
shaqada aan ka biloowno si aan u heli lahayn "shaqsi islaam ah" kaas ayaaa ah kan nooleeyo belad dhintay,toosiyo wixii qaloocda, taagana Ilbaxnimo,hagaajiyo fasaadka laaantiisa ma suurto gasho iney toosto Ilbaxnimo xaqiiqo ah.
haddii aan nahay Islaam waxa aan nahay kuwo toosay goor ay dadku iloowsanyihiin,waxaan ahay mudo dheer kuwo guud ahaan biniaadamka hogaamiya waxaan taagnay Ilbaxnimo rabaani ah biniaadaminimo ah, akhlaakhi ah, caalami ah kulansatay cilmi iyo iimaan waxaana hogaaminaayay nuurka waxyiga iyo nuurka caqliga waxaana taagnay Ilbaxnimo miisaaman,dhexdhexaad ah,oo ku dhisan Umaddhexdhexaad ah. waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
waxay ahaan jirtay Ilbaxnimadaas mida kaliya ee caalaamka,luqada Ilbaxnimadaas waxay ahayd luqada carabiga reer yurub ma mooga heerkaas
oo ruuxii ka soo qalin jibiyo jaamacadaha islaamku wuxuu ahaa waa la ogaa culimadeenuna waxay ahaayeenkuwa kaliya ee caalamku sheegsheego, waxay ahayd Ilbaxnimadaas mid quwadeedu wayn tahay waxaan jiro kumanyaal iyo kumanyaal waxaan la soo koobi karin oo qiso ah WAA ISLAAMAA!!! way ka mid ahayd waqtiguu uu maamulka haayay Cumar Cabdilcaziiz waxaa lagu xiray magaalo eey roomaanku ka talinayeen nin Muslim ah markaas ayuu waraaq u qoray oo ku yiri "intaas kadib waxaa isoo gaartay in aad ku liiteen qof muslim ah oo uu Illaahay u qoray karaamo iyo sharaf ee haddii uu ku soo gaaro qoraalkeeyga soo sii daa haddii kale waxaan kuu soo dirayaa ciidan gaaraayo biloowgiisa
adiga anigana igu dhamaanayo "yacni tirada ciidanka" bilaa calay kum sawirata arinkaas .
waqtigii haaruun rashhid waxaa inaga soo gaaray
"waxa uu fadhiistay banaanka markaas ayuu waxa uu arkay daruur waxa uu yir rooboow ku da bari ama galbeed kuna da meeshaa doonto waxaad soo saarto
waxay imaanayaan Beytul maalka"yacni haddii uu musli yahay waxaa ka waajibayo sako haddii kale jisyo"
Ilbaxnimadaas waxaa is daba socday Guul iyo Guuldaro mar walbo oo muslimiintu qaataan manhajka saxda ah waxaa garabkooda ahaa rabi subxaanuhuu watacaalaa, haddiise ay qilaafaan waxaa loo wakiilanayay naftooda oo waxaa dhacayay wixii dhacay gabayaagiina wuxuu yiri "kulu sheyun idaa maa tama nusqaamuu......"
yacni hadii shey walbo dhameestir gaaro waxaa biloowdo nusqaankiisa.. gabaygu waa dheeraa laakiin waqtigu ma saamaxay ee waxaan idin leehay meel walbood joogtiin WAA ISLAAMAA!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama Gabush

Unrecorded Date
Aad ayaan ugu mahad naqayaa dhamaan dadka sharafta leh ee halkan ka caba. OGAADA! sheekooyinka noocan ahi waxay badiil u noqonayaan kuwa bogaga kale isku caayaya. Alle haysinla qabto...Walee idinka ayuunbaa liibaanay.
Waxaan gaar ahaan u mahadnaqayaa Walaal Siciid iyo Inanta ka horaysa.
Wa salamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NAIMO

Unrecorded Date
shiiq qadhafaa
waxaad tahay shiiq dadaalaya ilaahay hakaa aabaal mariyo anagana kuwii diinta ku camal fala hanaga dhigo <aamiin>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muhs in

Unrecorded Date
asalaamu caleykum waraxmatullah
marka hore waxaan salaan aad iyo aad u diiran oo walaaltinimo ahna tan islaamka u dirayaa qadhafaa,aamina,iyo siciid cumar cilmi. walaalya- ala aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin maqaal adiina, aniga oo abu-muxsin waxaan isku dayayaa in
aan hadda ka dib idinla shaqeeyo oo waxan aan ku jiraa waa shaqo mushaaharkana gadaal ayaan ka helaynaa.jawaabo iyo talooyin ku wajahan walaalahay qadhafaa iyo aamina:
qadhafaa walaal waxaan kugula talinayaa in aadan qurŽaanka soomaali ku soo qorin lafdigiisa ee intaad macnaha qortid lambarka aayada raaci sababtuna luuqad aan carabi ahayni ma sixi karto qurŽaanka ku dhawaaqiisa oo eebaa doortay yidhina "waa qurŽaan carabi ah".qisadii waa islaamaah waad ku mahadsan tahay iyo waanadii ka dambaysayba
eebana ha kaa abaalmariyo.
Aamina walaal waa runtaa oo cilmi kasta oo sharciga waafaqsan waa la ogolyahay eeaan ku dadaalo inagoo iska ilaalinayna wixii eebe diiday.
siciid aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahaywaanadaada ee ha ka caajisin in aad noo soo gudbisid adiga iyowalaalaha kaleba wixii dardaaran ah.
fikrad:reer afgaanistaan markii ay diinta ku tooseen oo ay jihaadeen ruush way jabiyeen eebe fadligii markay qabiil isku laayeen iyo fikrado kale duwan darteed way kala dhamaan waayeen ilaa alle u soo diray koox arday ahayd "talibaan" oo kooxihii oo dhan dhegaha ku dhuftay wadankiina badidiis nabad ku soo celiyay (ma garanayo waxa ay la soo socdaan ee ilaa hada wanaag ayaa ka muuqda)oo wax kasta nabadaa ka horaysa ee ma u malaynaysaan in aynu inaguna taalibaan oo kale u baahanahay si s..,s... tan faraha badan ee qabiilka ah loo xasuuqo? maxaa idin kala qumman?
bal ka soo talo bixiya walaalayaal.

by muhsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaahil necbe nur

Unrecorded Date
war beenta aad isku sheegeysaan iska dhaafa ee cagaha dhulka dhigta .maxaad ilaah ka taqaaniin
dhul ajinebi ayaad timaadeen intaad kiin soo burburisayn dadkaad la joogtiin gaalaad tiraahdaan oowaxaad is moodaan inaad ka fiicantihiin .maxaad uga fiicantiin ?
maad dhulkaagi joogto maxaad uga soo tagteen?
riwaayada ka soo jeesta oo runta eega dadyahow indhaha la, kuwii dhulkii soo baabi,yay baa maanta doonaya dadka inay wacdiyaan
ebow juhaladaas ha nabadin. nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMMATIIN.

Walaalayaal waad mahadsantihiin dhammatiin intiina dadaashay kana soo qayb qaadata baraarujinta, ku boorinta iyo wacdinta diinta islaamka ah.

salaantaa mid la mida waxaan u dirayaa walaalkay MUHSIN walaale waan qaatay waanadadii sidaan filayo mowduucyo badan oo aan damacsanahay inaan ku soo qoro halkan waxan rajaynayaa in aad ka daalacan doonto saamaynta waanadaada.

sida badan muhsin walaale dadkayagu uma badna inay akhriyaan qoraalka Qur'aanka culimada qaarna (waa kuwa soomaaliyeed ee qora buugta islaamka) ayaan ku arkay ayagoo dadka soomaaliyeed ugu bayaamiya qorista Qur'aanka afka soomaaliga maadaama aysan dadkayagu akhrin karin, waa dhab in quraanka ku dhawaaqisu luuqad aan carabiga ahayn aysan sixi karin balse waxa jira ereyada qaar oo ku adag afka soomaliga in la isla gartro inay la mid noqonayaan ereyada kale ee carabiga.

fikrda aad soo qortay aragti ahaan tayda iyo qoraalo kale oo aan jeclahay ayaan soo qori doonaa waqtiga oo ciriiri igu ahna maalinta fasaxa ah ayaan inshaa allaahu soo qori doonaa.

mar labaad walaal MUHSIN ha ka daalin adiga iyo walaalay ee ka qayb qaata halkan inaydaan ka dalin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
TO: soomaali oo dhan.

asalaamu calaykum

salaan ka dib

qadhaafaa waad mahadsantahay, adiga iyo inta kheyrka jecel, wixii wanaag ah ee aad samayseena
ilaahay ha idinka abaal mariyo, qofka isku magacaabay jaahil, waxaan ku leeyahay ilaahay ka baq oo wax san ku hadal, ee iska daa waxaad ku hadlayso, nin walba wuxuu gaysto rabbi baa ka xisaabaaya ee adiga kuuma taalo, wixii wadanka gubay waxaan leenahay rabbi ha hanuuniyo, hadii rabise hanuun la doonin, meel daran baa u danbaysa. dhamaanteen rabbi hana waafajiyo xaqa.


Aana isu soo ducayno, meelkasta oo aan joogno, si gaar ah iigu soo duceeya in ilaahay igu sugo xaqa.
aniguna waxaan rabbi idinkaba baryayaa intaan sheegtay iyo in ka badan.

qore:walaalkiin fil islaam cabdiraxmaan

sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
TO: soomaali oo dhan.

asalaamu calaykum

salaan ka dib

qadhaafaa waad mahadsantahay, adiga iyo inta kheyrka jecel, wixii wanaag ah ee aad samayseena
ilaahay ha idinka abaal mariyo, qofka isku magacaabay jaahil necbe nur, waxaan ku leeyahay ilaahay ka baq oo wax san ku hadal, ee iska daa waxaad ku hadlayso, nin walba wuxuu gaysto rabbi baa ka xisaabaaya ee adiga kuuma taalo, wixii wadanka gubay waxaan leenahay rabbi ha hanuuniyo, hadii rabise hanuun la doonin, meel daran baa u danbaysa. dhamaanteen rabbi hana waafajiyo xaqa.


Aana isu soo ducayno, meelkasta oo aan joogno, si gaar ah iigu soo duceeya in ilaahay igu sugo xaqa.
aniguna waxaan rabbi idinkaba baryayaa intaan sheegtay iyo in ka badan.

qore:walaalkiin fil islaam cabdiraxmaan

sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMANE

Unrecorded Date
ASSALAMU ALAYKU.

Waa idin salaamay salaan kabacdi. Waxaan oran lahaa maanta ayay taagan tahay erayga "WAA ISLAAMAAH" Maxaa yeelay waad aragtaan waxa ka dhacaya Kosovo, Barma,Ethiopia,Kashmir iyo kuwo kale oo badan marka waxay aniga ila tahay amaba ay tahay sida nabigu"csw"Uu yiri"Ninkii aan Jihaad u bixin ama aan nafsadiisa ugu sheekayn in uu mar uun u bixi doono oo dhinta wuxuu ku dhintay qayb munaafaqnimo ah."(okq)marka walaalayaal waxaan rajaynayaa in calal aqli aanu nafsadeeda ugu sheekeno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAXMO

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM
walaalayaal waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed salaan kadib waxaan rabaa in aan hadii ilaahay yiraahdo aan inka faa,iidaysto oo aan idiin soo gudbiyo arin ihaysato
waxaan joogay mudo laba sana ah wadanka itoobiyo anigoo rabay in aan kasoo aado wadamadaan yurub kii ilaahay ii fududeeyo waxaan sheekaysan jirnay wiil soomaali ah wiilka wuxuu asna rabay in uu soo baxo oo dibada ayuu rajo kalahaa waxaan isku afgaranay inaan is mehersano markii uu qofkano uu dhoofida u soo dhawaato waxaa dhacday in aniga ay ii suurta gashay oo aan helay fiise talyaaniga ah waxaan iri habaynkaan baxayo habaynka ka horayso ayaan is mehersanaynaa waan isku af garanay waayo dadku hadii uu dhalin yaro yahay wuu damaaci badanyahay waxaan ka yaabayay in anagoo is qarsanayno aan markaan dibada tago uu igu soo baxo uur oo waalidkay qalid iga fahmo waayo waxaan ku heshiinay in markaan baxo uu waalidkay u sheego oo u tago maadaama ay kafogaayeen wiilkii waan is mersanay wuxuuna igu yiri markaad baxdo ayaan cida aadayaa oo lacago ayaan meel kasugayaawaxaa dhacday wiilkii in uuna mudo laba bilood ah aadin reerkanagi waayo markii uu ila soo hadlo wuxuu iyiraahdaa waxaa iga soo daahay lacagtii waxaa dhacay in wiil uu aabahay iga soo doonay aniga oo aan ogayn waayo aabahay ma uu maqlin in aan wiilkaan mehersaday oo waxaan lahaa waxaa u tagidoono wiilkaan aan is qarsanay ee adiga aamus wiilkii aabahay wuu igu mehershay aabahay ayaa ii soo sheegay oo wuxuu igu yiri waxaan kugu meheriyay ina hebal markaas ayaan waxaan iri wiil ayaan aabe itoobiyo ku mehersaday markaan soo baxayey oo asna ina hebal ah waxaa uu iigu jawaabay waxaa jiro merkayga anaana masuulkaa ah ee waxaas qalbigaaga ha usheeginwaan murugooday oo walaala yaal waxaan rabaa in aad ii soo sheegtaan waxa ala waxa ilaahay raali kayahay oo diinteena macaan ay qabto waayo dad badan oo culumo ah ayaa waxaay igu wareeriyeen aaba haa merkiisa ayaa jiro waxaan idinka sugayaa walaalahayow waa jawaaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Roble

Unrecorded Date
Raxmo abaayo kheyr baan kuu rajeynayaa, xaalkaada xaal sahlan maaha waxaanse u maleynayaa inuu kii hore weli ku qabo, odayga aabahaa intuusan wiilka kugu darin inuu kula soo socosdsiiyo ayeey ahayd.
laakiin xagga diinta waa la iga fiican yahay ee waxaan talada u dhaafay walaaleey diinta iiga fiican....nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsin

Unrecorded Date
SALAAN KADIB,
walaal waa arin diineed oo aan kitaab gaab iyo nin arday ah midna dhex gali karin,waana arin khusaysa noloshaadii iyo in aad guri xalaal ah yeelato,hadaba waxaan kugula talinayaa in aad la xidhiidhid culimada soomaaliyeed ee dhaqankeena iyo diinta isu taqaana,hadaadan culimada aqoonin
ama aad ka fogtahay ku raadi telefoon.culimadeena
kuwooda daŽiyo cilmiba ugu wayn waa;shariifka,sh./m.n.qawi,sh.c.faaruuq, sh./m.macalin iyo kuwo kaleba.
hadaad magacyadaan gaabiyay garan waydo waydii wadaadada meeshaada jooga.
hana dag degin xagga waalidka iyo nimanka toona.

intaan culimo dhagaysan jirayna waxaan filayaa in uu meherba kuu ka horeeyay ka jiro oo kan dambe uunan guntamin.

muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAXMO

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM
waad mahadsantihiin walaalahayga ii soo jawaabay oo ii tilmaamay culamada cilmiga leh iinshaa alaah waan waydiin waanan raadin ilaayna khayrka hana waafajiyo
nabad iyo qayr ayaan isku ognahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalif

Unrecorded Date
Salaamu calaykum walaalayaasha meeshaan wax kusoo qoraay. Marka ugu horraysa waad ku mahadsan tihiin doodii kusaabsanayd Waa Islaamaah; aad ayaana ula dhacay sida caafimaadka leh ee aad fikradihiina isku dhaafsateen. Waana kaxumahay inaan ka qayb qaadan waayey.Laakiin waxaan jeclaystay inaan furo dood kale oo lamid ah taas, xagga caafimaadka. Qadhafaa sheekadiisu waxay kusaabsanayd Muslinimo. Muslinimo marka aan leenahay waxaa loola jeedaa qof walba oo yiri Laa ilaha Ila laah, kana qiray uurka. Haddaba aniga oo ah ruux hadalada ufiirsada ayaan waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigo su'aalahan:
1-Mawduucii Qadhafaa wuxuu hadalka kusoo gabagabeeyey "meesha yaa lagu halayn meeye wadaadadii" Xasuusnowna qisadu waxay ahayd yaa Islaama. Su'aal maxay idinla tahay in Qadhafaa ula jeeday erayga wadaad?Ma culumo ayuu ula jeedaa mise dad gooniya oo looyaqaan wadaado? Maxaase dadka qaar kadhigay wadaado,qaarna kadhigin?
2-Aamina oo ahayd gabar kamida gabdhihii ujawaabay qadhafaa waxay tiri "anigu kama mid ihi wadaadada aad uqayla dhaaminaysid" su'aal:sidaan Aamino hadalkeeda ku aragnay way diiday wadaado mase diidin muslinimo. Hadaba waa maxay farqiga u dhaxeeya wadaadnimo iyo Muslinimo? Maxayse ufahantay erayga wadaad? Maxaadse adigu ufahantay? Mase idinla tahay haday Haweenaydu oran lahayd yaa wadaado aheey inay sheekadu nawada taaban lahayd? Fadlan fursad qaaliya ayaan haysanaaye aan kala faa'iidaysano. Waxaan sugaaba waa jawaabo. Mahadsanidiin. Waxaa Qoray Khalif.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibraahim Sheekh

Unrecorded Date
Walaalayaal, aad baan idiinku dhiirigelinayaa howsh qiimaha leh ee aad halkan ka waddaan. Su'aal baanse anigu jeclaan lahaa in la iiga jaahil bixiyo.
Maxay diintu ka qabtaa gudniinka gabdhaha? Maxaase u daliil ah? Fadlan ii soo raacsii haddii aad heyso sidoo kale kutubka aad ka hesho jawaabta magaciisa.
Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Naxariis iyo Nabad Ilaahy Korkiina Ha Ahaato

Waa Islaamaah!!!
Dadka Soomaaliyeed waxay weligood ahaayeen col u joog dhul qaxar ah iyo nolol dhib badan ku nool. Marka colku yimaaddo ayay gabdhuhu ama dumarku af labadii yeeri jireen: HOOGAY OO BA'AY...UU UU UU.
Ragguna waxay ku ooyi jireen YAA TOL EHEEY.

Waa Islaamaah!!! waa dhawaaq dhiilo leh oo ciidanka Muslimiinta kicisay. Ilaahay wuxuu noo sheegay in uu "u gargaari doono kuwa isaga u gargaara!" Macnaheedu waa in aan inagu marka hor u kacno Ilaahay hortii.

Magac ka Islaam baynu nahay hadda waxaan Ilaahay ka baryayaa in aan Maan iyo Macno ka Islaam noqono.

Aljeeriya iyo goobaha dadka Muslimiinta ku nool yihiin waxaa ka sii yaab badan kuwa xitaa aan ahayn magac ka Islaam sida Boosniya, Jejniya iyo Kosovo oo Islaannimo darteed loo laayay.

"Anaggaa leh Diinta Annagaana Ilaalinayna" waa Ballan Ilaahay Qaaday. Runtii Diintu Islaamku waa Naxariis Ilaahay oo dadku ayna garan.

Waa khasaaro weyn. Qadhafaa aad baad u mahadsan tahay. Waxaanse ku xusuusinayaa in dadka Muslimiinta ah ay ka badan yihiin hal bilyan oo qof ama shan qaybood meel dadka dunida ku nool.

Waa Islaamaah!! UU UU UU Soomaaliyeey Alla dalkeenii Alla Dadkeenii Alla Ubadkeenna.

Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BASRA

Unrecorded Date
TO: KHADAFAA
WALAAL AAD IYO AAD AYAAD U MAHAD SAN TAHAY
WALAAL MA LEEDAHAY
EMAIL???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BASRA

Unrecorded Date
TO: KHADAFAA
WALAAL AAD IYO AAD AYAAD U MAHAD SAN TAHAY
WALAAL MA LEEDAHAY
EMAIL???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Waar nimankoow ,anigu qofahaanteey magaca WADAAD ma waxaan u garanhayo;
Ruux wad kiisii doontay ama wad aad baan wadaad u garanayaa, islaamna diinta muxamadiyeenu heesano,ruuxii heysta baan u garanayaa..
Kuwa barya dhaweyd ka dagaalamahayay meel la yiraaho Jalaalabad,ee ku jiray ciidamadii Sayaaf ee meeshaa lagu laayay iyo kuwa kaloo la socda xoogaga bushtuuga ee kalbudiin xigmadyaar,,kuwa yiri inagana akhwaan baanu nahoo Axmad shaah mascuud la socday,,kuwa kaloo furihii janada iyagana inta qoorta loo gashay u dagaalamayay xoogaga bacthiga ciraaq iyagoo la dagaalamaya Iran ee barya dhaweyd xabsiyada Iiran laga soo daayay,,,belaya kaloo is maqiiq ooga dagaalameysay BARI mid ayeeydiis dila iyo mid odayga awoowgiis oo salaada subax u socda si salaatul subax dadka ugu addimma dilay,ku wad aad ahoo CHECHENYA ka soo dagaalayay islaantii dhashayna ay suuqii ansalooti caw ku falkineyso dagaaladii oo xamar ka socda,,,wad aad waa midka akhriya cabdalla casaam oo leh askartii oo farda cad cad ku jooga ilaahay cirka ka soo riday oo dagaalameysa baan u so goob joog ahaa waa macaskar faaruuq e,,,wad aad waa mid masaajid baan dhisi iyo lacagayow sacuudiga iyo mukhsiriin laga soo aruuriyay isku heyshesta se yiraaha waa muxsiniin iyo marginal bey ii noqotay,,,wad aad waa abuu khaalid ,abuu cubeydah,abuu shujaac,abuuxajar ,abuu kalab ,abuu khnaziir,,,abuushajar,,,abuu teymiyah,,,ibnu siin,,iyo wad aadya kaloo farabadan,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina jaamac

Unrecorded Date
To: AAMINA

walaal waad ku mahadsan tahay sida aad noogu soo gudbisey waanadda wanaaga badneyd ee aad halkan ku soo qortey adiga iyo dadka kale ee meeshan wax ku soo qarayba ilaahay kuma qadiyo dadaalkooda oo niyadooda wanaagsan ha u yeelo.

Walaal Aamina hal arin ayaan kugu darsanayaa in aan muran uga jedana ha iiga qaadan. Ilaaha nafteyda gacantiisa ku jirto baan ku dhaarte hadaanan ka baqayn in aakhiro la i qabsado waan kaa aamusi lahaa laakiinse xisaab ayaa jirta aakhiro sidaas darteed baan doonayaa in fariintan iska rido igana raali ahaw walaal.


Walaal waxaan kugu darsanayaa xadiiska aad soo daliishatey ee ahaa "cilmi xataa shiinaha u aada" xadiis jira ma aha waana been abuur meel uu ka yimina ma garan karo anigu cilmina uma lihi oo silsiladda xadiiska kuuma sheegi karo laakiin hadda ka hor anigoo dhagaysanay wadaad maraykan ah oo magaciisa la yiraahdo DA'UD ADIIB ayuu xadiiskan soo qaatey. Micna ahaan waa sax oo cilmiga waa in meel kasta laga doonto laakiin nabigu sidaas ma oran lagamana warin. Haddii aad rabtid in aad wadaadkaas weydiiso xadiiskan wax ku saabsan waxaan kuu soo raadin karaa emailkiisa.

mar labaad iga raali ahaaw walaal ilaahayna janadda ha ku geeye hooskiisana ha ku hareeyo maalinta aan hoos kale jirin akhyaata kale ee meeshan wax ku soo qortana dhamaantood allah ayaan u baryaaya inuu wanaaag kaga abaal mariyo

Wallaahu aclam wa aclaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacamay

Unrecorded Date
AL-salaamu calaykum:
Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa walaalkeen
Qadhaafa oo mowduucan ballaaran noo bilaabay.
Inkastoon ahay gadaal ka gaar goob dumis,haddaana waxaan jeclaan lahaa in aan yaro saxo labo qiso oo
waalaalkeen Qadhaafa is dhex galiyey se aan waxba ka badalayn muhimaddii sheekada oo ahayd sida
muslimiintii hore ay ugu damqan jireen ruux kasta
oo muslim ah oo dhibaato loo gaysto,mayse ahayn
sida kuwa maanta muslimiinta xukuma ee hortooda lagu gawracaayo rag muslimiin ah ,laguna kufsanaayo gabdho muslimiin ah laguna uuraynaayo.
Bal ila fiiri wixii ka dhacay (boosniya)mana qalalin dhiigii reer (albaaniya).
Haddaan u soo noqdo labadii qiso,waxay ahayd tan
hore oo uu wallakeen noo faafaahiyey tii ka dhalatay gabadhii la fara xumeeyay meeshay ka dhacdayna ma ahayn (spain)magaallada qurduba ee waxay ahayd magaalo la yiraahdo(CAMUURIYA)oo haatan ku taal dalka(LUBNAAN).Waxayna gabadhu ku qaylisay magacii khaliifkii cabaasiyiinta ee waqtigaas xukumaayey oo la oran jiray(MUCTASIM)
waxayna tiri:(WAA MUCTASIMAAH)oo macnaheedu yahay
muctasimkaygiiyow!!!markii loo sheegay muctasim
Arrinta gabadhaas ciidam weyn ayuu abaabulay isla markii,faalalowyaashii ayaa ku yiri waqtigan oo kale haddii aad duusho waad ku jabaysaa ee ha duulin.se muctasim dheg uma jalaqsiin warkoodii ee camuuriya ayuu dagaalku qaaday gaaladiina wuu
jabiyay.gabayaagii weynaa ee (ABUU TAMAAM)ayaa gabay hana qaaday ka jeediyay oo yiri:
(AL-seefu asdaqu ambaa'an minal kutubi
FII XADIHI AL-XADU BEYNAL JIDI WAL LACIBI).
wuxuu yiri: seefta ayaa ka run badan kutubta
faalalowyada, seefta afkeeda ayaa goysmada leh
ayada ayaanna kala bixisa ciyaarta iyo runta.
asagoo la hadlaaya faalalowyadii Amiirka joog yiri
sheeko taas ayey ahayd waxaana la yiraahdaa(WAA
MUCTASAMAAH!!!).
Sheekada kale ee (WAA ISLAAMAAH!!!).ayaduna waxay ka dhacday masar WAQTIGII ay masar xukumeen
(mamaaliiktu)ama (ADOOMADU).SHEEKADU waa dheer tahay waxaana laga qoray buug si riwaadda ah loo sameeyay,waxaanna ka qoray nin qoraa a oo yamani ah oo la yiraahdo:(AXMED CALI BAA KATHIIR).
Markii (tartars)oo ahaa dad mangooliyaan ah ay
burburiyeen boqortooyadii reer KHAWAARISAM ee
muslimka ahayd ayaa waxaa ka fakaday wiil uu boqorkii khawaarisam adeer u yahay oo la yiraahdo
maxamuud,iyo boqorka gabadh uu dhalay oon magaceeda haatan aan ilaaway.waxaana la fakaday nin hindi ahaa oo u shaqayn jiray,ugu dambayntiina waa la afduubay oo masar ayaa adoom ahaan laga gatay labadoodiiba,halkaas ayey ku koreen wiilkii waxaa loo bixiyay(QUDUZ)gabadhiina magac kale-gabdhuhu ha iga raali ahaadaan-mar labaad magicii loo bixiyay ma haayo.wiilkii wuxuu noqday nin geesi ah ,wuxuuna gacan haye u noqday
nin boqor ahaa,gabadhiina waxay noqotay mid gacan haye u noqotay boqorrad la oran jiray(shajaratu-
durra).BOQORADII SH>DURRA waxay boqotooyada ka dhaxashay ninkeedii ,kadibna waa la dilay waxaanna boqortooyada uga dambeeyay,max,ud(QUDUZ) saaxiibkiis,wuxuuna isku guuriyay (QUDUZ)iyo inaadeertiis,kadibna waa la dilay. boqortooyadiina waxaa meel cidlo ah kaqaatay,QUDUZ
BOQOR (MAXAMUUD QUDUZ)wuxuuna noqday addoonkii ugu horeeyay ee casrigii adoomada ey masar ka talinaayeen.WAQTIGAAS WUXUU AHAA WAQTI ADAG OO
muslimiinta soo maray.Mangooliyaankii(TARTARS)ka
ayaa CAASIMADDII ISLAAMKA EE DAARU-SALAAM WAA
(BAQDAADE)qabsaday oo dudumiyay ilaa ay ka noqdeen
labadii wabi ee (dajla iyo furaad)dhiig qulqulaaya
waa dhiigii muslimiinta,marna waxay noqdeen khad qulqulaysa oo waxay (tartars)kii ka buuxiyeen kutubtii turaathka islaamka oo idil.Intaas kuma joogine wey soo socdeen ilaa ay soo gaareen meel masar u dhaw.kadib ayey muslimiintii diintoodii u soo noqdeen ooy culumadii hormood ka noqdeen sida
(AL-CISI IBNU SALAAM)iyo (INBU TIIMIYAH).
dagaal aan loo kala harin rag iyo dumar oo islaam ku dhisan ayaa lagala hortagay(TARTARS)kii waxaana
lagu jabiyay dagaalkii caanka ahaa ee(XIDHIIN)meel
masar u dhaw,QUDUZ ayaanna hor kacaayey muslimiinta iyo haweenaydiisii, ayada ayeyna ahayd
tii ku qaylisay(WAA ISLAAMAAH!!!!)alle ha u naxariistee halkaas ayey kudhimatay,muslimiintiina
ay nasrigaa ballaaran ku heleen markay u soo noqdeen diintoodii ooy halku dheg ka dhigteen:
(ISLAAMKAYGIIYOOW!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!)
QUDUZ na dagaalkaas kadib ayaa la dilay oo waxaa dilay saaxiibkiis adoonka la ahaa oo la oran jiray
(BEERBARIS)oo gacan hayihiisa ahaa ,kadibna asaga
beddelay oo noqday suldhaan caan ka dhex noqday
MASMAALIIKTII LANA BAXAY(SULTAAN BEERBIRIS).

MAANTANA WAXAAN U BAAHAN NAHAY KUWAAS OO KALE WIIL IYO GABADH QAXOOTI AH SIDII QUDUZ IYO INAADEERTIIS OO SOOMAALIYA OO KALI AH XOREEYA!!!!


WAAA ISSSLAAAAMAAAHHHH!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samadoon

Unrecorded Date
Ilaahow somali unaxariiso meel walba oo ay joogto waa dadkaygii oo aduunyada ku daadsan oo aan wali garan dalkoodii iyo dadkoodii ,inta gaalada raacdayna aloow ka sooceli ,in ta wanaagsana allow wanaagooda usaa idi
Qofkuu alle khary ladoono wuxuu fahmsiiyaa Diintiisa Culumooy dadaala ,dhalinyaroy dhaqaysta ,odayaalo diinta adeeca ,dumarow is astura ,waa lidow ilmahaaga ilaasho
Waa walaalkiin (samadoon)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yuunis

Unrecorded Date
To: Walaalkiin!

Walaal raali iga ahoow, sheekadaada kor ku qoran waan fahmi kari waayey!.

Af-soomaaliga bal adoo deggan oo xasiloon inta ciilka aad u qabto wadaadada meel dhigtid bal si fiican nooga dhaadhici waxa aad meesha ku qortay.

Alle i ogee hal kama fahmin, oo waxbaad isku walwalaaqday.

Allena ka cabso oo daa (dhaaf) dadka diinka Alle u taagan.

Alloow noo naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eli

Unrecorded Date
Assallamu calaykum. Waxaan halkan innaan wallaalay ga diinta wanaageeda inay fahmaan noonaya waxaa jira Khurruuch, waxaa weeyaan dacwad diinta ah. Dad dalwalbana waa ay leeday. Waxaa laga yaabaa innaad dhamaan wada maqasheen laakiin aanad wali u bixin. Markii hore waxaan isku odhan jirey waa ay kugu hawl badantahey maxaa yeeley arday baan ahayd. Laakiin markii aan u baxay waxay noqotey waxii ugu wannaagsanaa een waligay u baxay. Waxay tahey waddada la isku jeclaado, waxbarasho diinta noockastaba ha noqoto, iyo wallaalaha kale oo diin ta loogu yeedho. Hadii aadan wali u bixin isku day waad ogaan waxa kaa maqan. Assallamucaymum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.