site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa diinta looga dhigtaa excuse lagu guursado?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Maxaa diinta looga dhigtaa excuse lagu guursado?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umma

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum..
Waxaan ka yaabey o aad iiga yaabiyey waxay aheyd markii aan arkay gabdho badan o diinta galeen ama is daday si ay u guursadaan. Ma waxay noqotay diindii jidka Guurka mise kii janada? Maxaase raga diinta bartey ku qasbaaya in ay hal naag ka badani guursadaan? Ma diintaa noo ogal daraadeed baa loo guursan mise naag jaceyl beey ka tahay?
Bal Soomaliyey iila eega arintaan iina soo jawaaba waxaan raba inaan ogaado sababta ay waxaan u dhacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
asalaamu caleykum,

Guurka marka laga eegayo xaga islaamka waa arin aad u weyn, isla markaana islaamku tixgalin aad u weyn ayuu siiyey. Bulsho kastaana caadooyin ay leeyihiin ayaa jira marka guurka laga hadlayo.

Soomaali hadii ayno nahay siyaabo badan bayno isku guursanaa, dhaqan ahaan guurka soomaliddu waa sideed nooc ayaa la yidhi. 4-xagga dumarka ka timaadda iyo 4-xagga ragga ka yimaadda.

Criteria lagu guursadanaa way badan yihiin, Islaamkuse wuxuu qiray IN DIINTU TAHAY, tan ugu sareysa uguna qiimo badan (Nro 1). maxaa loola jeedaaa hadaba diinta ? dhaqan wanaagsan oo islaamka waafaqasan, qofkoo xaduudda Islaamka ilaaliya, wuxuu wax kukala saaro aya tahay diinta Islaamka,

Khasab ma aha in hal wax ka badan la guursado, amarna ma aha ee waa jid uu ilaahay noo furay in la qaado hadii loo baahdo oo duruufuhu keenaan.
Duruufaha keenana waa la yaqaana oo laga dheregsan yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to.umma.
asalay calaykum.
gabdhuhu waxay isku dadaan soomaalidu waa dad muslimiin ah gabadh aan dhawrsanayna maguursadaan dharka aad sheegtayna wuxuu calaamad uyahay gabdhaha dhawrsan taas waa in taas.
raga diinta bartayna sababbo badan bay uguursadaan taad sheegtayna dabcan waa kamid, intaas waa su'aashaadii.
midakale adiga maxaad karabtaa dadka isguursanaaya waa arin wanaagsane maad ku biirtid, waxaan filayaa hadaad meel heli lahayd in ay doodu halkaas ku dhamaan lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Calykum!

Walaal waxaad soo dhigtey labo su'aal oo kala duwan, balse aadan si door ah u faahfaahin micnaha aad ula dan leedahay.

Waxaad tiri: ["Waxaan ka yaabey o aad iiga yaabiyey waxay aheyd markii aan arkay gabdho badan o diinta galeen ama is daday si ay u guursadaan. Ma waxay noqotay diindii jidka Guurka mise kii janada?"]..halkan micnaha aad ula jeedo jilcis ayeey u baahan tahay!.
Waa su'aalee...gabadhii awal lunsanayd, jidkii ay ku soctayna wax ugu hagaagi waayeen oo uu markaa diinta u soo laabtay miyeesan TOOBA u furneen? miyeeysan soo noqon karin? Maxaase kaga duwan tahay kuwa kale?

Illaah weeye kan dadka xisaaba.

Waxaad kaloo tiri: ""Maxaase raga diinta bartey ku qasbaaya in ay hal naag ka badani guursadaan? Ma diintaa noo ogal daraadeed baa loo guursan mise naag jaceyl beey ka tahay?""...Walaal waxaa taasna kaaga jawaabay YASKA.

Rabbi swt. wuxuu na faray in aan guursan karno xaasas dhan illaa 4, Illaaheeyna markuu saas dhahay wuxuu inoo sheegay in aan shuruudahoodana buuxino oo iska guurso ma ahan. Ninkii ku tacadiya ama dhagaha ka gufeysta shuruudahan haddee waa asaga iyo Allihii abuurtay.

Inkastoo si kasta oo loo xaqsiiyo dumarka la isla qabo, hadana waligood HINAASO & colaad hoose kama dhamaato inta badan, waana wax dabiiciyan ah oo haweenka oo idil u siman yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

is ilaali

Unrecorded Date
aniga waxaan layaabanay qofka isku dayaya inuu wax ka dhaa dhiciyo dukaafadaas labxday uma umana maahee woom ku kusoo dhacyee afkaaga dadka muslimiinta kadaa afkaaga edeb u yeel naaya reer baadiyad yahay waba kala ogayn
xagee lagaa keenay
intee jirtay marka diinta baranayeen
xaasidad baad tahay waxaad ka xuntahay gabdhaha asturan ee sida raashinka loo boobayo orod gaalada iska ilaali yausan ku kukufsan
nabaday
edeb yeelo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ruuney

Unrecorded Date
salaamu caleekum

walaashay Umma marka hore waxaan ahay gabar muslimad ah oo diinteeda jacel markaan wadankeena joogayna diinta Ilaahaa iiga sareeye wax aan ka ogaa malahan gabdho badan ayaa markaas diinta baranaayay oo intaan waxyar isdaboolay isku dayay in aan diinta barto laakiin waxaan kuu sheegaayaa way ii socon wayday oo waxyar ka dib jidkii sheedaanka ayaan ku noqday kaasoo ahaa filin galid iyo ruwaayad aadid iyo inkast oo uu Ilaah iga madooweeyay tumasho oo aan waligay ku kicin taasna Ilaah ayaan ugu mahad celinayaa

marka walaashay hanuunka Ilaahaa iska leh adigana waxkasta oo kuu sahlikara in aad ku kacdid waxba yaan hadalka kugu badinine markaan dibada imaaday oo aan waxyay joogay ayaan nafsad ahaantayda is waydiiyay maxaad muslin ka tahay wali mukurkii aad ku jirtaaye (Alxamdu lilaahi rabicaalamiin) Ilaah waa ii gargaaray oo isoo hanuuniyay jirkaygana waan dabooshay salaadaydana waan tukadaa meel gurigayga mootisana ma aado oo aan shaqadayda ahayn Telkana badanaa kuma hadlo danla'aan waxa in taas iidheer waa computerka oo aan marmar ka faa'iideesto marka walaashay suu ANSARI kuu sheegay soow qofka sooma hanuuni karo? oo matoobad keeni karo? ragana taad ka tiri wax diinteena dhaafsiisan ma sameenayaan oo Ilaah baa u baneeyay haday kari karaan

sidaad u hadleesid aan u jeedaa ee Ilaahay ha ku soo hanuuniyo intii hanuunsana ha u saa'idiyo Ilaahna hanoo wada danbi dhaafo (AAMIIN)

ogow in aan gabar ahay oo aan Ilaah xagiisa iyo cabsidiisa u dabooshay oo aan halagu guursado ama halagaa sheego aanan u daboolanin ama wax lamid ah cafis iyo musaamax


ruuney

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
IS ILAALI.
MAGACAAGA IYO WAXAA QORTAY WAA DAB IYO BAASIIN.
Dadkiina sida cajiibka u caytamaan, maxaa ka heshaan caayda?!
AJAR?! LACAG?! AMA....?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu alaykum
Ladan
ladanay adigu marna qof wanaagsan isaga kaaya dhig marna dhex dabaalo waxadan waxba ka ogayn

hada kahor baan damcay inaan kula taliyo lakiin waqti waayaay,
ilaahay kacabso ee laba wajiinimada iska daa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Ilaa xilli dambe, salaama.


magacaygu waa enough intelligent.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.