site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ISRAA´IILIYAAT

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ISRAA´IILIYAAT
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu Salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

walaalayal sida aynu wada ognahayba intii kadanbaysay Rasuulkeenii suubanaa s,c,w, waxaa si´aada uuga shaqaystay diinteena yuhuud oo wax yaalo aan diinteena raadku lahayn kusoodaray oo sida aynu wada ognahay waa iyaga kuwa sameeyey firqooyinka badankooda.Hadaba waxaan uula danleeyahay mawduucaan inaynu ogaano maxaa kamida waxyaalaha ay kusoo dareen diinteena ee dadbadani ay uhaystaan inay saxtahay oo diinta kamidtayhay.Hadii aan tusaale sooqaato waxaa kamida sida qisada aabaheen & hooyadeen AADAM & XAAWA,waxaa jirta in dad badan ay aamin sanyihiin inay ahayd (Ibliis ayaa intuu uyimid xaawa ayuu ku yidhi AAdam wuxuu kula guursaday xaaskale..........) yacnii inay ahayd Xaawa ta khaldantay ee kasoo saartay jannada & kuwo kale oobadan.

MArkaa walaalayaal waxaan idinka codsanayaa qofkii haya qisooyin Israa´iiliyaada oo diinta kudhexjira inaydun soo qortaan si dad badan oo aan aqooni uuga faa´iidaystaan arinkaas.

Umu salama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muusal Ashcari

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi.

salaan kadib haddii aan wax ka iraahdo mawduucaan waxaan filayaa inaysan yuhuudu wax kudari karin diinta maxaa yeelay diinteenu maahan shay wax lagu dari karo oo lasocda casriga sida gaaladu ay u adeegsadaan bibelka. maxaa yeelay Allah ayaa ilaalinaya diintiisa mar walbana waxaa jira dad utaagan.

hada kahor ayaan waxaan maqlay inay yuhuudu isku dayaan inay muslimiinta tushuush galiyaan waxayna daabeceen kitaabka qur'aanka meeshaas oo ay badaleen xuruufta qaarkood si micnihiina ubadalmo tusaale ahaan Aayad kamid ah "maa'ida" oo ilaahay kuleeyahay (wa lucinuu) oo yuhuuda lagu lacnadayo ayaguna ay ubadaleen (wa aamanuu) oo ay leeyihiin waa loo rumeeyay. ilaah mahadiis waxaa kahortagay dad muslimiin ah oo diinta yaqaana.

marka inta aan ogahay ma aanan arag wax diinta kusaabsan oo yuhuudu ay badaleen ama ay badali karaan.

dabcan waxaan uga hadlay mawduuca inaysan yuhuudu awoodin ama aysan awoodi karin badalka diinta.
tankale qof walba waajib ayaa kasaaran barashada diintiisa siyuu ukala saarto waxa diinta ah iyo wax yaabah shubahaadkaa oo lala wareegayo.

inta aanan kabixin mawduuca waxaan jeclaan lahaa inay walaasheen muujiso ama ay noosheegto wax yaalaha ay ogtahay oo dadka lagu marin habaabinayo

Asalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

KU: Muusal ashcari

walaal baarakallaahu viik, hadii aan kuu yara faahfaahiyo kama wadin in yuhuudi ay badashay diinteena oo taas awood uumaleh laakiin waxaan kawadaa waxaa jira waxyaabo badan oo ay ka dhaadhiciyeen dadka caamada´ah oo iskaba noqday wax maalinkastaba dhaca sida waxaa jirta in dumarka qaarkii khusuusan kuwa waa wayni ay dhahaan haweenaydu ma feedhan karto markay macduurkatahay maqubaysankarto iyo waxyaalo aad ubadan oo aanan halkaankusoo koobi karin & qaar aanan aqoonba.
waxaa jira xaga tafsiirka meelo tafsiir ahaan lakhalday oo israa´iiliyaada sida qisada ku jirta suuratu saafaad ee ah marka labada malag u yimaadeen nabiyullaahi daawuud(cs) inay dhaheen yuhuudu oo tafsiiro dhawra kutaala meesha nacja in Alle kawado dumar oo nabigu rabay inuu qaato isagu oo waxaasi wax kasuurooba maaha Nabbi Alle soodiray (tafsiirada dib uugu noqo qofkii raba inuu wax ka ogaado arinkaan).

markaa qofkii garanaya waxyaalo israa´iiliyaada hanoo soo gudbiyo sida say uugu ciyaareen xadaaradii islaamka ee hore (sida khaliifkii Haruun al rashiid i,w,m,)
wixii aan saxay Alle xagiisa ayey ka ahaatay wixii aan khaldayna naftayda & shaydaan.wallaahu aclaa wa aclam

umu salama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muusal Ashcari

Unrecorded Date
Asalaamu calayku m waraxmatulaahi.

salaanta islaamka kadib walaashayda islaamka ahay waxaan rabaa marka ugu horeysa inaan kuxasuusiyo Aayada waxay kujirtaa suuratu " saad" waxaana filayaa inay culimada tafsiirka kutakhasusay ama loo nisbeeyo sida ibnu kathiir iyo culimada lamid kaa oo layaqaanaba ay dadka kajaahil bixin doonaan .
qofkuna marka uu raacanayo tafsiir waxaa hada lahelayaa culima soomaliya oo waadixinaya sida cumar faaruuq oo kale iyo cukaasha, qofkii ilaah usahlay luuqada carabigana waa inuu sifiican uhubsadaa kitaabka uu akhrisanayo.

walaashay umu salama dadaalka meeshaada kawad oo dumarka aad garanaysid wixii aad dhaanto usheeg maxaa yeelay diinta qofwalba oo wax kayaqaana ayaa xil kasaaran yahay inuu sii fidiyo inta uu kayaqaan. marka dadaalkaaga meeshaada kawad oo hagaabinin.

Jazaakalaah

asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
FILINKA NAG DHAAFA QALADKASTA OO ANAGA SAMEENO AAN JECELNAHAY INAA DAD KALE KORKA KA SAARNO!
SOOMAALIDA GAALADAA ISKU DIREEN!
DIINTEENA GAALAA BADALESO!
BLA BLA BLA......!

HADAA ANAKA WAX NAHAY CID WAX NAGU SUUBIN KARTAA ISKA YAR ANAGAA WAXBANA EHEEN MANA RABNO INAA DHAHNO EBERKEENAA NAHAY!

WASALAAM,.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

To: LADAN

Walaaleey cid ka warantan FILIN ma jiraan, marka hadaad boorsomiindo la socotay markaad soo dhamaysatid inoo imooow sheekadan fahan. Soomaali hadey caqli ay gaalo isugu dirto hayso maanta wadankeeda U.N iyo xulufadeeda uma tashageen. Waa runtaa meesha cilmi laguma hayo laakiin waxaa ka xun in aad qof jaahilnimo ku sheegtid adigana waxba aadan ku dhaamin. I hope I didn't offend you my dear.

To: Umu salama, weyn Abu salama? Igu salaam haduu xaafad joogo...lol. Magacaaga waan jeclahay ee iga raali ahoow. Kaftanka ka dib,

Waa runtaa waxaa jira waxyaabo badan oo qisooyinka quraanka ay ku jiraan badankooduna ay mufasiriinta yiraahdaan waa ISRAA'IILIYAAN laakin ogow nabiga inuu na faray in aanan la rumeyn israa'iiliyaadka iyo inaanan la beenin. Labadaas waa muhiin ma rumeynaysid mana beeninaysid. Qisooyinka quraanka halkaan kuma soo koobi kari badankoodna israa'iiliyaad ayaa ku jira balse waxaan idin xusuusinayaa mid yar oo ay dadkeenu ogeyn in ay israa'iiliyaadka tahay. Taariikhda gaalada waxay ku sheegaan in xadaaradii ugu horeysay ee aheyd GREECE, EGEYPT ama afrikada kale. Bini'aadamkuna cilmi aysan aqoon, dhar aysan leheyn iyo quraafaad kale oo ay ka mid yihiin in dadka madoow ay daanyeer ka yimaadeen waxa kale waan aqbalnaa balse tan ugu dambeysa maskaxda ayaa diida oo ma rabno in la yiraahdo daanyeer ayaa ka soo farcanteen. Miyaadan ogeyn in Alle yiri bin'aadamka waxaan idin soo dajinay dhar aad ku asturtaan cowradiina iyo mid aad ku xaragootaan. Miyeydaan ogeyn in Nabi aadam uu ahaa CAALIM weyn oo xataa malaa'igta ka cilmi badiyay. Wuxuu ahaa nabi la soo diray Allena baray waxaan ka badbeeyay anbiyo la mid ah waxayna isugu xigeen sidan, Adam, Idris, Nuux, & Huud etc. Waxa iskoolada nalagu baray waa israa'iiliyaad ay qoreen gaalo iyo gargaarihiisa. Waxaa intaas ka daran marka laga hadlayo culumada science-ga waxaa ugu horeeyay xaga buugaagta ay gaalada qoreen ARISTATOLE, ALBERT EISTEEN, etc. Aawaye anbiyadii Alle, Muxamed sow ma aheen kii yiri afurka ugu hormari timir ama biyo, hada ayey gaalada ogaatay oo ay ku doodaan waxaan yaa baray ma biologist ayuu ahaa. Taa ka soo tag, may sheegaan ninkii alifay xisaabta Al-gebrada ah iyo culumadii ku soo caan baxday waxyaalah kale ee scienciga ah. Ogaada in idinka iyo culumadiina la rabin.

To: muusal Ashcari
Waa runtaa yahuudin ma badali karto diinta Islaamka laakiin iyaguna dadaalkooda ma ka quus qaataan. Ilahey ayaa balan qaaday inuu ilaalinayo wuxuu doono ama wadaduu rabo ha ku waardiyeeyo. Waxaa dhacday in ay jirtay madbacad kitaabka quraanka qori jirtay oo aan u maleynayo inay ku taalay Bayruut, lebnaan, yahuud ayaa isku dayday inay far galiyaan waxayna ka badaleen aayayd ku jirta suuratul-ali-cimraan oo leh "WAMAN YABTAQI QEYRAL ISLAAMI DIINAN FALAN YUQBALA MINHU" waxay meesha ka saareen erayga QEYRA micnihiina wuu is badalay laakiin Alle ayaa rag u joojiyay madbacadiina iridaha ayaa loo xiray mudo gaaban gudaheed. Alla mahada leh ilaaliyay diintiisa iyo dadkiisa asaga khaaska u ah. Waxaa u maleynayaa inay sheekadaan dhacday 80s sideetameeyadii gudaheed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

AKHII MUSLIM BAARAKALLAAHU VIIK XATAL AAN MAA VII ABU SALAMA LAAKIIN IINSHA ALLAAH SAYAKUUN ABU SALAMA BIKHAYR.

arinka kale waxaan ka codsanayaa walaalaha islaamku inay noo soo gudbiyaan wixii Israa´iiliyaada ee ay hayaan.wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum ALL!

Umu Salama,

ya uqtii muslimah---ye sab kya hai? was it not you---qofka lahaa yaan luuqad kale lagu hadlin? Tum hara sab acha nahin hai...`Oy vey! Gannan giedel...umbaan ahay(waan ogahay)...but your way is not good! Lima taquuluuna maa laa tafcaluun?...and don't tell me--Arabic hai hamara aqirah..language!


Intaas kadib,

Israeliyiintu waa dad qurun ah---Alle bay diintiisa ku cayaareen...marka hadii aad rabtid inaad baratid ayaga---aqri buugaagta ay AYAGU qoraan; sababtoo ah...qurunkooda qurun uma arkaan!

Fadlan, walaashiis, iga gudoon---waxa aan kor ku qoray...inaanan u qorin inaan adiga kugu wax yeeleeyo---balse inaan ku tuso...luuqad wax ba ma`aha---hadii wax wanaagsan lagu isticmaalo. Luuqada ingiriiska waxay Muslimisaa kumaan kun...maalin walba---hadii dadka iska lahaa ay gaalo ahaayeen...taas macnaheedu ma`aha...luuqada laftirkeeda baa gaalo ah!

Cafi Alle iyo masaabax...wixii qalad ah oo iga kaa raacay!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!*>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
MUSLIM?!!
WAA KA XUMAHAY MAGACAA ISTICMAALEESID IYO SIDAA U HADLEESID. MUSLIM WAA QOFKII CAGTIISA IYO CARABKIISA AMAAN LAGA HELO.

TAN KALE WAX KASTA OO RAELITY KA FOG FILIN WAAYE.
SAASNA WAAYE WAXEE QAAR BADAN UGA HADLAAN WAXAA MEESHA OOLIN.

DADKII NAGA FIICNAA QOFKASTA WUXUU ISLAAMKA U QABAN KARO UU U QABA JIRAY ANAKANA AFKA LEY NOOGA HARTAY.ADAA KU WEEYDIIYEE MAXAA ISLAAMKA U QABATAA INAA AFKAARAHAAGA KU DIFAACDID MAAHEE?!!!

DIINTAAN 1500-SANO MARYOOLEEY MA SOO DIFAACEEN DAD HADEE YIHIINA 10 SADO MA ISQALANLEHEEN AYAGOO DIINTA ILAHAY SHEEGANAAYO, WADAAD IYO QABIILIISTENA BERI KAMA AHA.

WASALAAM....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

KU: Axmed

horta waad fiican tahay inaad i baraarujisay laakiin anigu markaan ku lahaa luqadaada ku hadal
uugama jeedin inaadan kalmadna aadan ku qorin af kale laakiin mawaadiicdaada oo idili waa ingiriisi
oo taas umadii oo idil ayaad shaki uugu abuurtay luqadaan aad diidan tahayna waa luqadii islaamka oo qofaan aqoon luqadaan diintaba ma baran karo oo khasab ayeyku tahay qofkasta oo Islaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum!

Ummu Salama,

Walaashiis, muxuu ingiriis dad shaki ugu abuurayaa?

Abaayo, aniga luuqadna ma diidni---luuqad kasta waa ila caadi(hadii dadka aad kula hadlayso---ay garanayaan!)

Wixii carabi jirey buug(xataa Qur`aanka!) maanta asagoo af-ingiriis ah buu jiraa(sababtoo ah---dadka ingiriiska ku hadla baa badan aduunka!) Laakiin, sideeda, luuqada Carabigu waa luuqad qaali ah; oo qoto dheer iyo lahjuud wanaagsan leh; cid diidaysa umalayn maayo inay jirto! Aniga waxaan taas kuugu sheegayay(inaan ku xasuusiyo...inaysan af-somali ahayn!)


Wasalama Calaykum;

Ahmad!*>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ff

Unrecorded Date
To umu salama

salaamu alayku walaal

waxaa muhiima maadaama aynu somalidu nahay dadmuslim ah oo suni ah 100% ninkan shaydaanku qaaatay ee shiiciga ah aan lala hadlin hadaladiisana layska dhegooleeyo iyo wuxuu aaminsanyahay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.