site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAAN SAMEEYAA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAXAAN SAMEEYAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SALAAN

Unrecorded Date
WAXAAN AHAY NIN DHALIN YARO AH OO JOOGA MAGAALADA LONDON. WAXAAN DOONAYAA IN DHAMAAN DADKA MUSLIMIINTA AH AAN WAYDIIYO WIXII TALO AH EE AY ISIIN KARAAN.

WAAN SOO GAABINAYAA SU AASHAYDA.
WAXAA AAD U BADNAYD HABLAHA AAN LA SINAYSTAY. HADABA MAALIN DHAWAYD AYAAN WAXAAN DAMCAY INAAN ISKA JOOJIYO ARINTAA OO AAN GUURSADO.
WAXAA MARKAA AAN DOONAY. MARKAA INANTII MARKAAN IS ARAGNAY EE AAN SHEEKADI DHAMEESANAY AYAAN MEHIRIYAY.
HADABA WAXAA DHACDAY IN GABADHA WALAASHEED OO AAN HORE U ARAG AY NOQOTAY HABLIHII AAN LA SAAXIIBKA AHAAN JIRAY.
MARKAA MA GARANAYO WAX AAN SAMEEYO WAAYO GABADHII WAY NOO TIMAADAA ANA MARKAAN ARKO WAXAY I XASUUSISAA SHEEKOOYINKI HORE. MAXAN SAMEEYAA WALAALAYAAL. MA DOONAYO INAAN XAASKAYGA U SHEEGO. OO AAN KALATAGNO. GABADHAN HADAAN SII WADA JOOGNO WAXAA LAGA YAABAA IN AY DANBI DHAGA DHEX DHACO OO AAD BBABN TAAS UGU DHOW NAHAY
MARKAA ILA TALIYA!!!!! UMADEEY.
GABADHAYDA WAAN JECLAHAY GABADHAN KALENA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaama caleykum

Ku …

Walaal marka hore ma fiicna qofka haddii uu dambi galay in uu wuxuu falay magacaabaa ama ka sheekeeyaa. Illaah swt waa Qafuuru Raxiim, waa Kii ka aqbala adoomahiisa dunuubta aay sameeyaan markii aay soo noqdaan oo aay ka toobad keenan. Markaa ma fiicna in dembiyo laga yaabo in Rabigaa kuu dhaafay haddana soo celiso oo soo nooleyso ama ka sheekeyso. Waxaa fiican in aad ka dhowrsatid sheegsheegidooda markasta oo aad xasuusatidna Alle (swt) cafis weeydiisatid.

Walaal waxakan aad u aragtid mushkilad ma ahan mushkilad ama dhibaato ee ADIGA ayaa u arkay in aay dhibaato tahay amaba adiga ayaa dhibaato kadhigaya.

Haddii aad ka toobad keentay dambigaas, dhabna aay kaa tahay ka toobad keenkiisa dhib ayeey kugu noqonaysaa in aad dib ugu noqotid wixii xumaa ee aad suubin jirtey, quluubtaadana kuu ogolaan meeyso in aad suubisid. Qofkii is dhowra Allaah wuu dhhowraa.

Qofka iimanka xooga leh, dhowrsoon Sheydaan waxba ma ka qaadi karo.

Naagta intaad iska illaalin karto iska illaali, Allena bari inuu kaa xijaabo sharteeda. Gabadhana haddii aad ka dareentid damac & doonis toos ugu sheeg oo ku dheh: "Walaaleey Illaahaga ka baq, aynu is amaan gelino, reerkaygana (iyo guriga walaashaaba) ha duminin", jiljileec & dhoola cadeyn & rajo midna ha tusin. Meel adagna ka istaag waa akhir way samri.

Wax walbana adiga & halka aad iska taagtid ayeey ku xiranyihiin.

Wasalamu Caleykum
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam

Unrecorded Date
Asslaamu caleykum

Walaal waa sidaa uu kuu sheegay walaalkeen ansaari, waxaanse ku kordhinlahaa in haddii ay suurtagal kuu tahay aad ka guurtid ama ka fogaatid meesha ay gabadhaasi joogto, haddii ayna suurtagal aheyna aad isku daydid in aydaan isku kaliyeysan ama aad ku talaxtagtid eegmadeeda marka ay agtaada joogto, xusuusnow in dumarka aaney jirin fidno ka weyni.


Rabbi ha ina hadeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymz

Unrecorded Date
Fikrada ah fidno iyo dumarka in aay yihiin fidno waydayaal waa sheekoyinkaa ee ku adeegtaan raaga aan iska adkeen.
Ladies,don't support this faulty perception of women. Ninkaan sheekada wata intuu sinaaystay buu haddanay rabaa in lagala taliyo "how he is afraid to control himself??"
Markaa sheekada waxay isku badashay...wixii xunba Xaawo leh miyaa? marka dembiga oo dhan naagta korka ha laga saaro; Ileen ninka raag ah daciifnimadiisa lagama hadali kare!!
God, how I hate double standards!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xajiyo

Unrecorded Date
walaalkiis marka ugu horeso waad salamantahay waxan ku waydinlaha inta adan guursan gabadha madan ogeen in hablaha walaalo ahayeen marka labadne hadii qufka uu qalidkiisa qirto wax kawanagsan majirto ee ilaahay ayan kaga in uu gurkas u kuu wanajiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIRAGAH

Unrecorded Date
Dumar waa shaydaan ee iska ilaali, waxbana naagtaada ha u sheegin, Walaasheedna dhamac ka shid oo isku wad labadoodaba iyo wixii kuu soo raacaba sow iyadu kuma rabto maxaa kaa galay," what have you got to lose brother" you kill one stone with two birds right? so go for it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymz

Unrecorded Date
Niragah, ilko sare ma leedahay??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
wr bnnago wasmo ayaa loo sameeyee nacasyhaoow halkaa kawad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
war naago wasmo ayaa loo sameeyee nacasyhaoow halkaa kawad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatima

Unrecorded Date
to: anonymous.

skaff deg liv.
ayaan daranaa ta rabbi ama kuu geeyey ama kuu geyn doonaa. allaah haku hanuuniyo oo macaanka nolosha ha ku fahansiiyo. maaha nolol habeenba mid aan sharci kuu baneyn ka ag toose. hadii aanad ka noqon waxaad xoogeyneyso, wallee aakhirana NAAR baa ku leh, ifkana cudur baa rabbi kugu ridi AYDISKU hawgu fududaadee.

To:salaan.
walalo ha ka quusan naxariista ilaahay, ilaahay danbiyada dhamaantood wuu dhaafaa, wixii aan ka ahayn shirki.
tan gurigaaga iyo gabadha aad dumaashiyaha noqoteen miyaa?. Talada gurigagu adey ku saaran tahay cidii ad u ogolaato ayuunbaana soo geli karta. hadiise aanad iney guriga soo gasho u diidi kareyn, ixtiraam aad gabadhaada ixtiraameyso awgeed, ka bax guriga markey soo gasho oo iska ilaali inaad meelba la joogto shaydaamada. hana kaa muuqato inaad wanaagsanaatey oo nin goosasho leh noqo. caadeyso inaad quraanka dhageysato markaad cidhiidhyooto.
allah ha kuu gargaaro "aamiin, aamiin, aamiin".
wabilaahi tawfiiq.
wasalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh.

ilaahoow noo naxariiso oo na hanuuni.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaan

Unrecorded Date
To ansari, fatima, SamSam
waad ku mahadsantahiin taladiina fiicnayd, ilaahayna waxaan ka baryayaa inaan noqdo mdi marwalba cabsida ale aanay ka maqnaan,
Taldiiniin waan qaatay?
your brother salaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
ANNONYM.
WAXAA TAHAYAA SHEEGTAY OGOW LAAKIIN ILAAHAY AGTIISA ANNONYM INUU JIRIN, OO UU KU ARKAAYO JEEGA DHEERIHII KU SHUKRIN WAAYEY INAA TAHAY.

JAAAAW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wagax

Unrecorded Date
Salaan.


Shukuloow lee adi intaan kaa soo rebay haye. Shukuloowga badan waa lagu rifmaaye iska yaree...weeydii "Experyada" Ladan.

Taladii aan ku siin lahaa waxaa ku siiyay Ansaari, fatima and Co.

Soo barya hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
dumoroow ma wax khaladaan idhi hadaan idin idhi wasmaa dumarka loo sameeyay? think twice and hard before you answer? maxaa la idiin sameeyay hadaad dumar tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Wagax or Manaxdo?!!!!!!!!!!!!!!!!
Waxaa tahayaa sheegtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wagax

Unrecorded Date
ladan wax ku jilciya ma rabtaa adigu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wagax

Unrecorded Date
Dadoow ogaada !

Fariinta fariintaan ka koraysa ee uu qorar ninka magacayga xaday " Wagax" ayaan rabaa in aan dhalinta meesha usheego in aanan qorin fariintaa kore, wuxuuna qoray " Ladan wax ku jilciya ma rabtaa adigu".

Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaladaan

Unrecorded Date
waar yaahee raaxadii aduunka ayaad heshay ee maxad rabtaa, my advice to you is get married to both womens and that solves the problem.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaaykun waraxmatulaahi wabarakaatu,

to salaan,
walaal horta sida wanagsan ee ay kula taliyeen walaalkeen ansaari iyo inta tala fiican ku siisay raac ilaahayna cabsidiisa daaiman ku dadaal ilaahay subxaanuhu wa tacaala waxa uu yiri qofkii ilaahay la doono hanunin wax dhumin kara ma jiraan kii uu la doono dhumidna wax hadaynkaraa ma jiraan marka walal ilaahay iimanka ha ku siyaadiyo hadalkana afkaaga yaan laga maqlin mar danbe
dumashidaana ilaahay ha soo hanuniyo iyadana oo ha tuso xunaantii ay gashay midna ogow walaal waxyaabaha lagu aqbalo toobada ilaahay waxaa ka mid ah in uu qofku marka uu xasuusto xunaantii uu sameeyeyba uu ka shalaayo goostona in aanu dib ugu noqonin marka walaal ilaahay talo saaro oo ilaahay ha ku xifdiyo aamiin aamiin aamiin.

to, qaldaan

walaal horta ilaahay haku hanuuniyo hana ku tuso xumaanta aad ku hadlayo aduunkana laguma waaro ee waa meel aad ku tahay marti kana socoto marka waxaan kugula talin lahaa in aad ilaahay u noqoto oo u toobad keento ogowna hadii aadk u noolaato aduunka 1000 sano oo aadan waligaa arag ilsaxarkeed oo dhibaato ah marka aad aragto yoom al qiyaamaha waxay kula noqon kana in aadan waligaa nicmo arag waxaadna ka shalaayi waqtigaad dhumisay cumriga iyo caafimaadkaba wa layswaydiin marka ka faaidayso inta aadan intaasba waayin wa iga talo walaal mida kale miyaadan ogayn in aan laysla gursan karin laba gabdhood oo walaalo ah subxaana alaah waxay u egtahay mid aan arag meel lagu hayo diin in aad tahay.

To, Anonymous

walaal kuwa aad saas leedahay waxaa ku jirta hooyadaa iyo walaasha iyo inta soo racda marka ceeb waxaas oo kale in aad ku hadasho ee xishood (al xayaa minal diin ) mida kale maad taline nacasnimona waxay ku dhantahay qofkii sidaada oo kale u fakara aduun iyo aakhiro seektan ayu ku sugan yahay.

wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatu

ilaahay ha inoo danbi dhaafo oo ha ina hanuuniyo jamiic.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.