site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

A dalaaq, maxaa inoogu wacan.!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): A dalaaq, maxaa inoogu wacan.!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

A dalaaq abqadu xalaalan cindallaah.

inagoo wada og maanta inay saastahay ayeynu hadana bilcakiskiisa samaynaa oo aabad moodaa inaynu gaaladii kabadinay xaga furitaanka.
markaa waxaan leeyahay Ragiiyoow waxaad noqoteen dumarkii oo kale, oo hadii aydun helaysaan maanta waxaydun furi lahaydeen dumarkiina inkabadan 10jeer maalintiiye, Itaqullaaha waalaydin waydiin dumarkiina & ubadkiinaan laba dhexeeyaha kudhimanaya oo is waydiiya muxuu Alle (swt)idiinku dhiibay dalaaqa,ma inaydun suu Alle(swt) idin amray uhaysaan mise inaydun dhahdaan markahore (UKHTIYEEY NAFTAA KU JECLAATAY ) markaydun caruur ku rarteena oo aydun mustawbal tirteena inaad dhah daan (UKHTIYEEY NAFTAA KU NACDAYE HOO DALAAQDAADII)xageey kaga jirtaa diinta Alle(swt) xageeyse kaga jirtaa Sunaha Rasuulka (scw).

dadka Ehlu diinkoow kasoo jawaaba arinkaan.

wallaahu waliyul tawfiiq.

balqiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
T0.BALQIIS.
Assalaama calaykum.
marka hore xadiiska aad mas'aladaada ku dhistay culuma badan ayaa ku sheegtay daciif, kuguma diidani in ay xuntahay inbilaa micno loorido dalaaqa ama ladayaco dumarka iyo caruurta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

To: Balqiis

Walaal aad baad ugu mahadsantahay sida aad carabka ugu dhufatey furitaanka batey, eeda cid lehba iska daayoo.

Furitaanku waxaad modaa ayaamahan danbe in uu aad ugu badatey guud ahaan bulsahadeena gaar ahaana wadaadada, sababo badan ayaa arrintaa loo eedeeyaa balse hadalkii aad tidhi ee ahaa in nimaku ay la fududaatey dalqad ku dhawaaqidii waana ta dumisey reero badan, waa arrin xaqiiq ah oo marka ay gabdhaha reeraha ka guursanayaana way ku degdegaan oo jiif iyo joogba diidaan marka ay furayaana waxba lama aha oo tusaale ahaan qaarbaa sadexda dalqadood laba maalmood ku dhameeya xitaa kama fakeraan carruurtooda.

Intaa waxaa dheer in marka ay dalqadaha iska daba yeediyaana qoomamooda mudo kadib oo dib qiil aan jirin u raadraadiya.

Rabboow na cafi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sista

Unrecorded Date
Bilqiis, arrinta aad tiri haweenka ayaa la mustaqbal tiiri kuguma raacsani. Qofkii aan mustaqbalkiis asagka aana masuul kiiss qaadiin cid kale laguma eedeyn karo. If women are not ambition, rush in marriage and don't put effort in either education or marketable skills, is that the fault of the husband or future husband???
There are no grauntees in life. I don't think men will change unless it is in their interest, so women have to ensure their independence and not relie on men.

Warkii oo kooban waxaan oran lahaa yaan la eedeyn raaga. Teeda kale markii ay naagaha arkaan ninka inuu lab caruur ah si fiicaan oo la koorinin, maxay shan iyo lix uugu dhalaan???????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Unrecorded Date
Bilqiis,walaalo waad mahadsantay oo runta ayad shaygtay wadakaan an jogno ad ayu ugu badan yahay furinkii oo hablaheeni yar yaraa waxay noqdayn jamekankii ookale oo midaa aragto hal iyo labo caruur ayey jedaysaa oo ay ninkii kalatagen ad ayaan oga xumahay dhibaatada jirto hada midna qaladka saari maayo labada quf oo guriga wada jooga col mahan hishiisna lakiin in leesku samro ayaa wanagsan oo olaada la wada kursodo aya wanagsan waa iga talo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.

KU:Anonymous.

walaal markaad leedahay xadiisku waa daciif waxaa wanaagsan inaad latimaado daliil cad oo ina tusaya arinkaas ee xadiiskaan dib uugu noqo.

SAMSAM,SISTA& LUUL
Baarakallaahu viikum halkaana kasii wada runta hana laŽisa soo cafiyo wixii aynu khaladnana Alle(swt) haŽinoo danbi dhaafo biŽidnihii tacaalaa

wallaahu mustacaan.

Balqiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to.balqiis.
asalama calykum.
walaal xadiisku waa daciif hadase meel maraajic islaami ah laga helo laakiin waan kuusoo sheegi doonaa in sha'allahu mawlaa, midakale ma fahmikartaa ABQADUL XALAAL illahayna waanecebyahay waana xalaal.
midakale dalaaqu way shay mubaax ah mararka qaadkoodna asagaaba xal noqda alle wuxuu yiri (WA'IN YATAFARAQAA YUQNILLAHU KULLAN MINSACATIHI),
midakale indalaaqu kubadan yahay wadaada waan kugu diidan yahay marka loofiiriyo soomalida kale laakiin dadka kale ishuqaban mayso dadkuna wadaada waxay uhaystaan malaa'ig. arintaasna waa dacaayadaha laga faafiyo wadaada waxaa laga yaabaa in aad wadaad tahay hadana aad faafinayso dacaayad aadan ogayn meesha aykasoo bilaabatay take care!.
diinta aslaamku way karaamaysay dumarka iyo xaasaskaba wadaaduna waa kuwa ugu dhow arintaas macsuumiina ma'ahan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

as-salafi

Unrecorded Date
INAL XAMDA LILAAHI TACAALA NAXMADUH WANASTACIINU BIHI WANAS TAQFIRUH.........asalamu calaikum salaan kadib walaal balqiis xadiisku waa daciif sada ay walaaladay horay kuu sheegeen adiguna cadayn unbaad waydiisay e wax dhib ah maad samayn hadaan usoo gudubno xadiiska
iyo caciif nimadiisa xadiiska waxaa daciifiyay muxadis keena wayn sheekh naasirudiin al-albaani
wuxuuna kudaciifiyay kitaabkiisa layidhaa QAAYATULMARAAM SAFXADA 128 AMA FIIRI KITAABKIISA KALE EE LAYIDHAA IRWAAUL QALIIL FIIRI 2040

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

as-salafi

Unrecorded Date
INAL XAMDA LILAAHI TACAALA NAXMADUH WANASTACIINU BIHI WANAS TAQFIRUH.........asalamu calaikum salaan kadib walaal balqiis xadiisku waa daciif sada ay walaaladay horay kuu sheegeen adiguna cadayn unbaad waydiisay e wax dhib ah maad samayn hadaan usoo gudubno xadiiska
iyo caciif nimadiisa xadiiska waxaa daciifiyay muxadis keena wayn sheekh naasirudiin al-albaani raximahulaah
wuxuuna kudaciifiyay kitaabkiisa layidhaa QAAYATULMARAAM SAFXADA 128 AMA FIIRI KITAABKIISA KALE EE LAYIDHAA IRWAAUL QALIIL FIIRI 2040
tankale waxaan kaaga nasteexaynaya hadalada aad ku hadashay waa

hadalo lagu yaqaan rag mubta dica ah sida waxay yidhaahaan wadaadadu walaaleey naftuna way kunacday naskuna wuu kufuray
marka mar walba kafiirso cida aad muxaadaraad kooda dhagay sanayso marag salaf ah baa mise waa kuwo kaleex day wadadii salafka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Balqiis

Unrecorded Date
Asalaamu calykum

KU:Anonymous & as salafi

Marka hore baarakallaahu viikum
marba hadii uu daciifiyey xadiiskaan SH Albaani (raximahullaah) anigu waxba kasii daba dhihi maayo hadii aan ku gafay inaan cinwaan kadhigayŽna Rabbi ayaan istiqfaar waydiisanayaa.laakiin anigu markaan ka hadlayey dalaaqa wadaadada kaliya kama wadin laakiin umada oo dhan ayaan kawaday,
miyaad igu diidan tihiin inuu dalaaqii noqday wax si sahlan loo tuuro oo caruuro badan ay gaaladii ku qaadatay arinkaan dartii oo anaa shaahida inaan arkay dad arinkaan dartii looga qaatay caruurtoodii ee ragoow Alle uuga baqa dumarkiina.
qiil raadis kana iska daaya oo marka hore kafiirsada.

Balqiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

usaama75

Unrecorded Date
asalaamu caleykum salaan kadib xadiithku waa daciif oo shaki kuma jiro waxaana daciifiyay al albaani alla ha u naxariistee waxaa kaloo mursal ku xukumay iimmaamu daaraqudni wa immaamu abuu xaatim wa immaamu al bayhaqi waxaadna karaadin akrtaan subula salaamka waxa kaloo daciifiyay sheekheena soomaaliyeed ee sheekh shariif cabdinuur subula salaamka sharaxa buluuqul maraam lilxaafid ibnu xajar al casqalaani markaa walaal kheyr alle hakusiiyo marhadaad kahadhay ajarna allaah hakuugu badalo kheyr jacaylka kheyr jacayl uunbay kaa ahayd asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMIIRA

Unrecorded Date
to:BILQIS
WAA RUNTAA FURI TANKII BAA BATAY ANIGABA NINKAYGA WAXAN IS GURSANAY ANOO JIRA 22 ISGAN 24 MAALIN SATA DAGAAL BAY NOO AHAYD MARKAAN WALACAYNA DAGALKII BAA BA SII BATAY OO QOFKA MARKAY URKA LEEDAHAY WAA IN LOO SAMRO ISGAN CAQLI MALAHAYNOO WUU ISKU KAY SOO TAGI JIRAY MARKII DANBANA WAXAYBA NOQOTAY INAAN POLICE UGU WACO AQIRNA WAAN KALA TAGNAY SABABTOO AH MALIN KASTA MARKAN IS DILNO HAL DALQAD LEE TAGAYSA MARKAA XALAL BA MA ISKU QABNEE NOW AM HAPPY WAANA KA RAYSTAY DHIBATADISA HALKAYGA ILMANA SI FIICAN WAAN U KORSAY LAKIN WAXAN IDIN SHEGAA NIMANKA SOOMALIYEED INAY MASUUL NOQON KARIN INTOODA BADAN.

BASHIIR ALI FARAH

Unrecorded Date
asalaamu calaykum walayaaal dhamaatiin ilaahayna ajar ha idinka siiyo.

walalayaal waxaa batay dalaaqdii laakiin waa in lays weydiiyaa maxaa keenay dalaaqda? maxaase xalu ah? waa in lays weydiiyaa arinkaas waa laga maarmaan sababtoo ah waxaa ayaamahaan ku soo batay wadama qurbaha furiinka oo weliba gaalada la dhaafi rabo waxbaana keenay furiinka ninka ma iska furo xaaskiisa ilaa waxa uu ku furaayo uu ku arko haduusan asaga aheen aloow sahal marka aan isweydiinee xalku waa maxay?

salaamu laahi calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
WAXAA U MALEENAA SABABAAHA FURIINKA KEENO INEE KA MID TAHAY DADKA OO KA FIIRSAN QOFKEE GUURSANAAYAAN.
WAXAA ARKEESAA QOF GUUSANAAYO QOF EE LABO SITIMAAN IS YAQAANAAN!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaaaax

Unrecorded Date
Ladan.

Walaashiis waxaad ku xad gudubtay qodobka " Love with the first glance" dadkaas waxaa laga yaabaa in ay horay iska jeclaadaan, ayna raali isaga noqdaan labaduba in ay horay iska aroosaan jacayl daraadiis.

Wixii gadaal ka imaada, ilaahay baa qoray !.

Hadana hadaan ulaabto su'aasha ahayd maxaa kalifay dalaaqa badan.

Waxay Ila tahay fidno cindo geel in ay tahay xoogaaga yarka ah ee gaaladu darbiyada ku soo rideen. Tan labaadna waa dumarkii oo dhaqdhaqaaq sameeyey...iyakoo ku andacoonaya in ay la meel noqdaan ragga ! taasna weey ku qaldan yihiin 100%.

Ilaahayba ma simine ma gaalo xun-xun baa simi karta. MAYA. Taas yaanan loo qaadan in aan dumarka ka soo horjeedo amaba horu mar u ogoleen. Waxay ku xiran tahay hadba sida ay isku fahmaan 2 qof ee isqaba. Waxaa lakala mudan yahay xishood & isqadarin. Qof walbana hoowshiisa waa la yaqaan.

Wabilaahi towfii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdulqaadir

Unrecorded Date
By:Cabdulqaadir on thursday
salaamullahi calaykum
Waxaan filayaa in kala taga faraha badan ay ugu
wacantahay, iyadoo laga tagay xaqii iyo waajibkii
la isku lahaa amaba aan la aqoon. tan kale waxaa wanagsan in la isku sabro xitaa hadii uu jacaylku
dhamaado, oo aan caruurta la dayacin.waxaad ogaataan in aabaha uu masuul ka yahay reerkiisa lana weydiin doona masuuliyadaas.ogaadana in lagu nool yahay dhul gaaleed oo qofkii eebe ka badbaadiyo uu ka ka nabad galayo kii kalena uu dhib qarka u saaran yahay, maxaad u malaynaysaa caruur waalidkooda kala tageen oo dhul gaalo ku nool.eebe hanaga badbaadiyo sharka gaalada xaqana hana garansiiyo.
wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaalid

Unrecorded Date
Bismillahi Raxmaani Rahiim;
Wax yar haddii aan ku daro arrinkii Bashiir, waxaad moodaa in sartu halka ay ka quruntay ay tahay nimankii iyo naagihii oo is maan dhaafay. Ninkii oo raadinaaya ixtiraamkii uu ku haystay waddankii oo kale waaguu ahaa "The only bread winner, Leader, Role Model" iyo haweeneydii oo intey xoogaagii yaraa ee welfeerka ahaa kala soo baxdo boostada aan ninkaba waxba u ogeyn. Waayo waagii hore waxay ku ahayd "Dependent" haddase waxay isu haysataa iney xorowday. Haddaba halka la iska gaaray waa "Xorriyaddaas"

Xaqa Allaha na waafajiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabarsomaliah

Unrecorded Date
aslaama caleykum

ku khaalid
walaal waligood raggeena mas'uuliyada ilaahay saaray sifiican wax ugutaa waa yar yihiin. kuwa miyiga joogga somaalia waxay oranjireen :SOO BAX WAA KU FURAY.iyadoo rabtaa ninkeeda iyo gurigeeda ayeey waxay qabsan jirtay udub dhexaadka aqalka. kuwa magaalada joogga waxay dhahaan SOO BAX XAFIISKA FURIINKA AAN KU GEEYE.markaas ayee is maweelinaysaa ay alaab meel taal ay qaarna dhaqeeysaa qaaran leefleefeysaa markaa uu dhahayaa SOO BAX BAANULEENAHAY MARKAASAY SACABKA LEEFEYSAA.alaa ilaahay xaliimsanaa.markaas ma walfer bey haysteen waxaan se ku weydiinayaa markasta yuu ilaay mas'uulka dhigay? adinkaa qawaamadiinii dayacay dal iyo dibadba

waa walaashiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoryaweyne-warqabte

Unrecorded Date
TO:gabarsomaliah
Abaayo calool xumo ayaa igu dishay waana ka qiirooday warkaada markaad ka sheekaysay naagta la soo furi rabo ee saxuunta ku madadaalaneyso ee lagu leeyahay SOO BAXBEYNU LEENNAHAY MARKAASAY SACABKA LEEFEYSAA, laakiin waxaan layaabanay waxa xumaanta keliya ku tusay illeen waxaa layiri il wanaagsani iin ma aragto,e balse sow ma habboona in Arrinta labada dhinac laga fiiriyo maadaama uusan ninku marwalba sabab u noqon karin sababaha furriinku ku yimaado,
Anigu waxaan qabaa furriinka isa soo taraya maalmahaan waa mid sababtiisa la wadaago

tan labaad waxaa tiri"rageenna mas,uuliyadda ilaaheey saaray si fiican wax u gutaa wey yaryihiin" mawaxaa ula jeeddaa haweenka ayaa guta wax kasta ee xaq ah uu ninku ku leeyahay
bal taas iiga soo jawaab walaasheeyeey

waxaana ogaataa in baadiyuhu yahay meesha ugu furriin yar waddanka uguna dhaqan iyo aqlaaq wanaagsan marka lagu dhereriyo dadka ku nool magaalooyinka, reer baadiyuhuna waxay ku maahmaahaan" guri seddaxbaa lagu dhaqaa, XOG OGAAL, XAN LA,AAN, IYO XIL KASNIMO.
sidaas ayeyna ku salaysneyd nolosha qoyska soomaaliga ah laakiin dhaqan wanaaggaas sooyaalka ah waxaa dhabjiyey dadki ku soo yaacay yurub ee dhaqan-wareeggu ku dhacay,eeddana waa loo siman yahay waxaana ugu badan dadka diinta ka fog ama aanan aqoon fiican u lahayn guurka iyo xigmadda ka dambeysaba.
Abaayo Iga raalli noqo haddaa qalad ka fahanto

TO:BALQIIS
marka ugu horreysa waad salaamantahay marka xigana ma garanayo in magacaadu yahay magac rageed iyo magac dummar toona sababtoo ah waligeey ma maqal, waxaana ka xumaaday aflagaadada aad u geysatay ragga soomaaliyeed markaa tiri"raggiiyow waxaa noqoteen dummarkii oo kale" waxaana is burinaya warkaada oo rag aad dumar oo kale ku sheegtay ayaad hadana ku
leedahay dumarkiinna iyo ubadkiinna hadaba siduu nin dumarka oo kale ah ku yeelan karaa naag iyo caruur, warka ka fiirso, waxaa la yiri "war aan fiirsi loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo cabin feerahay wax yeelaan" yeysan dhibaato kaaga imaan dadka ku yaqaan,

Aflagaadadu waa ceeb ee wax halla kala faa ideysto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaama caleykum,walaalayaal guurka waa nimco rabi kugu deeqay ama talaaba wanaagsan ee bulshadana u caafimaada misna hadii si xun loo isticmaalo ay ka dhalaneyso waxyaalo aan u wanaagsaneyn gabadha iyo wiilkaba.
hadii labada ruux ee wada dhaqmaya ay is fahmaan waa wax dan u ah iyaga iyo awlaada rabi ka beero hadey ka fursan waayaana oy dhib iyo kuleyl reerki ama is fahmi waa badan dhex maro labada ruux wey kala fogaanayaan naceyb baa ka dhex dhalanaya dagaal saa'ida baa ka abuurmaya ilmihina waa u farxad la'aan markaa baa u haboon in ay waliba talaabooyin kale oo xal u ah ka hor mariyaan furiinka . Marka midna wax ma dayacin sidey ila tahay laakiin xag ale bey ka dhamaatey kala tagidooda markasta se waxaa wacan in ay diiniyan xaquuqda qofba qofka kale ku leeyahay barto jaceylkuna kuma xirna qof aad hore u taqaan iyo qof lagu siiyey .

ilaah ha ina wada toosiyo oo jid wacan ha inoo ifiyo een janada ku tagno aduunkana waa dhib badan yahay eh aan oga badbaadno,walaalaha muslimka ee is qaba isku dul qaata qofna qaladla'aan ma ahaanayo furiina waa wax aad u kulul.

haawo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasan

Unrecorded Date
To: Balqiis,

Salaamad dabadeed,

Walaal waan kaag mahad clinaynnaa sidaad usoo qortay arrintan wanaageeda.
Midda xigta, xaddiiska aad soo daliishatey waa daciif sida akhyaarta walaalladeenba horay kuugu sheegeen, culimada qaarnna ama kutubtuba waxay qoraysaa inuu qowl ama hadal yahay.Haddii aad doonayso faahfaahin intaas ka sii ballaadhan raadso, kutubta ka hadllaysa asaaniidda axaadiista ee ay leeyihiin shuyuukhda, Albaani Allaah ha unaxariistee iyo ardaygiisa oo hadda nool oo la yidhaahdo sheekh Muqbil Bin Haaddi Al waadici oo helu Yemen ah, dabadeed waad ka jaahil baxaysaa bi ithnihi tacaalaa.
Anigu xaas ayaan lahaa laba usbuuc ka hor habeen qudha ayaan wada seexannay laba sannadood iyo badhnna waan is qabnnay, waxaan wanaag dhaqaale iyo horummar ahaynna u maan gesyan iyadaana i weydiisatay waraaqdeedii, waan ogahay diintu waxay ka qabto waxay samaysay haddana lamaan yaabin oo waan is qancin weynay, markaas ayaan kala soconnay sidan ayaan aniguna hadda ku faraxsanahay iyaduna sidoo kale, waayo Ilaahay dhibaato ma abuurin aniguna mid i qancisa ayaan helayaa ayduna mid ay siday doonayso ay ka hesho, Ilaahayna wuxuu leeyahay " ... WA IN YA TAFARRAQAA YIQNI LLAAHU KULLAN MIN SACATIHI" oo macnaheedu yahay haddii ay kala tagaan mid walba Ilaahay ayaa waasacnnimadiisa ku deeqaya, markaa furnniinka in kastoo laga wanaagsanyahay, haddana waxaa loo sameeyey in labadii isku dhibaato mutaa kala howl yaraystaan.
Salaamad.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.