site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QOF WALBOOW WAA ADIGA IYO DADAALKAA--

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QOF WALBOOW WAA ADIGA IYO DADAALKAA--
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
awalan SALAAMU CALAYKUM WARAX MATU LAAHI WABARAKAATUH. DHAAN MUSLIMIINTA MEELKASTAA OOY JOOGAAN. wamaa min taw fiiqii ilaa bilaah calayhi tawakaltu wa ilayhi uniib.

waxiin ku gafo naftayda iyo shaydaan bay aatay waxii aan saxana allaa i halee shiiyay oon mahad balaaran uga celinayaa.

mawduucan axaadiista iyo aayadaha ku soo arooray way fara badan yihiin balse qulasada ayaan soo qaadan doonaa insha alaah
waxuu alle kor ahaaye yiri xus magaca rabigaa xagiisana go'id u go. muzamil ayada <8>


waxuu kaloo alle yiri kor ahaaye--
kuwa u dadaalaya samaha waxaan hubaashii ku hanuu nianaynaa jidkayga allena waxuu la jiraa sama falayaasha. <al- can kabuut> ayada 68

waxuu alle yiri oo kalle rabigaa caabud jeer ay yaqiintu(geeridu) kuu iman ka hor"<<al-xijir-99

waxii aad alle dartii ula baxdaan oo khayr ah alle agtii baad ka helaysaan isagoo sii wayn siina qayr badan << muzamil--20>

ibn cabaas allaha ka raali noqdee waxuu yiri waxaan maqlay rasuulkoo dhahaya dad badan baa ku hodan oon waxba ka faa'iidin labada nimco ee kala ah caafimaad qabka iyo kansho(fursad) haysashada markaas baynan u caabudayn alle sida ugu badan ee waajibka ah inay u'caabudaan
(bukhaari)

abuuhurayra(akr) waxuu isna leeyahay nabiga(csw) waxuu yiri alle waxuu in badan jecel yahay mu'minka adag oo ka jecel yahay kan jilic san midkood walabaana waa'uu fiican yahay,
ku dadaal oo dalab waxii anfacaad kuuleh(wax ku taraya)aduun iyo aakhiraba marwalbana alle kaalmo way diiso oo ha is dhiibin hadii wax kugu dhacaan ama dhibaato kugu timaado ha oran hadaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa sidaa iyo sidaa ayay arin noqon la hayd"" waxaad dhah daa oo kaliya oo khayrna kuugu jiraa QADARA LAAHU WAMAASHAA'A FACALA, oo micnaheedu tahay waa qadar alle isagaana alle waxuu doonaba fala,

maxaa yeelay kalimada ah "HADII" waxay fur furtaa oo kaliya camal shay daanka" (muslim)

ibn mascuud(akr) waxuu yiri nabiga (scw)waxuu yiri janadu idiin kaga dhow kabtiina suun keeda
(bukhaari)
bal hadaba ikhwaanii fiiri naxariista alle inoo galay hadana aynu uga mahad celin la'nahay ama uga faa iidaysan la nahay
u'fiirso waxaad arakaysaa ruux ku oranaya allaaa ma hebel hebel ma'hil maami karo oo waayo?
hebel ninkii laynkaan halkan ku imid ii soo sameeyay maa'aha!
hadaba alle amarkuu aduunka ku keenayay ma telifoon baynu kula soo xariirnay ooynu oga dhamaynay inuu aduunkan ina keeno?
waa maya"! ruuxa ay sidaa ku leeyihiin waxaa ba dhacda inuu lacag ka qaatay calaashaan LAYNKA"
hadaba alle malacag buu inaga qaatay markuu ifka ina keenayay? waa'maya!"

hadaba ikh waanii aynu guntiga dhiisha kadhigno una tar tano samaha iyo khayrka

waxaanu alle ka baryaynaa inuu dhariiqada toosan kuwa u'shaqaysta naftoodana xisaaba intaan la'xisaabin inaga dhigo"
aaamiin
wasalaamu calay kum
adeeqo
degan sweden

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.