site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ADUNYAA MALCUUNA MALCUUNA MAA FIIHAA ILAA CAALIM U WAMAA WAALAA"""

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ADUNYAA MALCUUNA MALCUUNA MAA FIIHAA ILAA CAALIM U WAMAA WAALAA"""
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM IKH WAANIL MUSLIMIIN:
mawduucan oo micnahiisu yahay,
Alle ayaa waxuu oranayaa aduunyadan oo dhan waan nacladay ilaa" intaan ka ahayn, macalin dadka diintayda barayo iyo marakaa ardaygii la baraayay

BISMILAAH wamaa min tawfiiqii ilaa bilaah calayhi tawakaltu wa ilayhi uniib,

hadaba walaalayaal ma ogtihiin oo mala socotaan waxa ay maalin walba oo cub ku qawsho(tiraa) waxay tiraa ibnu aadamoow anigu waxaan ahay maalin cusub camalkiinana shaahid baan ku ahay yacni waxaad samaynaysaan marqaati baan ka ahay !
ee fiiri waxaad camal falayso.

nabiga (csw) waxuu yiri adiga iyo qowm kuwiisa sare ayaan idiin kaladigi aduun yadooda ma ogiye aan wax kalle ka sheekaynayn
waa kuwee ayaa lagu yiri nabiga waxuu yiri rasuulka maal qabeenada iyo aduunyada asxaabteeda kuwaasoo raadiya ku mash quulsan siday u'jamcin lahaayeen aduunyadan kuwaasoo sida hooyadu ilmaheeda u'eegta u'eegaya aduuyo'un oon xaqa ba aan soo eegayn" nabigu waxuu yiri kuwaa waa kuwa qasaaray ee hala fadhiisaninan hana la saaxiibina.

dadka kan ugu xun ilaahay agtiisa ayuu yiri nabiga (scw) waxaa weeye ruux uu cimrigiisu dheeraado camal kiisana xumaado wal ciyaadu bilaahiye.
waxuu yiri nabigu daka kan ugu wanaagsan alle agtiisana waxaa weeye kan dadka anfaca(waxtara) adoomada alle haday wax siin tahay iyo hadii ay dabci wanaagsan oolagula dhaqmo tahay.

dadka kan alle ugu carabadan yahay WAL CIYAADU BILAAHIYE waxaa weeye buu yiri rasuulka ruuxa kaligii cune ha ah haduu daabad fuulo(gaari diyaarad)ayi xaal fuulona aan ixtiraamin dadka daabada la saaran, adoonkiisana garaaca,
kan maal qabeenka ahna karaameeya waji fiican tusiya, ruuxa faqiirka ahna ihaaneeya (yaraysta) ceebeeya u waji xumeeya malaynayana inuu wax waydii san doono.

kaana waxaa kasii shar badan buu yiri nabiga(csw)
nin xaaraan ku nool cunana isla markaa ku dhinta isagoo xaaladaa ku sugan.

kaana waxaa kasii shar badan buu yiri nabigu nin cimrigiisu uu dheeraaday ficilkiisana xumaado dhintana isagoon toobad keenin doonayana in alle u'danbi dhaafo"
mathalan inataynu xaarka qasano ayaynu niraa anagoo wali ku sugan marxaladaa ayada ah markii ilaahay yiraa ayaan ka toobad keeni oo maxaa hada kaa hor taagan ooda oga toobad keeni la'dahay?

saas ma'aha maskiinyahoow alle aqli buu ina siiyay diintiina raadinba maynee aan ugu toobad keeni lahayn wuuba inaga dhaliyay ee intay goori goortahay alle waa danbi dhaafe naxariis madane aynu toobad keeno waxuu alle kor ahaaye yiri hadaad dhulka iyo crka mugii oo danbi ah leedahay danbi dhaaf saxiixana la'timaado waan kuu danbi dhaafi markaasaan waliba xasanaad(khayr) kuu qori.

way socotaaye kaana waxaa ka shar badan mid saaxiibtinimo u'muujinaya walaalkii markuu ka dhaqaaqana sirtiisa iyo xumaantiisa fidiya.

kaana waxa ka shar badan ninka markuu shabaabka yahay hilmaansan xaqa alle ku leeyahay yacni kusii jeeda aduunyo iyo macaansigeeda,
markuu waa yeeloobana wahsi uga taga waxii alle ku faral yeelay oo cibaado ah wal ciyaadu bilaahiye


hadaba ikhwaanii waxaynu alle ka baryaynaa inuu naga bad baadiyo dhamaantaya dhibaa tooyinkaas halista ah nagana dhigo kuwuu alle yiri ahaada kuwa u'kaltama khayrka
aamiin

wasalaamu calaykum
deeqo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.