site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Fadliga ay leedahay LAA ILAAHA ILA'LAAH"

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Fadliga ay leedahay LAA ILAAHA ILA'LAAH"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM WARAX MATU LAAH.
wamaa min taw fiiqii ilaa bilaah calayhi tawakaltu wa'ilayhi uniib.

mawduucna karaamada badan waxaa ku soo arooray axaadiis farabadan kaasoo soo socday ilaa iyo taa riiqda hijriga markay ahayd(37) axaa diista ku soo aroortay oo waliba dhaa dheer waxaynu soo qaadan qulasada xadiiska insha'alaah.

1: mascuud ibn jabal (akr) waxuu yiri maalin aniga oo rasuulka daabad (gaadiid) la saaran ayuu ii dha waaqay 3 goor markaas baan iri waa ikan rasuulkii aloow waxuu iyiri ma jiro adoon si dhaba u qirsan kalimadan LAA ILAAHA ILA'LAAHU MAXAMADA RASUULU LAAHU oo alle naarta wuuka xaaraam yeelay mascuud ayaa yiri rasuulkii alloow ma usheegaa umada alle ha ku bishaaraystaane?

waxuu nabiga (csw)kuyiri maya! oo waxay isku halayn iyada kalimada oo cibaadada kalle la'iman mayaan dabdeed mascuud(akr) markuu geeriyoonayay ayuu arin kan sheegay isagoo ka baqanayay shay xaqa isagoo og gaarsiina umada haduu dhinto inay danbi ku tahay,

2: waxay ahayd markii dagaalkii tabuuk lagu jiray ayaa waxaa dhacday inay sahaydii aywateen saxaabada ay gabaab satay markaasay ka idan dalbeen rasuulka inuu u'ogolaado inay geelooda qashaanisla markaana baahidaa iyo sabin xumaad ka uga gudbaan, nabiga waxuu yiri OK dabadeed waxaa yimid cumar binu qadhaab(akr) nabiguna cumar wuula tashan jiray cumar ayuunabiga usheegay cumarna waxuu yiri rasuulkii alloow saa ha'u ogolaan waayo waligood ma day nayaan oo waxay oran rasuulkii allaa noo idmay markaas baa gaadiidku yaraan ---

ee inta sahayohooda oga hartay isu soo ururi allana ubari inuu u barakeeyo waxay ahayd talo wanaagsan nabiguna sidii ayuu yeelay oo waxuu jayshkii amray inay isu keenaan nin walbaa waxii uga haray sahaydiisa waxay noqdeen mid jab rooti ah keena nin sacab timira keena nin xabad sabuula keena kumana jirin nin wax wayn keenay,

markaasuu rasuulaka inta laba ragcadood tukaday alle baryay inuu u'barakeeyo sidiibay noqtay allena waa u barakeeyay jayshkii oo dhan markuu nin walbaa calooshiisiina ka buuxsaday waxay qandi/qariirad kooda ku qaadan kareena ku qaa teen ayaa waliba wax baaqi kunoqdeen meeshii markaasuu nabiga isagaabilaabay oo yiri
LAA ILAAHA ILA'LAAHU MUXAMADUN RASUULU LAAHU
ma'jiro nin si saxa kalimadan isagoo u aamin san waxa uu carabka ka leeyahay iyo qalbigiisana is waa faq san yihiin oo naarta gala macnaha alle waa uu ka xaaraam yeelay naarta. (muslim)

3: cuthbaan (akr) ayaa waxuu ahaa magaalada madiina xaafad ka mida ayuu masjidkeeda imaam ka ahaa dabeed wuu waayeeloobay jeer uu kari waayay inuu jameecada xaadiro wuuna indha yareeyay
markaas buu rasuulka ka idan dalbay inuu gurigiisa meel kamida ugu tukado si uu halkaa mas jid oga dhigto nabigu ifcal insha'alaah ayuuu yiri waa uu utagay nabagiga cuthbaan waxuuna ugu tukaday halkuu rabay waxay ahayd goor barqa ah waxuuna tujiyay labo ragco oo loo yaqaan salaatu duxa"----

dabadeed meeshii ayuu rasuulku waxyar fadhiyay nin saxaabi ah ayaa markaa yiri war meeyay fulaan ibn fulaan hebel hebel markaa saa saxaabi kalle yiri kaa saa kaas waa munaafiq aan alle iyo rasuul kiisa jeclayn inuu la fadhiisto markaas buu nabiga yiri saa ha oran qof islaama oo sixun loo hadal hayo ruuxii ka celiya allaa maalinta qiyaame wajigiisa naarta ka celiya,

miyaadse arag isagoo LAA ILAAHA ILA'LAAHU DHAHAYA ilaahay dartii saxaabigii ayaa yiri inay ilaahay dartii ka tahay alle iyo rasuulkiisa ayaa og'laakiin anagu waxaan aragnaan ka sheegaynaa oo munaafiqiinta ayuu saaxiib la yahay had iyo jeerna lasodaa markaas buu nabiga yiri kalimadan LAA ILAAHA ILA'LAAHU MUXAMADA RASUULU LAAHu" ninkii si saxa u qirsan munaafina ma noqdo naartana ma galo oo allaa ka koriya.
mutafaqun calayhi


4: abuu hurayra (akr) waxuu yiri maalin maalmaha kamida ayaa rasuulka a yaa siduu noola fadhiyay kacay saacado kadib markaynu daahsanay nabiga ayaynu firxanay (kala yaacnay) oo raadinay waxaynuna malyanay in cadaw iyo munaafaq helay dabeed abuuhurayra ayaa ahaa ninkii u hor arkay nabiga markaa buu nabiga yiri abuu hurayroor wajigaaga wax arga'gaxsan baad ila egtahaye maxaa ku helay? waxuu ku jawaabay rasuulkii alloow waad nala fadhiday waadna kacday ood naga daahday waxaynu ka baqnay in cadaw dhax kugu helay,

waxuu nabiga yiri kac (orod) oo qofkastaa oo muslima oo qraya yaqiinsana kalimada LAA ILAAHA'ILA LAAHU MUXAMADAN RASUULU LAAHU "JANO"
ugu bishaaree muslim

6: abuu saciid ibnu khudriy waxuu yiri waxaan maqlay rasuulka oo dhahaya qofkii LAA ILAAHA ILA'LAAHU SIDQAN MINQALBIHI ka tahay naarta alle ma galo .

7:abuu hurayra (akr)waxuu yiri waxaan ka maqliyay rasuulka isagoo leh kalimadan LAA ILAAHA ILA'LAAHU MUXAMADA RASUULU LAAHU isagoo qirsanruuxii yiraa goor ay noqotaba in naarta laga soo saari doono yacni haduu galana inuusan ku waarayn naarta.

8: xadiiskana magaciisa waxaa loo yaqaanaa xadisul bidhaaqaqa(xadiiskii kaarka)
waxuunabiga(nnk) yiri maalinta qayaamaha in nin loo yeeri doono isagoo loogu dhawaaqayo 3diisa magac hebel hebel hebel dadkuna wada maqlayaan ayaa waxa latusinayaa 99 danbi oomid waliba la egyahay inatay ishu ka daasho aragtida caadiga oo qofka bina aadan ka hadaysan geedo iyo ceeryaamo ama boor jirin uu ka arki karaa waxaa lagu xadidaa 1o km marka 10.99=990km danbi buuxiyay uu isagu la yimid ayayaa la keenayaa markaasuu alle waxuu ku leeyahay danbiilihii wax cudur daara ma leedahay mise malaa igtii wax kaa soo qortaa ku dulmiday(beensheegtay) markaasuu oranayaa maya yaa rabi ee anigaa dhabtii danbigan sameeyay markaasbuu hadana rabi ku leeyahay-----

wax xasano(camal wanaagsan)ah ma leedahay markaasuu oranayaa maya" yaa rabi markaasuu alle leeyahay anaga agtayada waxaa ahaaday(kuu yaal) hal xasano mana kaa dulmiyayno anaa kuu kuu og adiga haday cabsida kaa badatay markaasaa waxaa loo soo bixinayaa (kaar) ay ku qoran tahay
LAA ILAAHA ILA'LAAHU MUXAMADA RASUULU LAAHU
markaas ayaa miisaan la saarayaa danbigiisii iyo kaarkii waxaana cuslaanaya kaarkii oo la dagaysa danbigiisii.
bal hadaba u fiirso cadamada (wayniga) kalimadan waa hadii aad si yaqiina aad u tiraa ninkii asaga ahaana fadliga kilimadaa ayuu janadii alle ku mutaystay(galay).
way badan yihiin xadiista ku soo aroortay kalimadan balse intaaban ku ekaynayaa
inagu filan ,
waxaana alle ka baryaynaa kuwa u'yaqiinsda sida dhabta ah alle inuu inaga dhigo
aamiin
waqtigan waqtigiisana nabad iyo naxariista alle ha inagu gaar siiyo
aamiin

wasalaamu calaykum
DEEQO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

DEEQO

Ajar & Xassanaad Allaha kaa siiyo sida wacan ee aad noogu faa'ideysay.

Anagana Allaha inaga dhigo kuwii ku waana qaata. Amiin!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciid

Unrecorded Date
Jazaakom allah khayran, wa nafacanaa bi cilmihi.

Walaalkiin saciid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Unrecorded Date
SALAAMU CALAY KUM.

kulanaa ikhwaanii
rabi sinaa cilmanaa

(aamin)
DEEQO2@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED HUSSEN

Unrecorded Date
sALAAMU CALYKUM WARAXMA TULAAHI WABARAKAATU

Walaal deeqo ilaahay ha kaa siiyo ajar iyo xasanaad faaiidada aad noo faaiidaysey Ilaahayna qayrka iyo xasanaadka hanagu soo hanuuniyo

AMIIN AMIIN AMIIN.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.