site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wadaadadow arintan iga jawaaba

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Wadaadadow arintan iga jawaaba
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimca

Unrecorded Date
shiiq yasha soomalida ayan rabaa inay iga cawiyaan ,walaal mel baan daganahy dhowr sano dhibatoyin waa wayn bana kala kulmay markaa waxaan is idhi mesha baa kuu nasiib xun ee meel kale u guur markaa waxan rabaa inaan ogado in diintena ay qabto in hadii meel aad dhibatro badan kala kulanto ay fican tahay inaad ka gurtid markaa wax daliil cad bal ii shega.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
Walaal anigu wadaad ma ahi laakiin anigu oo aan wadaad ahayn ayaan raabaa in aan wax yar ku caawi
laakiin waxan rabaa in aan ogaado dhibaatada nooceeda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimca

Unrecorded Date
TO:warsame
walaal dhibaatoyinka waa kuwa shaqsi ah halkana kuma soo kobi karo lakin mesha waan iska nacay oo waxan niyada gashaday meshan waa meel kuu xun ee isaga guur.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.

To: Nimco.

Walaashiis khayr alaha ku siiye hadaan kula yara kaftamo meesha shiikhyal ma joogan ee arday baan nahay waayadana Netka firaaqo waaban u weynay,balse qofkii arka gabar walaashiisa oo dhib sheeganaya markuu meeshan isha soo mariyo waa inuu waxuu garanayo ka dhahaa.

Hadaan u soo noqdo su'aashada waxaan filaya waxaad na weydiinaysa waxay diintu ka qabto dhibsiga ama karaahaysiga meel la karaahaysto. aniga aqoontayda oo iska yar intaan ka garanayo.Marka koowad waxaa la fiirinaya waxa aad meesha uga guurayso.hadaba haday tahay macno raaci kara erayga aad kor ku qortay oo ah MEESHAN BAA KUU NASIIB XUN. diinta ISLAAMKU ma ogala WAXAYNA U TAQAAN BAASAYSI (ama TADAYUR)mana banaana inaad shay ama meel baasaysato ilaa waxyaabo laga soo reebay mooye sida GURI CIRIIRI AH,WAX LA FUULO OO QAAB DARAN IYO WAXYAABO SAAS DIINTU UGA HADASHAY.amaa inaad is tiraaho meeshan baa kuu nasiib xun,waxay keenaysa kalsooni daro RABI iyo arimaha oo aad u tiiriso inay isaga cidaan ahayn gacanta ugu jiraan.mana aadanba garan kartid in meeshani kuu xuntahay iyo meesha aad u guurayso inay kuu xun tahay.

Amaa hadaad meesha uga guuraysid in macaasidu ku badan tahay,ama dadka jooga ay dad xunxun oo ilaahay ku caasiyay yahiin.aadna u socoto meel dad wanwanaagsan joogan.taas way wanaagsan tahay waxaana cadaynaya xadiiski ninkii danbiga badan galay oo uu ninkii caalimka ahaa ku yiri ka bax dhulkan xun oo dhulka wanaagsan aad markuu tagayna naftu uga baxday,sidaasna janada ku gakay.

Waan kugu dheereyay iga raali ahow waxaana ku soo koobaya NIMCOY wadamadan gaalada dadkoo dhan werwerka iyo wareerka waa kula qabaa,waxaana keenaya cisyaanka iyo macaasida faraha badan ee aan ku dhex jirno.ilaahaybana balan qaaday qofkii dikrigiisa iyo cibaadadiisa ka jeesta inuu aduunyada nolol ciriiri ah ku leeyahay aakhirona asagoo indho la keeni doono.markaa waxaan kugula talinaya,inaad hadaad tuulo degan tahay ka guurto una guurto magaalooyinka waaweyn sida LONDON,hadaad U.K joogto ama caasimadaha ISKANDANEFIYANKA hadaad halkaa joogto.ama Toronto hadaad CANADA joogto AMA MINNESOTO hadaad USA joogto.oo aad ka ag dhawaato masaajida iyo kheyrka si welwelka faraha badan kaaga haro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimca

Unrecorded Date
TO:miskiin
abow ilahay hakaa abaal mariyo aad ban ugu bogay qoralkaga wanaagsan ,si fiicana wuu iga dhaadhacay insha alah waan yeli.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed,

anigu shiikh ma ahi, laakiin sidaan arrintaada u fahmay ayaan isku dayayaa inaan kaaga jawaabo haddii Allaah idmo.


waxaad ogaataa in arrinta aad ka hadllayso ay salka ku hayso arrin towxiid ama caqiido ah.
Marka ugu horraysa ogow in aan waxba la baasaysan oo aadan odhan meeshani waa meel baas, waayo haddii aadan wax baasaysan axaaddiista Rasuulka N.N.K.H. ayaa waxay tusaysaa inaad jannada xisaab la'aan ku galeyso.
Way wanaagsantahay haddii aad dhulka ku samaysay macaasi sida dad aad laysay, zino ama sharmuutaysi iyo waxii la mida way wanaagsantahay inaad ka tagto, dhulkaas laakiin meesha aad u bedelanaysaa waa in ay noqotaa meel aad ku toobad keenayso, laakiin haddii meeshu tahay adigoo lacag iyo adduunyo waayey, ka fiirso, waayo Ilaahay wuxuu ku siiyey haddii aad ku qanci weydo waa dhibaato.
Wixii su'aal ah meeshan kaga tag.
Ilaa xiilli dambe salaama.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.