site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AXKAAMU SIYAAM

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): AXKAAMU SIYAAM
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abbdikhaaliq

Unrecorded Date
asalaamu calaykum
walaalayaal maadaama uu soonkii soo dhawaaday ,waxaan jeclaan lahaa inaan beyjkan kaga hadalno soonka iyo axkaamtiisa(anigu waan idiin furay idinkuna dhamaystira)
jazaakumu laahu khayraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

Bro C/Khaaliq.waxaan runtii jecelahay inaan mawaadiic faro badan uga hadalo bisha barakaysan ee ramadaan,markaa waxaan jeclaan lahaa walaalaha intii ilaahay u sahlo inay ka qayb qaatan kuwa kalana akhristaan.

JAZAAKA LAAHU KHAYRA C/KHALIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum;

Thanks bro C/Khaaliq, waa mowduuc aad u qiimo badan isla markaana la joogo waqtigiisi. Fadlan na soo xasuusi AXKAAMI SIYAAM iyo wixii BAABUL SIYAAM ku soo aroorey oo dhan ha ahaato Fadli, Ajar, iwm.

Thanks one more time,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

Walaalayal waxaan jeclahay inaan ka hadlo waxyaabo AXKAAMTA SOWMKA ka mida walow la iga cilmi badan yahay,oo aan filaayo inaan ku jiro dadka forumska ugu aqoonta yar.hadana waxaan arkaa in qof walba ka gaabsanayo,waayo shayga diinta cacayar maaha oo waa adiga oo ka turjumaya ALAH IYO RASUULKIISI SCW,waxaanse la yaabay waxa C/Khaaliq u aamusay anoo og inuu iga cilmi badan yahay.

Iga raali ahaada hadaadan carabiga akhrin karin akhri farta yaryar ee soomaliga waa isku macno.ama waa hadalkii oo aan fasiray.marka farta yaryar uun akhri.

ISAGOO UGA WARAMAYA IMAAM ABII XAAMIDI GAZAALI VII KITAABIHI IXYAA'U CULUUMU DIIN.AXKAAMTA SOWMKA WAXUU KU YIRI.

AMAL WAAJIBATU DAAHIRA FA KHAMSATUN.

Macnaha waajibadka la iska rabo sowmka waa shan.
1-MURAAQABATU AWALU SHAHRI RAMADAAN.WADAALIKA BI RUYATI HILAAL.FA IN GUMA FA ISTIKMAALU THALAATHIINA YAWMAN MINA SHACBAAN.
Mida koowad waxa waajib ah in la ilaaliyo dhalashada bisha RAMADAAN hadii daruur iyo wax qariyaan oo la arki waayo waxa la dhamaynaya sodonka bari ee bisha ka horeysa ee shacbaan.


2-ANIYAH.WALAA BUDA MINAL KULI LAYLAH.
Mida labaad waxaa lagaa rabaa inaad NIYAYSATO.waana habeen walba.

3-IMSAAKI CAN ITISAALI SHAY'IN ILAA JOWFIN CAMADAN MACA DIKRI SOWM.
Mida sadexaad inuu ka joogo in uu wax galiyo calooshiisa isgoo garanaya inuu sooman yahay.

4-AL IMSAAKUN CANIL JAMAACI WA IN JAAMACA NISYAANAN LAM YAFDUR.WA IN JAAMACA LEYLAN OW IXTALAMA FA ASBAXA JUNUBAN LAM YAFDUR.
Mida afraad inuu ka joogsado inuu haweentiisa u tago.haduu u tago isgoo is hilmaansan ma uusan afurin.haduu habeenkii jamaaco yacni haweentiisa u tago ama uu ku riyoodo asagoo hawlahas ku jira oo biyo ka yimaadan uuna saas ku waabariisto ma afurin ee soonkiisi waa u jiraa.
5-AL IMSAAKUN CAN IKHRAAJI AL QAYI.WA IN DARACAHU LAM YUFSID SOWMAHU.
Mida shanaad in uusan matagin.haduuse soo dhaafo soonkiisi ma burin.
NB: midan ugu danbaysa xadiiskeda culumada qaar baa daciifiyay.intii horese xadiisyadoodu waa wada saxiix.

ISGOO AXKAANTA SOONKA KA HADLAAYA IMAM IBNU QAYIMI JUWZI VII KITAABIHI ZAADUL MACAAD VII HADYI KHAYRUL CIBAAD WAXUU YIRI.

1- WAKAANA MIN HADYIHI(YACNI RASUUL SCW) AN LAA YADKHULA VII SOWMI ILAA BI RUYATI MUXAQAQAH AW BISHAHAADATI SHAAHIDI WAAXID.KAMAA SAAMA BISHAHAADATI IBNU CUMAR.
Ibnu qayim raximahu laah isgoo axkaanta soonka kaga hadlaya kitaabkiisa zaadul macaad vii hadyi khayrul cibaad waxuu yiri.waxaa sunihii ama jidkii nabiga SCW ka mid ahaa inuusan soomi jirin ilaa uu bisha arko ama qof ka markhaati kaco inuu arkay.sidii uu ugu soomay maragkicii uu ka marag kacay ibnu cumar inuu isagu arkay bishii.
Markaa macnahu waxaa weeye hadii qof muslimiinta ka mida uu arko in ay waajib tahay in aragtidiisa lagu soomo aana loo baahnayna in xataa la dhaariyo waayo NABIGU SCW IBNU CUMAR MA DHAARIN.xadiiska lafdigiisuna waxuu ahaa sidan.
CAN IBNU CUMARA QALA:TARA'A ALNAASU-ALHILAALA FA AKHBARTU RASUULALAAHI SCW ANII RA'AYTAHU FASAAMAHU WA AMARA NAASA BISIYAAMIHI. xadiiska waxaa saxiixiyay ibnu xibaan wal xaakin.wa aqarahu dahabiyu.wa qawiyahu sheekh shucaybu arnaawudi wa sheekh c/qaadir arnaawudi.
Xadiiskas macnihiisu waxuu ahaa IBNU CUMAR oo leh dadkii baa waxay is tustusiyeen bishii markaas baan u sheegay NABIGA SCW inaan anigu bishii arkay wuu soomay dadkiina waxuu amray inay soowman markaa kuma jirto meesha in nabigu scw uu dhaariyay ibnu cumar.

INSHAA ALAAHU WAAN IDINKU DHEEREEYAY.WAAN SII WADAYA BALSE KHAYRKA HA LA IGALA QAYB QAATO.MEEYE AHLU CILMIGII.

WAXAAN SII WADAYA AXKAAMTI SOWMKA EE KITABKI IBNU QAYIM RAXIMAHU LAAHU.OO KITAAB JALIIL AH.WAXAAN KU XIJINAYA HADII ALAH IDMO KITAABKALE OO UU LEEYAY SHEEKH ISLAAM IBNU TIIYMIYAH RAXIMAHU LAAHU OO LA YIRAAHDO XAQIIQATU SIYAAM.

WA BILAHI TOWFIIQ WAXA JIRA QAYBO KALE OO ISLA QAYBTAN ISLAM AH OO AAN KU QORAY FADLIGA BISHA RAMADAN IYO WAXYABAHA LAGA DOONAYO QOFKA SAA'IMKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

weli

Unrecorded Date
assalaamu caleykum ;
walaalayaal dhamaantiin waxaan idinku salaamay
salaanta islamka e kor ku xusan.

waxaan u baahanahay in la iga caawiyo shuruudaha
soonka oo english ku qoran, waxaanan u rabaa oo
i weydiisatay qof dumar ah oo aan meel ka wada shaqayno, oo aan weli islaam ahayn, lakiin nin
somali ah is qabi jireen wiilna u leh, rabtana
in ay wiilkeeda barto islamka iyaduna wax ka ogaato islamka.
markaa waxaan talo uga baahanahay, gabadhii iyada
oon weli islaamkii qaadan ayey rabtaa in ay soonto
bisha ramadan.
waxaanay i weydiisatay in aan ka caawiyo sidii ay
u soomi lahayd iyo shuruudaha soonka, aniguna ma
aqaan english intaa leeg, run ahaantii aqoonteyda
diintuna sidaa uma sii weyna.
markaa qofkii awoodi kara in uu shuruudaha soonka
english kaga dhaadhicin kara qoftan iigu soo jawaab halkan aniga ayaa print out ugu sameynaya.
waan mahadsan tihiin.
wasalaamu caleykum;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

TO:Walaalka weli soo qortay.

Walaale marka koowad badel magaca weli ama cabdi ku dar.ALAH SWT ASAGA AH WELI.(ALAAHU WALIYU LADIINA AAMANU AL-AYAH)
Mida labaad walaal runtii luuqada aan u dhalanay qof kasta oo naga mid ahina fahmi karo waa soomaliga,runtii anigu waan aqaan luuqada ENGLISHKA waxbarashadaydana ayadaan ku qaata,balse ma soo qoro mana isticmaalo,waxaana u arkaa weyneyn la weyneynayo isticmaalkeedan faraha badan iyo ayadoo laga dhigayo wax muqadasa waxaadna mooda in ay baab ahaan la xiriirto weyneynta dhaqamada,caadoyinka iyo luuqadaha gaalada.qofkii arimahaas jecel inuu wax ka ogaadana ha fiiriyo kutubta culumada ka qortay,gaar ahaan waxaan u ishaari lahaa kitaab qayim ah oo uu qoray SHEEKH ISLAM IBNU TIYMIYAH RAXIMAHU LAAHU RAXMATAN WAASICA,OO LA YIRAAHO (IQTIDAA'U SIRAADIL MUSTAQIIM LI MUKHAALAFATI ASXAABUL JAXIIM) oo runtii mufiid ah waxyaabo badan oo ciidahooda iyo dhaqamadooda ahna ka hadlaaya.
Amaa baahida aad adigu hada u qabto waa mid daruuro ah saan u arko waana wax loo baahan yahay inaan xambaaro RISAALADI NABIGEENA SCW aana dadka gaarsiino.markaa waxaan ku dhihi lahaa aad bay u fududahay saad u gaarsiin lahayd gabadhaa.waxaad halkan ka daabacata(mancanaha printigaraysa) maqaalada ay soo qoraan walaalaha ramadaanka axkaamteeda ka hadlaya,markaa u gee qof labada luuqadood si fiican isugu turjumi kara.iskana ilaaliya aayadaha FASIRKOODA waxaan arkay dad badan oo englishka ku fasiray khaladna u turjumay,waxaad ayadaha fasirkoota ka fiirin karta libraryga kuugu dhow.markaa adoo u soo koobkoobaya u gee gabadha in ilaahay khayr waafajiyo ayaa laga yaaba adiguna ajarkagi waad leedahay.

FG: ma xuma in luuqadaha la barto ee yan loo qaadan sidaa ee macnahu waxaa weeye weyneyn,iyo adigoo isticmaalkeda u arka inay ka haboontahay ama uga wanaagsan tahay kuwa kale luuqad hadii la weyneynayana waxaa mudan in la weyneyo oo la isticmalo luuqada quraanka kariimka.
ILAHAY DHAMANTEN KHAYRKA HA NA WAAFAJIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

WAXAAN INSHA ALAHU SII WADAYNAA AXKAAMTI SOWMKA.

Waxaan jeclahay inaan dib ugu noqdo KITAABKII IXYAA'U CULUUMU DIIN EE SHEEKH ABII XAAMIDI GAZAALI RAXIMAHU LAAH.

Waxuu leeyahay:isagoo ka hadlaaya sunooyinka sowmka loo baahan yahay.
WA AMAA SUNANU FA SITATU.
Sunooyinka sowmku waa lix.
1-TA'KHIIRA SAXUUR.
Saxuurta oo dib loo dhigo.
2-TACJIILUL IFDAAR BIL TAMRI WAL MA'A.
Afurka oo la dadajiyo biyo iyo timirna la gu bilaabo.
3-TARKU SIWAAKI BACDA SALAAD.
Cadayashada oo laga tago marka qoraxdu bartamaha uga wareegto dhinaca qoraxdu u dhacdo.
FG:arintan waa la sii mulaaxadayn karaa ana waan soo fiirinaya.
4-AL-JUWDI VI RAMADAN.
Ramadaanka oo sadaqo badan lala baxo.
5-MADAARASATUL QURAAN.
Quraanka oo aad loo akhriyo.
6-ICTIKAAFUL VIL MASAAJID.
Masaajida oo lagu ictikaafo macnaha cibaado loo dhex joogo ayadoon dano looga baxayn ilaa inta sharcigu ogolyahay mooye.

INSHA ALAHU MAANTA INTAAS AYAAN KU JOOJINAYNA.
WAAR DUCAADI IYO EHLU KHAYRKII MEEYE MAAD DADKA WAX U FAA'IIDEYSAN OO NOO FAA'IDAYSAN WAXA AAD QARINAYSAN OO HANUUNA OGAADA WAA LA IDIN WEYDIIN DOONAYE.C/KHALIQ AQOONTA WAAN OGAHAY IYO MEESHA AAD JOOGTO EE MAXAAD DADKA KHAYRKA UGU SHEEGI LA'DAHAY?.IGA RALI AHOW HADAN KU HUJUMAY.
WALAAHU WALIYUL TOWVIIQ.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.