site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAARAAN MIYAANA????!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): XAARAAN MIYAANA????!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Waxaa jeclahay inaa wax qoro, waxaan qoray shot stories badan inkastoo wali buug ka sameen, dadaa igu dheheen imaginative writingka xaaraan waaye

RUN MIYAA????
QOF DALIIL ISIIN KARO AAN JECLAHAY INUU KA JAWAABO, DADKA KALENA TALO WAA ISIIN KARAAN.

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Alaykum

To ladan;
Why do think it is Haram? Arintan wax Baaritaan ah ma ku samaysay? Waxaad Qoreysidse wax Marka horeba Xaaraam ahaa miyaa? Mise waa wax Keenaya wax xaaraam ah?

Qacliga Muslimiinta waxaa lagu xiray Silsiladdo weyn oo u baahan in laga furo, waxaan ula jeedaa *** In wax la qoro Xalaal miyaa mise waa xaaraan ayaa la isweydiinaya marka ugu horeysaba!!.

Mida kale ee aan aad ula yaabay waxay tahay Sababta dhalisay In "DAD"or Koox ay iyagu dadka u sheegaan Maxaa La ogol yahay maxaase La ogolayn!!.

Ilaahay Miyaanu Diintiisa u soo Dajinin in Maskaxda Dadka ay xoreyso, oo ay ka xoreyso in Khuraafaadlayaal iyo Dad gaar ahi ay dadka maankooda xukumaan?.

Waxaan Kugula Talin Lahaa in AAD ADIGU XIL isa saartid oo aad ARINTA SI FIICAN oo Yaqiin iyo Cilmi ku dhisan u soo ogaatid/Baartid!!!

Laakiin noomaanad sheegin waxaad qoreyso!!!!,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/J

Unrecorded Date
LADAN,

-Haddii waxa aad qoraysid ay umadda faa'iido ugu jirto, adigana, ajir baad ka helaysaa.

-Sidaas oo kale, haddii qasaare ay keenaan waxa aad qortay, adigana "qayb" baad ku leedahay.

Hadaba, sidee lagu ogaan karaa waxa aad qori doonto in dhibaato ama faa'iido kaga imaan karto aqristaha?
Soo masu'uuliyadda ma saarna aqristaha?.

Qayb ka mid ah su'aashaada, adiga ayaa ka jawaabi kara. Waa in aad go'aan ka gaartid waxa aad qortay waxtarkooda iyo waxyeeladooda.
Iyaga oo waxyeelo leh haddii aad u aragto in ay waxtar leeyihiin, u malayn maayo in ay "xaaraan" tahay taas.

Xagga sheekada mana-awaalka. Ma maqlin qof sheegay in ay xaaraan tahay. Aniga waxaan samayn lahaa; Buugga ayaan jaldigiisa ku qori lahaa in sheekada ay mana-awaal tahay.

Disclaimer: I have nothing to back up my advice.

Yaska,

Dadka oo dhan aqoon diineed oo ku filan ma qabaan, in wax la iswaydiiyana ma xuma.
Haddii aad leedahay, qof walba jawaanbta Kitaabka ha fiirsado. Taas ma sahlana. Raadinta jawaabta ayaa waxay qaadanankartaa dhawr sanno.

C/J

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

0**0

Unrecorded Date
Salaam

Ladan adiga gabdho badan (kuwo hoos xaggan hoose isku aruursadey oo dhan sida mr.cool, manaxdo, xaali, siham, biibto, cadeey, on and on..) waad ka fiican tahay 100%. I have seen you other sections such islam where you write a few word, but the other sistas are concentrated only one place(Meesha hoose ee nacnac oo dhan lagu hayo)

U know WHY? maybe adiga waxaa kugu jira xoggaa cabsi xag diin sina waad uga firfircoontahay. Good girl go for it.

Sista! saa kusii wad, waan ogahay xoggaa dhallinyaranimo mooyee in aad diinta jeceshahay. keep the good work and be a real mu'minah.

About your question: It depends all on what kind of book you want to write. If the book is useful and contributive book to the people acording Islam, so gor for it and it's ok!, Allah will reward you for this, but if the book is something useless and just for this Dunya and satan deeds so stay away from it sista.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Waa mahadsantihiin kulligiinna.

waxa aan qoraayo(waaba qoray qaar ka mid ah )waa sheekooyin gaagaaban waxee kahadlaayaan

1- Dhibaatooyinka kadhacay Soomaalia
2- Dhaqanka soomaalida
iyo nacnac kale.

Iskoolkaa mar mar qornaa sheekooyin gaagaaban, marka aad aan u jeclahay inaa wax qoro dad badana waa iigula taliyeen.

Insha allaah waxaa idinla qeebsan doonaa midddd ka mid ah sheekooyinka, hadda ma ka gaari buska aan guriga u qaadan lahaa aa iga tagaayo.

wasalaam.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Aqyaarta waa ka xumahay inaa diidiin noqday bal hadaa idiinsoo bandhigayaa waxaan qorqoray wax ka mid ah, inkastoo marka soomaali aan u badalay xoogaa wax iska badaleen.
Ha is martiyeenina commentskiina waa soo dhaweenaa posetive ama negative labadaba.

JAMIIL YARE


Waxay ahay goor fiid habeenkii ugu danbeysey sanadka 1989, dhamaan dadka ku nool guriga reer Axmad aad ayey u faraxsanaayeen. Axmed iyo xaaskiisa Yaasmiin waxa ay aad ugu faraxsanaayeen Axmed hooyadiis oo habeenkaas ka imaaneysey Yemen oo ayna in muddo ah is arkin Jamiil oo ahaa markaa 5jir ahaana cunuga kaliya ee reerkuna wuxuu marba isku eegayey isku joogii cusbaa ee galabtaas loo keenay si uu ayeeydiis ugaga hor tago.Maana oo ahayd adeegtada reerka waxaa la siiyey fasax(fasax dheeraad ah) si ay u soo booqato reerkooda oo daganaa Jowhar. Awees oo isagu ahaa waardiyaha reerkana waxaa loo kordhiyey mushahaarka 50% laga bilaabo 1janayo.

Saacaddu waxay ku sii dhawaatey 10:00 fiidnimo, Jamiil ayeydiis caaliyona waxay soo dagi lahayd 11:00 fiidnimo. Axmed wuxuu bilaabay inuu gaariga istaaro,Yasmin iyo Jamilna markaas ayey ka soo bexeen barandada si ay u raacaan, Awees wuxuu bilaabay inuu furo ganjeeladii weeyneeyd, Maano-miyir badan waa sidey Yasmin ugu yeeri jirtaye waxay diyaarineeysay cashadii iyo macmacaankii martida.Waxay yaasmiin hadalo yaryar oo kaftan ah ku tuureysay odaygeeda oo ay waxoogaa labiskiisa saluugsanayd,markay si lama filaan ah u maqleen rasaas dushooda ka dhacday iyo qaylo dheer oo wada soda "WAX IS DHAQAAJIN KARA MA LEH, KULIGIIN DHULKA JIIFSADA DAAY".
Kuligood waxay sameeyeen sidii lagu amray,laakiin Awees oo ahaa nin geesi ah wuxuu isku dayey inuu tuugada celiyo wuxuu ku ridey laba xabadood, markaas ayuu mid tuugadii ka mid ihi madaxa ka toogtay halkaasoo uu markiiba ku nafwaayey.
Waxay bilaabeen laba ka mid ah tuugadii inay soo aruuriyaan wax alla wixii ay qaadi kareen,laba kalena waxay waardiyeeynayeen reer Axmediyo Maana.
Labadii alaabta gurayay mid ka mid ah ayaa gartay Axmad oouu horay ugu shaqeyn jiray, isagoo aan hadlin ayuu 6xabadood dhabarka uga toogtay waayo wuxuu ka baqay inuu Axmed garto.

Markii ay tuugadii tageen ayey maano oo ahayd qof aad u firfircoon ku carartay boosteejadii tagsiyada halkaasoo ay markiiba kasoo qabatay taksi,hase yeeshee nasiib darro wuxuu ahaa Axmed meyd markii ay guriga ku soo noqotay.

Ayeeyo caaliyo way garatay markiiba iney wax qaldanyihiin. Markay aragtay inaan cidna ku sugeey ayrboorka waxaa ku soo dhacay kun suaalood iyo jawaabood madexeeda halmar tolow ma shil bay galeen?! ma Jamil baa jiran?! maYasmin...?! Ma......?! Ma..........?!
Markii ay mudo 10daqiiqo ah suaalahaas dhex mushaaxaysay ayey goaan satay ineey taxi iska qaadato inkastoo ay waxoogaa ka shakisaneed inay guriga sixi doonto iyo inkale.

Markii ay tuugadii tageen ayaa waxa meeshii ka soo buuxsamay dad kuwaasoo u badnaa dariskii reer axmed,waxaa markiiba jamiil oo aad u shoogay kaxaysay Marian oo ay Yasmiin saaxiibo aad isugu dheer ahaayeen, waxayna ugeysay caruurteeda oo uu ugu yaraa Mukhtaar oo jamiil ay isleekaayeen saaxiibna ahaayeen.
Maryan waxay ahayd hooyo kaligeed ah ka dib markii uu ninkeedii ku dhintay shil diyaaradeed muddo laga joogay markaas lix sano waxaa aad u caawin jirtay oo ilmahana la haynjirtay walaasheed Deeqo oo nasiib wanaag habeenkaas la joogtay.

Duq Caaliyo markii ay taxigii kasoo dagtay ayey aragtay dadka badan oo ku xoonsan gurigii wiilkeeda, iyadoo aan cidna la hadlin ayey soo dhexgashey buuqiidadka, waxa markiiba dhagteeda ku soo dhacday "ALLA MISKIIN YASMIN AYADOO 22JIR AH AYEY ASAY QAADEYSAA ILAAHEEY HA CAAWIYO MISKIINTA.........." Itaas markii ay maqashay ayay sarajooga ka faniintay markiiba dadkii baa qayliyey maana iyo marian ayaa taxi kula cararay halkaasoo markiiba qalliin dagdag ah lagu sameeyey ka dib markuu maskaxda dhiig kaga furmay. Nasiib darro ayeeyo Caliyo waxay ku naf wayday miiskii qalliinka.

Maana way iska daysay booqashadii reerkooda si ay u caawiso Jamil iyo hooyadiis si ay uga soo kabtaan shoogii iyo geeridii naxdinta iyo foolxumadaba badneeyd ee ku timi. dadkii kale ee aadka u caawiyey Yasmin iyo wiilkeeda waxa ka mid ahaa saaxiibteed Marian iyo walaalkeed Ali.

Jamil wuxuu bilaabay fasalka kowaad dugsiga hoose/dhexe ee CALI XUSEEN isaga iyo saaxiibkiis Mukhtaar. Markii la gaaray bishii disember ayaa waxa bilowday imtixaanadii teeramka dugsiyada hoose dhexe kaassoo ay ka qaybqaadanayeen dhamaan ardayda fasalada koowaad ilaa sideedaad.

Markii la garay maalintii ugu dambeeysey imtixaanada ayaa waxa bilawday rasaas yar yar oo googoos ah iyo madaafiic kuwaasoo aan dadka intooda badan fahmeeyn waxay yihiin, laakiinse sii badisey cabsidii ay dadku ka qabeen xasilooni la aanta sii kordhaysa iyo biloowga dagaallo sokeeye. Diritoorkii iskoolku wuxuu amar ku bixiyey in ciyaalka guryohoodii loo diro. Jamiil iyo Mukhtaar waxay markiiba yimaadeen xaafadda oo aad ugu dhaweeyd iskoolka.

Mudo saacado ah ka dib ayay ku baahday dhamaan magaaladii muqdisho inuu ka biloowday dagaal magaalada gudeheeda. Dad badan oo ka mid ahaa dariskii xaafada ayaa qaxay maalintii ugu horeeysey, kuwaasoo u badnaa dadkii horay ula soo kulmay dagaalada sokeeya ee soo arkay mirohooda.
Markii uu dagaalku dhawr maalmood ah socdey ayey tashadeen Yasmin, walaalkeed Ali iyo saaxiibadeed Mariam waxayna goaan ku gaareen inayan qaxin,taasna waxay ku saleeyeen in dagaalku aanu waligiis soconeeyn ee uu dhaqso u joogsan doono

Markii uu dagaalku muddo dhawr asbuuc ah socdey ayaa maalintii dambe waxa ka biloowday dagaal culus xaafadda madiina/wadajir, Mukhtaar wuxuu la joogay Jamiil markaas, waxaa adkaatay in la isu gudbo. Markii inlaba saacadood ah ay dhacayeen rasaas iyo hub culculusba, ayuu madfac ku dhacay gurigii mukhtaar iyo halkaasoo ay ku jireen dhammaan walaalihiis hooyadiis iyo habaryartiis Deeqo. Waxay socdeen dagaaladaas qaraari laba maalmood maalintii sadexaad ayaa la soo guray maydadkii, lana xabaalay Mukhtaarna waxa lagu wareejiyey ayeeydiis halkaasoo ay ula qaxday Matabaan.

Jasmin, Jamiil iyo walaalkeed Ali, xaaskiisa Muna iyo labadooda gabdhood Amaal iyo Amiirana waxay maalintiiba u qexeen Kismayo.
Dhawr saacadood oo safar ah ka dib waxay yimaadeen magaalada kismayo, halkaas oo aanay cid aala abuurtay ka aqoonin. Nasiib wanaag waxaa markiiba caawiyey dhalinyaro soomaaliyeed, waxay geeyeen isjuul ku yaala xaafadda calanley halkaasoo ay fasalkooda (qolkooda) ka heleen iyaguna.
ADUUNYADU WAA HARKA LABADIISA GELIN!!!! Bal 8saacadood ka hor waxay daganaayeen laba guri oo waaweeyn haddana waa inay 10m daahyo ku kala qaybsadaan iyagoo 7 qof ah Yasmin,wiilkeeda,Maana iyo reer ali.
Kadib markii ay nasteen ayey yasmin suuqa u raacday gabdho iskuulka wax ka deganaa si ay u soo ad adeegato. Markii ay adeegoodii dhameesteen oo ay suuqii ka soo bexeen ayaa qolyo baabuur bililiqo ah isku haystay rasaas isku fureen, waa suuqii calanley oo kumanaal qof oo qoxooti ah ay is daba marayaane, waxaa markiiba meeshii ku dhintay 6 qof oo yasmiin ay ku jirto, sideed kalena way dhaawacmeen.

Hadda waxaa xilkii Jamiil yare ku soo baxay abtigiis Ali. Ka dib markuu arkay sida ay xaalada Somalia uga soo darayso ayuu goaan ku gaaray Ali inuu reerkiisa meesha kala cararo. Waxay u raaceen Kenya doon yar oo ay raacayeen 170 qof ookale. markii ay mudo 9saacadood ah sii socdeen ayey duufaan ku kacday halkaasoo ay doontii ku dagtay,waxana ku dhintay 90qof oo ay Muna ka mid tahay,Amaalna waxa dhaawac weyn ka gaaray maskaxda,intii kale reerka waxay ku jireen dadkii soo badbaadey.

Waxay yimaadeen xerada Otanga oo ku taalay wadanka KENYA,Amal waxay noqotay handicap, laakiin Jamiil iyo amiira waxay bilaabeen dugsi iyo iskool waxayna xafideen quraanka mudadii 3sano ahayd ee ay ku jireen Otanga.

Iyagoo waxoogaa kasoo kabtay dhacdooyinkii naxdinta lahaa ayaa maalintii dambe waxaa ka kacay dab xeradii otaango taas oo ka koobnayd buulal, wxaana halkaas ku gubatay amal.
Kadib waxay usoo dhoofeen danmark halkaasoo la dajiyey magaalada Århus. markii ay muddo afar sano ah daganaayeen ayuu Cali ka helay shaqo caasumada wadankaasi Danmark ee København, halkaasoo ay u soo guureen bartamihii 1998ka
Markii uu soo galay fasalkiisii cusbaa ee iskuulkii uu bilaabay ayuu kula kulmay wiil aad u fir fircoon oo soomaali ah, wiilku wuxuu u sheegay Jamiil in la dhoho Mukhtaaar.
Maalintii labaad ayuu mukhtaar ku casumay jamiil inuu u raaco ciyaar saaxiibtinnimo oo kubada cagta ahoo ay ciyaarayeen Danmark iyo Germany, markii ay ciyaartii ka soo bexeen ayuuJamiil ka codsaday mUkhtaar inuu xaafadda u raaco, maadaama uu abtigiis saacado badan shaqeeyo xaafadana ay joogto amiira kaliya waqtiyadaan oo kale.

Amira waxay sii karisay cashada oo maalintaas tookadeeda aheed, markii ay jamiil iyo mukhtaar casheeyeen ayey ka sheekeeysteen qof walba noloshiisii caruur nimada, markaas ayuu Jamiil u sheegay inuu lahaan jiray saaxiib Mukhtaar la dhohi jirey oo hooyadiisna mariam la dhihi jirey, walaalihiis wiilkaas iyo habaryartiis deeqo, siday u dhinteen. halkaas markuu maraayey ayuu fiiriyey mukhtaar wajigiisa wuxuu arkay inuu aad u ooyayo, markaas ayey ooyeen dhamaantood.
Waxa muddo yar ka dib shaqada ka yimid Ali wuxuuna ka baryey Mukhtaar inuu la joogo maadaama ay jimce ahayd iskoolna aanu jirin labada maalmood oo soo socda.

Hadda jamiil iyo mukhtaar waa saaxiibada aduunka ugu fiican waxayna dhigtaan sanadkii ugu horeeyey dugsiga sare
DHAMAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hi ladan
walaal sheekada aad ayay umurogo badneed runtii ilin ayaa kusoo istaagtay indhaheyga, waxeyna iila muuqatay sida sheeko dhacday oo kale dhab ah.
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To: Ladan

Abaayo waxaad noo soo qorat sheekadii aad
Sweden isaga dhiibteen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!


Ladan,

Walaashiis, hadaadan qorin wax dembi ah(pornography, erotic tales, fiction-violence, etc!) Waad badbaadaysaa! Wax yaabaha aad hada qoraysid waxaa weeye wax yaabo loo bahan yahay...oo dadka mustaqbalka imaanaya(caruurteena, etc) ay u baahan yihiin. Waxaa laga yaabaa buugaag aad qortid in hadhow iskuulada laga baro! hehe! Sista, don't stop---writing is beautiful...and most of all, if it is good, it'll leave a mark of good in your legacy. I say; You GO, Girl! :)

Mida kale, ha`iloobin, dadka maanta taariikhda bedelay sida El Saadawi, Tabari, Cohen, etc...waxay qori jireen bilowgii *nac-nac* :)...marka, don't give up. Qor nac-nacda...anaa ku tusaaya ayagoo isu bedelay WOW-WOW! :)

Mida kale, waxaad arki doontaa dad ku hagrada/lida...ayagana waa dad xaar ku fadhiya oo wax ba haynin aan ahayn inay dadka kale hoos u ridaan; ayagana waxaad ku tiraahdaa; "WHATEVER!"


Peace and love,

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Ladan

Walaal runtii waxay taas aheeyd sheeko cajiib leh, oo qofkii dareen leh ka ilmaysiin karto. Waxaase cadeen inay dhab tahay iyo inay tahay fiction. Hadii ay dhabtahay oo aad badashay kaliya magacyada runtii waa sheeko cajiib leh oo loo bahan yahay in la dhageysto.

Waxaan kaloo ku gula talin inaad mar walba iska ilaaliso sheeko dhalinkarta ama kicin karta "Fidmo Huruda". Hadiise ay sheekadu tahay sidan oo kale, waa iska caadi oo waxaad just tusaysaa qoys somaliyeed oo walaalaheen oo "musiibada wadankeena ka dhacday" si Khaas ah u saamaysay.

Aniga laftigayga waxaan hayaa "Sheeko dhab ah "I mean my diary" Oo ku qoran wax walba oo aan arkay ama aan shahid u ahaa.Waligayn ma tusin qof even my bro/sis. Lakiinse nasiib dare idinlama "share" gareenkari. Mar walbana waxaan ku fakaraa inaan Either Jeex Jeexo ama aan in muda ah sii hayo. Waa ilaa iyo 500 page oo gacan lagu qoray. Garan mayana sidaan yeeli xaqiiqdi. Lakiin koleyba Sanada kale waan si hayn. Haddii ay walaalahay Somaliyeed noqdaan dowlad oo uu is badala sida ay u fakarahayaan, markaa laga yabe inaan Daabaco, si ay u noqoto History oo loogu cimri qaato, loona sameen khaladkaas oo kale.

Mar labaad Ladan noo soo gudbi waxii sheeko oo aad heysid.

To: Anon
ah ah ah ah waa iga qoslisay duqa/sis. "Abaayo waxaad noo soo qorat sheekadii aad
Sweden isaga dhiibteen " Ayada xataa inay tahay a good story ayaa dhici karta. Marka hore adiga taada soo hormari heeeeeeeeeeeeeeee. Every one has story to tell!!!!!.

To:Ahmed
you are right "Qor nac-nacda...anaa ku tusaaya ayagoo isu bedelay WOW-WOW".

Kusow
Ramadaam Kariim "Wadac Wadac yaa ramadaam"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Kuusoow sheekada anaa qoray ma aha wax dhacay laakiin kuwo ku dhawdhaw oo dhacay aan aqaanaa dadkee ku dheceen.

hei annonymous!
macallinka ani sweden ma iska dhiibin, beenta saas u xooga badana ma sheegin ilaahaana mahad leh. familigaygana aaday u orod dheeraayeenoo ilaahay waa soo badbaadiyey.
Waxaa laakiin aqaanaa soomaali badan oo dhinac walba (qolyihii is dagaaleen) oo dhib kan aan ka yareen ku dhacay NASIIB DARRO.

JAAW HEE AWBUSTAANLE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
WAXAAN KAA ILOOBAY KUUSOOW HA JEEX JEEXIN SHEEKOOYINKA WIXII QABIIL AH KA SAAR OO QOR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Ladan

Igartay waad mahad santahay marka hore. Marka xiga waxaan yara jeclaan lahaa inaad Shekadaada xigta aad ka dhigtid mid ku saabsan "Wiil iyo Gabar" Is jeclaa oo uu kala geeyey dagaalka sokeeya ee wadankeena ka dhacay. Labada qofna ay u kala qaxeen labada garaje ee aduunka isna wayey.

Waxaan taas u leeyahay, madaama aa taahay gabar qoraa ah oo cabirkarta xalad kasta ahna "creative" inaad bal dhanka Jecelkana aad noo tabatid. Waayo waxaa jira dhalinyara badan oo Somaliyeed oo is jeclaa lakiin markii laka qaxay is waayey oo kala faniinay.

La soco inaan aad u xiiseeyo Shekoyinkaaga. Waayo waxaad leedahay astaamaha ruux qoraa ah. Ugu danbeentii waxaan kuu soo xigan odhaahdan oo aan aad u gahelay xaqiiqna ah."Qor nac-nacda...anaa ku tusaaya ayagoo isu bedelay WOW-WOW"(ahmed,2000).

Intaa iyo Sheka xiisa leh oon kaa sugnaa.

Kusow
Ramadaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jenyo

Unrecorded Date
0*0, Waxaan moodayey inaad intaad dhaanto, lakiin waa ee caadahay inaad seef la bood tahay. ha uu maleen inaan qoraalkaaga la garaneen, ama la baxa Gurta, LLPP, V-6, Awoow iyo magac kale ee aad akhiiyaarka isgag dhiigtid. Aflagaadad jooji.Ciid aad ku caynkarto ignorance, jahalimo iyo wax lamid ma jirto. Dhowr jeer baa laga xiishooday (pageka Aboosumayaha, pageka Yohanis iyo kan) Is garo. Qofka tawqadiis iyo imaankiis adiga laguma saarin. Dhowr jeer baad hadal qalafsan adigoo is qarinaaya tiri, markaas baa dadka gaalnimo ku sheegeeysa. Hypocrite, taada ka adkoo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
salaamu calaukum liman tabical hudaa

To Ladan;

Leee... Sheekadan maa xalaal iyo xaaran u raadinaysay.. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay hubsashadaadda aad hubsanaysid waxaad qoraysay in ay Diintaadda ka soo horjeedaan iyo in kale. Sababtaan kuu canaananayeyna waxay ahayd uu waxaan doonayyey ilaa Xad in aad su'aalaha noocaas oo kale ka kaaftoontid oo aad adigu ka jawaabi kartid.

Arinta sheekadda waa arin wanaagsan, Marka Islaamka ka hadlaya qofka waxa uu qabanayo waxaa lagu misaamaa Niyadiisa... Muxuu ula jeedaa?. Markaa Waxaan kuu hayaa War fiican.... Hadaad niyadaadda wanaajisid Wakhti walba oo kaaga baxa iyo xaraf walba oo aad qorto waxaad ku helaysaa AJAR.

Ilaaahay qof walba waxaa uu siiyey hibo gaar, oo loogu talagalay in uu alle ugu shugriyo, diintiisana ugu taageero. Markaa haddii aad qoraalka ku fiican tahay waxaan aad kuugu dhiiri galin lahaa in aad dadaalkaaga sii wado...WAAYO HAWSHA KUU TAAL AYAA KA BADAN WAKHTIGA AAD HAYSATO.


To Kusow;
Waxaan Rajaynaa in aad ninka "AHMAD" isku magacaabay taqaanin???? haddii aanad aqoon u lahayn fadlan fiiri forums(ISLAM) mowduucyadda ka bilowday" ..." waa soomaali-GAAl, Yuhuudi,Munaafaq, Kaafir ah, Markaa yuuna afka kuu galinin eriyo iyo fikraddo gaalnimo ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Yaska

Assalamu calaykum akhii filaah

Walaal runtaa weeyo markaa qoray ayaan arkay inuu ninku yahay ninka odeyga ahaan. Markaa aad baan uga xumaaday, Nasiib daro awood aan ku tir tiro ma laheeyn waan tirtiri lahaa.

Waad ku mahadsan tahay taladaadi. Jisaaka Laah.

Kusow
Akhuukum Filaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
YASKA
Sheekadaan waa mid ka mid ah nacnacdaa qoray laakiin way kala duwan yihiin,laakiinse suaasha waxaan u weeydiinaayey dad lagu tirinaayo ineey diinta wax ka garanaayaanaa igu dheheen, sideedaba in wax aan dhicin la qoro waa been waana xaaraam!!!!!!!!

WAXAA WEEYDIINAA DAKIINA WIXII REER NORTH-AMERICA AH
NINKA FEERTAMO OO MAGACAAN LAH "PARDEEP NAGRA" MUSLIN MIYAA?!!
JOORNAALAAN KU ARKAY IN LOO OGOLAADAY INUU GARKIISA HAYSTO. WUXUU SHEEGAY INUUNA XIIRI KARIN SABABO DIIN DARTEED.

WASALAAAM....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MIRE

Unrecorded Date
to ladan
asalaamu calaykum
walaal rutii aad waxaan ula yaabay kartida dheeraadka ah ee aad u leedahay sida wax loo qore........aad baan ula yaabay sida aad u soo bandigtay sheekadan,runtii waxaan kuu rajaynayaa wanaag .
walaal waxaan kugula talin lahaa inaad kartidan dheeraadka ah aad uga faaiidayso Islamka ,aad aan u barato ka dibna aad wax ka qorto(islamka).

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.