site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA KU BADBAADAYAAN XAASASKU SIDAN???

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MA KU BADBAADAYAAN XAASASKU SIDAN???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MCM

Unrecorded Date
Asalaamucaleykum waraxmatuLAAHI wabarakaatuhu,
Salaantaa kadib ayaan waxaan jecleystay iyadoo ay tahay markii iigu horeysay inaan wax ku qoro boggan inaan is weydiino su'aashan ah: waxaa jira rag badan oo xaasaskooda iyo caruurtooda kala carara dhulalkan laakiin iyaga naftooda jooga oo weli ku nool halkan hadaba waxaa isweydiin leh haddiiba uu halkan nacay maxaa isaga ku haya mase heyn karaan xaasaska lagu keli yeelay caruurta iyagoo weliba la geeya wadan aan Soomaaliya aheyn ee ah wadan kale oo carbeed. Runtii anigu mid waan ku raacsannahay oo halkan ma aha meel caruur lagu korin karo, oo uu qof muslim ahna ay adag tahay inuu ku noolaado, laakiin hooyada lagu keli yeelay caruurta ee aan kaalmadii aabe haysan ma tarbiyadeyn kartaa caruur??? Waxaan walaalaheey muslimiinta ah weydiinayaa sidaa xaasasku ma ku badbaadayaan?? maxaa xal ah ???...
ALLAH dambigeenna ha dhaafo... mahadsanid..
ASALAAMUCALEYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/J

Unrecorded Date
MCM,

Calaykum wa Salaam. Gacmo furan ku soo dhawaw.

Sidaas ubadkiina dhaqan/diin kuma baran karaan, hooyadana way ku rafaadaysaa. Qoyska isku daya in uu sidan wax ku xaliyo, waxay marka danbe ogaadaan in tii hore "Wadamadan gaaleed" ay u dhaantay. Markaas ayaa hadana ilmaha dib loo soo celiyaa, kadibna wareeg aan meel looga baxo lahayn meesha ka bilowdaa.

Xalka wuxuu noqonkaraa aniga fikradayda:

1- Kuwa aan hadda ilmo dhalin: In ay qorshaystaan inta ilmo ay ka bixi karaan korintooda:

2- Kuwa ilmaha leh:
"Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan" Haddii aad xaaskaaga iyo ilmahaaga aad u dirto waddan kale adigana aad ka harto: Waxay la midtahay, nin nafta ilmihiisa iyo xaaskiisa tuuray.

Waxaa habboon meelkasta ha loo guuree in reerka dhan isla socdo, haddii ay ka fursan wayso geedi.

Waalidka waa in ay la qabsadaan si dhaqso leh waddanka ay dagganyihiin, haddii kale ilmaha ayaa kaga horaynaya, markaasna waxaa dhici karta in waalidnka "koontaroolka" ka dhumo, oo ay garan kari waayaan meesha ay wax marayaan iyo sida wax lagu wado!.

C/J

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
aslaamu caleykum
ku c/j aad iyo aad baad u fikrad fiicantahay. waa run haddii uu ilmahaagu kaa hor barto wax wuxuu kuu arkaayaa nothinking. Taasa dhibta keenta markaas ayey is ku dayaan in ay wadanka dhan laga bixiyo oo loo raro wadan carbeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Friday, June 30, 2000 - 01:39 pm
KU:Walaaladayda kor ku xusan

Marka hore salaan muslimka iga gudoona,intaa kadib
waxaan jeclaystay inaan rayi ku darsado,rayigan mihiimka inoo ah in la iswaydiiyo anigu khaasatan waxaan aaminsanahay howsha guriga gudihiisa hoyada ayaa maamusha tarbiyada caruurtuna hooyo kama soo hadho intuu aabuhu joogana kaba sii wanaagsan,sababtoo ah aabaha howsha dibada ee masruuf ama waxlamida lagu waajibiyey idinkoo wada
joogana waxa ba hubaala inaad aduu marwalba caruurta uga agjoog badsanaysid hooyo ahaan,intayna qaangaarin wadangaalo iyo wadan muslimna hadii la is barbardhigo macnaha inay ka fidno yartahay wadanka muslimka ahi xoriyad baa ugu horeysa ood caruurtaada ku heli karto kuna haysankarto oon lagu qasbeyn.wamamadaqurbaha qaarse waalidka lagu qasbo inay meelo lagu hayo qasab ku geeyaan,iyadoo ilmihii oo aad u yar dhaqano xunxun lagu baro maxaa yeelay gaal baa gacanta ku haya,e calaayaxaal aabayaashaasi runtii ma fikrad xuma waxa laga yabaa inay is leeyihiin faroqabsi intii aad helaysaan,walba halkaa ha ku cayntaan.Wabilaahi towfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.