site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAMADAANKA IYO FADLIGEEDA.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): RAMADAANKA IYO FADLIGEEDA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Walaalayaal dhamaantiin waxaan idinku salaamay salaanta xaqa ee islaamka,waana idin jeclahay jacayl aanan dan gooniya ku wadan,inshaa alaahu hadii raxmaanku ogolado waxaan jeclahay saan horay idiinka balan qaadayba inaan idinkala qayb qaato bisha barakaysan ee ramadaanka,marka qaybtan wa fadligeeda iyo waxii soo raaca. amaa AXKAAMTEEDA.FIIRI QAYBTA SARE EE UU FURAY AKHUUNA C/KHAALIQ XAFIDAHU LAAH.

Ugu horayn walaalayal bishaani waa bil aad u fadli weyn,waxayna ku sugan tahay arintaasi KITAABKA IYO SUNAHA muqadaska.marka ma wada sheegi karno booskan oo iska ciriiri ah awgii waxaanse insha alah wax ka qorayna intii raxmaanku naga haleelsiiyo.waxaan hadaba ku bilaabayna oo fadaa'isheeda ka mid ah.

1- QURAANKA SOO DAJINTIISA.
Waxuu alah ku sheegay vii suurati BAQARA.aayada 185.in uu quraanka soo dajiyay bisha ramadaan,quraankuna waa hogaamiyaha iyo sharafta aduunkan aan maanta joogno.waxuu alah yiri (SHAHRU RAMADAANA ALADII UNZILA VIIHIL QURAA'NU HUDAN LILNAASI WA BAYINAATI MINAL HUDA-AL AYAH) markaa aayada waxaa ku cad fadliga weyn ee ay bisha ramadaan leedahay.

2-IN AY KU JIRTO DHEXDEEDA HABEENKA LAYLATUL QADRI OO U DHIGMA 83SANO IYO WAX LA JIRA.

Fadaa'isha waaweyn ee bisha ramadaan leedahay waxaa walaalayal ka mida,in uu ku dhex jiro habeenkas u dhigma 83sano oo qofkii waafaqa uu khayr faro badan la kulmayo.waxuuna alah kitaabkiisa casiiska ku leeyahay.
(INAA ANSALNAAHU VII LAYLATIL QADRI* WAMAA ADRAAKA MAA LAYLATUL QADRI* LAYLATUL QADRI KHAYRUN MIN ALFI SHAHRI) sida runtaana waxaa jirta axaadiis badan oo ka hadashay,balse meesha oo nagu yar awgeed ma sii wadi karno.

3-IN DHEXDEEDA ALAH KU XUKMIYO WAXII SANADKA DHICI LAHA.

Waxaa fadaa'isheeda ka mida in dhexdeena alah ku kala xukmiyo awaamir faro badan qofkii ilaahay khayr ugu qadarana uu fadli faro badan kula dhex kulmaayo.waxuuna alah kitaabkiisa kariimka ku leeyahay vii suurati dukhaan.
(INAA ANZALNAAHU VII LAYLATIN MUBAARAKATIN,INAA KUNAA MUNDARIIN* VIIHAA YUFRAQU KULU AMRIN XAKIIM) waxayna mufasiriin badan ku fasireen sidaan soo sheegnay,waayo quraanka in ramadaan la soo dajiyay waa cadahay,markaa ayada dhexdeeda ayaa arimaha alah ku kala xukmiya,ilahow khayr noo xukmi.

4-WAXAA DHEXDEEDA LA XIRXIRAA SHAYAADIINTA KUWOODA MARADADA AH OO MADAXA ADAG.WAXAANA LA FURAA ALBAABADA JANADA,WAXAANA LA XIRAA KUWA NAARTA.

INSHAA ALAAHU XADIISKA QAYBTA DANBE KALA SOCO.

WAAN SII WADAYNAA INSHA ALAH INAAN IDINKU DAALIYO AKHRISKA MA JECLI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

QAYBTII LABAAD.

Vii Saxiixi Bukhaari Wal Muslim.(Idaa ja'a Ramadaanu futuxat abwabul janah wa vii riwayah.Idaa dakhala ramadaanu futixat abwaabu samaa,(wa vii riwayah futixat abwaabu raxma)wa uqliqat abwaabu jahanama wa sulsulita shayaadiin)

Xadiiskan waxaa noogu cad fadliga weyn ee ay leedahay bisha ramadaan ,in albaabada janada la furo,samada la furo, naxariista alah la furo,naarta albaabadeeda la xiro.shayaadiintana la silsiladeeyo.waxay culimadu ka hadlaan maxaa dadka qaarkii ficilada shaydaaniga u sameeyan bishaa hadii shayaadiinta la xir xiro. dhowr jawaabod bay ka bixiyaan.mida ugu horaysa waxay yirahdan waxa shaydaanka laga xirxiray waa ahlu khayrka iyo cibaadada si uusan uga mashquulin cibaadadooda.ee ahlu fisqiga awalba sheydaan baa wali u ahaa. waxay kaloo culumadu uga jawaaban ficilada shaydaaniga shaydaanka kaliya ma sameeyo.ee waxaa jira waxyaabo kale sida nafta,shahwada iyo hawo raacida kuwaaso dadka u dhumiya sida shaydaanka,markaa waxa suurto gal ah isgoo xirxiran in waxayaabahasi qofka wataan,waxay kaloo ku jawaaban waxa jirta in la xirxiro shayaadiinta kuwooda waawayn markaa qofka macaasida dabaalanaya waa mid iska daciifa oo kuwa yaryar baa ka adag. isku soo duub waxaa xaqiiqo ah in fadliga bishaas iyo macaasida yaraanteeda laga dareemi karo bisha gudaheeda,waxaad arkaysa dad badan oo aan tukan oo bishaas tukada,iyo kuwo ka xishoonaya waxyaabaha xunxun oo leh war waa ramadaan.markaa ilaahay ha u siyaadiyo hana ku hanuuniyo bishaas dhexdeeda.anagoo dhana khayr iyo silaax ha na waafajiyo.

5-WAXA FADAA'ISHEEDA KA MID AH IN QOFKA LOOGU DHAAFO DANBIYADIISI YARYARAA OO DHAN.

Waxaa Nabiga ka sugan SCW xadiis"Man qaama RAMADAANA iimaanan waxtisaaban gufira lahu maa taqadama min danbihi"
Xadiiskas macnihiisu waxaa weeye "qofkii istaaga ama cibaado ugu quma ramadaanka waxaa loo dhaafaya danbigiisi kii hore" waana dunuubta yaryar waayo danbi weyn hadaad gasho Toowbad buu u baahan yahay.markaa waxaad arkaysaa in ay tahay bil aad looga faa'iidaysto oo loo baahan yahay inaysan qofka cacayaar ku dhaafin.

6-WAXAA DHEXDEEDA KU JIRA FARXAD MAALIN WALBA AH,WAANA BISHAARO IYO QALBI DAJIN XAGA ALAH KA TIMID IYO BALANQAD IN UU QOFKAASI FARXI DOONO MARKUU ALAH LA KULMO.

Can abii-hurayra RC qaala: Qaala SCW:Qaala LAAHU TACAALA: kulu camalin ibni aadami lahu ilal sawmu.fa'inahu lii wa anaa ajzi'u bihi.WA LIL SAA'IMI FARXATAAN YAFRAXUHUMAA (IDAA AFDARA FARIXA WA IDAA LAQIYA RABAHU FARIXA BISOWMIHI)

Xadiiska meesha aan ka rabno waxa weeye.qofka saa'imka laba farxadood buu leeyahay farxad waa marka qoraxdu dhacdo oo uu ku farxayo in ilaahay maalinka u fududeeyay inuu guto cibaadaddiisi.marka macnahu waxaa weeye maalinkasta farxad iyo raxmad rabi buu la kulmaya ilaa inta ramadaanku socoto.farxada kalana waa marka uu rabigiis la kulmo asagoo soo gutay cibaadadi laga rabay.waxaana xadiiska ku sugan balanqaad aduun iyo mid aakhiro.

INSHAA ALAAHU WAAN SII WADAYNAA.MAXAASE LA IIGALA QAYB QAADAN LA'YAHAY.MISE MEESHA CIDIBA MUXADARADA MA FADHIDO OO ANIGA UUN BAA JEEDINAYA.WAXAAN ILAHAY KA BARYAYA INUU SIMBIRIRIXASHADAYDA II DHHAFO,WAXII AAN WANAAJIYANA ASAGA UUN BAA II SAHLAY OON KU MAHADINAYA WAANA WADAYA,INTII ILAAHAY IGA GARANSIIYO.

WALAAHU WALIYUL TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
Walaalayal waxaan ku soo jirnay fadliga ramadaanka.
7-WAXAA FADAA'ISHEEDA KA MID AH.IN ABAALMARINTEEDA AY KA MID TAHAY QIYAAS AAN LA SHEEGIN OO ILAAHAY UUN UU OGYAHAY.

Waxuu nabigu SCW xadiis ku yiri.ILAAHAY WAXUU YIRI (KULU XASANATI BI CASHARI AMTHAALIHA ILA SABCA MI'ATI DICFI ILA SIYAAM FA INAHU LII WA ANA AJZI'U BIHI.)
Macnahuna waxaa weeye xasano kasta tobon jeer ba la labanlaba ilaa todobo boqol laga gaarsiiyo,sowmka mooye asaga aniga leh anigana garanaya waxaan ku abaal marinayo.

8-WAXAA FADAA'ISHEEDA KA MIDA IN QOFKA SOOMAN RIIXDA AFKIISA KA IMAANAYSA AY ILAHAY AGTIISA KA UDGOONTAHAY RIIXDA MISKIGA.
Xadiis ayuuna NABIGA SCW ku cadeeyay.(LA KHULUUFU FAMI SAA'IMI ADYABU CINDA LAAHI MIN RIIXI MISKI)

9-WAXAA FADAA'ISHEEDA KA MIDA INAY TAHAY BISHII ILAAHAY MUSLIMIINTA QUWEEYEY GAALADANA DULEEYAY.OO AY DHACDAY DUULANKI WEYNAA EE BEDER.WAXAYNA ARINTAAS KU SUGAN TAHAY KUTUBTA KA HADLAYSA FADLIGA RAMADAANKA INTOODA BADAN.

MAANTA WAA INTAA.KULAN DANBE OO DHAQSO AH INSHA-ALAH.MASHQUUL ADUUNYANA WAA ISKA JIRAA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.