site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAMADAANKA & GURIGA WACDIGA.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): RAMADAANKA & GURIGA WACDIGA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA.

Walaalayal waxaan jeclahay in qaybtaani noqoto QAYB WACDI IYO IS XASUUSIN RABI AH oo aan bishaan ugu qaadano saad inta aan sooman nahay,ayna noqotona guri muxaadarooyin iyo wacdi ka socdo qofkii firaaqo soo helana uu yimaado si uu u akhristo qalbigana ugu dajiyo.waxaan jeclahay in qofkii muxaadaro soo qoraya uu soo ICLAAMIYO SI BOOSKA LOOGU BANEEYO OO INTA MUXAADARADIISU SOCOTO AAN LOOGA DHEX GALIN.

UGU HORAYN ANIGA AYAA JECEL INAAN BILAABO.MUXAADARADAYDUNA WAXAY KU SAABSAN TAHAY SOWMKA WAXAANA LA YIRAHDA "MAA NUHIYA WA MAA UMIRA VI SOWM" WAXYABAHA LAGU REEBAY SOWMKA IYO WAXYABAHA LAGU AMRAY.ILAAHAY HA I SUGU NIN AQOON BADAN MA IHI BALSE DADAAL BAAN HAYAA.

Inal xamdu lilaahi naxmuduhu wa nastaciinahu wanastagfirihu wa nacuudu bilahi min shuruuri anfusina wa min sayi'ati acmaalina inahu man yahdihi laaha falaa mudila lah waman yudlil falaa haadiya lah.wa ashhadu ana muxamadan rasuulu laahi scw balaga risala wa adal amana wa nasaxal umah wa jahada vi lahi xaqa jihadihi xata atahul yaqiin salawaatu laahi wa salamuhu calayhi.amaa bacdu.
ASLAMU CALAYKUM AYUHAL IKHWAH.
Waxaan jeclahay hadii ilahay idmo inaan ka hadlo soonka.soonku walaalayal sidaan ognahayba waa tiirka afraad ee arkaanta islaamka NABIGU SCW waxuu yiri: BUNIYAL ISLAAMU CALAA KHAMSI,SHAHAADATU AN LAA ILAAHI ILA LAAHU.WA ANA MUXAMADA RASUULA LAAHI.WAIQAAMI SALAATI.WA IITA'I ZAKAATI.WA SOWMU RAMADAANA.WA XAJUL BAYTI MAN ISTADACA ILAYHI SABIILA. macnuhuna waxa weya islaamka shan tiir ayaa lagu dhisay oo aasaas u ah.sowmkuna waa ka mid markaa hadii sowmka la waayo waxaa tiirarki islaamka maqan mid ka mida.
Sidoo kale walalayal soonku waa amar rabi oo in la qaato ay waajib tahay,mana aha wax umadaan NABI MAXAMED SCW ku kooban ee waa wax umadihii hore xataa nala qabeen.ALAH ISGOO ARINTAAS UGA HADLAYA VII SUURATIL BAQARA WAXUU YIRI" YAA AYUHA LADIINA AAMANU KUTIBA CALAYKUMU SIYAAMU KAMAA KUTIBA CALA LADIINA MIN QABLIKUM LACALAKUM TATAQUUN.macnaha aayaduna waxa weeye waxaa la idinku faral yeelay sowm sidii loogu faral yeelay kuwii idinka horeeyay,inaad cabsataan daraaded.markaa waxa ayada ku cad inay waajib nagu tahay inaan soono ilaa qofkii loo cudurdaaray mooye,iyo inay cibaado rabi oo soo jireena tahay.iyo in cabsiinaan ka helo la rabo.

Sidoo kale walaalayal soonku waa gaashan macaasida la isga dhiciyo naartana laga galo.waxaa NABIGA SCW KA SUGAN INUU YIRI:ASOWMU JUNAH.macnaha sowmku waa gaashan ama xijaab.

INSHAA ALAH WAY SII SOCOTAA.WAXAAN RAJAYNAYA INAAN MUXAADARADAN DHOWR QORAAL KU DHAMEEYO.MARKAA YAA IGU XIGA.FADLAN ISA SOO QOR.MUXAADAROOYINKA YAASE DHEGEYSANAAYA.ANIGU KOW MARKAN TAYDA DHAMEEYO KURSIGAAS BAAN FADHIYA BISHA RAMADAAN.ILAHAY AJAR HA KA SIIYO KII II FAA'IIDEYA AMA GABADHI II FAA'IIDAYSA.WAXAANA AHAY

1-MASKIIN.

BAL NOO SOO QOR QOFKII KA QAYB QAADANAYOW AMA DHEGEYSANAYOW.ILAAHAY GURIGEENAN HA KA DHIGO KII MALAA'IGTU SOO XAADIRTO DIKRIGIISANA LAGU HAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wacdi

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaal miskiin wxaan jeclaanlahaa inaad soo bandhigtid mawduuc ah sawiro kamida noloshii asxaabtii aad ayaan u xiisaynaynaa.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.
TO: WACDI.
WALAAL MA FAHMIN.MAXAAD KA WADAA SAWIRO KA MID AH NOLASHII ASXAABTII??SOO CADEE BAL?

WA BILAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASLAMU CALAYKUM.

YAA IKHWATII WAXAA SII SOCOTA MUXAADARADI.MAA NUHIYA WAMAA UMIRA VI SOWM.

Waxaan ka soo hadalay faralyeelida soonka iyo sida uu macaasida qofka uga dhowro.walaalayal sidoo kale sowmku waa cibaado badani ah oo qofka laga rabo.waxaana bishaas jirkiisa ku yaraada quwada waxaana ku weynaada ruuxda iyo iimanka,waayo waxaa xadiis ku sugan,in shaydaanku maro dhiiga qofka dhexdiisa,markaa dhiigii waaba iska yaraanaya waayo cabidii iyo cunudii baa yar.
Waxyaabaha fadliga dheeradka oo ay bishaasi leedahay ama sowmku wato waxaa ka mida in qofku sadaqo bato,Caa'isha RC waxay leedahay Rasuulku SCW waxuu ahaa kan dadka ugu (AJWADSAN)UGU DEEQSISAN WAXUUNA WAQTIGA UGU DEEQSISANAA MARKA BISHA RAMADAAN TIMAADO.markaa qofku waa inuu sadaqo badnaada.
Hadaan u soo degno Muxaadaradeena arintay ku saabsanayd,walaalayal waxaa jira waxyaabo badan oo soonka lagu reebay iyo wax laynagu faray.WAXYAABAHA LA INAGA REEBAY WAXAA KA MID AH.
CUNIDA IYO CABIDA,waxaana qofka saa'imka laga rabaa inuusan waxna cunin waxna cabin ilaa qoraxdu ka dhacdo.sidoo kale waxaa nalaga REEBAY INAAN HAWEENKA U TAGNO.qofka saa'imka looma ogola wax jamaac ah ama isu tagid lab iyo dhedig ah.daliilada arimahana waa iska waadax ama wax cad hadaad u baahan tahayna fiiri boga axkaamu siyaam.
Waxaa kale oo walaalayal nalaga reebay HADALADA XUNXUN EE BEENTA AMA XANTA IYO KU CAMAL FALKOODA.iyadoo aysan markasta banaanayn hadana bishan waa sii daran tahay,waayo markii hore danbi uun ba laguugu qorayay hadase waxay ku darsatay in sowmkagi aad ajar ugu weydo,WAXUU NABIGU SCW XADIIS KU YIRI SAXIIX AH.(MAN LAM YADAC QOWLU SUURI WAL CAMALU BIHI FA LEYSA LILAAHI XAAJATAN BI AN YADACA DACAAMAHU WA SHARAABAHU.
Qofkii aan iska deyn hadalada xunxun iyo beenta (markhaati beenedka)ilaahay dan kama laha inuu cuntadiisa iyo cabidiisa ka tago.WAXUU KALOO NABIGU KU LEEYAHAY XADIIS AY WARIYEEN IMAAMU AXMED NISAA'I IYO XAAKIM SANAD SAXIIXA.(RUBA SAA'IMUN LAYSA LAHU MIN SIYAAMIHI ILAL JUUCA WAL CADASH WA RUBA QAA'IMIN LAYSA LAHU MIN QIYAAMIHI ILAL SAHRU)
Macnahuna waxa weeye badanaa mid sowman oo aan sowmkiisa ka helayn ilaa gaayo mooye. markaa walaalayal waa inaan soonkeena xifdinaa oo ka ilaalina waxyaabaha xunxun oo dhan.

WAY SII SOCOTAA ILAAHAY TOWFIIQDA HA NA WAAFAJIYO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.