site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bisha Ramadaanka iyo Arrimaha Soonka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Bisha Ramadaanka iyo Arrimaha Soonka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alkheyraad

Unrecorded Date
Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka

Soonku waa tiirka afaraad ee diinta islaamka, waana cibaado soo jireen ahayd oo ummadihii horena samayn jireen oo waajib ku ahayd. Sidaa awgeed waxaan walaalaha soomaaliyeed u
Soo gudbinaynaa qoraalkan koobaya dhinacyada arrimaha soonka. Waxaana ugu hambalye-
yneynaa Muslimiinta Bishan Barakaysan ee Ramadaan.
Macnaha Soonka:- Soonku waa ka istaagid ama joojin uu qofku iska taago ama iska joojiyo waxkasta oo ALLAAH iyo NEBIGIISU N.N.K.H. amreen in laga istaago.
Xukunka Soonka :- Soonku waa waajib saaran qofkasta oo muslim, qaangaara, miyir qaba isla markaana awoodi kara. Waxaa daliil u ah Aayada Quraanka ah ee oraneysa.
Dadkii ALLAAH rumeeyoow! Waxaa la idinku waajibiyey soonka sidii loogu waajibiyey ummadihii idinka horeeyey ”
Nebiguna N.N.K.H. wuxuu xaddiis saxiix ku yiri Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir, in La qiro ALLAAH mooyee in ALLE kale oo xaq lagu caabudo uusan jirin, Nebi Muxamedna yahay Rasuulkii ALLE, Salaada oo la oogo, Zekada oo la bixiyo, Bisha Ramadaan oo la Soomo iyo Xajka oo la guto”.
Wanaagga Ramadaanka:- Waxaa sugan in Rasuulku N.N.K.H. asxaabta ugu
Bishaareyn jirey soo gelidda bisha Ramadaan. Saxaabiga ah Cubaada bin Saamit wuxuu weriyey in Nebiga N.N.K.H saxaabada ku yidhi Waxaa idiin yimi Ramadaan oo ah bil
Barako leh, ILAAH wuxuu idiin huwiyaa kheyrkiisa, naxariista ayaa soo degta, dembiyada ayuu dhaafaa, ducada ayuu aqbalaa, ILAAH wuxuu fiirshaa tartankiina bisha dhexdeeda, malaa’igta ayuu RABBI ku yidhaahdaa fiiriya camalka addoomahayga, ee marka ILAAHAY tusiyaa camalka khayr ah, ka nasiib daran waa ka naxariista ILAAH ka qaday” Abu-Hureyra wuxuu weriyey in Nebigu N.N.K.H yidhi
Qofka sooma Ramadaan isaga oo rumeysan ILAAHAYNA ajir ka doonaya waxaa loo dhaafaa dembigiisa hore” Weriyey Bukhaari & Muslim.
Abuu-umaama wuxuu yidhi waxaan u imid Rasuulka N.N.K.H waxaana ku idhi Rasuul ALLOOW ii sheeg camal jannada i geliya wuxuu yidhi Nebigu Soonka ha sii deyn maxaa yeelay wax la mid ihi ma jiro”. Wuxuuna yidhi mar labaad ayaan ku soo noqday hadana wuxuu igu yidhi Soonka ha sii deyn” weriyey Axmed Nasaa’i iyo Xaakim.
Faa ’iidada Soonka:-
1. ILAAH wuxuu yidhi Aayada micnaheedu yahay Kuwa rumeeyow! Waxaa la idinku waajib yeelay soonka sida loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey si aad ILAAH ugu cabsataan”. Marka soonka wuxuu inoo kordhiyaa cabsida EEBBE taasi waxay ku imaanaysaa markuu qofku maalin oo dhan af xidhnaado ILAAH dartii.
2. Qofka waxay bartaa sabirka,adkaysiga, go’aanyeelashada, kontoroolidda nafta waxaana ka faa’iidaysan kara dadka jecel inay sigaarka iyo qaadka iska daayaan.
3. Wuxuu beeraa dareenka ah isu naxariisashada, wax-istarka iyo warqabka baahida dadka kale.
4. Wuxuu wanaajiyaa caafimaadka jidka guud ahaan, waxaana uu nasiyaa shaqooyinka ka socda xubnihiisa, gaar ahaan caloosha, jidhkana waxaa u suuro gala in uu iska saaro qashinka dheeraadka ah.
Ka soomani arrimaha uu ku dadaalayo:-


1. Kol haddii soonka loo jideeyey inuu ALLE ka cabsigeena kordhiyo, waa in la iska ilaalshaa afxumada iyo dambiyada kale si soonku u tooso. Rasuulku wuxuu xaddiis ku yidhi Kaa aan ka tegahayn hadalka dembiga ah iyo ku dhaqankiisa ILAAH dan kama leh inuu ka afxidhnaado cunto iyo cabidda”. Bukhaari & Muslim.

2. Waxaa sunno ah in la suxuurto saqbadhka ka dib, horena loo afuro markay qoraxdu dhacdo

3. In la ducaysto marka la afurayo iyo maalin weynta uu qofka sooman yahayba, Nebiguna
N.N.K.H. wuxuu sheegay in baryada laga aqbalo ka sooman.

4. Qur’aan akhris badan iyo sadaqo badan sidii Nebiguba N.N.K.H. yeeli jirey iyo weliba
afurinta cid sooman, si ajirkiisa oo kale u helo sidaa Nebigaa sheegay.

5. In aad loo cibaadeysto tobanka dambe ee bisha Ramadaan si uu qofku ula kulmo habeenka
Leyletulqadarka oo Qur’aanku sheegay inuu ka fadli badan yahay kun bilood.
Soonka waxa jabiya:-

1. Cunid, cabbid, iyo galmo dumar. Intuba waa haddii loo kaso, sigaar cabbiduna iyana way jabisaa soonka.

2. In caado dumar timaaddo, ama dhiig dhalmo.

3. In si u kas ah la isaga matajiyo.
Waxyaabo aan soonka jebin:-

1. Biyo la dhex galo ama la dabaasho.

2. Indhakuusha.

3. Istoob, iyo jidhka oo dhiig laga keeno.

4. Luq-Luqasho iyo sandaarsi aan sanka hore loogu eryin biyaha.

5. Candhuuf liqid iyo cunto dhadhamin aan la liqin.

6. Ursasho cadar.

7. Janaabada haddii waagu kugu caddaado soonka waxba yeeli mayso, waxaa la mid ah caadada ama dhiiga dhalmada oo habeenkii go’ay ilaa waagu caddaanayana la qubeysan.

Gebegabadii qofkastoo Muslim ah waxaa looga baahan yahay inuu ku dadaalo cibaadada iyo kheyraadka oo dhan markastoo gaar ahaan bisha Ramadaan, waxaana RABBI ka baryeynaa inuu na waafajiyo kheyraadka faraha badan ee bisha Ramadaan lee dahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ansaari

Unrecorded Date
Waad noo faa'ideysay ee Allaha kuu faa'ideeyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.