site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AXMED IYO INTAAN QOWLKIISA KA OGAADEY.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): AXMED IYO INTAAN QOWLKIISA KA OGAADEY.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

Ikwaani waan idin salaamay dhamaantiin.hadii alah idmo waxaan jeclahay inaan ka hadlo ninka la yiraahdo Axmed oo mawaadiic badan maalmahan ku qoray SOMALINETKA,runtiina aad loogu wareeray waxa uu yahay,sababtuna ay tahay isagoo ka feker iyo caqiido duwan muslimiinta soomaliyed ee halkan isagu timaada isaguna meelo badan ku cadeeyay inuu naga duwan yahay isagoo leh idinka suniga.waxaana Ilaahay uga baryaya inuu ka abaal mariyo walaalahii radiyay aqwaashiisi baadilka ahayd,waqtigooda faraha badana galiyay inaysan caqiidadiisa faasidka ku dhex fidin dadka muslimiinta ee soomaliyed,runtiina waan la socday doodahi faraha badnaa ee dhex maray waxaana intaas qorayay waxyaabaha baadilka ee uu ku hadlayay.hadaba waxaan go'aansaday inaan soo bandhigo waxyaabahi aan ka ogaadey hadaladiisa iyo waxa ay ka qabto manhajka uu ku socdo diinteena xaniifka ah ee toosan.waxaan xukunkiisa ka dhigaya qowlkiisi iyo waxuu qoray waxaana idiin soo sheegaya waxay culimada islaamku ka qabaan firqadaas uu fahankeeda ama codkeeda halkaan la yimid.markaa haduu toowabadkeenona alah inshaa alah waa ka towbad aqbalaya oo uu ka soo noqdo mad-habkaas baadilka ee uu cadaystay.hadii uu ka soo noqon waayana waxuu la xukun yahay iyaga.

Walaalayal fekerka ama caqiidada uu halkaan keenay ninkaani waxaa qabta FIRQADA BAADILKA EE LA YIRAAHDO AL-BAHAA'IYA. uuna aasaasay ninkii la oran jiray XUSEEN CALI CABAAS ALMAAZANDAANIY.waxuuna dhashay sanadkii 1233 hijriyada waxuuna ku dhashay magaalo la yiraahdo NOWRWAQIIYL oo ku taala IIRAAN.
Markaa runtii ma daba gali karo taariikhda firqadaas meesha oo igu yar awgeed,waxaanse jeclahay inaan bog idiin furo aan firqooyinka,caqaa'idaadkooda iyo waxa islaamku ka qabo aan uga hadlaayo bogaas ayaana taariikhdeeda iyo waxay soo martay uga hadli doona,balse hada waxaan halkaan uga hadlaya caqiida firqadaas iyo sida ninkaani ayadoo waxba lagu soo darin uu noogu keenay halkan.waxaana is dabo dhigi doona caqaa'idadkooda macnaha waxay aaminsan yahiin iyo hadaladiisi uu qoray oo muujinaya waxuu aaminsan yahay
WAXAA CAQAA'IDOODA KA MID AH:
1-(WAXDATU JAMIICUL ADYAAN,WA SALAAMUL CAAM WA TACAAYIISH AL HAADIYA BEYNA KULI SHACUUB)
Macnahuna waxaa weeye in diimaha la isku jamciyo oo iskumeel u duulan wax kala soocana aysan jirin runtii waxyaabaha ay qoraan oo quraafad iyo hadalo badan oo diimihi hore iyo dadkoodi ka sheekaynaya waxaan ku arkay meelo badan oo hadaladiisa.waxaanse iyadoo duuduuban ka soo qaadanayna hadal uu qoray markay walaalaha wax badan is haysteen oo uu yiri.
"LET'S UP OUR DIFFERENCES ASIDE AND WORK TOGETHER FOR OUR NATION"
2-WAXAY QABAAN FIRQADAANI QAYB KA MIDA MADHABKA SHIICADA EE LA YIRAAHDO "ATUQYAH" OO AH ARIMAHOODA INAYSAN RUNTA KA SHEEGIN IYO WAXA AY RUMAYSAN YAHIIN.cida uu dabada ku hayo iyo sida fekerkas caqiidadooda u soo galayna waxaan insha alah uga hadli doona markan firqooyinka ka hadlayno.
Amaa hadaladiisi cadayneyay inuu caqiidadas TUQYADAH aaminsan yahay dhowr aan ka soo qaadano.
mida koowad waxuu ku yiri " WAXAA JIRA WAX BADAN OO AAN SHIICADA KU RAACSANAHAY" kuwaas waxaa ka mida tuqyada.waxuu kaloo yir"I don't need to prove to you my being muslim and my beliefs" markaa inuu caqiidada la qabana way iska cadahay.waadna aragteen marar badan oo la weydiiyay inuu is cadeeyo inuu hadba meel isku rarayay.hadana wax looga fadhiyo maaha waayo waa wax uu caqiidaysan yahay inuu is qariyo.
3-WAXAA CAQAA'IDOODA KA MIDA INAY QURAANKA KALIYA QAATAN.waxaana filaya waa midaan mida ay walaalaha isagu baaba'een.
Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa"any thing that is not prohibited in koran is not prohibited" waxuu kaloo yiri mad-hab aan quraanka ahayn ma lihi. balse waxaan gadaal ka cadayn doona in caqiidadoodu ay madaahib badan ku salaysan tahay,iyo isagoo leh anigu madaahib badan baan wax ka qaata.amaa hadaladiisa faraha badan iyo qiiq iskuqarintu wax jira maaha ee waa waxa uu qabo oo uu qarinaayo.
4-WAXAA CAQIIDADOODA KA MIDA INAYSAN AXAADIISTA NABIGA SCW KA QAADAN ILAA AXADIIS FADAA'ILU MUCJIZAAD IWM KA HADLAYSA MOOYE.TAAS OO AY DANO GOONIYA KA LEEYAHIIN CULIMADA ISLAAMKUNA DHAMAANTEEDBA WAY DACIIFIYEEN OO WAXAY KUWADA XUKUMEEN MAWDUUC MACNAHA AXAADIS LA BEEN ABUURTAY.hadaad inaad si fiican u daalacato rabto waxaad fiirisa KITAABKA (AL BAHAA'IYA LIL KHADIIB SAFXADA 41-43)
Waxyaabaha hadalkiisa ka mida oo cadaynaya waadba aragteen inuusan wada diidanayn waxuuna yiri asagoo arin ka hadlaya"TAAS MACNAHEEDU MA AHA INAANAN AAMINSANAYN DHAQANKII NABIGA SCW" macnahu waxaa weeye dhaqankii qayb baan ka qaatay oo waa qaybtas aan sheegnay.
Runtii walaalayal waxaa iga dheeraday maqaalka ee ma aanan dhamayn.lamana yaabayo in ninkaasi uu firqadaa yahay asbaabo dhowra awgood.mida hore asagoo sheegay inuu joogo NORTH AMERICA waayo labo xarumood oo waaweyn bay ku leeyahiin CHICAGO IYO SANFARECISCO. Mida labaadna hada kor ayaa sheekh cumar faaruuq ku soo daray muxaadaro SOOMALIDA BAHAA'IYADA markaa ha la yaabin hana qariibsan.amaa mowduucan walaalayal waan sii wadaya inshaa alahuna waxaan rejaynaya inaan idinka shaafin doono anoo idiin qori doona hadii alah idmo kutubta aad ka mudaalacaysan kartaan iyo xukunka culimada islaamku saareen kooxdas mufsidada ah,iyo waliba dacwooyinka ay hada wadaan iyo khatartooda.
WAMAA TOWFIIQI ILAA BILAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allaale

Unrecorded Date
jazaakallaahu khayran.
waanku raaxaysanaynaa maqaaladaan,
noo siiwad in shaa'llah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A-Z

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum

Walaal waad mahadsan tahay.
Axmed wuxuu yiri anigu muslim baan ahay, wuuna ashahadanayaa markaa anigu dhihi mahayo waa gaal laakiin waxaan dhahayaa sidii uu yiri walaal kamid ah walaalaha meeshan soo booqda (Bashiir Abdi) oo aheyd : "Walaahu Aclam muslimnimadaada!".
Shaki kuma jirto soomalida oo dhan wuu ka duwan yahay wuxuu aminsan yahayna cid la qabta ma arag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum dhamaantiin!

Miskiin, runtii...waxaad tahay *Miskiin!* Ansaari baaba la qaatey...oo dad Muslim ah(ooba Alle aaminsan) igu tilmaamay! Adiga Baha`i baad ba igu tilmaantay??HAHAHAAHAHAHAHAHA! Wallee, Alle umbaa jira!

Baha`i...waa diin KUTUBO cusub leh! Kutubtooda waxaa ka mid ah "Bayan and Aqdas!" Alle Kitaabka Qur`aanka wuxuu inoogu sheegay...in Nebiyada Alle keenaan Kutub, Muxammadna uu ahaa NEBIGII ugu dambeeyay! SIDAAS daraadeed, Qur`anka waa kutubka ugu dambeeya! Hadii Nebi kale imaanayn...Kutubna ma`imaanayo!

SIDOO kale, Baha`i soonkooda Ramadan ma`ahan. Waa bisha *March*...sidoo kale waxay soomaan kaliya 19 maalmood! Alle wuxuu inoogu sheegay Qur`aanka inaan soono bisha Ramadan, aana soono ayada oo DHAN!(Bisha RAMADAN oo dhan!)

SIDOO kale, Baha`i bilahooda waa 19. Alle kitaabka Qur`aanku wuxuu inoogu sheegay in 12 bilood ay yihiin bilahiisa...afartoodna ay yihiin kuwo barakaysan oo la dagaalamin gudahooda, iwm!

SIDOO kale, Baha`i waxay aaminsan yihiin in Biblka uu yahay KITAAB Alle oo asaga oo dhan dhamaystiran! Alle wuxuu Qur`aanka inoogu sheegay in kuwii naga horeeyay oo Kutubta la siiyay(sida Kiristaamiyiinta iyo Yehuda) ay Kutubtoodii ku cayaareen oo qalad ku dareen! SIDAAS daraadeed, Bible, in kasta oo qaar ereyada Alle ku jiraan...waa buug been ka BUUXDO!

Intaas aan kor kusoo xusayba...waa wax yaabo BAHA`I dadka ah ay ku dhaqmaan...oo diintooda ka mid ah! Intaas aan kor kusoo xusayna waa wax Qur`aanka Alle ka hor-imaanaya! Qof Qur`aanka ka hor yimid...Muslim miyaa? Nacalatullahi calal kaafiriin!

Baha`i waa dad diimaha isku jimciyay; ISLAM waa Islam...wax lagu jimcin karo majito! Qof leh "Ciise waa wiilkii Alle, asagana Ilaah gooni ah"(Kiristaamiyiinta!) Islam waxba lama qaybsan karo! Qof leh "Ciise wuxuu ahaa beenlow---Nebi iyo Misiixi toona ma`ahayn"(Yehuuda) Islam waxba lama qaysan karo!

Islam wuxuu Islam u yahay...oo Ilaa iyo Adam, Nuux, iyo Ibraahiim---dadka uga duwanaa...waa isu bandhiga iyo u-jajabnaanta ALLE kaliyah! Carada Eebe dushooda ha`ahaato wixii Alle cibaadadiisa dad kale la wadaajiya!

Muslim buu Ilaah iga yeelay; mid aaminsan wax kasta oo Qur`aanka Alle ku jira...kuna dhaqma! Mid aaminsan jiritaanka dhaqanka Nebigayga(axaadiis,) nabad-gelyo iyo naxariis dushiisa ha`ahaatee! Danbigoodana macafin wixii gaalo igu tilmaama! MAALIN baana imaan doonta...mar qof walba uu helayo wuxuu Alle ka matuustay! Cid walibaay ha sugi waayin; anigaba kuwa suga buu Alle iga dhigaye! Naftuna meel jirto!

qofkii raba inuu si fiican u ogaado dadkaan la leeyahay Baha`i; fadlan booqo sitekooda; http://www.bahai.com/

Ramadan Mubarak wixii Islam ah!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum Yaa ikhwati filcaqiida;

Ramadaan Kariim !!

TO MISKIIN;

Jazaaka Laah kheyral Jazaa,!!!!
Wamann Yacmal Mithqaala THarratin Khayran Yarah!!

regards,
Yaska

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Axmed

Waxaa cajiib ah in aad marna dhahdo Kitaabka ayaan ku dhaqmayaa, marna dhahdo sida hadda aadba kor ku xustay oo ah sidan: "Muslim buu Ilaah iga yeelay; mid aaminsan wax kasta oo Qur`aanka Alle ku jira...kuna dhaqma! Mid aaminsan jiritaanka dhaqanka Nebigayga(axaadiis,) nabad-gelyo iyo naxariis dushiisa ha`ahaatee! " eeg Hadda halka Axaadiista waad yeeshay!!

- Waxaan la yaabanahay maxaa intaas oo muslima kaa duway oo banaanka kaa istaajiyey haddii aad muslim sheeganayso?

- Ma dadka (somaliNet) soo booqday oo dhan ayaa qaladan mise adiga?

- Axmed Saaxiib dadku kuma yaqaaniin balse hadaladaada ayaa kuu keenay dhibaatadan oo layaqaan sida aay iskaga hor imaanayaan.

Axmadoow waxaan Illaah kaaga baryayaa in uu XAQA ku tusiyo Adiga & annagaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama calaykum!


Ansaari,

Fadlan, walaalow...wax ha isku darin! ANIGA maalintii ugu horeeysay baan kuu sheegay inaan AAMINSANAHAY jiritaanka dhaqanka Rasuulka---su`aasha waxaa weeye...ma aaminsanahay waxa aan maanta haysano inay KULIGEED tahay iyo la barxiyay? Nebi kasta oo Alle soo diray---waxaa la siiyay oral-message! Ka dibna markay dhinteen baa dadkii ku cayaareen! Wax ku dareen...ka tageen...iwm!

Maxaa dadka banaanka iga istaajiyay? Sababtoo ah---Carabta intay diinta haleeyaan...bay dad kale oo meelo degan la doontaan urkooda! Somalia--waa dad muslimiin ah...oo victim carab ahna; diintii Islaamka waxaa soomaaliya soo gaarta hadba wuxuu Carab dhaho tan baa sax ah!

Dadka somalinet soo booqda(oo muslimiinta ah) badankooda waa SUNI! What is the point? LOL! Waxaa jira Jewish Site---meel aan kaligay ahay wax Muhammad(pbuh) aaminsan inuu yahay Nebi Alle---ma anaa qaldan mise ayagaa qaldan?

Hadaladaydaa dhibaato ii keenay??? Uma arko dhibaato i haysata, Walaalkiis! Waa bil ramadan...waana soomanahay(alxamdullilah)---waa waqti inaad ajarsato ugu wanaagsan! Hadaad wax baranayso...iyo hadii aad wax barayso labadaba! Wixii dad ah oo igu dambaabana, ayaga iyo Allehood! :)

Ansaari, codsi baan kaa rabaa; hadii aad rabtid inaad ama wax i bartid ama wax ii sheegtid, fadlan isticmaal af-wanaagsan! Hadii kale, aniga runtii ma rabo inaan qof islam ah la cay-caytamo, iwm! WAXAANA ogahay---in qof "Gaal" i leh aanan diin kawada hadlayn! Marka, walaalow, aday ku jirtaa taad rabtid! Aniga, weligay...diyaar baan la ahay wixii wanaag ah oo qof Islam ah rabo! Kii shar rabana...waa kala gaabsanaynaa!


Ilaahay xaqa hanawada tuso dhamaanteen!

Ramadan Mubarak!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

AXMED


Walaaloow marka hore haddii aan GAAL ku iri adoo muslim ah ka raali noqo 100% , ina cafina. Balse walaalow WALLAAHU-ACLAM waxaad tahay, waayo waad ashahaadaneysaa haddana meelo badan ayaanu kukala duwan nahay naguna khilaafsan tahay. Allaah ayaan u dhaafay TAAS.

Waxaad tiri: "Fadlan, walaalow...wax ha isku darin! ANIGA maalintii ugu horeeysay baan kuu sheegay inaan AAMINSANAHAY jiritaanka dhaqanka Rasuulka---su`aasha waxaa weeye...ma aaminsanahay waxa aan maanta haysano inay KULIGEED tahay iyo la barxiyay? Nebi kasta oo Alle soo diray---waxaa la siiyay oral-message! Ka dibna markay dhinteen baa dadkii ku cayaareen! Wax ku dareen...ka tageen...iwm!"

- Markaa Axmadoow sidee ayaad ku kalagarataa wixii lagu cayaaray (the Oral-messages)& kuwii aan lagu cayaarin? Ma kitaab ayeey ku qoran yihiin kuwa lagu cayaarey oo aad ka fiirisaa jira mise maxey?

- Somalidu waa "The victim of arabs" ayaad tiri. Maxaad ula jeedaa taasi? Adiguse victim-kee tahay? yaase ahlu-cilmigaada ah oo aad ula noqotaa wixii aad furi weeydo?

Walaal Sunni waa qofkii ku dhaqma KITAABKA Alle raacana sunnada Rasuulka (axaadiista oo dhan kuwooda saxiixa ah)oo la isku raacsan yahay.wixii ka soo hara soow maahin ...Beerta ayeey ku jiraan! (Xaalkoodu ma sahlana). Shiico & Sunnina maahin 2 wax oo la is barbardhigikaro.

Carrab-naceyb qatar ha ku galin, Rasuulkii Alle Carab ayuu ahaa, saxaabada badankoodu carab ayeey ahaayeen, dadka Diinta Alle usoo halgamey Carab ayeey ahaayeen. Maantana dad sidaas oo kale ayaa laga helaa.

Walaalkiis shar-raadis ma ahi balse adiga weeye qofka wax aan la maqal & wax aan la arag halka la yimid. Haddii aanu dhamaanteen SUNNI nahay oo aadan aheyn markaa qasab in aanu iska hor imaaneyno.

Mideeda kale Axmed, wax isweydiini mu xumee garqaadasho la'aan ayaa xun. Ciladdaaduna waa gar ma qaadaneysid xataa haddii daliilo cadcad lagu tuso...sababtuna waa maba aadba aaminsadnidba.

Soomaliya tan & weligeed iyo intii la xasuusto waxeey aheyd Muslim, marka Axmadoow makula tahay in wada qaldanyihiin oo Alle Axmed kaliya XAQA garansiiyey.

Rabadan Mubarak!

Xaqa Alle ha ina tusiyo kulligeen.
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FOWZI

Unrecorded Date
Salaamu calaa mantabaca mustafaa wakuli maaa rawaa minhu wa asxaabihi jaamiica

weli kuuguma yeerikaro anigu ninmuslim ah maadama aad tahay midka soo horjeeda sunaha kana mid ahayn kuna sheegay ABU HURAYRA (RC) BEENA WAAS
markaa ninyohow waxaad moodaa inaad kabaxbaxsanayso su'aashaydii ahayd ma kudhalatay waxanaad aaminsantahay? mise adoo wayn ayaad baratay ?
labadaa markaad sidii ilaahay kugu ogyahay uga soo jawaabtid ayaa xiwaar iyo niqaash ama doodi ina dhexmaraysaa diina kawada hadlayna ISLAAM NIMADAADA MARKAAS AYAA SOMALIDA HALKAN SOOBOQATA KAWADA HADLI KARAYNAA INTA KAHORAYSA WAXAAD DOONTO ISKA DHEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
IKHWATII VIL CAQIIDA IGA RAALI AHAADA ANIGOO KU YARA MASHQUULAY ARIMO RAMADAANKA KU SAABSAN IYO SEMESTARKAN OO XIRMI RABA TESTIYADIISI.

Hadaan sii wado maqaalkii aan bilaabay.ee markaan raacay qowlalkii AXMED iiga soo baxay.waxaad arki doontan qaybtan sida hadalka axmed iyo ay isagu fadhiyaan,hadalka BAHAA'IYADU.hadaba anagu runtii wali ma aanan gaalaysin mana aanan isticmaalin (kufrun mucayin) waxaanse qoray waxa uu soo qoray oo qowlkiisa xukunka uu ku qaadan karo iyo sida ay isu waafaqsan yahiin firqadaas iyo isagu,waxaana xaqiiqa inuu tuqyo isticmali doono oo is qarin doono xukunkuna ku kor socon doono hadii uusan is sheegin cida uu yahay manhajkiisana cadaysan.

WAXAAN KU SOO JIRNAY WAXA AY KA AAMINSAN YAHIIN AXAADIISTA NABIGA SCW WAXAAN HALKAN KU QORAYNA HADAL UU YIRI IMAAMKA MAGALADA TOUSAN EE STATEKA ARIZONA OO AAN KA SOO GUURIYAY KITAABKA AL-FIRAQU MUCAASIRA TANSABUL ISLAAMA WABAYAANU AL MOWQIFU AL-ISLAAMU MINHAA.
WAXUU YIRI:isagoo ka waramaya SUANADA NABIGA SCW .hiya bidacul-shaydaaniya wayuctabiru khuruujan bil-umati ilal shirki wadalaal wa yajibu an ya' khuduuhu ilal camalil quran faqad.
Waxuu kaloo yiri: inal muslimiina rajacuu ilaa wathaniyati xiynama cadamu rasuula wamajaduuhu waqad amara laahu an yumajaduuhu wayucadimuu huwa waxdahu.
Markaa waa u jeeda faasiqaasi suu u leeyahay rasuulka scw baa la weyneeyey quraanka kaliyana laguma dhaqmo.in ninkananina meelo badan hadalkaas oo kale ka buuxiyay.
WAXYAABAHA KALE EE AY QABAAN WAXAA KA MIDA.
In aan jihaad jirin salaaxna(HUB) la qaadan karin.waxaad fiirisaan marka hadaladiisa MAQAALKA MAXAA JIHAADKI LAGU ILAAWAY.iyo sida uu qiiqa isagu qarinaayo.
WAXAY KALOO QABAAN.
In ninka iyo naagtu isku dhaxal yahiin.
WAXAY KALOO QABAAN.
In mutacadu (macnaha haween aan meher lagu qabin ee ayaan lala joogo)ay banaan tahay,waana waxyaabaha uu leeyahay shiicada ayaan ku raacsanay saan filaayo.
WAXAY KALOO QABAAN.
Nabi Maxamed SCW ma ha khaatimul anbiyaa.waadna aragteen ninkana suu uga xeeladaysanayo inuu sunada nabiga SCW qiro ileyn nabigii SCW hada ma noole sunadiisi baa taala.
WAXAY KALOO QABAAN.
Salaadaha in sadex jeer la tukado.oo sadex sadex ah.waxaana hadalkiisa salaadaha uga shekiyay inuu leeyahay sadex waqti duhur subax iyo galabdhaca,oo uu tuqyana isticmaalayo.
WAXYAABO AAD U BADAN BAY QABAAN WALAALAYAL.RUNTIINA BOGAG LAGA BUUXIN KARO BALSE INSHAA ALAAHU WAXAAN KU SOO DARI DOONA MAWDUUCA AAN FIRQOOYINKA UGA HADLAYO OO AAN DHAWAAN SOO QORI DOONO.WAXAANA IDIIN TILMAAMI DOONA KUTUBTOODA WAAWEYN EE AY QADARIYAAN.
WAQTIGA OO IGU YAR AWGII WAXAA II HARAY INAAN IDIIN SOO QORO XUKUNKA AY CULIMADA ISLAAMKU SAAREN.IYO QOFKA AAN AHLU SUNA WALJAMAACA KA DHEX BAXA XUKUNKIISA IYO MARAAJICDA AAD UGU NOQONKARTAAN AMA KUTUBTA AAD KA HELI KARTAAN KOOXDAN BAADILADA AH.

WALAALAYAL IGA RAALI AHAADA MAQAALADA DHEER DHEER.

WAXAANKALOO IDIINKA DIGAYA IN AYDNAAN KU SIRMIN NINKAN MAAKIRKA AH,IYO HADALADIISA LEEXLEEXSAN WAXAANA INSHA ALAH SAARAYNA XUKUNKA SHAREECADA ISLAAMKU KA QABTO.
WALAAHU WALIYU TOWFIOIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

IKHWATII VIL CAQIIDA WAXAAN ILAAWAY INAAN MAQAALKI HORE IDIINKU DARO HADAL UU YIRI DR MAXAMED XASAN AL-ACDAMI.OO UU KU YIRI KITAABKIISA (XAQIIQATU AL-BAHAA'IYA WAL-QAADIYAANIYA) WAXUUNA YIRI:
(Ina caqiidatahum al mulcinata laysat hiya caqiidatu latii yatabicuunahaa.ina asraara caqiidatahum vii kutubi siriya) waxaad ka eegta safxada 76aad.
Macnaha hadalkaasna waxaa weeye caqiidada ay dadka u sheegayan oo ay leeyahiin waa haysana ma aha caqiidadoodi runta ahayd.cadiidadooda runtaa waxay ku taala kutub sir ah.

WAXAAN KALOO JECLAHAY INAAN BARAARUJIYO NETKAANI MEEL CACAYAAR AH MAAHA,WAXA MAALIN WALBA DAALACADA DAD FARO BADAN OO AQOON DIINED IYO MID ADUUNYABA ILAAHAY WAX KA SIIYAY MARKA QOFKII IS DHAHA WAXAAD RABTO SOO QOR RUNTII FADEEXO IYO CEEB IYO ALAH OO DULEEYA BUU MEESHA KALA TAGAYA,MANA LOOGA HARAYO HADUU WAX BAADILA MEESHA KA SOO BUUXXIYO.

INSHA ALAH MAQAALADAYDII WAAN SII WADAA.

WALAHU WALIYUL TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum

Ansaari,

Waxaad tiri; "Balse walaalow WALLAAHU-ACLAM waxaad tahay, waayo waad ashahaadaneysaa haddana meelo badan ayaanu kukala duwan nahay naguna khilaafsan tahay. Allaah ayaan u dhaafay TAAS."

Mello badan ayaanu kukala duwan nahay, NO DOUBT! Sidoo kale ha ilaawin, Suffiyadii soomaliyeed iyo Aqwaankii---Meelo BADAN bay ku kala duwanaayeen! Were they gaalo? Hadaba abtigay aqwaan ahaa---waa la dilay waxaana loo dilay "bidco" buu ahaa! Maxaa lagu dilay? Ma uusan dhihin "usqali faradil salaatul maqribi talaatha maraat lillah tacaalaa allahu akbar" ee wuxuu salaadiisii ku bilaabay "Allahu Akbar!" Yes, Ansaari, don't worry...i'm not surprised at Somalis` "everything new must be KUFRI"

Waxaad tiri; "- Markaa Axmadoow sidee ayaad ku kalagarataa wixii lagu cayaaray (the Oral-messages)& kuwii aan lagu cayaarin? Ma kitaab ayeey ku qoran yihiin kuwa lagu cayaarey oo aad ka fiirisaa jira mise maxey?"

KITAABKA Qur`aanka; asagaa la fiirinaysaa! Dhaqanka Nebiga wuxuu ahaa wixii Kitaabka laga helay! Wax cusub oo kitaabka ku oolin kuma yaalaan! Waxay kala bix-bixinaysaa...wixii ALREADY Kitaabka lagu soo diray!

Waxaad tiri; "- Somalidu waa "The victim of arabs" ayaad tiri. Maxaad ula jeedaa taasi? Adiguse victim-kee tahay? yaase ahlu-cilmigaada ah oo aad ula noqotaa wixii aad furi weeydo?"

Ansaari, Muslimka oo dhan baa ah victim carabta ah! Waxaan meelaha wareegaya oo dhan...CARAB bay ka yimaadeen! TAKE a look at Somalia; kow waxay ahayd...suufiyaal! Hadana waxaa yimid Aqwaanul Muslimiin! HADA, maanta, meel kasta waxaa dugsi iyo meel cayaalka lagu tarbiyeeyo ka furay Wahabiyaal! Beri shiico baa imaanaysa! Beri dambe free-bie minders and submitters! Beri ku xiga qolo kale! X-cuse me...but isn't that victimation? OR may be not! Maybe it's fun to have every generation with a new kind of "mad-habad"??? Sorry, no can do...islam is but ONE!

Shiico iyo Sunni ma`ahan laba wax oo la is bar-bardhigi karo? Fadlan, Ansaari---booqo shiicada! Waxba saas Sunniga ugama duwana! Waxaa jira qaarar yar-yar oo aaminsan wax yaabo cajiib ah oo ayaga ka mid ah---laakiin badankoodu waa sida Sunniga! Soomaliya markaan joogay, Alle baa iga sareeyee, waxaan haystay in shiicadu tahay dad qurmay oo u dhamaatey! Laakiin maanta markaan fiiriyo---runtii waa sida sunniga! ANIGANA, labadaba uma arko inay wada saxan yihiin!

Ansaari, kaalay adiga waxaadba igu noqotay yehuuda hadii wax yar ayaga laga sheego dhahaya (you're anti-semite!) Carab aniga ma nebci...laakiin wixii run ah ayaan ka sheegayaa! RUNTIINA, adiguba waad igu raacsan tahay! :)

Waxaad tiri; "Walaalkiis shar-raadis ma ahi balse adiga weeye qofka wax aan la maqal & wax aan la arag halka la yimid. Haddii aanu dhamaanteen SUNNI nahay oo aadan aheyn markaa qasab in aanu iska hor imaaneyno."

Hahahah!L@L! Ma waxaan la`arag iyo waxaan la maqlinbaa in bini aadam diinta Islamka haleeyay from a-z? Waxaa jira labo wax; "iska hor imaansho" iyo "dad-cay!" In qofkii wax xoogaa kaa gedisan dhinaca diinta la dhaho "GAAL" (iska hor-imaad) uma aqaan! Shar iyo un-Islamic weeye!

Soomaliya, sidaan horayba kuugu sheegay...waxay mad-habyada u badalatey maxaa kaa galey 20kii sano oo dambe! Mida kale, soomaliya ma helin---jaanis ay ku garato wax! Wixii mad-hab cusub keenaba wuxuu ahaa nin Carabta u safray! Insha Allah, 21st century shall be a birth-mark for Somali Growth! Untill then, I'm not sure they mind being "dameeri dhaan raacday!" :)


Ramadan Mubarak!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

Axmed

Suufi xadiis ma diidi jirin, saliga Ibrahimiyadana wa aay ku tukan jireen, balse waxaa jirey waxyaalo kale ee gooni u ahaa, balse BIDCO ahaa. Bidcana meesha aay ku dambeyneyso waad ogtahay.

Waxaad tiri: "Muslimka oo dhan baa ah victim carabta ah! Waxaan meelaha wareegaya oo dhan...CARAB bay ka yimaadeen!" waxaad halkaa meel uga dhacdey culumada soomaliyeed maanta diinta halkaa keenay, kana dhigtay kuwo BRAIN-WASH lagu suubiyey. Axmadoow maalinba hadal FA'TU! hakaasoo dhaho.

Haddii aad adigu carab ka carartay..intii aad ka fogaan karto ka fogaatay.. ha u cid gelin bahalo & dugaag. Carabtu waa NATION nooc walba leh balse waxaa laga helaa dadka maanta daacida ah kuwa ugu qiimaha badan ee ogoow!.

Su'aashii horena iigama aadan soo jawaabin. Waan kuugu celinayaa: Markii aad meelo diinta ka garan weeydo ama wax si kaa noqdaan culimadee (ahlu cilmigee) ayaad la hoos tagtaa si aay wax kuugu baybayaaniyaan, kutubteesa wax kasoo aqridaa ama ka fiirisaa?

Kitaabka & Axaadiistu makala hari karaan. Mid inta laqaato mid kale lagama tagi karo. Yeeysan ku qabanin Aayadaha Rabbi oo hadhoow xujo kugu noqonin!

Mideeda kale, Absolutely, wax aan kugu raacsanahay malahan. Dameeru dhaan raacdey alleylehee waxaa ah dadka qarka laga tuuray.

From my heart..run ahaantii Axmadoow WAAD DHUNSANTAHAY ee Allaah ayaan kuu baryayaa in ku tuso XAQA haddii aad XAQ raadis tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Calaykum!

Ansaari,

Culumada soomalidaan meel uga dhacay miyaa marka nin soomali ah tagay carabta oo SUUFINIMO keenay somaliya? Aqwanul-Muslimiin keenay Soomaliya? Wahabiya keenay soomaliya? AND I thought Islam was just one!(OH, silly me, for making people bad!)

Walaal, Carabtu waxaa ka yimid dad Ilaahay doortay...sidoo kalena waxaa ka yimid dad carada ilaahay ku dhacday! Aniga waxaan jeclahay kuwa Ilaahay doortey! Kuwa diintooda kala qayb-qaybsadayna, Allaha Raxmaanka ah umbaa ku filan!

Fadlan, Ansaari, aqri waxaan iri; "Mida kale, soomaliya ma helin---jaanis ay ku garato wax! Wixii mad-hab cusub keenaba wuxuu ahaa nin Carabta u safray!" Anigu ma dhihin dadka Carabta ah oo dhan...baa dulaysan! LAAKIIN, ogow, diinta islaamka meesha ay maanta taalo---waxaa geeyay carab!

Waxaad i waydiisay; "Markii aad meelo diinta ka garan weeydo ama wax si kaa noqdaan culimadee (ahlu cilmigee) ayaad la hoos tagtaa si aay wax kuugu baybayaaniyaan, kutubteesa wax kasoo aqridaa ama ka fiirisaa?"

Miyaanan horay kuugu sheegin? Inaan islamka oo dhan(XATAA Submitters) aan wax ka dhageysto...oo wixii kitaabka waafiqsan aan ka qaato? Waxaan lee yahay 9 volume oo Bukhari ah...iyo 8 volume oo Muslim ah---does that mean...I TAKE everything that is in those books?

Xadiiska wuxuu u jiraa inuu garab u noqdo Qur`aanka...ma`ahan inuu quraan usoo degay in xadiistu garab u noqoto! Xadiistuna way jiraan...laakiin wax la qurmiyaa jira, sidoo kale! ADIGANA hadii aad aaminsantahay in labadooda ay isku MEEL taagan yihiin oo aysan kala harin, Adiga iyo Allaha!

Hahaaha! Waxaad tiri; "Dameeru dhaan raacdey alleylehee waxaa ah dadka qarka laga tuuray!" AT LEAST, taas baad igu raacsan tahay!

Waan dhunsanahay? Runtii, Ansaari, milyano baa hortay dhunsanaa! Alle asaga dadka ka doorta...kuwuu wax tusayo! Dhamaanteen Ilaahay hanaga dhigo kuwa uu duurto inuu xaqa tuso! And, i'm grateful...with everything I'm to the Lord who did NOT make me PROUD! Lest I was proud, I should be one of the losers! For proud is the mistake of man...an ignorant man whom God turned away from!

You ABSOLUTELY do not agree with me in anything? Lets wait the day of Reckoning! For I too am those who wait! A very near...but unknown date of DATES!


Ramadan Mubarak!


Wasalama Calaykum!

Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

IKHWATII VIL CAQIIDA.
Maxaan u arkaa inaad dood badan la galaysan ninkan,dadkii salefka ahaa ee wanaagsana waxay ahaayen kuwo cadeeya baadilka iyo bidcada munkarkana ku suuliya hadba intii awoodooda ah.xataa waxaa jiray rag munkaraad diinta khatar ku ah la yimid oo ay ku udxiyeysteen gawraceena.balse iskuma ay takalufi jirin oo iskuma ay dhibi jirin inaysan ka daba harin waayo ahlu bidcuha shaydaanku waa ka jecelyahay ahlu macaasida oo hadba wuu sii kiciya,meesha qofka saaxibu macaasida marka lala hadlo uu wax qaato oo inuu isaga haro laga yaabo.

Hadaba ninkaan markaan anigu raacraacay firqooyinka inta aqoontaydu tahay waxuu la cod yahay ama la manhaj yahay qoladaas aan kor ku soo tilmaamay ee BAHAA'IYADA.rubtiina maadama aanan isaga aqoon oo anan arki karin qowlkiisa baan ku xukminayna.WAXAADNA AAD UGU BARAARUGSANAATAN NINKANI KA SUULI MAAYO INUU (TUQYO)AMA IS QARIN KU DHEX JIRO WAANA CAQIIDO KA MID AH CAQIIDOOYINKOODA.AYNA KA SOO QAATEN QOLO LA YIRAAHDO BAADIYAANIYA AYNA UGA HOREYSAY AYAGA QOLADII AY KA SOO DHEX BAXEEN OO BAABIYADA LA ORAN JIRAY.
Waxaan ku soo gabagabaynaya caqiidoyinkodi qurunka ahaa firqadaas.
WAXAA CAQIIDADOODA KA MID AH INAY MADAAHIB FARO BADAN KA QAATAN EE AYSAN KU EKAAN MAD-HAB LA YAQAAN AMA MEEL LOOGU SOO HAGAAGO. WAXUUNA YIRI SHEEKH GAALIB BIN CALI CARAAJI VII KITAABIHI FIRAQU MUCAASIRA TANSIBU ILAL ISLAAM WABAYAANI MOWQIFU AL ISLAAMU MINHAA.(OGOW FIRQADAANI WAXAA MANHAJKEEDU KU SALAYSAN YAHAY MANAAHIJ FARO BADAN OO LA ISIKU KEENAY)

Markaa waad arkaysaan inuu hadalkiisana ku soo celcelinayo inigu meelkastan wax ka qaata.taas baana xayraan iyo wareer ugu filan waayo xataa haduusanba tan ku jirin waxaa jira firaq kale oo madaahibtoodu gaalnimo ku dhisan tahay.

AMAA XUKUNKEEDA isla kitaabka aan kor ku sheegnay waxuu sheekhu ku leeyahay (AL-BAHAA'IYATU MADHABUN KHAARIJUN CANIL ISLAAM LAA YATAFIQU MACAL ISLAAMI SHAY'UN.BAL WALAA MACA TACAALIIMU ALDAYAANATU ASAMAAWIYATI KULAHAA)
Macnahuna waxaa weeye BAHAA'IYADU banaanka ayay ka tahay ISLAAMKA ayada iyo islaamkuna meela iskama soo galaan bal diimaha oo dhan asal kuma ay laha.
Macnuhana waa laa diiniyiin aan diin iyo madhab toona lahayn.
AMAA KUTUBTA AAD AAD UGA DHARGI KARTO OO AAD U NOQON KARTO WAXAA KA MID AH.

1-ALBAHAAIYATU TAARIIKHAHA WACAQIIDATUHA WA SILATUHAA BIL BAADINIYATI WAL SAHNUUNIYATI. oo uu qoray C/Raxmaan Al-Wakiil.
2-XAQIIQATU ALBAABIYATU WAL BAHAA'IYA.DR Muxsin cabdul Xamiid.
3-XAQIIQATU AL-BAHAA'IYA WAL-QAADIYAANIYA. Dr.Max'ed Xasan Al-Acdami.
4-XUKMU CALAL AL-BAHAA'IYA. Cali Rashiid.
5-KHAFAAYA AL-DAA'IFATU AL-BAHAA'IYA. Dr.Axmed Max'ed Cowf.
Kutubta aad bay u badan yahiin laakin kuwaas oo dhan baad ka heli kartaa.
WALAAHU WALIYUL TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum yaa ikhwati filcaqiidda;

MISKIIN;

Jazaaka Laah, Waxaan u malaynayaa qofkii doonaya in uu wax daalacdo in uu helayo wax uu ku qanco.

Arinta kale ee dadka aad u wareerisay ee ah XUKMINTA, waxaan u malaynayaa in ay tahay arin meesha ku jirta laakiin u baahan in lagu eego ARAGTI Islaami ah oo GUUD; Waxaan ula jeedaa in dadka soomaaliddu ay caado ka dhigteen in marka wax la xugminayo arin in si KHAAS ah looga hadlo arin MUCAYAN ah lagana bixiyo xukun MUCAYAN ah,,,, Imisa ayaad aragtay arin la xugmiyey, oo isla markiiba hadan qofkale weydiiyey isla su'aashii mid la mid ah laakiin dhacdo ka duwan ah?

Fahamka Islaamka in si Balaadhan loo fahmo waa lagama maarmaan, Sawirka guud ee islaamka in la bartaana waa lagama maarmaan, taas ayaa loola jeedaa SHUMUULIYATUL ISLAAM.

Ilaahay imisa SIFO ayuu GAALADDA ku tilmaamay????
Cidii Sifooyinkaas lehse maxaa la odhan?, mise waxayno u baahanahay Qof noo dhaha oo farta noogu fiiqa qofka gaalka aha iyo kan kale.
ABUBAKAR AL-SIDIIQ(rc) markii ay Sakadda diideen ma odhan way Ashahaadanayaane yaan lala dagaalamin, hadii uu iska deyn lahaa xaalka maanta siduu noqon lahaa?

Diinta Islaamkuse ma Ataxiyaad iyo Saliga nabiga oo qura miyaa?????? waxaan aaminsanahay sidaad adiguba noo soo warisay ARINKU sali nabi waa ka weyn yahay, AMUURIHII ISLAAMKA OO DHAN AYAA LA ISKU HAYSTAA!!!!!

Jihaad ma jiro, Khilaafa dib loo sooceliyo looma baahna, Diimaha kale ha lanadgaliyo, Ilaahay ha loo daayo arinka wax kala xukumidda marka AAKHIRO loo noqdo, bla,bla,,,,,,, waxaas iyo wax la mid ah ayey Shubayaan.

..........."".................

Yaa Ummatal Muhamed, Diinta Islaamka ayaa la doonayaa in Xididdadda loo saaro, Figradihii iyo waxyaabahay la timidna la badhxo(like Salat), Markaa waxa la isku haystaa waa ASALKA(JIRIDDA) ma aha laamaha!!
Mana garanayo Logic odhanaya IBN Mascuud wuxuu soo wariyey waxbaa igiga jira !!!! LAAKIIN QUR'AANKAAN ku Laabqaboobahay????????????

Yeynaan iloobin muuqaalka guud marka aan wax taxliininayo, in islaamku si GUUD loo eego Ujeedooyinkiisa iyo waxyaabaha Muhuumka ah ee uu ku dulwareegayana si gaar ah loogu kuurgalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar garyaqaana

Unrecorded Date
TO; ALL

Asalamu calaykum

Walaal waxaan in badan akhrinaayey doodan dhexmareysay ahmed iyo muslimiinta inteeda kale waxaanan halkan rabaa in aan ku sheego waxyaalo aan arkey.

* Horta ogaada in Ahmed caqiidadiisa wax wayni ku khaldan yihiin.

* Ahmed kaligiis ma aha oo koox ayuu wataa, ka caawisa dooda iyo qoraalkaba.

* Wax macquul ah ma aha isaga oo 26 jira in uu doodahaas qori karo taariikha haasna uu ka jawaadbi karo, Ahmed miyaanu shaqo kale lahayn in uu dooda mooyee, goormuusa waxqabsadaa ama seexdaa, taasi waxay ku tusineysaa in aanu qofna waqti intaa le'eg kulimin se ay jirta dad kale oo caawiyaa.

* Ahmed ujeedadiisu waa ay ka weyntahay in uu murmo balse wuxuu ugu jiraa meeshan LONG TERM OBJECTIVES uu u fulinayo koox.

* Ahmed iyo kooxdiisu waxay rabaan in ay ka faa'iideystaan, tafaraaruqa ummadeena iyo waliba dhalinyaradeena soo kobcaysa ee aan diinta waxba ka oqoon.

Waxaan ku talin lahaa in ninkaa la daba socdo oo la ilaaliyo wax kasta oo uu qoro, in inta Ramadaaka ah la joojiyo dooda, waayo wuxuu inaga mashquulinayaa cibaadadeena.

EEBA HA KA ABAALMARIYO DHAMAAN KUWII KA QEYB QAATEY IN AY DABAGAL ARINTAA KU SAMEEYAAN, EEBANA HA U SIYAADIYO ARAGTIDOODA FURAN, HALKAA KA SII WADA FEEJIGNAANATA IYO DIFAACA AAD UGU JIRTAAN DHAWRITAANKA DIINTEENA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunnah

Unrecorded Date
To. Miskiin

Walaal adna waad mahadsan tahay. Adiga & Ansaariba waxaad soo bandhigteen rapport-yo cajiib ah.

Waxaan idin lee yahay meeshaa ka sii wada.

Wabillaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.

Yaa ikhwatii jazaakumu laahu khayra runtii waxaan dareenay in dhamaanten meel nalaga soo galay,laakinn ilaahay mahadi hadaan maanta garan karno hadba meesha nalooga soo dhaco.
Waxaan insha alahu jeclahay inaan marakan waxuun ka hadlo waxa ay diinteenu wax ku jidayso iyo sida looga baahan yahay qofka muslimka inuu u qaato.iyo sida uu u garab maray ninka mawaadicdan soo qoray.iyo waliba meelaha iinaha liita hadalkiisa ka soo baxayan.

Awalan waxaa maraajicdeena ama meesha aan wax ula noqono kitaabka iyo sunaha.waxaa sadexeeya ijmaaca.waxuu alah quraanka ku leeyahay hadaad shay isku qabatan u celiya ilaahay iyo rasuulkiisa scw,markaa ma garan anigu meesha uu ka diidan yahay sunada rasuulka scw iyo meesha uu labadaa marjac ku kala saaray oo uu quraanka kaliya ugu dhagan yahay,waxaan kaloo qowlkiisa daciifnimadiisa kula yaabay waxuu daliishaday culumada ayaa salaada "subxaana rabiyal aclaa" in la dhaho ku ijmaacday,hadaba meel sunadu taalo ijmaacu waxba kama taro.oo sunadaa xoog badan,cilmi yaraantiisana qowlkan uu leeyahay waa lagu ijmaacay waa xadiis,markaa xadiiska ayuu diidaya ijmaac xadiiski ka dhashayna waa ku dhegen yahay,miyaydnaan arag sida aadka wax uga yahiin.
Mida labaad waxuu leeyahy markii loo tilmaamo sunada rasuulka scw. rasuulka ayaad weyneynaysaan .miyuusan ogayn in quraanka ay ku soo aroortay aayado badan oo rasuulka scw lagu weynaynaayo.bal meelaha qaarkood adeecida alah waxaa laga hor mariyay adeecida rasuulka scw "alah waxuu leeyahay WAMAN YUDICI RASUULA FAQAD ADAACA LAAH"qofkii rasuulka scw adeeca ilaahay buu adeecay,
Waxaad kaloo arkaysaa iyadoo IIMANKA loo diidayo qofkii aan ogolaan waxa rasuulku scw jideeyay WAXUU ALAH LEEYAHAY "FALAA WARABUKA LAA YUMINUUNA XATAA YUXAKIMUUKA VIIMA SHAJARA BEYNAHUM ILAA AAKHIRI AAYAH" markaa waa kuma kan iimanka sheegan kara isgoon rasuulka scw u ogolaan waxuu layimid una rumayn waxuu sheegay.
Waxaad kaloo arkaysaa iyadoo gaalnimo looga digayo midka rasuulka scw amarkiisa khilaafaya,WAXUU ALAH SWT LEEYAHAY" FALYAXDARI LADIINA YUKHAALIFUUNA CAN AMRIHI AN TUSIIBAHUL FITNATU ILAA AKHIRI AYAH" waxuuna alah ku cadaynaya qofka rasuulka scw amarkiisa iyo sunadiisa garab mara gaalnimo iyo cadaab inuu daf dhihi doono.

Amaa sunada rasuulka scw waxaad ku arkaysa xadiis badan oo arintaa tilmaamaysa waxuu rasuulku scw leeyahy qofkiin iiman ma laha ilaa hawadiisu raacdo waxaan la imid. waxuu kaloo nabigu scw leeyahay qofkii i caasiya naartu galaya, kii i adeecana janada. nasuustu waa faro badan yahiin balse meesha ayaa aad ciriiri u ah.
Waxaad kaloo arkaysa fiqooyinka islaamka wada sheeganaya iyadoo la ogyahay baadilkooda iyo bidciiyinkooda intooda badan inaan laga dhaqaajin karin ahlu suno ma ihidin aynaba kugu jihaadayan hadaad tiraahdo ahlu suno ma tihidin, asaguna waxuu halkaan la soo taagan yahay idinka ahlu sunaha,iyo anigu ahlu suno ma ihi.waa yaabe sunadu sow jid maaha hadaad jidkii rasuulka diiday ma jid shaydaan baad ku dhegtay.

Walaalayal runtii waa markii koowad oo an ninkaas hadaladiisi baadilka ahaa dabo galo runtiina ma jecli inaan waqti badan galiyo walaalo kale ayaa waqti badan galiyay, hadii hadalkiisa la raacraacana sadar walba oo uu qoray qaladyo aan xad lahayn baa laga soo saari karaa.markaa waxaan maqaalkaygi ku soo xiraya nasteexo aan u soo jeedinayo ninkaas.
1-ninyahow toobad keen.oo ilaahay u soo noqo ilaahay waa ka toobad aqbalaa qofka inta an naftu dhuunta imaane kana soo noqo caqiidada baadilka ee aad aaday.
2-Diinta alah baro iyada ayaa badbaadadu ku jirtaaye kuna dhaqan, iskana daa waxyaabaha qisaska iyo sheekeyinka laguu akhriyay oo aan qoraaladaada badanaa ku arkay.hadaad qisaska jeceshahay iyagoo sax ah waxaad ka helaysa kutubta culumada islaamaka ee toosan ay qoreen.waxaana kuu tilmaamaya labo kutub hada bal yara fiiri TAARIIKHUL UMAMU WAL MALUUK DABARI AMA AL-BIDAAYATU WAL NIHAAYA LI IBNU KATHIIR. iyadoo english ah inaad heshaa laga yaaba.
3-hadaad nin soomali ah aad tahay mardanbe dadka soomalida waxaan ha la dhex imaan,hadaad soomaliga baratayna waxaan nagala dhex bax ogowna marna ma qarsoomi kartid wax mar walba kaa nixiya naftaadana dhiigkar ku rida halkan waad kala kulmi doonta.
4-UGU DANBAYNTII WAAN KUU DUCAYNAYNAA HADII ILAAHAY KHAYR KULA MAAGAY ILAAHAY WADADA XAQA HA KU TUSO HADII AAD AHLU SHAR TAHAYNA ILAAHAY HA NAGA KAA QABTO.

WAXAANA KAA RAJAYNAYA INAAD AKHRISATO MOWDUUCA FIRIQAADKA AAN UGA HADLAYO LACALA IN CILMI KAAGA SIYAADO OO WAX KUU KALA BAXAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleikum

Walaalayaal, Axmed wuxuu kor ku sheegay in uu cid walba waxuun ka qaato, xataa submitterska. Eeg!, oo is weeydiiya Diintu ma wax la door-doorta mise waa Manhaj toos ah oo Rasuulku nooga tagay la rabano in aanu raacno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
asalam calaykum
walaalayal ninkan diinta inuu qalduu rabaa waliba suniga takalana waa laga bartay forums xitaa somalida qayb kamiduu lahaa waa yuhud markaa anigu shakiyay ninkan yuhudaa baa soo dirtay ee somaliyey iska ogada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum wa raxmatulaahi wabarakaatu ama bacad.

To, walaalahay Ansaari, Miskiin iyo Yaska

walaalayaal wad salaanamtihiin ilaaahayna khayr ha idinsiiyo dadaalka aad haysaan miisanka xasanaadkana ha iidiinku daro sida aad ugu dadaalaysaan Caqiidada islaamka aamiin.
Runtii dhowr jeer ayaan soo galay oo akhriyey waxa uu qoray wiilka la baxay Ahmed ilaa iyo hadana wax aan ka fahmay iyo jaho aan ku daro maleh oo waxiisa oo dhami waa iska daba wareeg dhinac loo qaado lama yaqaan lakiin waxa la yaab ah sida u uga soo horjeedo Axaadiista rasuulka scw mise waxaa dhaafsan in uu yiri Nabigu salaalahu calayhi wasalam markuu dhimanaayey waxaan iidinka tagay laba shay oo hadaad qabsataan aydin marna dhumayn kuwaas oo ah Kitaabka Ilaahay iyo Sunadiisa oo ah axaadiistii kuwaas oo inoo sahlaya fahamka qoolka Ilaahay oo fasiraya quraanka waxii ku soo dagay mujmal oo cadaynaysa Quraanka waxaa ku jira axkaam badan oo aanu cadayn sida loogu dhaqmayo waxa ka mid ah salaada masalan ilaahay waxa uu ina yiri tukada lakiin inooma sheegin sida loo tukado waxaa inoo cadaysay sunada waxaana ina tusay rasuulka scw marka haduu diiday axadiista sida uu sheegay oo leeyahay waa la qasay see ku tukataa? ilaa sunada ayaa sheegtay sida loo tukadee , sidoo kale ilaahay Quraankiisa waxa uu ku sheegay Soonka lakiin nooma sheegin sida loo soomayo,sidoo kale Ilaahay waxa uu ku sheegay kitaabkiisa Xajka lakiin nooma cadayn, iyo kabaan marka walaalkay waxaan waydiin lahaa intaas aan soo sheegay oo dhan waxaa cadaysay sunade see la'aanteed loogu dhaqmi lahaa? waxay ila tahay hadaad diiday Axaadiistii rasuulak iyo dhaqankiisii nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate in aad didi doonto Ijmaaca iyo Qiyaastana allaah yaciin jamiic,
aniga oo ka xun in aanan hore u arag hadana aan ku ahay mashquul imtixaanad lakiin insha allah halkaas ayaan kala soconayaa idinkana ilaahay ha idinka jaza siiyo dadaalka aad ku jirtaan ilaahayna ha inoo siyaadiyo cilmiga iyo taqwadiisaba aamiin waxana ilaahay ka baryayaa in uu inaga dhigo kuwuu ka xoreeyey cadaabta bishan barakaysan ee Ramadaan.

DHAMAAN WAXAAN U TAHANIYADAYNAYAA WALAALHAYGA MUSLIMIINTA AH OO AAN LEEYAHAY MUBAARAK CALAYKUM SHAHAR WA TAQABALALAAHU DAACADKUM.

ukhtukum filaah
Yaasmiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

YAASMIIN JAZAAKALAAHU KHAYRA,ALAHA NAGU KULMIYO XAWDKII NABIGA SCW HANA NAGU DILO WADADDII RASUULKA SCW IYO SAXAABADIISI SHARAFTA LAHAYD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To miskiin

aamiin wa jazaaka laahu khayr walaal ilaahay kuwuu ku kulmiyo shafeecada rasuulka salalaahu calayhi wasalam ha inaga dhigo aamiin

wasalaamu calaykum waraxmatulaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To miskiin

aamiin wa jazaaka laahu khayr walaal ilaahay kuwuu ku kulmiyo shafeecada rasuulka salalaahu calayhi wasalam ha inaga dhigo xaqana aan ka leexan waxkasta oo naga soo gadha

Allaahuma zidna cilman wa taqwa aamiin

wasalaamu calaykum waraxmatulaah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.