site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

..Fadliga\Axkaamta Ramadaan........Deeqo

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ..Fadliga\Axkaamta Ramadaan........Deeqo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Aslaamu Calaykum

Sida aan la socono waxaa boloowday bisha Ramadaan ee fadliga badnayd hadaba waxaan naftayda iyo walaalahey ku waanin lahaa inay ka faa'iideystaan bisha Ramadaan. Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa axkaamta Ramadaanta qaar ka mid ah (inshaa Allaah) walaalaha kalena waxaan ugu baaqayaa inay ka qeybqaataan duruusaha halkaan ka bixi doona

(Casharka koowaad: Fadliga Bisha Ramadaan)

Walaalayaal bishaan fadligeeda axaadiis badan ayaa ku soo aroortay oo ay ka mid yihiin:

1)Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri "Ruuxii sooma bisha ramadaan isagoo ay ka tahay iimaan iyo ajar xisaabsi waxaa la dhaafaa dembiyadiisii hore" Bukhaari & Muslim.

2)Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri "Soonku waa gaashaan" culimada waxay ku macneeyeen (inuu soonka kaa difaacaayo oo uu kaa celinaayo waxyaalaha xun oo dembiyada ah sida gaashaankuba kaaga difaaco seefta iyo waranka IWM). Isla xadiiska Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Eebe wuxuu yiri (Soomku aniga ayuu ii sugnaaday aniga ayaana ka abaal marinaaya)" culimada waxay ku macneeyeen (soomku wuxuu ka fogyahay is tus-tus sababtoo ah inaad si dhab u soomantahay waxaa og adiga & Rabigaada oo kaliya, waxaa laga yaabaa inaad dadka ugu sheekeysid waan soomanahay laakiin intaad guriga hoos kasoo xirito kadibna raashin iyo cabitaan ka dheregto. Hadaba soomku waa cibaado weyn oo Allaah dartii loo sameeyo inay daacad kaa tahay iyo inkalena Eebu wuu ogyahay). Isla xadiiska Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Waxaan ku dhaartay Allaha nafteyda gacantiisa ku jirta'e urka kasoo baxaya qofka sooman afkiisa ayaa ka udgoon badan badan dabaysha Miskiga ah Eebe agtiisa". Bukhaari

3) Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Markay bilato bisha ramadaan waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa laxiraa albaabada Naarta, waxaa la qab-qabtaa oo la jeebeeyaa shayaadiinta" Bukhaari & Muslim

4) Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Maalinta qiyaamaha dadka sooma waxaa looga wacaa albaab la yiraahdo Al-rayyaan markay galaana waa la xiraa oo cid kale kama gasho"Bukhaari & Muslim

Walaalayaa bisha Ramadaan fadligeeda mid lasoo koobi karo ma aha. Fadli waxaa ugu filan inay tahay bisha eebe uu soo dejiyay Qur'aanka. Hadaba walaalayaal aan ku dadaalno ka faa'iideysiga bishan sababtoo ah ma ogid inaad naf ku gaari doontid Ramadaanta soo socda. Nebiga wuxuu ahaa mid kheyrka badiya bishan markay dhalato, Jibriil ayaa u imaan jiray oo Qur'aanka ka dhegeysan jiray mudo sedex goor ah. Aan ku dayano Nebigeena, hogaamiyaheena Muxammad Ibnu C\aahi (S.C.W).

Casharka labaad wuxuu ku saabsanyahay waxyaalaha soonka buriya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nastexeye

Unrecorded Date
asalama calaykum.

to;deeqo.

walaal maad meel isgu geysaan axkaamaha soonka waxaan arkay meelo badan oo ad ku kalo qorteen.anagana akhriskaa noofududaan lahaa markaa baarikalaahufiikum meel kaliya ku soo wada qora.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
(Casharka Labaad..Waxyaalaha soonka buriya)

Culimada waxay isku waafaqsanyihiin in shan waxyaalood ay soonka buriyaan:

1)In si ulakac ah wax loo cuno.
2)In si ulakac ah wax loo cabo
3)In si ulakac ah uu qofku xaaskiisa ugu galmoodo.
4)In si ulakac ah laysu matajiyo (hunqaaciyo).
5) In haweenayda uu xayd ka yimaado.

Waxaa daliil u ah in cuntada iyo cabida soonka jebiyaan aayada micnaheedu yahay "Caba oo cuno inta xariga cad (fajarka) uu ka muuqanaayo xariga madow (habeenka) kadibna soonka taamyeela inta uu habeenka kasoo galyaayo)" sidoo kale aayada kale ee macnaheedy yahay "Waxaa la idiin xalaaleeyay habeenamida soonka inaad u galmootaan xaasaskiina" waxaa ka muuqanaysa meeshaas in maalinimada soonka aysan banaaneyn in loo galmoodo xaasaska. Nebiga (S.C.W) "Waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisu ku jirta'e urka kasoo baxaya qofka sooman afkiisa ayaa ka udgoon badan miskiga eeba agtiisa, wuxuu ka tagaayaa raashinkiisa cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga darteey(Allaah)".

Mataga waxaa daliil u ah xadiis ay wariyeen asxaabu sunan iyo imaamu Ahmed Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Ruuxuu ka yimaado matag inuu soo qadeeyo waajib kuma aha laakiin ruuxii is matijiya si ulakac ah hasoo qadeeyo." Imaamu Ibnu Mundir kitaabkiisa Al-Ijmaac wuxuu kusoo guuriyay "Culimada waxay ku ijmaaceen in ruuxii is matajiya si ulakax ah uu soonkiisa buray".

Ruuxii wax cuna ama caba isagoo hilmaansan soonkiisa waa u jiraa waxaana daliil ah xadiis uu wariyeen Bukhaari iyo Muslim Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri "Qofkii hilmaama isagoo sooman oo markaa wax caba ama wax cuna soonkiisa ha wato Allaah ayaa quudiyay oo waraabiyay"

Ruuxii si ulakac wax u cabo ama u cuno waxaa laga doonayaa waxyaalaha soo socda:

1)Inuu eebe u toobad keeno uuna dembi dhaaf waydiisto sababtoo ah wuxuu ku dhacay dembi wayn.
2)Inuu ogaado in soomkiisu buray.
3)Waxaa waajib ku ah inuu afhaysto inta ka dhiman afurka.
4)Inuu soo qadeeyo maalinta uu soonkeeda buriyay.

Ruuxii si ulakac ah xaaskiisa ugu galmoodo waxaa waajib ku ah:
1)Inuu Eebe u toobad keeno.
2)Inuu ogaado in soomkiisu buray.
3)Waxaa waajib ku ah inuu afhaysto inta ka dhiman afurka.
4)Inuu soo qadeeyo maalinta uu soonkeeda buriyay.
5)Inuu kafaara gud bixiyo. Kafaara gudku waa
1)Inuu qof adoon ah xureeyo haduu awood u leeyahay.
2)Haduusan awoodin mida koowaad inuu labo bilood oo isku xigta uu soomaa.
3)Haduusan karin waa inuu 60 masaakiin quudiyaa. Miskiin walba wuxuu siinayaa "mud (koombo)" raashin ah sida bariis, timir, sareen, bur IWM. Mudka waxaa u dhigmaaya maanta Nuskiilo iyo 10g.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur

Unrecorded Date
Deeqa Ilaahay ha kaa ajar siiyo casharada qiimaha leh, muhiimkana u ah bishan barakaysan ee aanu ku jirno, waxaa laga yaabaa in aysan arin saa muhiim u ah aysan marka hore u muuqan in internetka cashar lagu bixiyo, Deeqo waxaan arkay qof casharkaagan axkaamta soonka ka bartay.(waana arin dhab ah)

Fadlan ha ka caajisin muhiimadan aadka u weyn.

Waad mahadsan tahay.

Ramadan Kariim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
(Casharka sedexaad: Waxyaalo aan soonka burin)

Waxaa jirta waxyaalo aan soonka burin laakiin dadka qaarkii ay u heystaan inuu soonka buriyo. Arimahan qaarkood culimada way isku khilaafeen laakiin waxaan tilmaami doonaa sidaa raajaxa ah:

1)Qofka sooman waxaa u banaan inuu cadaydo waqti walba, dadka qaarkood ayaa waxay aaminsanyihiin in waxa ka dambeeya duhurka aan la ogolayn cadayga laakiin ma sugna arintaas waayo wax daliil ah kuma soo aroorin. Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Hadaan ka cabsayneyn in umadeyda ay dhib ku noqoto waxaan amri lahaa inay cadaydaan mar allaale markay weyseysanaayaan".

2)Ruuxa sooman waxaa u banaan inuu qubeysto waqti walbo uu doono. Dadka qaarkii waxay aaminsanyihiin in duhurka ka dib aan la qubeysan karin laakiin wax daliil ah kuma soo aroorin. Arintan waxaa xaqiijiyay Imaamu Shawkaani kitaabkiisa Neylul Awdhaar iyo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah kitaabkiisa Majmuucul Fataawaa.

3)Ruuxa sooman waxaa u banaan inuu indha kuusho, saliideysto. Wax daliil oo reebayana kuma soo aroorin sidaa waxaa xaqiijiyay Ibnu Taymiyah kitaabkiisa Fataawaha.

4)Ruuxa sooman waxaa u banaan inuu isticmaalo daawooyinka irbadaha ah ha noqdeen kuwa sinta laysaga mudo ama kuwa gacmaha laysaga mudo. Hadii irbadu ay tahay irbad nafaqo ah oo u dhigmaysa raashinka ma banaano sida irbadaha lagu magacaabo feleebada( Arintan waxaa fatwooday Ibnu taymiyah kitaabkiisa Fataawaha Iyo Hay'atu Kibaaru Alculamaa). Dadka Asmada qaba waxaa u banaan inay istacmaalaan daawada afka laysaga buufiyo waayo ma aha cunto ama cabitaan. Arintan waxaa fatwooday Sheeq Ibnu Cuthaymiin risaaladiisa ka hadlaysa soonka.

5)Qofka sooman waxaa u banaan inuu luq-luqdo uuna sandaarsado markuu weysasanaayo. Nebiga (S.C.W) isagoo la hadlaaya Laqiidh Ibnu Saburah wuxuu ku yiri "Waxaad ku xeel dheeraataa luq-luqashada iyo sandaarsiga illaa inaa tahay qof sooman maahee".

6)Qofka sooman waxaa u banaan inuu is toobo (dhiig iska qaado). Arintaan waa arin culimadu isku qilaafeen tusaale ahaan Ibnu Taymiyah iyo ardaygiisa Ibnu Qayyim, Ibnu Cuthaymiin waxay rajexeen inuu qofka sooman is toobi karin. Hasa yeeshee xadiis kale oo uu wariyay Anis Ibnu Maalik ayaa wuxuu tilmaamayaa in is toobida markii hore la mamnuucay laakiin markii dambe la fasaxay sidaana waxaa rajaxay Sheekh Albaani, Shawkaani iyo culimo kale oo badan.

7)Qofka sooman waxaa u banaan inuu dhunkada uuna la istimtaaco xaaskiisa. Caa'isha oo ahayd Nebiga xaaskiisa waxay dhahday "Nebiga wuxuu ahaa midkii i dhunkada oo ila istimtaaca isaga oo sooman laakiin wuxuu ahaa mid ka adag xubintiisa". Waxaa wanaagsan inuu qofka is ilaaliyo waayo waxaa laga yaabaa inuu ku dhoco waxyaalaha laga mamnuucay oo uu soonkiisa buro, laakiin qofkii naftiisa ka adag waa u banaantahay inuu sidaas sameeyo.

Inshaa Allaahu casharka soo socdo wuxuu ku saabsan yahay dakda xanuunsan, waayeelada, iyo dumarka nuujinaaya ama uurka leh axkaamtooda.

Waa walaashiin Deeqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED HUSSEN

Unrecorded Date
MOHAMED HUSSEN

Deeqa, Ilaahay hakaa abaal mariyo sida aad naagu faaiidaysay halkaana kasiiwad dadaalka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asad2

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaah.

walaal deeqo ilaahay hakaa abaal mariyo duruusta wanaagsan ee aad halkaan walaalaha soomaliyeed uga faa'iidaynaysid.

walaal waxaan kugu baraarujilahaa inaad sifiican udulmartid casharada maxaa yeelay waxaa dhici kara khad'da oo dhinaca qoraalkaa marka kubaraarug sanoow waxaana jeclaan lahaa inaad marlabaad sharaxdid arinta laxariirta sandaarashada iyo luqluqasha.

Allaha kaa abaal mariyo.

Asalaamu calaykum waraxmatulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Ku: Asad2

Walaal Asad2 waad ku mahadsantahay baraarujinta aad samaysay inshaa Allaahu waan isku dayaa inta awoodayda inaan saxo qoraalka inkastoo waqtigu aad iigu yaryahay.

Arinta sandaarsiga waxaa laga wadaa marka la weyseysanaayo in sanka biyo lagu jiido ka dibna laga soo daadiyo. Marka ujeedadu waxay tahay in qofka sooman ay u banaantahay inuu sanka biyo ku jiido ka dibna kasoo daadiyo laakiin uusan ku xeel fogaanin waayo waxaa dhici karta in biyo ku fakadaan.

waxaan rajaynayaa in la fahmay ujeedada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
(Casharka Afaraad: Axkaamta dadka xanuunsan\waayeelada\dumarka uurka leh iyo kuwa nuujinaayaba)

1)Dadka xanuunsan waxaa u banaan inay afuraan waxaa daliil aayada Qur'aanka ee micnaheedu yahay "Kuwa xanuunsan ama socdaalka ah(safar ku jira) (waaxaa u banaan inay soonka ka tagaan)waxaase laga doonayaa inay soo qalleeyaan maalmo kale". Xanuunka waxaa laga wadaa xanuun ruuxa dhib u geysanaaya haduu soomo, ma aha inuu qofku yiraahdo maanta madaxa ayaa layga haayaa ma soomi karo!!IWM. Xanuunka culimadu waxay u qeybiyeen labo qeybood:

1)Xanuun la rajeynaayo inuu qofku ka bogsado oo ka koco. Ruuxa noocan oo kale waxaa u banaan inuu soonka ka tago uuna soo qalleeyo maalmuhuu ka tagay maalmo u dhigmaaya markuu soonku dhamaado (Wax fidyo ah laguma lahan qalle oo kaliya wayaa waajib ku ah).(wax khilaaf ah kuma jiro arintan)

2)Xanuun aan rajo laga leheyn in laga bogsado sida kansarka iyo cudurada kale ee qatarta ah (Allaah ha ka haayo muslimiinta oo dhan). Ruuxa saas oo kale ah waxaa u banaan inuu soonka ka tago uuna miskiin raashin siiyo maalin kasta. Wax qalle ah laguma lahan haba yaraatee waayo rajo lagama laha inuu caafimaado oo uu soo qalleeyo soonka. Raashinka uu bixinaayo waa "Mud" koombo raashin ah (mudku ama koombadu waa suuska (galaanka) marka afar loo qeybiyo qayb ka mid ah, ama qof dhex-dhexaad ah labadiisa calaacalood oo buuxa). Raashinku waa inuu yahay mid aan aad qaali u eheyn ama aan liidan (dhex-dhexaad) sida bariiska, timirta, sareenka, burka IWM. Sh. Ibnu Cuthaymiin wuxuu yiri mudka waxaa u dhigmaaya nuskiilo iyo 10g. oo miisaanka caadiga ah qofkii doona ka badan wuu bixin karaa. Wuxuu kaloo sameen karaa inuu raashin kariyo sida casho ama qado markuu soonku dhamaado oo uu u yeero 30 miskiin calooshana u buuxiyo sidaasna waxaa sameyn Jiray saxaabiga Anis Ibnu Maalik markuu waayeeloobay ka dib (xadiiska wuxuu ku yaalaa kitaabka Irwaau Al-ghaliil ee sh. Albaani).

2)Waayeelada waxaa u banaan inay soonka ka tagaan wax qalle ahna ma lagu lahan, waayo qofku inuu sii duqoobo maahee ma dhalin yaraanayo (inkastoo gaaladu in badan isku dayaayaan nolol jeceyl darteed!!). Culimadu waxay isku khilaafeen waayeelada ma laga doonayaa inay fidyo bixiyaan mise laga doonimaayo. Ibnu cabaas wuxuu leeyahay waa laga doonayaa wuxuuna usoo daliishaday aayad Qur'aanka ah ee micnaheedu yahay "Kuwa aan awooda uleheyn inay soomaan waxaa laga doonayaa fidyo oo ah miskiin oo raashin la siiyo" hadab culumo badan ayaa xoojiyay hadalka ibnu cabaas culimadaas waxaa ka mid ah Sh. Albaani kitaabkiisa Irwaau Al-ghaliil, Sancaani kitaabkiisa Subulu As-salaam, Ibnu Quddaamah kitaabkiisa Al-muqni, Shawkaani kitaabkiisa Naylul Awdhaar iyo culimo kale oo badan.

3)Haweenka nuujinaaya iyo kuwa uurka leh waxaa loo fasaxay haday ku dhibaatoonayaan soonka inay afuraan waxayna soo hoos galaayaan dadka xanuunsan. Waxaa laga doonayaa oo kaliya inay soo qalleeyaan maamihii ay soonka ka tageen maalmo u dhigmaaya wax fidyo ah lagama rabo. Arintan khilaaf ayaa ku jira laakinn saas ayay culimo badan xoojiyeen daliilkana waafaqsan.

Waa walaashiin Deeqo oo idin leh
Ramdaan wanaagsan iyo cibaado badan (ogow walaal Ramadaanku waa bil qaali ah hadaba ka faa'iideyso)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
(Casharka Shanaad: Niyaysiga soomka iyo ka fagaanshaha waxa xun)

Walaalayaal qofka raba inuu sooma soon waajib ah waxaa looga baahanyahay inuu niyeysto. Niyadu wuxuu la imaanayaa markay qoraxdu dhacdo oo la afuro illaa iyo ka hor intuu fajarka dambe dhalan. Hadii aad joogtid meel aad fajarka ka arki karin waxaad isticmaali kartaa time tablada la sameeyay. Waxaa dhacda in dadka qaarkood ay ku dhawaaqaan niyada sida "Nawaytu sowma qadin can adaa'i fardi..." laakiin ma sugna in sidaa la sameeyo waana shay bidco ah. Sh.Ibnu Taymiyah kitaabkiisa majmuucu Al-fataawaa wuxuu ku yiri "Culimadu waxay ku ijmaaceen inay bidco tahay in lagu dhawaaqo niyada". Walaalayaal haday sunno tahay in niyada lagu dhawaaqo waxaa sameen lahaa Nebiga (S.C.W) waana lasoo guurin lahaa sida loo soo guuriyay axkaamta kalaba. Ruuxii u haaya wax daliil ah haba yaraatee ha noo sheego meesha uu ku yaalo. Hadaad ogtahay iney beri soon tahay oo aad soomeysid waad niyeysatay waa intaas oo kaliya. Waxaa raajax ah in niyada la cusbooneysiiyo habeen kasta sababtoo ah waa cibaado gooni ah oo lagaa doonayo sidaasna waxaa rajaxay Xaafidka kitaabkiisa Fatxul Baari iyo Shawkaani kitaabkiisa Naylul Awdhaar.

Qofka sooman waxaa waajib ku ah inuu ka fogaado waxyaalaha dembiga ah sida xanta, beenta, isku-dirka, dhegeysiga heesaha, muusikada, la sheekysiga gabdhaha aan kuu banaaneyn taabashadooda iyo fiirintoodaba IWM. Waxaa daliil u ah xadiiska Nebiga (S.C.W)ee uu yiri "Ruuxaan ka tagin hadalka xun iyo dhaqankiisaba Eebe wax dan ah kama lahan inuu ka tagao raashinkiisa iyo cabitaankiisa" waayo soonka ma aha in laga af-haysto raashinka iyo cabitaanka oo kaliya bal waa in laga af-heystaa waxyaalaha xun oo dhan.

Dadka qaarkood markay soomanyahiin waxay waqtigooda ku dilaan dubnad iyo turub ciyaarid, qaarkood waxay waqtiga isku dhaafiyaan hurdo iyo sheeko, qaarkood waxay isku dhaafiyaa filimo iyo movies. Walaalayaal waxaad ogaataan in bisha Ramadaan ay naga mudantahay qadarin dheeraad iyo ka faa'iideysi ee ma aha inaan xumaatada iyo dembiyada kordhino bishan dhexdeeda Eebe ka cabsada oo iska daaya xumaatada.

Dadka qaarkood waxaa caado u ah inay bisha ramadaan salaada bilaabaan markuu dhamaadana ay ka tagaan. Ma ogid miyaa in Allaha aad caabudeysid bisha Ramadaan uu joogo waqti walba uuna kugu waajibiyay slaada maalin kasto shan jeer!!. Ma ogid miyaain qofka aan tugan in badan oo culimada ka mid ah ay gaaleysiiyeen Nebiguna wuxuu yiri "Ruuxa muslimka iyo kan gaalka ah waxaa u dhexeeya salaada" iyo adillo kale oo badan. walaal ha noqon par-time muslim bal waxaad noqotaa mid alle caabuda waqti walba.

Walaalayaal aan kawada faa'iideysano bishan kheyrkeeda. Eebena ha naga dhigo kuwa loo dembi dhaafo bishan dhexdeeda.

Waa walaashiin Deeqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Deeqo!, Illaahey hakaa abaal mariyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleiman

Unrecorded Date
Dear: Deeqo

Asalaama caleykum

Abaayo Allaah ha kaa abaalmariyo waqtiga badan
ee aad muujisay iyo kharka, waxaan ku lee mahay
gabdhihii kula mid ahaa waxay Aroosyada ka luxaan
Jirkooda adiguna axkaabta ayaad dadka bareysaa
labao arimood oo aad isqaadan karin.

Walaalkaa
Suleiman

http://www.expage.com/page/suleiman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Jazaa-kallaah bikhayr.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir

Unrecorded Date
Bashiir

To Deeqo walaashiis waad mahadsan tahay, si wanaagsan ayaad noogu faa,iidaysay illaahay ha kaa abaalmariyo.

Waxaana rajaynayaa inaad bixinta casharada meesheedii nooga sii wado, adigoo mahadsan, hadii aad waqti helaysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
(Casharka Lixaad: Afarka/Suxuurta)

Waxaa sunno ah in la afuro markay qoraxdu dhacdo. Adillo badan ayaa ku soo aroortay in afurka la dedejiyo waxaa ka mid ah in Nebigu (S.C.W) yiri "Umadeyda waxay ku sugantahay kheyr farabadan inta ay afurka dedejinayaan". Xadiis kale oo bukhaari wariyay ayaa Nebiga (S.C.W) wuxuu ku yiri nin saxaabi ah "Degoo nasoo waraabi" saxaabigii ayaa yiri 'weli afurkii lama garrin' Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Hadii habeenku ka yimaado dhinaca qorax kasoo bax, maalintuna udaba jeediso dhinaca qorax u dhac qofka sooman wuu afuray". Axaadiistaas oo dhan ayaa waxay tusaysaa inay sunno tahay in la dedejiyo afarku. Dad badan ayaa caado ka dhigatay inay afurka dib u dhigaan iyagoo la fiirsanaaya soo bixida xidigaha ama xaada oo qarsoonta, waa bidco in saas la sameeyo waana dhaqanka yuhuuda waajibna ay tahay in laga fogaado.

Waxaa sunno ah in lagu afuro timir. Faa'iidooyin badan ayaa ku jira in timir lagu afuro Ibnu Khayimna kitaabkiisa Zaad ayuu uga sheekeeyay. Waxaa ka mid ah faa'iidooyinka in maadaama jirka maalinta dhan uu soonaa inuu u baahanyahay inuu deg-deg usoo ceshado awoodiisa, sida ugu wanaagsan ee uu soo ceshan karana waxay tahay inuu shay macaan cuno, waxyaalaha macaan waxaa ka mid ah timirta oo isla waqtigii waxay xoojinaysaa araga, beerka IWM. Anaga hadaan Soomaali nahay waxaan caado ka dhiganay sambuus iyo bur iyo wax la shiilay!! taasi waxay tusaysaa raashin xumadeena waayo jirka maanta dhan soonaa in lagu bilaabo sambuus iyo wax saliid leh uma wanaagsana caafimaadka. Soomaali & saliid maxaa kala heysta waxaad maqlaysaa hebel tanag saliid macsaro ayuu cabay!!hebel bari idaad ayaa loo shiilay!! saa darteed intooda badan beerka ayaa lawada haayaa.
Qofkii aan timir heysan waxaa u wanaagsan inuu ku afuro biyo cad.

Suxuurto waa suno Nebigana (S.C.W) wuxuu yiri "Suxuurta waayo suxuurta barako ayay leedahay" xadiis kale Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Suxuurta hadii qofkiin waayo wuxuu ku suxuurto biyo ha kabado" suxuurta waxaa la cunaa waqtiga dambe xadiis ayaa wuxuu leeyahay "Suxuurta iyo fajarka waxaa u dhexeysay waqti lagu aqrin karo 50 aayadood". Dadki qaarkood ayaa waxay dhahaan waxay hadaan sii cunaa hadhow ma soo kici karo markaasuu barqada soo toosaayaa Subxaanallaah aaway salaadii subax, soon salaad la'aan ah sidee loo aqbalaayaa. Nebiga wuxuu yiri "Salaada ugu adag dadka munaafiqiinta waa salaada subax iyo cishaha, haday ogyihiin in laf hilb leh laga bixinaayo masaajidka way imaan lahaayeen gur-guruushaba ha ku yimaadee" Walaalayaal aan ku dadaalno salaadaha gaar ahaan salaada subax

Allaah hanaga aqbalo soonkeena

Waa walaashiin Deeqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Baarakallaahu ukhtii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu;

To, walaashay Deeqo.

bacda salaam baarakaalaahu fiik wa jazaakalaahu khayr yaa ukhtii deeqa walaahay walaal waxaan aad ugu farxay sida wanaagsan ee aad casharkan u soo diyaarisay ilaahay misankaaga xasanaadka ha kugu daro adiga iyo intii ku dadaalaysa qowlka ale in ay kor yeelaan.

wasalamu calaykum wa raxmatulaah wa barakaatu
walashiin Yaasmiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.