Walaalkiin | Unrecorded Date Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato Ramadan Kariim "Camalka (fal) kasta oo bini Aadam sameeyo isagaa iska leh SOONKA MOOYEE. Soonka Anaa Iska Leh Anaa Ajarkiisa Bixin" Xadis Al-Qudsi. Waxaan dhawrn Waxaan sugno Wuu soo socdaa hayno Waxaan imisaa ka hartay is weydiino Xalluu yimid Marti kii ugu qaalisanaa. Suuqaan tagnay oo hilib ari iyo mid lo'aad shiidan, bur, bariis, TIMIR ha iloobin TIMIRTA, Sareen ama qamadi shiidan iyo mid la xashariyay. Beer ma beerkiibaad ilowday, Saliid, sonkor iyo caano iyo cabitaan badan. Tolow maxaan ilaabay... Waa marti sanadkiiba MAR ku soo booqata ee si fiican u sooryee ! Wanaaggiise gogol kaama rabo hungurina ku waydiisan mayo ee adiguu hadyad iyo barako kuu sidaa... Sidii Bil Dhalatay ayaa galbeed laga dhawray.. "waa kaa!" "mee?" "xidigta hoosteed" "daruurtaa agteeda!" Bishaaro Bil Baa Dhalatay waa RAMADAAN! Allahu Akbar Allahu Akbar Allahu Akbar Allahu Akbar Makhrib baa soo galay oo Salaadii baa loo dareeray goor bishaaro leh oo MARTI qaali ah noo soo hoyatay. Soo Dhawoow Soo Dhawoow MARXAB MARXAB TARAAWIIX BAAN TUKANAY.... Xalay waxay ahayd soo dhawayn iyo damaashaad caawase waa is waraysi kala war qaadasho. Muddo badan baan kala maqnay oo war badan baan isu haynaa... yaase RAMADAAN ka dhargi kara. SUXUUR BAAN CUNAY.. Waxaa nala joogo marti Barako, Khayr, Dambi Dhaaf, Cafis, Caafimaad, Midnimo, Dul Qaad, Xusuus iyo Xikmad xambaarsan oo weliba wata habayn ka khayr badan 1000 bilood oo dhiganta cimriga san ku neefle isla weyn. HALA SOOMOOY HA LA SOOMO BISHA RAMADAAD SODONKEEDA HAMBALYO HAMBALYO Ilaahayow Noo Naxariiso |