site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QABYAALADDA iyo Jahanamo!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QABYAALADDA iyo Jahanamo!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim

Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim

Toddobaad baa durba takay wakhtiga qaaliga ah ee Marti Sharafta Ramadan nala joogtay. Sidaas buuna cimrigeenu u sii yaraanayaa qofkii aan safarkan gaaban u sahayan Guriga dambe iyo Aakhiro.

Ramadan intuu il naxariis leh igu fiirshay buu yiri "war maxaad tiri?"

Anigoo isla quman baan igu jawaabay "weli sidii baan u kala fadhina anaa reer hebel ah iyo anaa reer hebel ah!"

"Qur'aankii xaggeed gayseen?" buu yiri Ramadan

"Qur'aankii Al-Xamdu Lillaahi weli waan haysanaa, aqaladuu Kitaabku noo dhex yaal, Baabuurtuu noo saaran yahay" ayaan ugu jawaabay anoo u sii raacshay "Isagoo ay akhriyaan dad cod macaanna waxaan ku dhagaysanaa meel walba." Waxaan u sheegay sida aan geeri iyo guur, farxad iyo damaashaad aan Aayado Qur'aan ah ugu furano. Sida aan darbiyada ugu sharaxanay Aayad Kursi iyo weliba Musxafkoo dhan oo muraayad la geliyay.

"Waan gartay!" buu yiri intuu madaxa hoos u rogtay.

Cabbaar markuu aamusnaa oo aan mooday in uuba meel kale u kacay buu yiri "reer odoogaa ma iloobeen ballankii?"

Waxaan iri anoo yaaban "balankee?"

Wuxuu yiri "Kii aad Eebe la gasheen!" Wuxuu ii sii raaciyay "Miyaadan xusuusnayn in idinkoo duudka Aabhinii Adam ku jira uu Ilaahay Idin Weydiiyay su'aashan.." oo inta si quman ii fiirshay yiri "Muyuusan Eebe Idin Weydiinin
'Allastu Rabbikum' oo ah MIYAANAN AHAYN RABBIGIIN?"

Waan aamusay

Ramadan hadalkiisii buu sii watay oo yiri "Ma garan waxaad Rabbigiin ugu jawaabteen?"

Waxaan idhi "Bal i xusuusi khayr Allaha Ku Siiyee!"

Wuxuu yiri "Waxaad tiraahdeen HAA waa Dhab, Sidaas Baan Marag Ka Nahay!"

Waxaan gartay in uu i xusuusinayo Aayadda 172 ee Suuradda Al-Acraf (7:172) MA GARAN MARKII CARRUURTA ADAM OO KU JIRA DUUDKA (DHABARKA) AABAHOOD AY KU MARKHAATI FUREEN NAFTOODA MARKII EEBAHOOD YIRI 'MIYAANAN AHAYN RABBIGIIN?' WAXAY YIRAAHDEEN: HAA, OO DHAB AH, SIDAAS BAANA MARAG KA NAHAY!"

WAXAAN MARKHAATI KA NAHAY SI AANAN MAALINTA QIYAAMO AANAN U DHIHI: HAYAAY! SIDAN MAANAN OGAYN."

Waxaan Ramadan la sii akhriyay Aayad ku xigta si aan u garano sababta BALLANKAN aan u xusuusanay:

"SI AYDAN U DHIHIN AABAYAASHEEN BAA ILAAHAY U SHIRKI YEELAY ANNAGUNA WAXAAN NAHAY UBADKOODII OO WAAN DABO GABLNAY. ILAAHAYOW MA WAXAAD NOO CIQAABI FAL XUMADA AY SAMEEYEEN KUWA BEENABUURKA KU DHAQMAY?" (7:173)

Haa hadday igu soo duxday waxa uu Ramadan ula jeeday "reer odoogaa ma iloobeen ballankii?"
Waxaanse jeclaystay in uu intaa ka badan ii sii sharxo. Waxaan iri "Ramadanow waxaad mooddaa Aayadahaasi in ay igu cusub yihiin khayr badan Allaha Ku Siiyo ee ii sii kordhi!"

Wuxuu yiri "Miyuusan Ilaahay Idin Dhin Bilowga Suuradda Al-Ma'idah (5) 'Hooy Mu'miniintoow Fuliya Heshiisyadiina?'"

Waxaan iri "Haa waa dhab in Ilaahay Na Faray in aan fulino heshiisyada iyo balanada aan galnay."

Wuxuu yiri "Hadaba soo HESHIIS aad gasheen ma aha markaad ogolaateen 'In Mu'miniintu yihiin WALAALO'?"

Waxaan iri "Haayoo Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaatu Wa Salaam ayaa noo sheegay in uusan qofna IIMAANKIISU dhamayn ilaa uu la jeclaado walaalkiis waxa uu naftiisa la jecel yahay."

Wuxuu yiri "Miyaadan maqal Ilaahay Oo Idin Leh 'Waxaad iska kaalmaysataan WANAAGGA iyo CABSIDA Ilaahay'?"

Waxaan iri "Haa!"

Ramadan Intuu yar kor u kacay oo jilbo joogsaday buu yiri "reer adoogaa miyuusan ogayn in qofkii si kas iyo maag ah u gooyo NAF Mu'min in uu cadaabta ku waarayo?"

Hadalkiisii buu sii watay oo isagoo giriiraya yiri "JAHANAMO ma taqaan" ima sugin ee wuxuu yiri "Ma waxaad moodeen haddii aad qof Mu'min ah dishaan ay tahay dhayal iyo wax aan qiimo lahayn?"

Al-Nisa (4:93) QOFKII U GOOYO (DILA) SI KAS IYO KU TALO GAL AH NAF MU'MIN AH JASADIISU WAA (1) IN UU JAHANAMO KU WAARO (2) IYO CARO ILAAHAY (3) IYO NACLAD ILAAHAY (4) ILAAHAYNA WUXUU U DIYAARIYAY CADAAB BA'AN"

Waxaan iri "Ramadanow gartay micnaha 3da qodob ee hore ee waa maxay 'ILAAHAYNA WUXUU U DIYAARIYAY CADAAB BA'AN' ma cadaab ka daran JAHANAMAA?

Igama war qaadin Ramadan ee isagoo wada gariiraya ayuu yiri "reer adoogaa miyayna maqal Ballankaa Ilaahay? Maxay ubadkooda u jarayaa? Miyayna ahayn dad Muslim ah oo walaalo ah?"

Waxaan iri "qabyaalad iyo qabqablayaan ayaad quud nooga dhaartay!"

Wuxuu yiri "Yaa war maxaad tiri?" Oo inta weli kor u sii kacay yiri "QABYAALAD AA!"

Waxaan ka baday in uu caro la suuxo oo waan u naxay waxaan iri "is deji sidii Ilaahay Ka Dhigay Noqon e!"

Wuxuu yiri "Miyaadan maqal 'Wactasimuu Bi Xabli Lahaahi Jamiican Walaa Tafaraquu!" Oo inta soo dabcay yiri "reer adoogaa miyayna maqal Ilaahay Siduu Mu'miniinta Ku Tilmaamay in ay yihiin kuwo u DABACSAN Mu'miniinta kale isla markaasna U DHIIRAN cadawgooda!"

Ramadan markaan si quman buu u fariistay oo inta gacanta wejiga marsaday yiri "U DABACSAN macnaheedu waxaa weeye in ayna is dhibsan oo ha dhicin ha jabin is yiraahdaan ee ma aha in ay sidii neefaf suuqa laga soo gaday KAWAANKA is geeyaan. U DHIIRAN cadawgooduna waa in ay BIRTA iyo DABKA ay iyagu isu sitaan SANAWI iyo cadawga Ilaahay ula Kacaan."

Intaan dhididay oo khajilay oo naxay oo murugooday baan iri "Ramadanow shib dheh shib..reer adoogay QABYAALAD baa qurmisay oo dalcad dheer ka riday mana garanayaan weli silaca iyo saxariirta ay ku sugan yihiin oo weliba way isla quman yihiin!"

Mar kale ayuu kacay oo warwareegay Ramadan oo in door ah markuu aamusnaa yiri "Maxaad ugu digi weyday reer adoogaa soo adiguba maadan maqal Amarka Ilaahay Faray Rasuulkiisii Suubanaa 'WAN DIR CASHIIRATIKAL AQRABIIN' u dig jeeskaaga kuugu dhaw?"

Waan aamusay!

Ina kici aan TARAAWIIX soo tukanee waxaan kuu sheegi doonaa Haddii Ilaahay Idmo waxaan kuu sheegi doonaa Ballan Ilaahay U Qaaday kuwa ku dhaqma QABYAALADDA!"

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.