site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SUŽAAL KU SABSAN LACAGTA ZAKADA waxaa ka jawaabi kara ansaari , walaalkin, muslin, mumiin, yaska , deeqa iyo walaalaha muslinta ah ee cilmiga le

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): SUŽAAL KU SABSAN LACAGTA ZAKADA waxaa ka jawaabi kara ansaari , walaalkin, muslin, mumiin, yaska , deeqa iyo walaalaha muslinta ah ee cilmiga le
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
ASALAAMU CALEYKUM YAA MUSLMIIN.
YAA MUSLIMIIN WAXAAN JIRAA 20 SANO MAANTA

WAXAAN SOOMKA BILAABEY 1995 LAAKIIN ZAKU MABIXIN
WAAYO LACAG AAN KUBIXIYO MAHESANIN.
MA La IGA RABAA LACGATAAS MISE LA IGA MA RABO

MA DAMBI BAA MISE ........?

MA LABAN LAAB BAA La IGA RABAA MISE...INTII LEE...?
1996+1997+1998 WAAN BIXIYAY ZAKADAAS BAS ma BIXIN 1995!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allaale

Unrecorded Date
to.sahro.
assalaama calaylum.
hadii aad kawadid zakada soonka kadib labixiyo(zakaatul fidriga)waxay kuwaajibtaa qofkii haysta in kabadan inta uu cunilahaa maalintaas iyo habaynkeeda.
marka hadaadan waxba haysan waxba lagaama rabin in shaa'allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu calaykum,

To Sahro;

Hadii aad Zakada ula jeedo sidaan u fahmay oo ah Zakaatul Fidriga(zakada la bixiyo wakhtiga soonka), waa sida uu alleeleba sheegay hadii la waayo Shuraada ah in aanu qofku haysan wax uu cuno maalintaa iyo habeenkaa lagama rabo.

Wakhtiga Zakada ugu danbaysa waa inta aan Salaadda Ciidul fidriga la tukan in aad bixiso. Wakhtigaas hadii la dhaafo Zakada wakhtigeedii wuu dhamaday!! Hadii uu qofku bixiyana waxay u noqonaysaa uun SADAQO laakiin ka gudimayso zakadiis. Waxaase la jeclaystaa in Hadii Zakadda wakhtigeedii ku dhaaftay aad SADAQAYSATID, Ilaahayna aad weydiisato ajir iyo abaalmaris Kheyrna aad ka rajaysid in aan laguu qabsan.

Arinta "Qalaynta"ama soo celinta Zakadda, anigu ma arag meel lagu sheegayo ama la leeyahay waa in la soo celiyaa zekadaas, Waajibna ma aha ama lagaama rabo in aad soo celiso hadii wakhtigeedii la dhaafay Waayo waxaa la dhaafay SABABTII loo sharciyeeyba oo ahayd in dadka Fuqaradda iyo masaakiintu ay iyaguna la farxaan oo la ciidaan ummadda inteeda kale. Ilaahayna waxba kuma falayo Zakadda yar ee ayno ku dahirinayno dhacdhacyadii inaga dhacay wakhtiga Ramadaanka, si soonkeenu u noqdo mid Dhamaystiran.

Laban laabkan in la bixiyo haday ku dhaafto wakhtigii zakadu waligey ma maqal mana arag kitaab lagu sheegayo arintaas. Walaalaha kale iyo ciddii arintan u dhuundalooshana waxaan ka sugaynaa in ay na saxaan hadaan khaldanay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato

Ramadan Kariim

Sakadul Fidriga sakada la yiraahdo waxay ku waajibtaa qof kasta oo soo gaaray habayn ugu horeeya Ramadanka xitaa haddii uu yahay GAAL ku nool aqalkaaga.

Haddii qof dhinto markii la arkay bisha Ramadan waa ku waajib qofkii masuulka ka ahaa in uu bixiyo sakada marxuumka. Sidoo kale haddii ilmo dhashaan iyagana waa waajib in la bixiyo.

Sakadu waxay waa jib ku tahay sida allale iyo Yaska u sheegeen qofkii haysta wax ka badan maalin habayn quudkii uu isaga iyo cidda uu masuulka ka yahay cuni lahaayeen.

Murtidu waxaa weeye in DAD MASAAKIINTA EE DAN YARTA IHI BARTAAN SIDA WAX LOO BIXIYO.

Wakhtiga ay ku haboon tahay in la bixiyo waa salaadda CIIDDA ka hor. Waxba kuma jabna in aad bixiso bisha Ramadan Gudaheeda.

Waxaa la siiyaa dadka dan yarta ah ee joogta meesha aad degan tahay ha ugu horeeyeen EHEL IYO QARAARO IYO DARIS. Haddiise aad EHEL iyo QARAABO meel kale joogta u dirto waxba kuma jabna.

Qadarka la bixinayo aad baa la isugu maan dhaafay. Waxaan kugula talinayaa in aad la xiriirto MASAAJIDKA ama CULUMADA ISLAAMKA ee meesha aad joogto si ay kuugu sheegaan QADARKA SAKADA.

QALO ma gasho dayna ma aha mana laban laabanto haddiise aad heli karto SADAQO u bixi wixii aad heli karto siina DAN YAR EHEL IYO QARAABO AH.

Waa maalin CIID ah oo Farax iyo Damaashaad leh. Waa maalin HAMBALYO iyo ABAAL MARIN in aad gudatay WAAJIB culus. Waa maalin la xiriiryo EHEL iyo QARAABO iyo DERISKAAGA.

Ee haddii aad awooddo ha u daymo la'aan SAKAATUL FITR in aad bixiso.

SADAQADU wakhtigeedu waa mar walba xitaa WAJI FURAN iyo SALAAN MACAAN baa SAQADO ah ee BIXI MAR WALBA.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu usaama

Unrecorded Date
asalaamu caleykum waa sidaa ay sheegeen walaalihii iga horeeyay laakiin waxaan dood kaqabaa walaal oo yiri gaal gurigaaga ku nool waa inaad kabixiso waxaan karabaa meesha uu ka keenay arinkaa isaga ah waxaa kaloo jira xadiith saxiix ah haddii aad kas uga tagto inaad soo gudayso laakiin haddii ay tahay sidaad sheegtay iinsha allaah waxba lagaama rabo sakaduna waa wax uu qofku isku daahirinayo walahu waliyu tawfiiq asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahro

Unrecorded Date
salaamu caleykum dhamaan wallaalaha muslimiinta ah.
ilaahey kheyr ha in iga siiyo muslimiintáy aaaaammmiiiiin dhamaan waad mahad san tihiin



walaashin sahro
salaamu caleykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.