site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhexdhexaadi.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Dhexdhexaadi.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI SWEDEN.

Unrecorded Date
WAXAAN AAD U AKHRISTAY BOGGA EEDAYN IYO KUWA KALEMARKAA WAXAAN KA DAREEMAY IN DADKA QAAR KA MID AH AMA BADIDOOD AY DOODDOODU KA BAXSANAYD MOWDUUCI LAGA HADLAYAY TAASOO AY UGU WACNAYD CASABIYAD AMA JAMEECAYSI .HADADBA ILAAH SWT AYAA YIRI YAANAY QOLO NACAYBKEED IDUNKU XAMBAARIN IN AAD CADDAALADDA KATAGTAAN, SIDAA DARTEED WAXAAN GOGOL U FIDINAYAA SHABAABKA ITIXAAD IYO ISLAAX SI AY U WADA HADLAA ISUGUNA SOO DHOWAADAAN ILAAHAY DARTII, WAAYO CADOW AAN IYAGA KALA AQOON AYAY LEEYIHIIN OOMAGACA MUSLINBA KA DHIMANAY ISLA MARKAASNA DAGAAL KULA JIRA WAADNA OGTIHIIN OOBOOSNIA AMA CHECHNIA WAXAA MULIMNIMO LOO DILAYAA DAD AAN WELIGOOD MEEL LAGU HAYO DIIN ARAG MARKA GOGOSHU WAA FURANTAHAY MOWDUUC KALENA KUMA JIRO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi wabihi mastaciinu calaa ummuuridunyaa.

Ali Sweden iyo dadka ay khusayso waa Ahlul iimaanee iyadoon khilaafka jira latirtirin horta lai'sma raaci karo waxna lamawado qaban karo, sabatoo ah qof walba markuu fursad helo ayuu kakale xididada usiibi. Islaamkana malaha waxa ay gaalada ugu yeedhaan (dagaandag) oo macnaheedu yahay adna 10% soo deg anna 10% ayaan soo dagi oo aynu dhax isugu imaanno saasna khilaafkeenna haku dabco. Alle wuxuu yidhi (WALAA TARKUNUU ILLALADIINA DALAMUU FATAMASSAKUMUNAAR WAMAALAKUM MIN DUUNILLAAHI MIN AWLIYAA'A THUMMA LAATUNSARUUN) oo macnaheedu yahay "ha u dabcina dadka xadgudbay yuusan cadaab idin leefinee oo markaa aad gargaar kawaydaan xag Alle".

Aniga kama hadlayo Dooddii (EEDEYN) ee waxaan guud ahaan kahadlayaa qayamka uu islaamku dajiyey iyo siduu masalaxooyinka ukala hormariyey.

haddaynu dhahno tusaale ahaan aynu isu imaanno si aynu walaalaha Reer Shisheeniya aynu u taageerro,meesha dadka qaar ay laquman tahay in tababar dagaal lagalo kadibna hub la'iibsado si cadawga foodda loogaliyo ayaa qaar kale aaminsan yihiin inaan latabaran qorina lagadin dagaalkana laga fogaado oo la'iskudayo oo qudha indawooyin iyo raashin loo aruuriyo haweenka iyo carruurta tabalaalaysan. Marka bal adigu isu keen. Marka nin aaminsanayahay in dacwo labillaabo kadibna dawlad islaami ladhiso sharciga lugu dhaqana noqdo Alkitaab Wasunnah oon wax kale lugu qasin ayuu ninna udiyaar yahay inuu dacwo ufidiyo inuu dhiso dawlad kudhisan Usus dimoqraadi ah oo markaa dimoqraadiyiinta iyo islaamiyiintu isgarab boodaan oo kutartamaan codka dadka kii helana kursiga lawareego kii laga helana mucaarad noqdo, sheekadana ay kusoo gabagabowdo annaga shaqo la'aanta ayaan ladiriraynaa annaga miisaaniyad hebel baan kordhinaynaa annaga sidan baannu yeeli iwm waa sida hadda kajirta Urdin, Kuwayd iyo Yaman.

Mar haddii labo qof is qabsadaan mid uunbaa khalada ah, waliba arimaha diinta waa laga yaabaa in labadaba khaldan yihiin laakiin labadaba masaxnaan karaan. Sida lala socdo Islaamku wax walba oo dhiba wuu xalliyey wax uu katagayna majiro haddaad aragto dad isku rafaadsan oo is hayasta labo mid weeye inay rabaan inay isla raftaan ama inayna garanaynin si ay u kalabaxaan.Allena Quraankuu kusheegay oo yidhi (AFAMAN KAANA CALAA BAYINATIN MIRRABIHII KAMAN ZUYINA LAHU SUU'U CAMALIHII WATTABACUU AHWAA'AHUM)"suuratul Muxammed" ma'iskumidbaa qof wax alla wuxuu rabo inuu sammeeyo u eega sharciga Alle sida qof loo qurxiyey falalkiisa kuwooda xunxun oo hawooda raacay. Si'aan loo kaladaadan iyadoo duruuf xun lugujiro hadda inta laqabaw yahay halla kala hadho.

Gabogabadii islaamku muxuu kukala saaraa dadka markay iskahoryimaadaan oo khilaaf soo dhaxgalo(WA'INTANAAZACTUM FII SHAY'IN FARUDDUHU ILALLAAHI WARRASUULI INKNTUM TU'MINUUNA BILLAAHI)

Haddaad wax kumurantaan u celiya Alle iyo rasuulka (scw) haddaad Alle rummayseen, haddii kale waa haddii kale iyo haddii kale!!

Wabillahi tawfiiq walhidaaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI SWEDEN

Unrecorded Date
BISMILLAAH.
KU:WALAALKAY XAREED.
GACALIYE MARKA HORE WAAN LA SOCDAA IN AY TAHAY MARKA HORE IN KHILAAFKA LA DHAMMEEYO,WAANA SIDA ANIGA UJEEDADAYDU TAHAY OO WAXAAN DHAHAY ANIGA HA LA ISU YIMMAADO OO HALA ISU SOO DHOWAADO.WAXA LA ISUGU SOO DHOWAANAYONA WAA SUNNADA NEBIGA SCW.IYO QURAANKA KARIIMKA AH,EE ANIGU KAMA HADLAYO IN XAQ IYO BAADIL LA ISU SOO DHOWEEYO.WAXA LA ISUGU IMAANAAYONA WAA WADA HADAL(XIWAAR) AH IN WAXA LAYSKU HAYSTO LOO CELIYO KITAABKA IYO SUNNADA.
TAN KALE WALAAL WAXAAD SOO QAADATAY TUSAALOOYIN MARKAASAAD TIRI "BAL ISU KEEN WAXAASOO KALAA LAYSKU HAYSTAAYE" MARKA HORE ANIGA MA AHA WAXA ISU KEENAYA EE WAA NASUUSTA IYO CABSIDA ALLE HADDI DAR ILAAHAY LAYSUGU YIMAADO.TAN KALE MIYAANAY LABADA JAMEECO EE AAN KOR KU XUSAY AHAYN AHLU SUNNA OO CAQIIDADA ISKU MID KA AHAYN,SIDAAN KA WAR HAYO KHILAAFKA DHEX YAAL LABADAAS JAMEECO WAA MID LAGA GUDBI KARO HADII ALLA KA CABSI DHAB AH LALA YIMAADO OO LAGA TAGO MUGDIGA IYO TUHUNKA SOOMAALI KU KALA DHEX JIRA.TAN KALE MAAHA IN JAMEECO LOO TIRIYO DULMI AMA GAF UU SHAQSI GEYSTAY WALAW MARKASTA LA HELAYO CAAMMO KU RAACDA, TAASNA WELIGEED BAALA ARKI JIRAY DAD DIINTA SI XUN U ISTICMAALA SIDA KUWII MAAMULKII SIYAAD AMA JABHADAHAN HADDA JIRA KU TAAGEERA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Unrecorded Date
TO Ali Sweden

Waan fahmay su'aashaada waxaana isku dayi inaan jawaab gaaban kusiiyo.

Dhibaatada kala fogaynayso ururadaa ma'aha nimanka hadda madaxda u ah iyo dad katirsan xilligan lajoogo. Iyadoo islaamku nafarayo in hadday labo qof dacwo kala sheegtaan in ladhgaysto dacwadooda intaan laxukmin ayaa haddana lafiiriyaa qofku meeshuu kasoo jeedo iyo ururkuu katirsan yahay. Sidaa awgeed arrinta dadka kala fogaynayso ama u diiday in lugu kala baxo qiyaaska quraanku sharciyeeyey ayaa waxay tahay Falsafad waa hore ladajiyey oo haddana dhidibada loo sii aasay.

Sidaad sheegayso haddii diyaar loo yahay dhibka heerkan masoo gaadheen oo mar horuu baab'i lahaa.

Intaasaan hadalkaygii uga baxay anigoo fursad siinaya dadka kale waxay kaqabaan Qadiyaadda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Xareed waa kuugu raacsanahay aayadaha iyo saa u macneesay labadaba,laakiin makugu raacsani markee laba qof is qabtaan inuu mid qaldan yahay,sababtoo ah waxaa jiro wax la dhoho is fahmi waa, waxa kaloo jirta inee dadka sidooda kala duwan yihiin.

Suaasha meesha taalo waxa waaye yaa ah AFAMAN KAANA CALAA BAYINATIN MIN RABBIH yaase ah KAMAN ZUYINA LAHU SUU U CAMALIH????
Waxaa u maleenaa ilaahay lee jawaabta og.
Tan kale waxaa dhahday waa in marka hore qilaafka meesha laga saaro.Kulligeen waa ognahay inee xarako cadeey xarako gaduudeey noqoneen, marka sida kali oo eey wax ku wadi karaan waa inee qolaba tan kale respekteeyaan, oo meelaha la taagnaanin iska ilaaliya kuwaas eey idiin dhumine.

Hadii ay key wordka ka dhigtaan maxaa isku raacsanahay, meeshuu hadda ka yahay maxaa isku qilaafsanahay sheekada intaan waa dhaami leheed

Jaaaaaaaaaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Unrecorded Date
Ku: ladan

Arrinta ah kee khaldan waa arrin aan sahlanayn balse sidaan hore u xusay wax walba asalbay leeyihiin loo eego oo lagu qiyaaso, Islaamkana markuu waxyiga go'ay loogama tagin dayac ee miisaan buu Alle u yeelay. Sidaa awgeed waa in kaa lugu kala baxaa. Illaa iyo hadda wax isa soo hor fadhiisto oo isku daya inay miisaanka kukalabaxaan ma'arag aniga mana maqal mana filayo inay jiraan, taana waxay daliil u tahay inay jirto in dhibka aan xusnay intaa kawayn yahay.

Sababtoo ah Hadday labo qof is dirirto oo uu dhib soo dhaxgalo oo uu mid walba diyaar uusan u ahayn kalabax ay kalabaxaan waxay u muuqani inuusan mid walba diyaar u ahayn xal.

Midda kale markaan leeyahay khilaafka meesha halaga saaro waxaan kawadaa khilaafka ayaa sii kal daranee midka inoo diidaya inaan taallababa gadinno aynu xallino oo macnaheedu yahay haddaan aniga iyo adiga ku heshiinno aynu aadno magaalo aynu isla garanay magaceeda oo ay naga jirto koonfur magaaladu, midkeense yidhaa aynu qaadno waddo aadayso Waqooyi kakalana yidhaa aynu qaadno waddo aadayso Koonfur iyo magaaladii ayna lagamamaarmaan tahay inaynu israacno balkawarran waa cajaa'ibee!! Khilaafkaasaan leeyahay iyadoo laxallin waxba socon maayaan.

Hadalkaada qaybta ugu danbayso waa xaqiiq intii la'is caydhsan lahaa ama colaad aan dhammaan la'isu hayn lahaa waxaa fiican in la'iscafiyo la'isna saamaxo is ugaadhsiga la'iska daayo illeen haddaynu mu'miniin nahay wax gacan noogu jiro malahee oo waxaan kudhownahay inaan adduunka kabidhaan qarsoonno ee!!!waan kuguraacay

Waadna kumahadsantahay erayadaas

Xareed

Wbillaahi tawfiiq walhidaaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Walaalkiis horay waa la iskugu dayey qilaafka in la dhameeyo waana la isu tagay waana la heshiini waayey. Intaan xamarba laga soo qixin.
Waydii dadkii hormuudyaalka ahaa waagaas.

Ani muxaadaro uu hadda ka hor shiiq maxamad macallin jeediyey aan ka maqlay inee wax badan isku dayeen inee dadka islaamka mideeyaan,ilaa uu markii ugu dambeesay dhahay, markaa soo heshiisaan wax kastoo aa isku soo raacdaan kabahaa idiin qaadaa.

Aadaan ugu qoslay sheekadaaneyto magaalada koonfur xigto!!
Hadaa heshay pointigii, sababta waxaa waaye hadii kan jidka waqooyi aan raacno dhahaayo ay la saxan tahay inuu jidka ugu fiican, ugu dhibka yar amaba ugu gaaban oo magaaladaas loo maro uu kaas yahay ogoow waa adag tahay inuu kan kale kula maree, marka soo ma ka fiicno intaa dhihi leheed macallinka waa waalantahay inaa dhahdid xariifow bal magaalada aa iskugu imaano.

Dhibka meesha yaalo maaha aa sunada iyo kitaabka qilaafka u celinee, dhibka wuxuu yahay tawiilka sunnada iyo kitaabka.

wasalaaaaaaaaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Unrecorded Date
KU: Ladan

waan fahmay qoraalkaagii balse hamoodin inaan wali kahadhay mawqifkaygii ahaa dhinacyada is haya midbaa khaldan, wali waan haystaa aaminsanahayna. Arrinta kusaabsan heshiisiinta mafilayo inay ahayd arrin lagabaaraandagay oo munaasabkeedii lamariyey ee waxay ahayd erayo la'isku tuurtuuray oon siqoto dheer loo faaqidin,
taana waxaa daliil u ah marka larabo in wax laheshiisiiyo iyadoo waxa laga hadlayo ay diintahy
oon la'oggolay in qof walba siduu rabo wax u ta'wiiliyo ayaa hadan lugu heshiin karay maslaxo guud oon ulajeedo hadday fahamkii islaamka kuheshiin waayeen waxaa jiro waxyaabo kale oo maanta aad looga faa'iidi lahaa bulsho ahaan oo lugu heshiin karay sifudud aanan aaminsanahay in isku mawqif laga yahay waayo waa arrin loogik ah.

Tusaale haaddaynu Adhi wado leenahay oo Adhigii weer soo weeraro ( sidaan filayo inaad lasocoto WEER waa dugaag Adhiga cuno oo haddii Adhigu yahay 500 oo neef oo uu kaligii waa Weerka meel kahelo hal Weer kaliya ayaa nag kadhigi Adhigoo dhan haddaan lagasoo gaadhin cunimaayo ee xidid qadaaka kuyaallo unbuu jari neefwalba markuu nag kadhigo Adhigoo dhan ayuu hal kamid ah cuni kadibna iska tagi inta kalena bakhtigooduu hadhow usoo laaban)makula qumantahay inaynu kumuranno Adhiga midabkiisii kanaa cagaar ah kanaa caddaan ah kanbaa guduud ah. Jawaabtu waa maya!

Midabada aynu iska dhaafno markale ayeynu kasiidoodiyee aynu Adhiga bal badbaadinno.

Saasaa xal ah Marka Intuu Wadaad Yare murmayey oo is colaadinayey oo iscaydhsanayey oo midba kalkale afkiisa dhowrayey ayuu dadkii iyo dalkii la'isku haystay meesha kabaxay, oo ilaah wuxuu xukumay inay inyar inyar xorriyaddii Dhulka Soomaalida usii siibanayso.

Waxaan filayaa inaad fahamtay waxaan u dan leeyahay(WADO HADALLO DHAB AH MADHICIN LA"ISKUMANA DAYIN, IIMANA MUUQATO SIDAY U DHICI)

Ugu danabayn waxaan aaminsanay sida Soomaalidu ay tidhaa (OOHINTU ORGIGA KAWAYN)inuu dhibku
kawaynyahay intaa oo intan ay tahay masrax la'isu dhigayo, waxaan aaminsanahay inay jiraan Saddex arrimood oo kadaran arrinta aynu meesha kuhaynno oo sababaya cadaawadda iy inaan la'isu iman karin.

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali sweden

Unrecorded Date
Ku: Xareed iyo Ladan.
Marka hore waxaan filayaa in aan dhammaanteen isku raacsannahay in arrinka la xalliyo,balse qof doonayo in marka hore khilaafka laga gudbo halka kankale doonayo in khilaafka la iska illoobo oo wixii laysla qabo layskala shaqeeyo,laguna balamo madasha.Marka sow ma habboona in ninkii qaba in horta khilaafka la dhammeeyo uu isku dayo in walaalihiis khilaafkooda dhexdhexaadiyo illaa hadduu ku guulaystona laba ajar buu helayaa haddu ku guulaysanwaayona ajar buu helayaaye,kan qaba in wixii laysku waafaqsan yahay layskala shaqeeyona uu walaalihiis ku booriyo inay khayrka ka wada shaqeeyaan khilaafaadkoodana meel iska dhigaan.Diintaan masuul ayaa qof walba ka saaran (kulukum raaci wa kulukum masuulu can raaciyatikum)markaa waa waajib na saaran (islaaxu bayna naas)oo la rabo inaan gudano.Marka waxaa aniga ila habboon in labada jameeco khilaafkood miiska soo saaraan oo dadka loosoo bandhigo si looga wada qayb qaato.taas macneheedu maaha mana qabo in qof aan masalada laysku hayo aqoonteeda lahayni ka hadlo.wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI SWEDEN

Unrecorded Date
XAREED WALAAL WAXAAN HILMAAMAY INAAD NOO SHEEGTO SADDEXDA ARIMOOD EE AAD SHEEGTAY INAY KA DARAN YIHIIN ARRINTAN OO CADAAWADDA IYO IN AAN LA ISU IMAAN KEENAYA.TAN KALE ISLAAMKA DHEXDIISA CADAAWADDU WAA KA XAARAAN HADDII AANU QOFKU RIDDOBIN AMA MUNAAFAQNIMO LAGU OGAYN.

WABILAAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Mubaarak

LADAN Ilaahay ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo dooddaa qalbigeenana kii LADAN Ilaahay ha ka yeelo.

Walaalay LADAN waxaan naftayda mar walba sheegaa in DIINTA ISLAAMKU tahay DIINTA ILAAHAY ISagaana Balan Qaaday In Uu Dhawri Oo Badbaadin. Yaa ka fulin og ballan Ilaahay?

Hadana abaayooy waxaan naftayda u sheegaa in dadku yihiin MUSLIMIIN san ku neefle ah oo gaf iyo gardaro badan oo markii joog la yiraahdo inyow dhaha. Soo joog ninkii laga waayo soo jiifsaa laga helaa!

LADAN huuno dooddu ma aha ISLAAM ee dad is mooday waxayna ahayn. Ilaahaygii lahaa DIINTA waardiye ugama dhigin "xarako cadeey ama xarako gaduudeey" ee sidii Nebigeenii Suubanaa Sallalaahu Calayhi Wasalim "Balighuu cannii walow aayah" iga gaarsiiya dadka kale xitaa kolay halkoo aayo noqoto.

Intee ku taal MUSLIMKA qoorta ka gooyo oo guryihiina guba?

LADAN Ilaahay baa qalbigeen daawayn kara oo LADAN mar kale naga dhigi kara lakiin walaalay kuma joogno jidkiisii "Muminiintu waa walaalo" Ayuu Ilaahay Dhahay "Ashidaa u calal kufaar RUXUMAA u baynahum" gaalada way u niyad adag yihiin iyaguna way isu dabac san yihiin!

LADAN huuno "xarako cadeey" waxay seefta galka ugala baxday "xarako gaduudeey!"

LADAN gacaliso "xarako gaduudeey" waxay rabtaa in ay cabto dhiigga "xarako cadeey!"

Tee sax ah?

Intee ka joognaa "Ashidaa u calal kufaar RUXUMAA u baynahum?"

Tee sax ah?

Abaayooy aaway "Inamal Muminiina Ikhwah?"

Tee sax ah?

LADAN walaalay aaway "Wactasimuu Bixabli Allahi walaa TAFARAQUU?"

LADAN aniga waan iska ooyi oo sidii Raage Uggaas baan "af dhabaan dhow aayar ninkaa aamusaan ahaye!"

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Unrecorded Date
Arinta dib u heshiisiinta soomaaliya waxa keli ah ee xal lagu heli karo waxa weeyaan
1- in wadamada soomaaliya daneeya ama gacanta kula jira arimohooda ay faraha kalaabtaan si taas loo suuro geliyo waa in gudi wadaado iyo cilmaaniyiin la isku dhafay ay kormeer ku sameeyaan arimaha guud ee shirka.
2-In ajendaha looga wada hadlayo shirku uu noqdo dhexdhexaad ayna ansixiyaan golaha guurtido
3-In dastuurk ku meelgaar ah lasameeyo inta ay doorashada ka dhacayso wadanka oo ay dadka loo soo bandhigo nooca dastuur ay rabaan in lagu dhaqo like capitalism,communism,secularism & Islam
4-In xubanaha shirku uu san ka badnaan 4 ururkiiba oo kala ah gudoomiyaha ururka ama ergay iyo caaqil,ugaas,malaaq,islaan,boqor,suldaan,garaad etc.iyo laba xoghaye shirgudookana ay iyaga iska dhexdoortaan
5-meesha shirka lagu qabanayona waa in ay ahaataa wadanka gudihiisa min saylac ilaa jaziiradaha j/hoose.
sababta aan waxan usoo bandhigayna waa anigoo arkay shirarkii hore ee jabuti,ethiopia,cairo ay noqdeen hal bacaad lagu lisay sababtuna ay ahayd cilado badan oo ay kamid ahaayeen manipulation iyo ku hardamid awoodeed oo mid walba uu rabay in uu hasha maandeeq wax badan ka qaato halka ay mudnaanta koowaad aysiin lahaayeen sidee wadanka majarihiisa dowladnimo loo unki lahaa examle hadii dhowr qof layiraah saxan weyn oo bariis ah ayaa la'idin siinayaa oo ay bariiskii digsiga ku kiray ay kala dafaan isagoon saxanka lagu shubin waa qasaaro .Waxa iigu wayn qof ahaana waa the unity of somaaliya in taas agendaha lagu darana waa ay waanaagsanaan lahayd lakiin yaanan noqon self sealing person.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Mubaarak

xareed walaal Nimcada Ilaahay haddii aad isu tagtaan kuligiin insi iyo jini ma soo koobi kartaan middoo ama halkoo NIMCO.

Bal walaalow fiiri macaanka magacaaga "xareed" haddii Ilaahay roobka cirka ka soo daadata naga qabto oo aan xareed wayno maxaa noo talo ah?

Nimcada Ilaahay waxaa ka mid ah xareedow in uu naga dhigay walaalo Islaam ah. Nebigeenii Suubanaa Calayhi Salaatu Wasalaamu wuxuu noo sheegay in uusan qof IIMAAN buuxa lahayn oo uusan MUMIN dhab ahayn ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu naftiisa la jecel yahay!

Muminiinta jacaylka ay isu qabaan, soo dhawaynta iyo naxariista iyo nasteexada dhexdooda waxay la mid tahay buu na yiri Suubanoow Rasuulkeenu (SCW) sida jir haddii xubin bukoota jirka intiisa kale qandho, xumad iyo xanuun ku fidayo. Suubanow Rasuulkeenu (SCW) walaalow xareed intuu faraha gacmihiisa isku dhafay buu yiri sidii dhismo guri dhista iyo dhagaxu isu haystaan baad tihiin.

Haddii walaalow xareed aad qabsato oo daliilsato Aayadan Kariimka ah si aad u muujiso mowqifkaaga:

"Alle wuxuu yidhi (WALAA TARKUNUU ILLALADIINA DALAMUU FATAMASSAKUMUNAAR WAMAALAKUM MIN DUUNILLAAHI MIN AWLIYAA'A THUMMA LAATUNSARUUN) oo macnaheedu yahay "ha u dabcina dadka xadgudbay yuusan cadaab idin leefinee oo markaa aad gargaar kawaydaan xag Alle".

Walaalow xareed miyaadan maqal Nebi Nuux Calayhi Wa Calaa Nebiyunaa Alsalaam oo Ilaahay Baryay in uu badbaadiyo wiilkiisa "inahu min ahlii" Ilaahayow wiilkaygu waa ehelkay ee ii badbaadi!

Muxuu ugu jawaabay Ilaahay "Innahu laysa min ahlika innahu min camal suu!" Kaasi ka mid ma aha ehelkaaga ee isagu waa camal xumaaday!

Walaalow xareed haddii Nebi Nuux Calayhi Salaam mooday in wiilkiisu ku badbaadi karo dhalasho iyo dhiig Ilaahayna yiri "INA AKRAMAKUM CINDA-LAAHI ATQAAKUM" Ilaahay Agtiisa waxaa u mudan kiina ugu Alla Cabsi badan miyayna khatar ahayn in aan kalsooni buuxda nafteena gelino?

xareed walaal ma huba in xarako caday ka quman tahay xarako guduuday?

Intaadan mowqif adag gaarin oo aadan cuskan Aayadan Kariimka ah (WALAA TARKUNUU ILLALADIINA DALAMUU FATAMASSAKUMUNAAR WAMAALAKUM MIN DUUNILLAAHI MIN AWLIYAA'A THUMMA LAATUNSARUUN) soo ma haboona in aan niraahno "Waslixuu Bayna Akhawaykum" iyo "Waslixuu DAATA BAYN"?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu alykum.....
Kadib, aad ayaan ugu mahdinayaa walaalaha ku hamiyay barnaamijkan weyn ee ah mideynta jamaacaadka islaamiga ah ee dalka ka howlgala.
Aniga waxaan aaminsanahay in unugga ugu weyn ee isu-soo-dhowaanshaha uu yahay, in ay koox walba aaminsan tahay in kooxda kale ay kula jirto safka ahlussuna-wal-jamaaca. Markaan sidaasi leeyahay ujeedadeydu ma'aha nooleyn khilaafyo hore u taagnaa ee waxaan ka hadlayaa dhabta waaqica ka jirta. Walaalaha ITIXAAD waa iney ka tanaasulaan ka xigsashada islaamka jamaacooyinka kale ee saaxada ka howlgala. Suufiya waa in lagu ixtiraamaa da'da iyo taariiqda weyn ee ay ku leeyihiin dacwada islaamka ee geeska afrikada bari. Islaax, sidoo kale waa in lagu ixtiraamaa qunyar-socoshadooda iyo sida isu-dheelitiran ee ay dacwada u wadaan. Ugu danbeynna Itixaad, waa iney iyaguna ku ixtiraamaan howsha, niyadda wanaagsan iyo xammaasada islaam-jaceylka ah ee ay ku howl-galaan, dhammaan jamaacaadka kalena waa in sidaa loo xaq-dhowro. Nebigeennu (scw) wuxuu yiri: "Qof Muslim ahi walaalkiis ma dulmiyo....."
Gogosha uu walaalkeen fidiyay xubnaha ka soo qeyb-galaya waa iney la yimaadaan niyaddaa saafiga ah ee ixtiraamku uu camiray.....
Mahadsanidiin..Jazaakumullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Ku: Dhammaan doodan kaqayb qaatay

Aad ayaan idiinku mahadnaqayaa dhammaan walaalaha xiisaynayey oo kaqayb qaatay arrinta uu walaalkeen billaabay ee kusaabsanayd dhibaatada dalkeennii iyo dadkeennii kuhabsatay iyo waliba rafaadka kataagan xagga hirgalinta sharciga islaamka iyo suulinta wixii kahorjeedo.

Waxaa ii muuqato in dad badani ay farta kufiiqeen qoraallo aan sammeeyey qaar duray qaar iyara raacay qaar idhaleeceeyey qaar su'aalo i waydiiyey
iyo i qaar i wacdiyey, waxaan dhammaan idin leeyahay khayr allaha idin siiyo.

doodda waxay kubillaabatay erayga layidhaa (dhaxdhaxaadin) anna arrintaas ayaan kadoodayey, hadafkaygana wuxuu ahaa baraarujin ee horta hala ilafahmo wax dalkii iyo diintii u maqan malaha, waa inta illaa iyo hadda ii muuqaato waxaana taagan foolxumo maalinba maalinta kadanbayso sii kordhayso. waxaa ii muuqatay inay dad badan meel cidla ah taagan yihiin oo aanay xaqiiqda lasocon, waxaan kahadlayaa saaxada islaamka. waxaa jirta in kaniisado laga furayo dhulkii muslimiinta, waxaa jirto in intuu dulmigii ciidda kabddatay ay dadka intii tabar yar dhibban tahay ooy macaluul iyo rafaad kunooshahay oo markaa uu cadawga islaamku yahay ka kaalmo iyo gargaar u fidiyo markaana kalgacal ay u qaadaan sida dad badan kuqabsatay dalalkan aynnu joogo ayaa dadkeenni qaar kamid ah loogu helay gudaha. horta waxa igu khasbay inaan kuhadlo erayo dadka ay qaar layaabeen saasaa sababtay.

In dad badan maanta ay urur magac qurxan loo bixiyey dabo fadhiistaan oo wareerka uu diinta kuhayo kutaageeraan ayaan ladhakafaraaray.
Yaanan loo qaadan inaan leeyahay ururkaasaa sax ah ama ururkaasaa khaldan ee waxaan u danleeyahay dad yarbaa diintii loo daayey markaasay ayagana waxay rabeen kukaceen.

Marka muslimiinta waxaa loo baahan yahay inay ogaadaan inay diintii la'dahay gabdho mu'minaat ah iyo wiilal mu'miniin ah oo dhab ah ee ayna diinta wax u qabanaynin dad kaxisaabtamaya waxyaabahan hoos kuqoran:

A-Qof urur u diriraya

B-Qof wadaad magac leh udiriray ama madhab gaara

T-qof dano gaar ah wato sida mid dhaqaale

J-Qof isla waynan kujiro oo leh maa aniga la'tix galiyo oo la'iga danbeeyo

KH-Qof ay u badan tahay inuu nifaaq kujiro ama dano cadow shisheeye katalinayo

D-Iyo ugu danbayntii mid aan sifiican diinta u fahmin aqoontiisu iyo garaadkiisuna yaryahay.

Su'aasha taagan maanta waxay tahay maxaa inagu dhacay fursadda uu islaamka maanta haysto way adagtahay inay mustaqbalka nasoo marto hadday noqoto in dadka loogu yeedho diinta ilaahay lana sammeeyo qiyaado jajaban oo kuqnacsan xaqa dadkana hormarta amaba in la'abuuro ciidan islaami ah oo u diriro jidka alle, waxaa nasoo martay toban sano oo dhulkaasu cidla yahay dadkaana qofkii wax qanciya ulatago ay raacayaan.

jawaabtu waxay noqoni dadkii hawshaa laga sugayey
ayagaa isku mqashquulsan oo xididada isu siibaya qolo walbana ay rabtaa inay iyadu u hadho goobta adiga wado hadal iyo heshiis baad sheegi iyo in diin wax loo qabto, xaqiiqdiina waxay noqoni intaa aan soo sheegay oo calaamado ah dad wato ayaa carrada qasayo marka illaa maskaxda maanta taalo maskax kaduwan iyo culimada maanta noo kacday culumo kacaqli duwan lahelo mustaqbalku maqurxano.

waxaad kujawaabina waa adiga.

Xareed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.