site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HAYADA GUURDOONKA WAQOOYIGA MUQDISHU

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): HAYADA GUURDOONKA WAQOOYIGA MUQDISHU
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XIIS

Unrecorded Date
HAYADA GUURDOONKA WAQOOYIGA MUQDISHU


By XIIS on Tuesday, December 21, 1999 - 09:24 am:

Salaan ka dib akhyaarey bal ila fiiriya wareysigan radio copenhagen laantiisa afka soomaligu uu sabtidii
18.12.1999 sacada 13.30 duhurnimo wariye cali seenyo khadka talafoonka ee muqdishu kula yeeshay
madaxwarbaahinta iyo xidhiidhka dadwynaha ee hayada guurdoonka waqooyiga muqdishu xasan macalin
xasan(xasan cade),wareysigiina waxa uu u dhacay sidan:-
warie seenyo:waa maxay hayda guurdoonku?
xasan cade: walaal waa hayad samafal oo loo dhisay inay caawiso walaalaha guurdoonka ee waqtigu aanu u
saamixin iney helaan wehelkii ay wada dhisi lahaayeen qoys islaam ah
wariye:goorma ayaa ladhisay,yaase madax ka ah?
xasan cade:waxaa la dhisay sannadakan aan ku jirno ee 1999, waxaana madax ka ah korneyl Abuukar
Baafow
wariye seenyo: idinka booska aad mujtamaca kaga jirtaan waa maxay, ma waxaad tihiin
siyaasiyiin,ganacsado,wadaado,aqoonyahano ?
xasan cade:walaal waxaanu nahay wadaado
wariye seenyo:sidee xubin looga noqdaa hayadiina?
xasan cade:walaal waa sahal qofku wax uu buuxinayaa foom anuu sameynay, isaga ku qoray xaladahiisa oo
dhan sida magaca,da'da, jinsiyada(halkan ma fahmin waxa uu ula jeedo jinsiyda ma qabiilbuu ka wadaa mise
malaha dad ajnabi ah ayaa loogu talo galay, nasiib xumo wariyhu ma waydiin inuu cadeeyo jinsiyada asaf
dheh) hore ma guursatay, waa maxay qofka/qofta aad rabto sifaheedu iyo kuwo kale oobadan, kadibna waxa
uu bixinayaa 20.000 shilin soomali ah, kiiskiisna waxaa loo furyaa fayl waana la galyaa, oo loo radinayaa
qofkaa /qoftaas uu ama ay dalbtay
wariye seeny:sideedadka ku raadisaan,yaase idiin raadiye?
XASAN CADE:walaal qabkaan u radinaa waa mid sahalan waxaa noo jooga gabadho wadaado ah qaar jaalbiib
wata ito guwo khamaaro wata iyo kuwo caadi ahba oo raadiya haweenka guurdoonka ah ,sidoo kalena ragna
waa jiraa
WARIYE SEENYO:dadka idin la soo xidhiidh xagee ayey u badan yihiin dalka mise dibada?
XASAN CADE:dadka waqtigan xaadirka ah aanu kiisaskooda gacanta ku haynaa waxay u badan yihiin
gobalada iyo degmooyin muqdishu, walow ay jiraan kiisas dibada ah oo keenya gabdho nagala soo xidhiidhay
iyo gabdh italy jooga wey jiraan
WARIYE:waa noocma dadka idinla soo xidhiidhaa?
XASAN CADE:walaahay nooc walba wey leyihiin sida culumo,ganacsato, dad caadi ah iyo siyaasyiinba
WARIYE:oo siyaasiyiintu gabdho noocee ah ayey rabaan waa yaabe!!!!!!!!!?
XASAN CADE:waxay rabaan gabdho yar-yar oo makhbiyooyin ah
WARIYE SEENYO: oo gabdho waalidkood makhabiyooyin ka dhigeen oo ay guri ku xidheen idinku sideed ku
soo sareysaan sow ma adka?
XASAN CADE: walaal wax adgi majiraan, waxay u xaniban yihiin lacag, markaa waa laga doonyaa, lacgna
waa la sinayaa
WARIYE: ma lacag kaliyey rabaan oo guri ugu xabiseen!!!!!!?
XASAN CADE: haa lacag kaliya ayey rabaan
WARIYE SEENYO:xasan haddii ay dhacdo in dadku is turukeeyo ama is cameeyo oo tusaale ahaan sheegto
waxaanu ahyen kadiba uu nooqdo faruur, jiis weyrshe/cawar ama , garoob/carmal sideed u xalisaan hadhow
haddii marka hore been laysku sharxo?
XASAN CADE: walaal kiisas noocaa oo badan nama soomarin, lakiin waxaan mar argnay dhacdo ah nin oday
ah oo 56jir ah uu soo cadsady gabar, gabartii waanu u helnay inkastoo ay mudo nagu qaadtay waayo
gabdhuhu waxooga da'da eyey ku diidayeen, lakiin markii aanu reerkoodii ka doonay lana bixiyey wixii xaq
arin ahaa sida yaradkii iyo sooraydii, gabartiina ninkii la aqal galay ayaa waxaa usbuuc kadib ninkii soo
sheegay in aanay gabartu aheyn sidii loo sheegay ee ahayd gabadh aan hore loo guursan, kadibna wuu iska
furay meherkeedina siiyey
WARIYE SEENYO: waxoogaa dhaqanka soomalida wey ku adag tahat in gabadh guurdoon ah ay isa soo
bandhigto, siday gabdhuhu ku soo galaan xafiiskiina madaama dadku u yaqaan xafiiska guurdoonka inuu
yahay, miyaaney ku adkaaneyn inay gabdhuhu u badheedhaan inay tabeelahaas weyn ee caanka ah soo
hoos istagaan?
XASAN CADE: walaal waa runtaa arinkan mudo ayaanu ka fakereynay sidii aan xal ugu heli lahayn kadibna
waxaanu sameynay tabeelayaal waaweyn oo ay ku qoran yihiin ciwaankan xafiiska tigidhada diyaaradaha,
xawilaada, nootaayo/arjiile,nikaaaxa, iyo guurdoonka markaa shaqooyinkaas waxba kama jiraan lakiin waa
xijaab ama hoosaasin aan la garan qofka u socda xafiiska danta uu ka leeyahay, kadibna wey fududatay in la
soo aglo
WARIYE:meeqa codsi ayaad hada haysaan, meeqaadse ku ku gulaysateen?
XASAN CADE:waqtigan xaadirka ah waxaanu haynaa 70 codsi oo rag ah iyo 50 dumar ah, sidoo akle waxaan
ogahay intaan aqaan 36 qoys oolagu guulaystay, waxaase badan inta aanu isu helnay ee kadib iyagu
arintooda dhameystay, oo hadhow aadoo suuqa iska marya kuu leh miyaadan igaraneyn xafiiskiinan ka
gursadee
WARIYE:haddii laba aad isu geysaan mid ay heshiin wayaan inta ayna is guursan oo mi la soo diido, 20.000
kun ka dhimanyaa?
XASAN CADE: maya ee waxaanu sinaa jaanis kale ilaa inta uu ka helayo qof ay is qataan
WARIYE SEENYO: xasan maxaad u malynaysaa in ay dadka ku kalifeen inay sidan wax ku raadiyaan?
XASAN CADE: walaalow waxaan odhan karnaa waa laba sababood mida hore waa iyadoo dadkani aanay helin
fursado ay ku shukaansadaan qofkay rabeen sifo kasta ha ku timaadee, mida kale waa sababo dhaqaale oo
tusaale gabadhu waxay doonayaan nin islaam ah oo dhaqan fiican oo dhaqda mana ku xidhayaan wax
shuruuda sida lacag, guri iyo wixii la mid ah, ragguna waxay doonayaan haween dhaqaale fiican leh waxat
doonto ha ahaate, markaa dadkaa sababha dhaqaale wadaan ayaa maalmahan u badan daka aanu
codsiyadooda hayno
WARIYE: meeqa qof ayaad kaga shaqeysaan hayada?
XASAN CADE:11 QOF
WARIYE SEENYO: 20.000shilin soomali ah siday idiinku filataa haddii aad tahiin 11 qof, mida kale miyaaney
dadka sirtoodu gacata ka baxayn hadii aad sidaa u badan tihiin
XASAN CADE.waa runtaa lacagtu waa yar tahay, lakiin dad khayr jecel iyo dadkii aanu horey ugu adeegnay
ayaa wax noo soo tuur tuura, mida sirta aan ayaanu u xafidnaa mana dhacdo in dadka warkooda dad kale
ogaado, shaqaalaha oo dhan ma hayaan sirta dadk ee dad yar oo tirsan oo ilaahay ka baqya ayaa haya
WARIYE SEENYO: dadka dibadaha ku nool ee guurdoonka ah maxaad u haysaan qorshe!!!!!!!!!!!?
XASAN CADE: haa walaal waxaanu meelo kala gadisan u dirnay foomamkayga sida AUSTRALIA,USA iyo
meelo kale ,markaa qofku codsigiisa ayuu soo buxinyaa kadiba adreyskiisa ayaanu kala xidhaynaa haddii alle
yidhaa
dhamaad
-Akhristayaal idinkoo iga raali ah wareysiga oo dheer ana idinku mahadinayo samirkiina aad u dulqadteen
inaad wada akhridaan,waxaan jeclaystay inaad jawaab ka bixsaan sidaad u argtaan
-MA DHAQAN ISLAAMBAA MISE WAA DHAQAN GUUR CUSUB OO KU DHACAY SOOMALI?
-MAA LOO BAHAN YAHAY TALAABADAN?
-SIDEE U ARGTAA HADDII WALAALKAA AMA WALAASHAA HAYADAN CODSI U QORATO?
-MA JAR ISKA XOORNIMAA MISE IS BADBAADIN YACNI GOBLAN+GUUMYSNIMO+DHAQAALE XUMO
MIYAA HAYADAN KA ROON EE SABRU JAMIIL,MISE DANTAADAA KA WEYN EE HAYADDA ISU DHIIB
WAA MIDKEE?
-QURBAHA DADKA KU WAREERAY,KUWA NETKA KU DHIBAN FARAJ IYO YAD-DIILO MA U NOQAN
KARTAA?
-UURAYSAYE MAXAY DHALI? HAYADHAN OO KALE HADDII AY MEEL WALBA KU FAAFAAN OO DAD
SHAQO KA DHIGTO DHAQAALENA KA RAADIYO, SUURO KAL MA NOQONAYSAA IN AY ISU BADLAAN,
AMA KA GARB DHISMAAN CALL GIRLS AMA SHIRKADO SIDA KUWA YURUBTA BARI SOO DHOOFIYA
AMA KA ADEEGTA HAWEENKA JIDHKOODA IIBSADA
-GUURKA NOOCAN AHI MAXUU KU DANBEYEEN?
fadlan ku darso wixii su'aal ahee aan ka tagay
mar akle mahdsanidin

By guurdoon#1 on Tuesday, December 21, 1999 - 11:41 pm:

to xiis
aad iyo aad ayaad u mahadsantahay qoraalkan aad
noo soo gudbisay waana wixii ugu qiimo badnaa ee aan ka aqriyo somalinet weligey
umna arko wax dhibaato ah ee waxaan u arka
shaqo loo baahna laakin aan qalbigeena ku soo dhicin haddiise ee ay danta laga lee yahay tahay in dadka isu
baahan la isu geeyo aakhirana waa ajar iyo xasanaad aduunyana waa sharaf
HADABA
saxib waxaan ka mid ahay dadka ugu horeeyay
ee is qoridoona meeshan aan joogo
marka waxaan deganahay maryland usa form-kaasna weli maan arag wax sheegaya ee bal haddaad helli
karto ila soo gaar
mahad sanid markale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam calayku wraxmatulaahi wabarakaatu .
waxaan idin waydiinayaa waxan aad sheegaysaan maxaa ka jira?waxaan kaloo idiin sheegayaa in aadmeel uga dhican gab dhaha iyo waalidiinta dhalay ood ku oronwaxaa udaran lacag ee ma fiiriyaan wax kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iyaa

Unrecorded Date
Been, Baqti, Borobogaando, iyo kutirikuteen ah la soo dhoobdhoobay...................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali yare

Unrecorded Date
Mahdasanid xiis, runtii waa qoraal aad u qiimo badan.
isku soo duuboo waa fikrad aad cusub oo aad u wangsan waana loo bahnaa inay timaado,waxaan qabaa dhib ma leh in qaabkan cusub laysku shukaansado, mida kale waa fikrad lagu dhiiri galin karo in dhalinteenu u deg-degaan dhinaca wanaagsan ee ah guurga iyo in meesha laaga saaro wax keeni kara cabsi, is fahmi waa iyo taakooyin badan oo dhalinyaro badan ka hor tagan inay guri islaama ah dhisaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Walaalayaa waxaa idiin sheegayaa in aarabo gabar ee igala soo xirira Liban71@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.