site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BULGAARIYA IYO BURBURKII DAWLADII CUSMAANIYIINTA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): BULGAARIYA IYO BURBURKII DAWLADII CUSMAANIYIINTA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

carmale

Unrecorded Date
Ka dib dagaalkii koowaad ee dunida burburkii dawladii Cusmaaniyiinta muslimiin badan oo aduunka ku nool ayaa xaaladooda nololeed aad uxumaatay,badankoodana waa la gumaystay.waxayse xaaladoodu ka sii dartay dagaalkii labaad ee dunida.
Umadahaa ay belaayadaasi ku habsatay ayaa waxaa ka mida bulgaariya.hadaba waxaan isku deyayaa inaan si kooban wax uga sheego insha'allaah
Bulgaariya waxay ku taala woqooyiga bari ee jasiirad la moodka Balkan balaarkeeduna waxa uu dhan yahay(111,000KM4 Boqol iyo toban iyo kow kun oo afar jibaaran)Sanadadii sagaashanaadkii dadka waxaa lagu qiyaasay (sagaal milyan waxaana muslimiin ah sadex milyan.
Dadka muslimiinta ah ee degan bulgaariya waxay ku hadlaan laba luqadood tan hore oo ah afka turkiga dadka ku hadlaana waa dadka asalkoodu ahaa turkiga degayna bulgaariya markay dawlada Cusmaaniyiintu qabsatay sanadkii 1396 taarikhda miilaadiga dawladaas oo halkaa ka talinaysey ilaa 1878 taariikhda miilaadiga, luqada labaad waa bulgaari dadka ku hadlaana waa dadkii asalka u deganaa bulgaariya waxayna ku caan bexeen magaca BAWMAAK oo macnihiisu yahay GARGAARAYAASHII(ansaar)waaya waxay ugargaareen Cusmaaniyiintii markay furanayeen Bulgaariya xiligaasna waxay ahaayeen dad muslimiin ah oo horay u sii deganaa wadanka


XILGII SHUUCIYADA (1945-1989)
la soco qoraalada soo socda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

carmale

Unrecorded Date
XILIGII SHUUCIYADA(1945-1989).
Cusmaaniyiintu waxay bulgaariya xukumayeen mudo ku dhow shan qarni oo ahayd 482 sano markay Cusmaaniyiintu turkiga ka bexeen oo ahayd 1876 taariikhda miilaadiga dadka reer Bulgaariya ee muslimiinta ah waxaa soo food saaray dhibaatooyin aad u fara badan oo kaga yimi dadka reer bulgaariya intii aan muslimiinta ahayn oo u arkayey dawladii islaamka ahayd gumayste ku dul habsaday,kelimada islaamkana u arkayey inay la micno tahay gumaysi wuxuuse dhibkii iyo ciqaabkiiba sii batay xiligii dawladii shuuciyada xiligaas oo la amray muslimiinta gaar ahaan kuwii ku noolaa gobalka MUBAAK inay xataa magacyadooda bedelaan waayo magacyada ayaa ahaa kuwo laga dhadhansan karo macne islaam.
Dhibaatadaasi waxay sii labanlaabatay sanadihii todobaataneeyadii iyo sideetanaadkii oo ay dawladii shuuciyada ahayd u kaba gashatay hagardaamada muslimiinta,taasina waxay keentay in badan oo muslimiintii ka mid ahi inay ka cararaan dhulkoodii hooyo una cararaan dalka turkiga iyaga oo diintooda la cararaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

carmale

Unrecorded Date
Raali ha la iga ahaado waqtiga ayaa ii saamixi waayey inaan xiriiriyo.
Waxyaalaha shuuciyada u sahlay inay muslimiinta ciqaabto waxaa ka mid ahaa nin muslim isku sheegi jiray dawlada shuuciga ahina ay kor meeri ka dhigatay oo sirta muslimiinta siin jiray dawladaas.
Mudadii dawladaasi jirtey muslimiintii waxaa loo diiday barashada quraanka iyo xataa in lagu arko kitaab quraana qofkii lagu arkana waxa uu mutaysan jiray ciqaab aad u adag.haweenka waxaa laga mamnuucay inay qaataan dhar muujinaya islaamnimadooda,madaaristii muslimka waxaa loo bedelay meela ay dhalinyarada shuuciyadu ay ku kulmaan,meelo dharka lagu toshoiyo meelo fardaha xirto.markii waxkasta oo khayr ku jiro loo diiday ayay muslimiintii reer bulgaariya islaamkii jaahiliin ka noqdeen caqiidadiina iloobeen.
BULGAARIYA IYO BURBURKII SHUUCIYADA.
Kadib markuu dhamaaday xukunkii shuucigu oo bulgaariya ka talinayey uu dhamaaday 1989kii ayay muslimiintii aad u farxeen una laabteen masaajidoodii iyo madaaristoodii inay boorka ka hufaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CARMALE BOSTAN

Unrecorded Date
SU'AAL MAXAAD KA OGTAHAY XAALKA BULGAARIYA IYO MAANTA?
WAA WALAALKIIN CARMALE BOSTAN OO IDINLEH ISLAAMKA AAN USHAQAYNO SI AAN U LIIBAANO ADUUN IYO AAKHIRO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu alykum....
Carmale, shukran brother, runtii aad ayaan uga faa'iideystay taariiqdaa Bulgaariya ee aad noo soo koobtay......... Aad ayaan u jeclaan lahaa in aan wax ka ogaado taariiqda ama buugaagta ka sheekeeya yurub iyo islaamka... So, which books would you recommend for me... Waxaan rabaa buugaag uga hadleysa from a muslim prospecive.... Please let me know bro.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban

Unrecorded Date
Waad mahad santahay walaalkan noo soo gud biyeye taariiqda islaanka ee yurub adigana ilahay hakaa siiyo ajir iyo xasanaad BY-Liban

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaarshe

Unrecorded Date
uguhoreyn salaan,
Carmale,Bulgariya inkastoo aad taariihko runa kahadashay,waxaad ku khaldantay in islaan ku dhaqanyahay,islaanka jooga waa dhawr boqol oo ajanabiya ee wax muslina oo kale kuma dhaqna.dadka turkiga udhashayna waa dad asalkoodii katagey oo hkamri iyo doofaar hilibkii kunool magacana guudna kasheegta turki iyo islaam.
intaasi waa iga xog ogaal.
mida kale soomaalida ku dhaqani waa 6-qof oo mid hadeer dhashay.
Nabadgalyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.